waa maxay jaceyl ?


w/q;abubakar mohamed hassan oo ku sugan jaziirada maalta oo marwalba niiga haqabtiro sheekoyin geeraaro aad u xiiso badan ona xambaarsan fikrado kala duwan oo markaasna aad ka heli karto fikradada waxa ay ubaahan tahay waxaana marwalba kala soo xriiri kartaan abubakar65@hotmail.com

hadii lagu weydiiyo oo lagu su,aalo oo lagu dhaho waa maxay jaceyl maxa ku jawaabi lahayd iisheeg,,,,,,

waa maxay jaceyl,,

J: jacayl waa dareen xanbaarsan guur xalaal ah iyo wada noolaansho raaxmo leh oo aan marna lays saluugayn

waa maxay kalsooni

2.waa maxay kalsooni?
j: sidaan filaayo kalsooni waa lawada garanayaa waa ta isku keenta laba qof waana ta ku gu dhiiri gelisa in aad ruux la sameysid xidhiidh jacayl naftaadana ku aamintid

waa maxay xishood,

3:waa maxay xishood?
j: xishoodku waa shay aad u wanaagsan badanaan qofka xishooda wuu ka dhex muuqdaa dadka kale hadii aan isku dayo in aan ka jawaabo kelmada xishood waa sida tan xishood waa ka sababa in wiilka ama gabadhu sameeyaan jacayl dhab aha waayo dadka qofba qofkuu ka xishood badan yahay ayuu ka heli ogyahay jacayl dhab ah iyo nolol wanaagsan
4:Maxay dhalin yarada is jeceli u yidhaahdaan la’aantaa ma noolaan karo?
j:waxay u yidhaahdaan si jacaylkoodu dhadhan iyo daneyn u sii yeesho qofka uu jecelyahayna aanu ka xiiso go’in
5: ma marka ka heli taanku yimaado ayuu jacaylku yimaadaa mise marka jacaylku yimaado ayuu ka helitaankuna yimaadaa ?
j:su aaashan sidaan filayo waa lawada garanayaa waayo marka ka helitaanku yimaado ayuu jacaylkuna yimaadaa soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa waxay indho arkaan ayey ilko gooyaan
6: waa maxay dhibaatooyinka lagala kulmo jacaylka?
j:dhibaatooyink lagala kulmo jacaylku maaha wax aynu halkan ku soo koobi karno waxaa tusaale wanaagsan inoogu filan dhaawaca soo gaadha lamaanayaasha is jecel marka ay ku midoobi waaayaan nolosha
7:dadka ma ku waanin lahayd in ay jacayl dhab ah sameeyaan?
j:waxaan jeclaan lahaa in aad su’aashan ka soo jawaabtaan idinka oo mahadsan
8:maxaa sababa in qof qof kale u ilmeeyo ha dii uu ka diido jacaylkiisa?

j:waxaa sababa dhaawac iyo dareen culus oo ka soo gaadha qalbiga marka uu ku guul dareysato jacaylka dhabta aha ee uu soo bandhigay
9:ma jeclaan lahayd in daawo loo helo jacaylka adigu se maxaad daawo uga dhig lahayd hadii laguu keeno qof jacayl hayo?
j:fadlan su’aashan waxaa mudan in aad akhristaw ka soo jawaabto si aan u ogaano fikradaada
10:adiga oo qof jecel hadii wiil ama gabadh kuu yimaadaan kuuna sheegaan in ay jacayl dhab ah u hayaan qofka aad jeceshahay kaana codsadaan in aad jacaylkooda tix geliso maxaad sameyn lahayd?
j:runtii tix gelintu waa wanaagsan tahay laakiin sidaan filaayo ma jiro wax walba oo dhaca qof jacaylkiisa is dhaafin lahaa taana waxaa tusaale inoogu filan cilmi boodhari waxaa helay jacayl dhab ah hodan in dartii loo soo furan way suurto geli weyday
11.hadii aad jeclaatid inan misana si lama filaan ah walaasheed ama inan ka mida ah qoyskeedu kuugu soo bandhigato jacayl maxaad sameyn lahay
j:akhristaw waxaa haboon in aad nooga soo jawaabto waxaad sameyn lahayd hadii taasi kula gudboonaato
12:hadii aad jeceshahay qof misna aad ka baqaysid in aad u sheegto jacaylkaaga maxaad sameyn lahayd?
s:rayi ahaan anigu waxaan sameyn lahaa waxaan si toos ah ugu sheegan lahaa jacaylkayga qofta aan jeclaaday aniga oo aan qofna u xilsaarin arimaha jacaylkayga
13: weligaa qof ma jeclaatay muxuuse ku danbeeyey jacaylkaagu hadii aad sameysay ?
j:sidoo kale su’aashan adigaa xaq u leh in aad ka soo jawaabto
14:maa rumaysantahay jacayl laga sameeyo intarnet ama telfoon in lagu guulaysto ?
j:haa waan rumaysanahay waayo waxaa jirta in dunindan wax walba lagu arki karo mana aha wax aad u sii ridan in ay rumawdo waayo horeba waa loo argakay dad ku guulaystay xidhiidhka caynkan ah
15:Qof ayaad jeclaatay si xad dhaaf ah markaas ayaad ku tidhi la’aantaa qof kale ma guursanayo isna wuxuu kuugu jawaabay maya sidaa ha yeelin waxaa laga yaabaa in aan dhinto ama aynu is weyno qofkaasi ma qof ku jecel baa mise waa qof ku neceb?
j:waa qof ku jecel wanaagna kula doonaya
16:hadii aad tahay qof jacayl hayo ma jiraan heeso ama geeraaro aad adigu nafsad ahaantaada curisay ?
j: jawaabtu waa dhankiina idinka oo raali ah
17:hadii aad ruux jeclaato oo uu ku yidhaaho waxaan jeclahay qof kale ee raali noqo ma sidaas ayaad jacaylkaaga ku deyn lahayd mise waad ku dadaali lahayd sidii aad ku heli lahayd kuna kasban lahayd jacaylkiisa?
j:waxaa soomaalidu ku maahmaadaa dadaalaa xaaji cabaas waa gaadhaa waxaana haboon in uuna qofku niyad jabin iskuna dayo in uu ku guulaysto jacaylkiisa taa hadaan ka gudbo qofku ma ilaawo jacaylkiisa u horeeyey ilaa uu meel ku hubsado guul ama guuldaro
18:ma jeclaan lahayd in la sameeyo dad u dooda xuquuqda jacaylka?
j:su’aashan adigaa lagaa sugayaa akhriste
Q\ abubakar mohamed hassan
wixii talo iyo tusaaleeyn ah waxaad nagala soo xidhiidhaan walalkayna qalbi jaceyl………..

About these ads

106 Comments

  1. Wad salamatihin dhamatin hadi an u guda galo su’ashan rabo inan ka jwbo su’asha 11 marka hore ha wan jeclaan laha in dawo lo helo jecelka taso dawo ugu dhigi laha qofka jecelk inu helo qofta u jecel yahay ilen tasa dawo ugu filan qofka hadi an saxsanahay iyo hadi kalabo waga ra’yigayga qofki dood ka qabta ha igala so xariro emailkan nada138@hotmail.com wadna mahadsantihn ok

    • aniga wax ahay qof jacel soo maray misana ku guul dareestay hadan ila hada niyadeeyda aan wali ka go in mar walaba on sheeko jecyl ah aqristo waan iska ilameyaa
      maxan sameyaa oon qofkaas niyadeeyda uga jaraa pls ii ga soo jawaab mida kale aad ayaan ugu baahanahay dad u dooda xaquuqda jaceeyl waad mahadsantihin in badan

      • wan ku sallmaya waa jirtaa dhacdadaas lakin aana ka jawaabi
        lakin waxan u baahnahay ma heleysaqofkas hadad heleyso siaaad uu kaga go o jacayl niyadad aku jirta waxaad samaynaysa
        waxan fiicnaan lahayd in aad wax yar oo qisa ka soo sheegto jawaabta sax da ah ana kuu haya ciwankayga waa abdla nor igala soo xiriri ramka2008@hotmail.com waayo jawaabta waxay ku haboontahay in wax iiga taabato wax yaabaha uu wax kula qaban waayey tas waxan uheli kara jawaab sax oo qalbigaago uga guuro

    • wadsalaamntihin dhaman tiin hadii abn uga gud bo su aash an rabo in aan kajawaabo waa su aasha 18 anigu waxan odhan lahaa haloo sameeyo jacalka dad udood oougurmada ileen jacalku wuxuu wax yeeleeyaa qalbiga biliaadnka wanakhatar waynu ognahay waxa jidhka kaa soo gaadha iyo waxa qalbiga kaasoogaadha iku mid maa ah qalbiga micilaa waad waalan kartaa waxaan jira dad aan aqoonba jclka oo

      layaaba markaa jacalku waama siibo hadii aad ku guul daray satid waxa og qof soomaray dhibka iyo fakarka iyo walwalka iyo walaaca wad mahadsantihiin qofkii qaba su aal igala soo xiriir h

  2. asc dhaman dhalinta qorayasha iyo aqritayasha fikradayda hadan kahadlo jcl waa an iswarno waxa uku sobiya shubenayo urkana waxa ucedeya inlawasay qoftaa that is the and of my idears thanks

  3. dhamaantiin waad salaamantihiin intaa kadib walaal gabadh ayaan jecalahay iyaduna waxay tidhi waan ku jecelahay sidee ayaan ku ogaan karaa inay gabadhu i jeceshahay

    • Waxad ku ogan karta 1in hadalkedu u badanyahay ru 2in ay tahay qof ku nugul 3in ad ku kalsonan karo

  4. dhibta jacaylka iyo raaxada jacaylka yaa badan aan rabaa in la ii sheego?
    waliba waxaan rabaa in la ii sheego raga iyo dumar ka mid kee ayaa ku fiican jacaylka?

  5. asc dhamaan sxabta oo idil kadib waxaan dood kaqabaa waxa ladhaho jclka sual ?{maxaa kadhasha jclka marakaan loo marin wadada xalaashaa ah ? } waxii jwaaab ah halaigu soo haggaajiyo ciwaankaan (geediyare2008@hotmail.com) waana mahadasant5ihiin

  6. marka hore asc dhamaan aqyaarta waan kaxumahay waan kasoo daahay bagekaan anyway waan aqriyay bagekaan lkn arimo fara badan ayaa kadhiman aniga qaasatan waxaan usoo galay in aan fikrad kaqaato lkn tan an usoo galay maba kujirto bage teeda waxa weeye qof ayaa mudo dheer is jecleeenay lkn hada guuldaro ayuu ku dhamaaday anigoo jecel wax walboo ay jeceshahayne aan siinaayo ayee nin iga raacday runti aad baan ugu naxay mudo kadib qofki oo hooyo noqotay walina xaaas ah ayaa xariirkeeda dib usoo curiray sheeko dheer kadib qofkii waxay bilowday in ay kasheekeeso arimaha qooskeeda dhibna ay ku qabto waxaa erayadeeda ka dha dhansankaray in ay dooeeso in ay bur buriso gurigeeda eena dib iigu soo laaabato runtii qofka aad baan u jeclahay lkn waa xaas mana doonaayo in aan xariirka qoskeeda bur buriyo maxaa yeelay labo caruur ah ayee heesataa sidaa darteeda anigoo jecel ayaan dhahay abaayo raali iga noqo maku jecli waan ku iloooway anigoo iyada u daneenaayo markaa sidaa dhahayo makawado aar gudsasho waxaan kawadaa wanaag marka sxbyaal maku qaldanahay?

    • maya waad ku saxsaan tahay waayo iyadaad daryelay oo wax uu taray sa madama oo ay labaa caruura ay yelaatay sidaad ogsoon tahay naa uma ficno caruurta kala taga hooyada iyo abaaha

  7. Socoto dhmeestr> wxay igu tiri dunidaan aat ujee dit lacag ayaa socdo ee waxba iima haysidee marwo ayaan ahay iga har isla markaa naxdin iyo ciil waan la hadli waayey waxaan aada dhanka bada ciil iyo ilin teyda ayaa igu dhamaadeen ilaa waaga meesha ayuu igu bariyay sedex haween iyo sedex maalin cunto waan qaadan waayey markaa kadib waxaan go aan saday in cimri gaya inta ka dhiman inaan sidaan ku dhameesto aan noqdo qamqrji aan istic maal mukhaadaraatka kala duwan gabadhaasi ne waxaay iga gashay ale xagii ayaan uga dac wooday asxaabta waxgaratka ahaay iga jawaaba maxaat igu la talin lahay daan miyaan isdilaa ama waan noolaada sun miyaan cabaa ? W/c

  8. A.s.c waan idiin salaamay dhamaan dhalan yarada barnaamijkaan ka kheeb khaateen waxaan halkani jeedin rabaa rawaa taariiq igu dhacay nafsa dayda waxaan isla jaclaan jirney gabar magacaydu layidhahdo luul jacayl keenu wuxuu ahaa mid aad iyo aad usareeya aniga magacaygu waxaa layirahdaa maxamed waxaan kunooleen iniga iyo luul soomaaliya gobola sh.hose ee degmada baraawe jacayl keenu wuxuu inoo socday mudo dheer ah maalin maalmaha kamid ah ba jacayl keenu waa sii kor dheyse anigu nafsa deyda gabadhaa aad iyo aad ayaan ujaclaa hetaa naf sadayda waan uhuri uhuri jiray indha hayga iyo noloshayda ayaan ka jaclaa hetaa wahyar inuu iga fogaado raali kama ahayn ayadu na way ijacleet waxaan kuba lanay inaan is guursano anigu guurkeedi diyaar ayaan u ahaay laakiin se waqtiga ayaa wax kadhineet maalin maalmaha kamid ah ayaa gabadhii waxay igu dhahday aboowe waxaan rwaa inaan mogadisho aado xawar yartee ayaa xanuunsan ayada ayaan soo fiirin rawaa lawaaton maalmo kadib ayaan kuu soo laawanayaa ee aboowe ifasax ana waxaan ku iri abaayo lawaatan maalmo waa igu dheeryahay waan ku faxaya ee dhaqso igu soo laawo maadaama xawaryar uu xanuun san yahay macaaney balan iga qaad markaa soo laawatid inaan is guursano way iga yeeshay ana sidaa ayaan ku fasaxa markaa kadi mar kaay safarka aada lawo goor ayuu talee fon iga soo wacay gadaasheed wax hadal keed waan waayey dad ayaan usoo doray inuu xaalkeeda ii ogaado ninkii aan udiray ayaa jawaab igu sheeg tay gabahaa in laguursaday ooguursa day nin sgaan shiye ah reer xamar weyne ah oo lacag qawo arin taa darteed naxdin ta aan unaxay maskax daydu shooqi ayay ku qaadatay sidaa ka harin talee fion ka cidooda ayaan raadiyay aan wacay waxaan waydii yay arima heyda waxaa la igu jawaa bey nin keeda ayay lajoogtaa tslee fonka ayaa la igu damiyay markaa kadib kama harin ee safar ayaan ubaxay awaxaan aadey meesha aay joog tau ayadii ayaan raadiyey waan arkay waxaan ku iri maxaa kawadaa sidaan abaayo waxaay igu dhahday iga raali noqo lacag mahaysaa

  9. marka hore waxan salaamayaa bahada sodiyarisay barnamujan intaa kadib runtii waxaan aad uuladhacay sida xisaha badan ee aad u sodiyarisen shekadan waxana kadsifican geradada macane xisahale ee taxanah ah wale markan akhriyay waxan daremay waxanan horay uu arag maxayelayay waxaa idhandhamay shekada iyo gerarka macan

  10. waan idin salaamay marka hore salaan kadib waxan run ahaantii ladhacay sheekadan macan ee aadka uu xisaha badan waliba intaa waxaa sidher geerarada aad ka uu xisaha badan ayaa igu dhaliyay dareen aad uu badan maxayelay waxay itabten meel bugtay

  11. Wlal waxad iiga waramtaan qof si dhab ah ii jecel anigu se ixtraam iyo qadarin mooyee wax kale uma hayo , qof kaas oo kale sidee baan ula dhaqmaa .. anigoo isla markaana arrin aanan Rabin inaan meeshan kasheego ku diidaya .. Bal ila taliya walaalayaal …

  12. Wa jira jaceyl hadan ka aniga ka hadlo fikradeyda aniaga waxan jecla gabadh sow jaceylkena usocday ayey igu boday markas ayan gerrarkan u tiriyey on iri
    bugga iyo dhigalkiyo adon baran ban ku bilabay jaceylkuye ma markad da,disiyo shaqalkisa baratey miyad laba boglayso dulkale u baqday ma markan hatan ku bagay miyad soo bari iledahay illen dumar wa balayo cudur ana baxeynin

  13. Taageero waxaan u hayaa jacelk (Red is red -Red is blood -Blood is heart -Heart is love -Love is LIFE

  14. Asc wa maxy jaceyl!?

  15. Waa maxey jaceyl? Yaana udhintay?mase loo dhinta?yaase udhintay?kajawab suaalahaan.

  16. waxan ahay wil 12 jir ah waxana i hayo jacel ee maxad igula talin la heden

  17. Asc dhalitta jacel hormarka jacelka waxan idikatalin in aad jacel kasamisin tel ama intarnet

  18. A/s sln kadibna wxn is weydiyey sanadka jaceylkii miyuu dhacay waan yaabey! Bal walaaliyaal isheega waan yaabey! Ani kadhbna wxn idan leyahay dad weynow dhageysta tarikhdeyda nolaled Sey tahay Ani wxn jacelahay gabar layiraado safiya wxn jacelahay mudo dhan(8)yeres ayaan isjacelanahay walaali yaal marka so layaab malahan ah’dey igu tiro war nadhaaf geed yahaaw xun ka aha! Wan yaabanahay Ee ilataliya walaaliyaa? Lkn waxaa run ah jacelku inuu jiro waan lama xuraan…………………

  19. Sabirin waxay ka hada shay wa jira wana ku racay

  20. abubakar Ali hada waxa uu nola shiisa ka jecl yahay gabar lagu maga cabo xafso salaad balse waxaa abubakar waxa dhinaca kale ugu dhagan oo leh dib iigu solaabo muna cali ila taliya muno maxaa igala gud boon majogaa mel aan dib ufirinkaro gapa dhaa mase waxaan sihaya wadadeyda eey igusugeyso nolasheyda jclkeyga iyo far xadeyda

  21. asc wallal yal waan idisalamay salan kaib waxan rabaa talo tasoo ah waxaa jirta garab aan yaraan tenii aan is jeclen gaba dhaa waxaan wada soconay mudo 4years ah qasatan anaa dhab u jclaa sanadii 2009 waqtigaasoo aan balan ku soo kala tagnay anigoo waqtigaa soo aday keenyo mudo kadip waxaa dhacay in laguur saday gabadhi wan sabray lkn hada oo ah 2011 ayaa gaba dhii oo madax banan idhaheyso tiwey dhac day calaf ayaa sida noqday lkn wili waan ku jclhay hada maxaan ku jwbaa ilataliya

  22. Dhamaan waa idin salaamay
    sxbyaal mid ayaa idinka waanina waa NABSI
    waliga ruux kujecel nabsi lagama galo

  23. Asc dhaman wan salamaya dhalinta jecel hurumarka jacaylka waxan donaya inad fikrad iga sìisan sida aan ku daremaya jaceylka dhabta ah e qof lamanaha ii aha jecel hurumarka jacaylka waxan donaya inad fikrad iga sìisan sida aan ku daremaya jaceylka dhabta ah e qof lamanaha ii ah

  24. asc dhaan wan idin salaamay raf iyo dumarba waxan qaba su al ah hadi gabii ad jecleey darteedna ad ugashay ee dhawac fara badan kasoo garay dabkaasi marki ay ku aragtay rafad ka ad umareyso dar ted ku gu tirahdo dhib intan ha kugu ekaado ee iska keey iloow max sameyn laheed

  25. a.s dhabandhalinyarad hal kan ku dhaqan guudo iyo dimadma wallo fikirkayka hadan ka dhibto jacal ma wax jira? haa haday tahy jawaabtu siida loo hanankar qof aad jacalto ? ma la ga yaba iin uu jacal k yahy xanuun fiida haa waa sida jacal ku tala gal inu ahahyin siida aad moodayso

  26. jacal waa daran dhah oo uu dhaxaya labad qof aa s jacal hadma jacal dhaib ma loo mar ah la kiin siida loo hanan kara jacal ka dhabta ah qof waliba iis ku day siida aad qof ku jacal u hali lahyid oo hadad ha shayna ha shawicin plzzzz dhawr qof ka ku jacal

    • jacel waa in lawad raxeesto keenana in lais inkiro waxa kasook baxaa raxaadasa
      mana jirto rux jaceel qaaday ilaa waa ukashalaayaa yaan loo maleen jacelka wax fiican hanalaa ogaado inu yahay wax xun inta jecel xaaraanta ayaa ku qaraabta jclka ugu danbeen waa kadigayaa jclka

  27. asc aniga will ayaan jaclahay inan cunta waan ka go ay mana sexdo jaceelka uu ila waadey lakiin runti markey timiid wuxu igu jawaabey abaayo aad ayaan ku jaclahay lakiin nolool diyar uam ihi waayo naafteyda meel kama so saarin anaa waan qaadan waayo qof ijaceel oo idhahayo iska daneeyso noloolasha aad uqaalanto kuma waado seed uu aragtan walaalayal ma maquulba qof ku jaceel inu ku dhaaho iska daaneyso hadana uu iska dhiigayo inu adigan ku daaneynayo lakiin wadnahaga dhaawac ku dhuuftey iga so jawaab
    dadka waayo araga ah

    • asc walaal wey dhic kartaa waayo waxaa laga yaabaa in qofkaan uu san haysanin wax hanti ah ama wax shaqo ah oo uu yhay qof iskaga noo nolol cadhiidhi ah adigane usan kuu quudhin wey dhic rataa adig ahan inuu sas kuu leeyaay lkn koley anig ahan masameeyeen walaal

  28. asc aniga will ayaan jaclahay inan cunta waan ka go ay mana sexdo jaceelka uu ila waadey lakiin runti markey timiid wuxu igu jawaabey abaayo aad ayaan ku jaclahay lakiin nolool diyar uam ihi waayo naafteyda meel kama so saarin anaa waan qaadan waayo qof ijaceel oo idhahayo iska daneeyso noloolasha aad uqaalanto kuma waado seed uu aragtan walaalayal ma maquulba qof ku jaceel inu ku dhaaho iska daaneyso hadana uu iska dhiigayo inu adigan ku daaneynayo lakiin wadnahaga dhaawac ku dhuuftey iga so jawaab dadka waayo araga ah

  29. jacelka ma’ahan ben waa nolal iftiinkeda indhahana kudirsadan sidii ubax derdi baxay qalbigona kudogsado sidii rob gu’oo da’ay dhulkana xareda waran tahay, marna waa udgon yahay miski waa kadaran yahay marna waa macaan yahay sidii malabka shinida oo kale markan hoos udaadago dulucda iyo ujeeda dhaha aan kaqado jacel waa nolal bilawgeda iftinkisa k

  30. marka hore bahwaynta jacaylka kahadlaysa waxaad iga gudoontaa,
    salaan kalawacan dhanbaaaladu kalaroon sidoodaba sona martay hawada udgoonka badan bsln.

    magacaygu waa yusufqalbi

    anigu waxaan dhihi lahaa hadaan waxyar kataabto jacaylka
    waa nuur waa udgoon saxn saxo udgoon hadana aan lataban karayn
    kana bacaan shinida malabkeeda kana khadaad {dacadra} runtii waxaa hela 100/20
    jacaylka dhabtaa kuwaana wa kuwa midhihiisa abuuray kana gaadhay dheeeftiisa
    wana lamaanaha isqaba hadaba runtii naftaydu waxaan ka aminsanahay jacaylka dhib & dheefba inuu leeyahay waxaana lobaahanyahay markaad ubadheedhayso inaad {wadada jacaylka qaadayso waa inaad udul qaadataa dhib& dheefba waxa ka horyimaada aad xabad ka kuqaadato ayaa lobaahanyahay saad uga salgaadho midhihiisa waa xanuun, waa macaan , waa dab kulul naftuna khatar galinaysa waa inaad horay ugu socoto oodan dhabarka so adin guul daro ……..bye qalbi

  31. Walaliyaal aniga laftayda gabar an is jecleen ayey igu dhahdey qof kale ayan jeclahay anigana waxan ku dhahay haye lkn gadaal ayan ka shalayey ilaa hada ku ma guuleysanan waxan u maleynaya in ay iga danaysatay

  32. Asc dhamaantiin waad mahadsantihiin Een jaceylku waa shayga kaliya ee labada qof dhexmarta hadana ku beerta wal wal farabadan iyo naxdin saa,id ah markuu arko qofka uu jeclaa waxayna noqotaa mararka qaar kood inaad lahadli wayso qofta aad ka heshay waana ay dhacday taasi waxaan ugu baaqi lahaa lamaanaha is jecel inay wanaajiyaan jaceyl kooda mahadsanidiin bye

  33. Asc hala wanajiyo jacaylka kalin wanagsanu uga jira adunke

  34. inan yahay hagasan hurud markaan isleeyahay
    heybadaada wac baa durbo leey hor keenaa
    hab ayaa iraahdaa hareerahan eegaa
    markaan hubiyodhor jeer
    inaadan hoyga so galin
    nafteydan haruugaa hadalo kulul irahda
    ogo qaliyey waxuu rabi no qoro ogow segi meynee

  35. waxaan marka hore salaamayaa dhamaan qorayaasha bogan salaan kadib runtii hadii aan ka dhiibto fikir kayga dadku qaarba waa si oo dadka ilaa hayba ma simin dhalinyaradu waa laba nooc qaar siwanaagsan u isticmaasha jacaylka qaarna waxay u siticmaashaa si khaldan inkastoo ay badan yihiin kuwa aan fahansanayn waxa uu yahay jacaylka kuwaasna wan in laga hortagaa hadii klae jacalka somalida wuxuu noqon mid baa b.a layskuna wado been iyo waxaan jirin
    mahadsanidiin

  36. Ani waxan qawa jecelku wa wax jiro dadka waxan oranlaha sameya jecel dhab ani hada gawar waxana ujecelahay si xad dhaf ah

  37. waa wax jira jaceyl

  38. omg runtii hadii aan ana ka hadlo jaceylka booga wax ku darsado hort ajaceyl waa wax jira anina waa isoo maray runtii oo ila iminka waa ihaya walaloyaal oo aniga heesna wili ma alifin oo 1sano buu ihaya jaceylkani sababtoo ah tabadh aan ku alifo ban wayey jaceyl dartiisa lknse mar mar baa igu soo dhacdaa heeso dadkale leeyihiin fanonyinka marka heestan raga kan ka dortow deynobay awgaa dugsi iinoqo kalkacalkan idhafshay da,dey deeqow ila damac adan ku dortee …..viva love

  39. Haa way jiraan geraar an ugu tiri galay qoftan jeclaa.
    Qumantii haweenkay
    qurax lagu hibeyay
    qalanjadi adunkay
    qureeshti naftayday
    qaarada an ku nolnahay
    qali adi kula mid ah
    qowlkeda kama maqlin ee
    qoortada dheer iyo qosolkaga qurxoon ba
    qalbigayga qaato
    qaxar igu abure ila qeebso cashaqa

  40. sc asxabta wan idin salamay wax umahad celinaya abubakar jeceylka wa shey qali ah jaceylka godob lagamaga waxan jeclanlaha daawo in lohelho

  41. wad ku mahadsann tihiin kuligiina wana niiga mahadcelinaya sida wacan ad fikirkiina kuso garsiiseyn wana anigo ah qoraha webka wana abubakar mohamed hassan mr qurbaani waxan idin leeyahay guul wcan dhalinta waxan ku guubaabinaya in aad noqoto qof dacad ah waayo hadi aad dacad unoqoto ruuxii ku dortay oo rabay in uu nolosha kula wadago hadi uu ka arko wajigaga oo faraxsan oo asigana aad dacad utahay waliga maku iloobaayo

  42. walaalaya wan isdin salaamey magaygu waa hanad dayax ruumahanti jacaylku waa wax jra wana wax jiri dona walal ruumahntii waxy ila tahay xawa iyo adaan

  43. abwaan axmed daljir
    walaal waa geeraar jaceeyl ah
    hadaad kuwo kale ubaahatana waan kuusoo diri
    daljir45@hotmail.com waa imel keyga
    jaceeyl yohow maxaad tahay
    mahawiyo jinbaa tahay
    majuuc iyo dhib baa tahay
    mawax jiitamoodheer
    oo nafta kala jaraa tahay
    majeestiyo colaad iyo
    silac jooga baad tahay
    ma imtixan jidkiisiyo
    jaxiimoo kalaatahay
    iga jaahil bixiyoo
    jaceeyl yohow maxaad tahay
    jano iyo barwaaqiyo
    wanaag jooga baan ahay
    labadii wanaag jecel
    midla jira ayaan ahay
    jiilaalka gaa jadu
    labadeeysan kala jarin
    mid u jiirnaxaan ahay
    janaraaladeey duna
    ma jiiftaan dhamaantood
    jabaqdeey dhegeeystaan
    hadal jilicsan weeyaan
    qofkii igujisaarana
    markalaan ka jarayaa

  44. W

  45. Maxaa kala talin leheed dumarka iyo raga somaliyed wayo kalsoo nadii jaceylka maalinba maalintii ka denbeyso wey sii laceefeysaa f?

  46. salaan sare asxaabta waxa aan jacaylka kaga hadlaaya sidan
    jacaylku waa shay jira waannu jiri doonaa inta aduunyadi joogto jacaylku waa farxad waa nolol macaan waa dareen nabdoon runtii hadaanu jacayl jirin aduunyadu ma jogteen

    • hadii uun jacayl jirin jaar lama ahaadeen waa run hadii uu jacayl jir aduunyada majiril laheey jacalyku waa shay ku qaali ah noolasha aadimaiga

  47. haa sxbayaal anigaa oo figrada idiin dhiibanooyo waxa igu dhacay mamaleysankartiin walaahi waayo qofka aniga manta dunida aan ugu jeclay aya waxey iga dooratay wiil ka imday noorwey allah ma ogo miya aneey taasi jaceylka ee qalad weyn ka gashay mana aaminsani sxb inuu jaceylka daawo leeyahay lakiin in sha alaah ma weynyi qofka aan aniga maanta amah mustaqbalka aan nolosha la wadaaagaayo guud byy waand mahadsantihiiiin

  48. asc, waxaan ka dhilaahay jeceylkaa waa sheey jiro mar kastaa dhig karo lakiin waa inaad hesho qofka si daacad ah ku ku jecelaaday.cmal

  49. S.Weliga qof ma jeclatay muxuse ku danbeyey jabeylkagu hadi ad sameysay? J.ha wan jecladay qof jaceylkeygana wuxu ku danbeyey natijo xun maxa yeley qofta an jecla o nafsadayda o dhan u huray aya waxay iga doratey lacg maxa yeley adun ka isku halen magalo ila hada nidayda kama bixin qofti an jacela waxana suga insha allah ayado garob sonqotay s.ma jeclan lahayd in dawo lo helo jacacylka adigu se maxad dawo ugu dhig lahayd hadi lagu keno qof jacayl hayo? J.ha wan jacelan laha in dawo lohelo jacel waxan dawo ugu dhigi laha qof jacel hayo la i keni laha marka hore waxan u radin laha qofta u jecelyahay waxan huwa hadu helilaha qofta u jeclyahay hadu helo wu cafimadi laha insha alah lawada su,al waxan ku jawbey sitan anigo ah mohamed ibrahim waxan joga kenya gar ahan xaryaha dadab waxan idin rajenya gul

  50. haa wan ku wanin laha jecelka wayo nolosha hadaysan jecel jirin nolosha kuma dhedhemayso aniga idin la hadlayo waxa i soo martay murugo bdan oo aan meshan ku soo kobi karin run ahanti murugads waxn ka gulestey malinti aan hely ruux dhab ii jecel anigana aad dhab u jeclahay marka waxa iga wano ah inaad samaysin jeceel dhab ah somaliyeey


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 31 other followers

%d bloggers like this: