Ku Qaabil Ninkaaga Weji Furan oo Muusoonaya


Ku Qaabil Ninkaaga Weji Furan oo Muusoonaya

Uma baahnid cid ninkaaga ku jeclaysiisa, geeduhuna faa’ido ma laha. Qalbiga aadamuhu wuxu u baahan yahay cunto u gaar ah in la siiyo si uu sharaf iyo qiimo u yeesho. Sida ay cuntadu gaajada u baabiiso, ayuu qalbiguna tacabka iyo mashaakilka ku illaawaa marka uu helo farxad joogto ah oo ka tirsan noocyada uu xiiseeyo kana imanaysa qofka uu ifka ugu jecelyahay. Sharraxaad hor dhac ah kaa siin maayo e, qisadani tusaalaha ah akhri ka dina ku dabbaq haddii aad xaas tahay, haddii kalena dadka xaaska leh weydii, is beddellada yimaadda.

Nin baa ka yimid shaqo maalmeedkiisa isaga oo daalan. Wuxu la soo kulmay hawl culus oo mashaakil iyo dhib wadata, carro faro badan iyo fikir xad dhaaf ah oo shaqadiisa la xiriirta. Intaasi waxa u dheeraa mashquulka suuqa oo uu u maray si uu alaab reerkiisa ugu soo gado. Wuxu yimid gurigiisii uu sayga iyo abbaha ka ahaa; albaabka ayuu furay isagoo raaxo u baahan si ay jidhkiisa iyo maskaxdiisuba u nastaan. Wuxu rabaa in uu farxad ka helo oo la wadaago xaaskiisa iyo ubadka ay dhaleen. Horey ayuu gurigii u galay, wuxuba indhaha qac ku siiyey Naag sixrooley ah oo geedaha ay sidato oo aanay wadan odayaasha wax sheegsheegaa. Taasi waa gabadhiisa, waxay wadataa qurux dhammaystiran, waxay ku salaantay salaan diiran oo dhoollo caddayn qalbiga farax gelisaa ku dheehan tahay, Dhunkasho iyo laab gelin u dhiganta tii uu ka heley xilligii ay carooska ahaayeen. Hareeraha ayuu eegay, meel kasta oo ishiisu qabato dhalaal ayaa ka muuqda, udgoonka uunsiga iyo cadarka ayuu sanka la raacaa. Wuxu galay suuligii, musqushi, shaambadii, iyo saabuuntii ayaa goor horeba loo sii diyaariyey. Wuu qubaystay amma mayrtay, miiskii cuntada ayuu tegey, raashinka ma uusan sugine wuxu arkay iyagoo diyaar ah oo isaga uun la sugayo.

Alla farxad badanaa oo Dejiyi wanaagsanaa. Waxa mahaddaasi iska leh Alaaha dunidani abuuray, sharaf iyo qiimana waxa wadata musixiradaasi deganaanta iyo taabashada naxariista lagu dheehay ku firdhisay amma saaqday saygeega qaaliga ah ee aanu jirin cid ay la sinto oo dhulka korkiisa ku nool hadda.

Qisadani maxaad ka fahantay. Sow gabadhu ma kasban karto qalbiga ninkeeda oo ma dejin karto, jacaylna uma hor seedi karto.

Qisadaasi tani kale barbar dhig.

Nin kaasi oo kale ah ayaa ka yimid shaqadiisa oo mashaakil iyo dhib badan wadatay. Gurigiisa ayuu soo galay, mise waxa uu albaabka kula kulmay habaar qabto qaylo badan, oo canaan iyo cabasho badan, oo mar kasta raadinaysa oo dhega dhegaynaysa haddallada ku tiri kuteenka ah ee ay haweenku ku sheekaystaan. Hareeraha ayuu eegay, mise waa dharkii, wixii ay ubadku ku ciyaarayeen, hambooyinkii iyo wasakhdii meel kastaba saaran. Wuxu galay suuligii/musqushii, mise ma leh shukumaan,saabuun,biyo waxba diyaar ma aha oo isaga ayaa keligii diyaarsanaya. Wuu qubaystay, cunto ayuu doonay miiska ayey ugu tilmaantay. Hurdadii ayuu tegey si uu u seexdo oo u nasto, halkuu ka seexanayaa, waxabay guriga keentay dumar ay sheeko wadaag yihiin oo qosol iyo qaylo badan, ubadkii ayey dilaysaa oo caayeysaa, markaasay iyagoo ooyaya aabbohood u geleyaan qolka jiifka soona kicinaayaan .

Alla xumaa noloshani oo qaraaraa, u dhib badanaa ninkani. Iyadoo ay sidaasi tahay ayey haddana is weydiinaysaa waxa ku dhacay ninkeegii ee uu ugu jeclaan waayey sidii uu awalba ugu jeclaa. Waxay u tegeysaa faaliye iyo musixir si uu u jeclaysiiyo. Daranaa nolosha caynkaasi ah.

Maxaad ka dhadhansanaysaa qisadani dambe, ma jeclaan lahayd inad noqoto gabadhaasi, ma jeclaan lahayd in aad talo ka qaadato gabadhaasi, mise jeclaan lahayd in aad la saaxiibto gabadhaasi aqalkeedii ayey ka dhigtey xarunta ay ku kulmaan kuwa iyadda la midka ah uma malaynayo, waad caayi lahayd oo nici lahayd sow ma’aha.

Gabadha caqliga lihi waa ta garanaysa qaabka iyo sida loo kasban karo amma loo hantiyi karo qalbiga ninkeega. Waa in ay weligeed inta ay dunida ku nooshahay cadceedii Alle soo saaraba ahaataa Caroosad cusub oo xalay uun la soo hooyey, waagii beryaba da’ yar. Ogow walaashayda suubaneey, ereyga macaani waa qurux, dhoollo caddaynta iftiimaysaana waa dejiya, udgoonka wacanina waa raaxada maanka, nadaafadda joogtada ahina waa cibaado. Nadaafadda waa imaanka barkiisa ku dedaala insha allah.

Dhammaad

Mohamud Mohamed Ibrahim { Mr M M I }

About these ads

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 27 other followers

%d bloggers like this: