Maxaan ka galabsadey oo sidaan ey igu gashey?


Maxaan ka galabsadey oo sidaan ey igu gashey?
Qisadaani waxey ku dhacdey wiil dhalinyaro ah oo ku nool qaahira
Waxaana la kulmey anigoo ah tafatiraha webka qalbijaceyl
Waa ardey wax ka barta jaamacadaha ku yaala wadankaani masar
Haddaba wuxuu ku bilaabayaa sidan tan:

Qalbijaceylow aniga waxa igu dhacay ma ahan wax aan inta kusoo koobi karo mise intaad u qaadatid qalin aad kaaga bogsiin karo laakiin waxbaan kaaga sheegayaa:
Aniga wadankaan masar waxaan soo galey sanadkii 2003da waxaan ku nolaa xafad ka mid ah xaafada masar ee caasimada qaahiro igana raali noqo marabo inaan sheego xaafadda iyo magaceyga iyo magaceedaba adoo raali ah waayo waad dareemi kartaa markaan arkey inaad wax ka qortid ayaan isdhahay bal si dadweynaha uu ugu bandhigo qeyb uga taabo
Waxaan joogey muddo sanad ah anigoo ku jiro xareysiga jaamacad ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaan gaar isla soo raacney gabadh aad u quruxbadan oo aad moodid in ishii eegtaba aysan waxba ka sheegi karin oo aan laheyn wax lagu dhaliilo ilaaheybaa u dhameystirey qurux iyo heybad waxaan isu maleeyey inaan riyoonaayo markey soo fuushey ayaan isha ku dhuftey misane waaba iska celin waayey oo indhaheygu waxey rabaan iney iska fiirsadaan
Labadeenaba waan taaganeyn mar uu dhaxda maraayo baabuurkii aan saarneyn ayaa laba qof oo isku korsi fadhiyey ka kaceen oo waxaa la gaarey meeshii ay rabeen
Waxaan si dabcanaan ku jirto ku iri abaayo soo fadhiiso markey fadhiisatey ayaan anna la fadhiistey waxeyna igu tiri mahadsanid aboowe markaan salka la helney korsigii ayaan dhinac u jaleecey waxaan ku iri abooyo see tahay waxeyna igu jawaabtey waan fiicanahay sheeko iyo isbarasho kadib waxaan ka codsadey iney ii sheegto meesha ay ku dageyso waayo aniga waxaan iska jeclaadey inaan iska fiirsado waxey igu tiri meel aan sidaas u dheereyn ayaan rabaa aboowe
Waxaan ku iri ma meesha ayaad degantihiin
Waxey igu jawaabtey maya aboowe ee waxaan gabadh saaxibteyda ah ayaan u socdaa
Waxaan ka codsadey madaama aanu nahay dad isku jinisiyad ah oo haddana isku meel ka nimid
Hadalo  macaan kadib waxaan ka codsadey iney isiiso cinwaankeeda sida mobile numbar iyo landline midna igama didiin si wacan bey ii soo dhoweysey waxeyna ii qortey numbarka mobilkeeda waxey aheyd gabadh ilaahey uu siiyey heybad hadal macaanida aniga durbadiiba waxaan u niyeystey iney ii tahay gabadhii aan raadinaayey
Cabaar ayaan yeelaney sheeko waxaa la isdhaafsadey somali halkeed ka deganaan jirteen adna intee ka deganaan jirtey durbadiiba waxaad u maleysaa inaan isfahaney
Waxaa la soo gaarey goobtii ay ku degan laheyd markii la istaajiyey baabuurkii ayaa waxey igu tiri aboowe waan degayaa meesheydii ayaa la yimid ee macasalaama
Ok abaayo is arakti danbe oo xiiso leh ayadoo igu qosleyso ayaa waxey ii raacisey halagu arko
Waxaan ku iri waa la I arkidonaa haduu alle idmo
Aniga oo yaaban la yaaban quruxda uu ilaahey siiyey durbadii qalbigeyga ayaan la sheekeystey waxaan isweydiyaa mararka qaarkood tollow wiil miyey u socotaa waayo waxaan la dhacay habka ay u lebisantahay hadii aanu nahay somali waxaa caadadeena ah wiilal iyo gabdhaba hadii aan leenahay balan si aad ah baan isku diyaarinaa
Aniga heer waxaan gaarey sidaan iskula sheekeysanaayey inuu gaarigii ila tago oo I dhaafiyey  meeshii aan rabey waxaa I hortaaganaa gabadhii qaabkeeda
Markaan imid xaafadeydii dharkii aan watey iska dhigey waxaan guda galey inaan sameysto raashiin waayo maanta oo dhan ayaa maqnaa
Markaan cunteeyey intaan sariirta isku tuurey ayaan waxaan iska shitey heeso cabaar kadib waxaan isku dayey inaan waco
Ilaaheybaa igu qaadey ee waan wacay
Waa ay iga qabatey salaan kadib
Waxaan weydiiyey iney ayadii tahay iyo in kale waxey igu tiri waa ayadee waa qofma adigu waxaan ku iri aniga waxaan ahay wiilkii aad isku baraneyseen gariga dhaxdiis
Haaaaaaaaaahaaaaaaaaaaaaaaaaa
Haye aboowe see tahay waan ladanahay I swareysi kadib
Waxaan guda galney kaftan habeenkaasi waxey ii aheyd habeen farxadeed
Muddo kadib hadalka yaan kugu dheereyn waxaan ka codsadey inaan wada kulano waayo waan isku dheeraaney
Igama diidin ee waan wada kulaney waxaana u sheegey inaan ka heley oo aan rabo inaan wax la wadaago hadalka igama waalin waxey igu tiri dhib malahan hadiiba adiga aad doorbidey inaan noqono lamaane
Runtii ka helintaankeygii horey ayuu u sii kordhey waxaan ku wada sheekeysaney meel yer oo loogu tala galey laamaha oo ay ku baxdo sheekada markaan yara cabney ayaan isa soo raacney ayada dhankeeda ayey aadey waxaa dheeraadey xariirkeenii aniga waxaan u qaadey jaceyl dhab ah ayadana koleyba sida ay ii sheegey iney I jeceshahay
Waxaa sii batey kulankeena aniga aad baan u jeclaadey ayadana sidaas oo kale laakiin wixii ilaahey uu kuu qorey weyn meysid
Waxaan wada soconey muddo sanad ah ayada waxey qaahira soogashey 2002dii sanad kadib aniga jaceylkii ayaa igu weynaadey
Mararka qaar waxaan aadnaa webiga niilka si aan meesha ugu sheeka tagno runtii gabadhaasi kama faaloon karo kumana soo koobi kari hadal oo kaliyah
Muddo kadib waxaan meel wada dhiganey axdi iyo balan oo inaan cid kale guursan doonin anna sidaas oo kale
Laakiin aniga wax ma ogiyee waxaa la yiri nimaan wax ogeyn ilaahey ma cadaabo aniga waxaan u heystaa gabadhaan quruxda badan inaan ku ahay keligey sedexsano kadib waxaa uu ilaahey qadirey jaceylkeygii inuu isbedeley oo aan ka waayey firfircoonaantii aan kugaran jirey markaan wacaba waxey igu tiraahdaa aboowe mashquul ayaan ahay wax yer kadib isoo wac
Markaan isku dayo inaan ku iraahdo habeen danbe waan kuu imanaa
Waxey igu tiraahdaa maya aboowe waxaa ii timid gabadh saaxibteyda ah ayada ayaan rabaa inaan meel u raaco wadanka wey ku cusubtahay aniga hadaleeda waxba uma qaadan waxaan ku dhahaa dhib malahan maalin kale ayaa kabadan waxaasi oo dhan ma arko ee waxaan eegaa jaceylka aan u qabo .
Waxaa la gaarey xiligii kuleelaha dhalinta soomaliyeed xiliga kuleelaha waxey adaan dalxiis oo ay aadayaan gobolada masar
Maalin ayaan isu raacney dalxiiskaasi waxaan ka soo noqoney anagoo faraxsan oo soo damaashaadey waad dareemi kartaa qof ay la jirto gacalisadiisa
Markuu ahaa sanadka 2007ba ayaa waxaa dhacdey iney wajiga ii bedesho qoftii aan ka doortey hablaha faceeda ah aniga waan yaabey oo waxaa ila soo gudboonaatey murugo
Aniga waxaan ahaa qof inta lagu soo biilo laakiin waxaan ahaa qof dadkiisu ay dhaqanyihin waxaan ku tala jirey inaan ehelkeyga u sheego iyo wiilal ila dhashey oo ku nool wadada galbeedka si ay igu sameeyaan aroos aniga waxaan ka dheelaayey meel dheer laakiin nasiib daro qofka aan u dheelaayey jartiisi adag ma aheyn qof dhankeyga usoo jeedo
Waxaan war geliyey wiilashii ila dhashey waxaan ku iri waxaan rabaa gabadh ila joogto ayaan wax meel isla dhiganey marka inta aan ka dhameynaayo jaamacad kadib aniga ayaa wax qabsandoonee ii aroosa waxey igu dhaheen  adiga ley soo dhameyso diyaar ayaan kuu nahay
Maalin ayaan balamiyey waxaan ku iri ka waran hadii aan aniga iyo adiga aan ka mira dhalino jaceylkeena markaas ayey igu tiri oo sidee ah waan aqal galeynaa waxey igu tiri aboowe inteed u degdegeysaa aniga waan kuu joogaaye jaamacadaada maad iska dhameysatid markey hadalkaasi igu tiri ayuu shaki igaley
Anigoo yaaban ayaan ku iri dhib malahan hadiiba ay sidaasi tahay waxeyna ii raacisey aniga adiga oo kaliyah ayaan kuu jogaa kaama dheeri adna inta ayaad jogtaa anna waan kula jogaa ee jaamacadaada dhameyso
Waxba kama qabo ayaan ku iri
Waan ka soo tagey sidii caadda inoo aheyd wey isoo dhaweysey ayadoo niyada ii dhiseyso
Waxaan ka shakiyey iney la socoto wiilal kale laakiin wiil aan saaxibo nahay ayaa ii dejiyey arinta wuxuu igu yiri gabadhaan lama socoto dhalinyaro kale oo qaahiro joogaane saaxib sheydaanka iska naar
Anigoo taasi la yaaban ayaan wacey habeen habeenada kamid ah telkeeda waxaa iga qabatey gabadh kale waxeyna igu tiri majoogto aboowe
Waxaan ku iri intey jirtaa
Waxey igu jawaabtey cilaan saar
Hadey imaado ha isoo wacdo waan u baahanahay
Waayahay waan u sheegayaa
Markey itimaadey ayey isoo wacdey waxeyna ii sheegtey iney jirtey cilaan saar laakiin meeshaasi waxbaa ku jirey aniga waxba lama socdi waxey kaloo igu tiri aboowe beri danbe waxaan aadi rabaa lixda oktoobar mise 6 oktoobar oo ah magaalo ku taalo masar isbuucaan waxaan rabaa inaan meesha soo joogo waayo eedadeeda ayaa meesha degan waa sida ay igu tiri laakiin hadalkaasi waxba kama jirin ee aniga ayaa la ii dhigey shabaq eber ah
Markey ka soo wareegatey labo beri ayaan wacey telkeeda wuu dansanaa waxaan wacey saaxibteeda oo isku meel joogeen waxaan ku iri aawey hiblaayo waxey igu jawaabtey adiga hibil miyaa
Waxaan ku iri haa
Aboowe adoo raali ah gabadhaasi masar oo dhan majoogto ee waxey baxdey aniga markiiba waan naxey waxaan ku iri intey aadey waxey igu tiri mid kamid ah iskandaneefiyanka iima aysan magacaabin meesha ay sida tooska ah ay u aadey
Waxaa iga yimid dhidid oo goobtii   aan fadhiyey waxey noqotey dhidid kaliyah goormee baxdey aboowe habeen hore ayada ayaan ka wareystey see wax u jiraan walaaley
Waxey igu jawaabtey wiil ay isla socdeen ayaa wax udhameeyey oo xitaa mar ugu yimdi qaahiro oo uu nikaaxsadey ayada waxaasi oo dhan iima ay sheegin
Maxaan ka galabsadey oo sidaan igu gashey?
Inta aan la socdeyba waxaa u socdey dood oo xitaa mar wax ka halaabeen sida aan markii danbe soo ogaadey aniga waxaan meel dhigi waayey jaceylkii ay igu beertey hadii ay ii sheegi laheyd nafteyda sidaan oo dhan manoqateen khiyaanada ay ii gashey ayaan ka shaleyey
Muddo kadib ayaan ku arkey msnka waxaan ku iri maxaan kaa galabsadey oo sidaan igu gashey ?
Aboowe i cafi aniga waalidkeyga ayaan meel aan ka fadhiisto waayey waxaana la igu darey wiil uu dhaley adeerekeyga
Maxaad igu sheegi weysey oo ii maaweelineysey ?
Maxaan sameeyaa aniga waxaan kuu diidaayey inaan kaa jebiyo qalbiga oo hadda miyaad ii dhistey qalbiga koleyba
Waxaan ku iri aniga ugama horeeyinee khiyaanada aad ii gashey ilaahey wuu arkayaa daacad ayaan ahaa abaalkaagana waad heleysaa
Xitaa hadalkaasi xili aan dhahay waan garan waayey
Waxaan ku iri aniga sidaan waaba ii gashey maskiinka ku guursadey ley ha qiyaanin
Waxey igu tiri i cafi aniga hadii aan ku cafiyo ilaaheyna beenta aad ii sheegtey anigoo waxba kaa haleyn jaceylka beenta aad igu abuurtey
Hadda waxaan ku suganahay walaahi ma garan karo qalbijaceylow
Waxa aan sameeyo magaranaayo jaceylkii ay igu aburtey ayaa i hortaagan ma garanaayo sida aan u iloobo
Waxaan ka codsanayaa dhalinyarada soomaliyeed wiilal iyo gabadho qofka bini aadamka ah inuu u sheego runta waayo waa uu qancayaa adiga magaran kartid xili aad wax ka heshey kama fiirsan kartid qalbigaaga ma xakameyn kartid marka waxaa la rabaa nafta laga heley iney runta dadka u sheegto si aysan naftaasi ay halis u galin
Haddaba ma u maleynaayo inaan jaceyl danbe sameyndoono ilaaheyna waxaan ka baryayaaaaaa in umadeena uu ku sooceliyo iimaanka waayo dhalinyaradii waxey ka wada tageen imaankii

Hadda wiilkaani oo ku dhacdey qisadaani waxaa uu la hoygaley murugo jaceyl inkastoo uu hadda asna ilaahey u fudadeeyey uu dhameystey jaamacadii uu mardhowna ku wajahanyahay wadadamaasi galbeedka siiba iskandaneefiyanka waa meeshii ay tagtey qofii khiyaaneysey

Waxaan leeyahay ilaahey hakugu bedelo mid taasi ka wanaagsan umada oo dhan isku mid ma ahanee waxaad heleysaa mid ka wanaagsan

Dhalinyarada qaahira iyo yurub maxaa kala heysto ma ahan qofkii ugu horeeyey ay ku dhacdo qisadaan oo kale waxaan idiin heyaa kuwa kale

Waa suaaalo
Dhalinta qaahiro jaceylka ma ka dhabaa mise waa dano oo kaliyah ?
Waxaan maqli jirey markaan imaanaayey anigoo ah qalbijaceyl
Jaceyl iyo qaahiro isku meel magalaan malaguu jiraa yurub?
Hadey jawaabtaadu tahay jaceyl yuusan ku gelin
Howshaada iska wado
Hadda ka hor ayaa suaashaani waxaan weydiiyey mucaashaqiin joogta masar
Waxaan jawaab u heley
Labo qaawan isma qaado
Dabcan wiilashii waxey daneynayaan gabdho yurub jooga gabadhihiin sidaas oo kale wiilal yurub jooga
Tollow nafsadaana kulama tashaneysee hadii aad ka heyshid gabadh mise wiil oo wiilashii iyo gabadhihiina ay wada daneynayaan yurub
Jaceylkaasi muxuu noqondonaa
Ma dhabaa mise waa dhalanteed hadii labo ruux iska helaan oo lamaane noqdaan ?

Waa qalbijaceyl oo idin leh wixii fikir ah inoogu soo dira
Qalbijaceyl11@hotmail.com
Ilahano@hotmail.com

Waa saaxibkiina hawada
www.nololcusub.tk
 hoyga arimaha bulshada
Ka dhigo hoygaaga kowaad

About these ads

1 Comment

  1. WAA RUNTAA JACEYLKA AAN LAGU LAWADIN WAA DHIBAATO QOF AAN JACEYL HAYNA WAA DHIBATO WAXAA YEELAY MABA KU OGA MUXUU KAA OG YAHAY.
    WAXAABA LAGAYAABAA INAY NINKA KALE BARATAY KADIB.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 27 other followers

%d bloggers like this: