{{{{ QIIMAHA JACAYLKA QALAD LOOMA YEELO!}}} Q-2AAD


C/qani waxa uu aad uga fekerayey sida uu fanaanku u amaanayey gabadha isga oo ku tilmaamayey dheeman, luul, dhagax, dahab ah iyo weliba sida wanaagsan ee uu ugu duceenayey isaga oo leh ilaahay ha kaa dhigo mid nasiib leh hoodan leh oo ayaan dhalad ah ,

isaga oo halkii fadhiya ayaa waxaa u yeedhay wiil ay saaxiib ahaayeen kuna yidhi kaalay walaal caawa waxaan ku barayaa dhalin yaro badan oo ay ka mid tahay gabadh in badan halkan joogtay yaraanteediina timi oo halkan inta ay wax barasho ka bilawday hadana shaqaysata. Wiilkii oo la odhan jiray xasan sidii uu u soo waday C/qani ayuu wuxuu hor keenay Hodan oo quruxda aad moodeysid qoftii uu fanaanku u heesayey,C/qani wuxuu markiiba galay dareen dheer wuxuuna sidii qof walaalan oo kale u eegay gabadhii, xasan ayaa la yaabay kuna yidhi maxaa ku helay walaal barasho wanaagsan gabadhan waxaa la yidhaahdaa Hodan, hodan walaal wiilkan waxaa la yidhaahdaa C/qani wuxuuna halkan joogay in muddo ah oo jaamacadna waa dhigtaa waana shaqaystaa.. Aduun subaxba waa cayn oo hore ayaa loo sheegay ee Hodan maba aha qoftii hore ee uu jeclaaday C/qani markii ay waddanka South Afirca timi waxay la qabsatay nolosha halkan waana ilawday wixii yaraanteedii iyo jacaylkii ay soo sameysayba, C/qanina waxya u baratay sidii qof cusub oo hada ay barashadoodu isugu horeyso C/qani se wuxuu dareemay in ay tahay Hodan ileen qof wax jecel ma anbadee wuxuuna go’aan ku gaadhay in uu marka xafladu dhamaato sii dhaweeyo si uu wax walba u ogaado. Markii xafladii dhaamtay waxaa qof walba aaday gurigiisii dadka intii is garaneysayna waa is raaceen C/qani oo baabuur watay waxaa u suurto gashay in ay soo raacaan hodan iyo laba gabdhood oo kale wuxuuna markii uu labadii hablood ee kale gurigooda geeyey u suurto gashay fursad uu ku wareysto su’aalana ku weydiiyo hodan isaga oo sheekada uga bilaabay hodan walaal su’aal aan kuweydiiyee weligaa waddankaagii hooyo ma aragtay haa walaal ayey hodan la soo booday aniga oo yar ayaan ka imi isla markiibana waxay Hodan gudo gashay in ay C/qani uga sheekayso nolosheeda iyo wiilka ay sida xad dhaafka ah u jeceshahay ee Shaakir iyada oo ku tidhi C/qani walaal waxaad tahay qofkii u horeeyey ee aan noloshayda si daacad ah uga sheekeeyey runtii waxaad tahay wiil walaalkay oo kale ah. Markii ay kelmadaa tidhi waxaa C/qani ka soo gabax tidhi ilin xiligaana waxaa u baxaysay heesta ay ku luuqayso Deeqa Bilan.Orod iyo ayaan
Labadaba ogoow
Waa la aaminnaa

Indhahaygu daymada
Siday kuu eeggayeen
Iyeey ilmadu raggax
Ay ka tiri raggax

Afar iyo tobnaad
Dayax oogta hore
Qorax kala ordeen
Ileyska iyo nuur
Ayaad ii tahee

Araxda igu qaad
Uurka ii banee
I liq oo I hay
Albaabbada wadnaha
Intifaaca iyo
Ubax iigu keen

SIDAAN ANNIGU KUU AHAY
ADNA II AHOOW!

Aqoon iyo afgarad
labada oggoow
Waa la irkaddaa

Aqligaygu garashada
Siduu kuu aawilaayaad
Illeys baxay u tahay, u tahay

Onkod iyo hillaac
Saxansaxo udgood
Ilcas iyo xarreed
Eegmada ku wacan
Ayaad ii tahee

Araxda igu qaad
Uurka ii banee
I liq oo I hay
Albaabbada wadnaha
Intifaaca iyo
Ubax iigu keen

SIDAAN ANNIGU KUU AHAY
ADNA II AHOOW! Markii ay Hodan aragtay ilinta ka daadaneysa dhabanadiisa ayey ku tidhi walaal maxaa ku helay ee aad la ilmeysay ma sheekada is oo martay ayaad ka naxday. Maya ee walaal guul darada jacayl ee i garabsatay ayaan ka naxay runta hadii aan kuu sheegana anigu waxaan kuu jeclahay si xad dhaaf ah ilaa yaraanteydii ilaa hadana waan ku jeclaa dartaana waxaan u daayey hablo badan wuxuuna C/qani gudo galay in uu noloshii ilaa yaraantiisa uga sheekeenyo isaga oo xasuusiyey jacaylkii ay wadaageen Hodan se waxay si badheedh ah oo aan shaki ku jirin isaga indha tirtay C/qani kuna tidhi waad edeb darantahay waxaagu ma waan ku arkay oo ku caashaqay miyaa? goorma ayaad i jecelayd oo aan jacayl kula sameeyey waar waad indha adagtahay ee isdeji teeda kale meeshan maaha Laas -Caanood ee waa South Africa oo yurub waxba kama dhacdo hana isku dayin in aad mar danbe horteyda soo istaagto.C/qani wuxuu u qaadan waayey waxa dhacay iyo sida ay isu bedeshay nolosha Hodan wuuxuna isaga oo is ciil kaambinaya ku hadaaqay heesta ay ku luuqeyso Sahra Axmed ee….Naf ku jecel Aduunyada
Baa ugu wacan wax nololoo
Nabad lala wadaagoo
Nimco lagula waaree

Ma nugliye kalgacalbaa
Naar iyo ka daran olol
Markuu nugeyga kaa galo
Nabar weeye halisee

Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo

Anna haddii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo

Nacab iyo Sokeeyaba
Neefteeydu diidoo
Ma nastoo jacaylbaa
Nadi ila haleelee

Igu noqey mid halisoon
Kaba nuuxsan waayoo
Naaftoo qalbigii buu
Nudub iga sameeystee

Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo

Anna hadii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo

Neecoow da’aysoo
Onkodna nawda ku hayaa
Igu heshey Nugaaloo
Kaligey ku noolee

Adna keymo baadliyo
Dhul naruuro joogtaa
Naxdin li’ ku hurudaa
Nabsi dhoowri mayside

Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo

Anna hadii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo

la soco qeybta 3aad insha allah
waa saaxibadiina hawada qalbijaceyl & qurbaani

_____________________________


Website counter

About these ads

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 28 other followers

%d bloggers like this: