h/qoraal


AFKA LAGAMA SHEEGTO ADOON JACEYL ARAG/
KHADRA DAAHIR

Afka lagama sheegtoo
adigoon jacayl arag
looma uur xumaadee

Aniguu i helayoo
intuu soo abraaruu
xadhig igu adkeeyee

soowtan aramadiisii
oofaha dhexdoodiyo
adhaxduu i gooyee

Kii igu abuureen
u ilmeynayoow

ha igu eegine
ii imoow.

Anfacadii ka go ayoo
eedaadka caashaqa
u adkeeysan waayee

intuu igu itaalsadey
iimana tudhaayoo
anfariir ka qaade

sow tan alhumadiisii
igu sii fideeysee
aan ka jiifsan waayee.

Kii igu abuureen
u ilmeynayoow
ha igu eegine
ii imoow.
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com
KHADRA DAAHIR
Dawada Caashaqa

Cawoy maalinbaa la yidhi
cadoy gudcur baa la yidhi
cidloy wehel baa la yidhi
Amaanadu waa culeys
Cirka iyo dhulku diidayoo
Carona waxa la yidhi mugeed

Dawada cashaqan i heley
Cidkale loo doonimaayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baaa la yidhi

Repeat-1

Cod iyo jiib baa la yidhi
Jaan iyo cidhib baa la yidhi
cayaar sacab baa la yidhi

Cod iyo jiib baa la yidhi
Cad iyo jiidh baa la yidhi
Ciyaar sacab baa la ydihi
Qofuu cudurkuu hayoon
Hadana kaa cawinayn
Cad kaa maqan baa la yidhi

Dawada cashaqan i heley
Cidkale loo doonimaayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baa la yidhi

Repeat-1

Carab ku hadal baa la yidhi
Cagay socod baa la yidhi
Cuntoy dhadhan baa la yidhi
Dunidu waa caynba cayno
Waxaad ceebta u taqaan
Qof bay camal kiisa tahay

Dawada cashaqan i heley
Cidkale loo doonimaayo
Cilmiga ha laguu dhigee
Caqliga kaasho baa la yidhi.
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Caashaqa Ha Baayicin XASAN ADAN SAMATAR

Xasan Adan

caashadu ilaahay
cirka taagay udubli
ciidana ka dhigay gogol
wabiyada cartamayiyo
cidhifyada bad kaga xidhay
iyo buuraahaa culus
cimrigeed aduunyadaa
waxa jiraa col iyo nabadee
caydhiyo nin xoola leh
iyo laba is caashaqay
caawana kamay tagin
caynkaynu ku ogeyn
adna calafka kuu qoran
cuuna seegi maayee
caashaqa ha baayicin

Magool

cadadkuu ilaahay
caradeena joojee
aadan ciida ka alkumay
xaawana cadkiisiyo
feedh calaanta laga dhigay
cishadaa ma uuneyd
caawana ma nooshahay
caqliga sidaa hadalkuye
carab dalab la sheegee
ceeryaamo iyo boodh
ciiro ha isku qarinine
noloshayda caydh iyo
cilmi guraan ku fadhiyin
ku caar caari maaye
caashaqa iska ilow

Xasan

xalaytabao caweskii
canabay daruuruuhu
cimidh bay ahaayeen
caawana lagu ma oga
wakhtigii ku ciiliyo
cisigiyo wanaaguna
way is daba caraabaan
waxana kuu cadayn kara
caamiyaha indhaha liyo
ma ogtahay curyaankaba
cago loo ma waayine
caynkaa wax loo yidhi
ku wa cararayee ladan
inay ku cibro qataan
caashaqa ha baayicin

Magool

bada caarid maalmaha
cawa daranta fiidkiyo
caddadaa walaala
cadcedii timaadaan
dadka ruux cadibanoo
waayhuu ku ciiriyo
mid caruusa yaa jiroo
caad iga ma saarnee
ee cilmiyada ilaahay
anigoon aan casiyin
cabsi ha igu galine
adigoon cuud dhaqan
caashaqan ku taabtaan
cudurdaar u yeelee
ceeb kale miyaan dhigay.
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII CASHAQ GODLADEY FANAANKII XASAN ADAN SAMATAR

Xalay gelin dhexaadkii
Mar aan mayrac guuraha
Sheedda guriga faallaley
Oon himilo gaariyo
Dayaxoon galsho lahayn
Illayskiisa galalacy
Sida goonni daaq cawl
Gaaf meeray socodkii

Oon guudka laaniyo
Millilicay gob weynoo
Midba goonni laamaha
Rucub midha guduuttiyo
Gad gaddoonka raamuhu
Dhexda geri garaaraha
Hadba gees u liicaan

Oon weli gar eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo
Oon halaq galeen iyo
Inna godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu goyn karin

Oon xididka gaarrani
Dayrtoo gidaaddiyo
Gu’la waayey aragoo
Gunta rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Hadhka gelinku bixiyaa
Neecaw gaar ah leeyiin

Oo meel gabboodiyo
Saba guri ku yaalloo
Leexa is galaashiyo
Ufta garannug kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Marna aanay goyn karin

Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xasuustiyo
Haybaddayda gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gadafka muuqaa
Geed iiga dhigayee
Illeyn araggu waa gabar
Mase garanayee talo!

Guurti yaa mari laa?
Goob xarashada yaa
Isagoon gilgila sugin
Garta keligii niqi laa?
Naftu gogo tiraabtee
Googaala badanaa
Gudbi weydey socodkee
Ma god baa horteeda ah?

Inan laba mid soo galo
Sow ilama gudboonaan
Geesi waaya aragii
Danti kama guddoomee
Sow ardaaga gurigeed
Gaashaanka maan dhigan

Sow ereya googo’an
Gooli baadh kumaan oran
Guuleed ma joogaa?

Guntanaha sarbeebta ah
Sow maanay garanoo
Kaftan dhiirri geliniyo
Googaa ma oranoo
Sheekadii igama gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camalladeedii
Gogol iima soo dhigin

Haasaawe guud oo
Gardaadsaday jacayl iyo
Sow barasha gaaroo
Aannu libin ka gaarnaa
Goobtaa kamuu dhalan

Laxawgaaa guntamey iyo
Badhaxaa kasoo go’ay
Qalbigii gudhnaayee
Irmaanaaday galabtaa

Gacma furan dhankaygee
Daallo geedeheedii
Gani aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu ganeeyaan
Kuu geliyey qoortee
Deeq gacal ah weeyee
Gobaad waxaad ku geysaa
Boholyow aan qof ii gelin
Geddii aan ku noolaa
Giijiyoo xishoodkana
Addiguna garaad badaneey
Maanku kaama guuree
Murti aan la goohiyo
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geestaydan caashaqa
Ga GODLADEY ha gaagixineey
Ka godladey ha gaagixin…..
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Dhoof Caashaq FANAANKII XASAN AADAN SAMATAR
Jacayl aan dhamaanbaa
Dhexda iigu maranoo
kii hore ayaa i dhaawacay
kanna way igu dhaafee

Dhabuhuu ka foofiyo
Dhib u qaad miyaan ahay
Dharaaraba waxyaablaa
igu soo dhacaayee

Allahayow dhib badanaa
adoo dhoofey caashaqa
dhul shisheeye kaa heley

Waaban soo dhaqaaqee
dhiiranaa il adaga
dhabaha yuu lasoo marey
dhawr habeen dayaaradi
meel ay udhixi buu
dhakhso iigu yimide
dheereeye maxaa side

Waxa kaloon la dhaygagay
koron korta dhirteedii
dhulkoo hodon ah geedaha
dhayntiyo canba is xidhey
kayn libaax ilmaha dhigo
anigoo ku dhuuntuu
igasoo dhex saaree
dhaayihiisu furanaa
ma dhal awliyaadbaa

Hurdo miyaan dhakoolaa
dhan markaan useexdaba
soow dhool la moodii
dhabta anoo ku heeysta
kuma soo dhadhabayoo
dheelalow ma soo kaco

Soomaaliya Dhankeedii
Dhawaq farax leh mooyee
Dhiilo kama sugaayee

Allahayow iyadoon dhiman
Dhaban quruxsan oo ladan
Kalgacaylkii dhicin
waliba dhir sii korey
dhulkiiyoo barwaaqaa
dhamaantayo na nabad gee
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Habooney Naftaydan IYO FANAANKII XASAN AADAN SAMATAR

sida hogasha roobka
ama hilaaca guyoo da’ay
hobaan bislaatiyo
haro wada biyeysan
oo lagu hayaamo
hubaal sahan kii uu raray
waxuu si hintiqiyaba
hada qadacsi loo jiro

haboonay naftaydaan
higsi baad ku noqatoo
adaa ii hiraayee
hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygaan ku sugayaa

hanfi iyo dabayl baa
isu kay hadheeyoo
sida hawd dulhamagan
habaqa iga baxayaa

hadaan haysto taladaa
hiboy kaama hiisheen
kuu hoodo sheegtee
haween haygu noqonine
waxaan hiilay noqon laa
halista iyo dhibtaan qabo
adoo iga horjoogsada
hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygan ku sugayaa

hanaankiyo quruxdaan
hiboy kugu jeclaadee
hablahaad u sidataa
haybadiyo asluubtee
sahamiyey dartaayo
habeen socod ku waasho
waxan eega dhaafaa
hawadaa sareetee

waxaan hiilay noqon laa
halista iyo dhibtaan qabo
adoo iga horjoogsada
hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygan ku sugayaa
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Kalgacaylku Waa Qani FANAANADII HIBO NUURA
Kalgacaylku Waa Qani
Caashaqa Ka Qaran Weyn
Quruxiyo Wanaag Badan
Waana Shay Ku Qaaliya
Qiimeynta Aadmiga
Labada Isla Qadaan
Qalbigooda Kama Go’e
Waxan Igaba Kaa Qaban
Kuu Quudhi Maayee
Qumanoow U Jeedada
Waanada Adoon Qubin
Soo Dhawayn Qalbi Furan
Oon Qoonsimaad Lahayn
Geestaada Ila Qabo.

Saalax Qaasim

Allow Yaa Habeen Qudha
Uurkeyga Qala Oo
Qudha Uun La Iga Jarin
Quuruumaha Ku Loolama
Ku Yidhaa Garta U Qaad
taladaan qandhoodee
aan qawda ku hayaa
qotodeedu dheeraa
iinsha alaahu waan qaban
Qalanjooy Inanadee
Hadii La Isku Keen Qorey
Oo Aan Qof Isku Leenahay
Waan Isla Qosli Doonaa
Adna Taa Qiraha Gali

Hibo Mohamed

Baribaa Nin Qaaliya
Qom Uu La Noolaa
Qawlka Uu Yidhaahdaba
Hadii uu Quraanyahay
Ay Ka Qaadan Waayeen
kol adoon i qadinayn
quluubtu way ku raacdee
nafta aan qaboojee
hadal quruxsan ii sheeg
Quumanow U Jeedada
Waanada Adoon Qubin
soo dhawayn Qalbi Furan
Oon Qoonsimaad Lahayn
Geestaad Ila Qabo.

Saalax Qaasim

Aduunyada Qorshaa Jira
Iyo Qaabab Waaweyn
qarar oodan baa badan
Qaxar Iyo Dhibaatana
Intaa Way Is Dhex Qaadaan
Qandoodee sheekada
waan qaadi doonaa
qarqarsiga ku jiidoo
hawlaha ma qabanaa
Qalanjooy Inanadee
Hadii La Isku Keen Qorey
Oo Aan Qof Isku Leenahay
Waan Isla Qosli Doonaa
Adna Taa Qiraha Gali
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Kalgaceyl FANAANADII HIBO NUURA
Kalgaceyl illeen igama suulee
laabteydaan samir iraahdaa
sare iyo hoose wax ugu sheegaa
kolkaan taladeyda siiyo iyadoo
aan igu saluugin kaa siistay by igu tiraah
anigoon moogeynba saacad ayey
ayey iga salalisaayoo
Anigu waxba maan samayne
sababta adigaa lahaaye
sag-saaga intaad ka dayso
sidaan doonaayo garo oo
sidaasay igu tiraah
hadaad samo ii falaysid
anigu waa ley sitaaye
miyaan niyadayda siiyay
warkiisii maad isiin
sidaasay igu tiraah,
sidaasay igu tiraah

Fakarkaa badan ee aad sameyso
qalbigaan iska saar iraahdaa
intuu samo ila gudoontuu
markaan seexo is iraahdaba
hadana saqda dhexe
go’aan buu igula soo sare kacaa
su’aashuu igu yiraahna mid weeyaan
weeyaan suuragal ahoo
intaad keymaha jacaylka
aniga ii sahamisaa baad
sidii sabigiyo dhallaankaad
afkoodii igu sabaysaa
samaantiyo nolosha fiican
si aan ugu wada dhaqnaano
intaan isa seegi lahayn
sidoodaan raacayaayoo
sadrigu meeshuu qabsady
sama kula waarayaa,
sama kula waarayaa.

waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Dhalanteed FANAANADII HIBO NUURA
Nimuu dhabarku jaban yahay
dhaq dhaqaaqi maaye
sidan dhawr habeen qaday
dhafooradu i jiitee
waa dhaawacaagii
waxanaan la dhubtee
markii aan ku dhawraba
dhibaa ii kordheysee

Hibo Nuura

Markii hore dhitiyo subag
dhay baan filaayee
dhiil madhan adoo sida
dhabta iga tuurtee
dharab orodka xoolaha
dhurwaagaa ku laayee
ani dhedo iyo ceeryaan
hay odhan ka dhaansee
dhalanteedku waa midaan
iga dhaadhacayne

Xasan Diiriye

Ninkii dhiiranaan jiray
wakhtigaa dhantaaloo
dhaxaan itaalkay
amba dhaban adeegoo
dhudhun iyo lixaadkii
wax ku dheefi waayee
hagar kuguma dhaafine
dhadhaab bau i horyaalee

Hibo Nuura

Aqal dhinac banaan yahay
dhaxan kaama celiyee
dharaartii aan baahnaa
igu dhege adeygtee
dhuub kaa koley tahay
kama helin dhaqaalee
waadigii i dhigay meel
dhamac iyo abaaroo
dhalanteedku waa midaan
iga dhaadhacayne

Xasan Diiriye

Sidii dheeha geeloo
dhamaal hawdka daaqdoo
danihii bulaaliyo
dhobaale joogtaa
ama tahay dhir canabaad
dhaayaha u roontee
wali waan dhursugayaa
inaan wada dhamaynee

Hibo Nuura

Ninkii dhuumanaayee
dhabarkiisu muuqdee
dhakhso loo ogaadaa
sidiisi ka dhigantoo
hadalka dhan saarka ah
kaa dhageysan maayee
hadii ay dhab kaa tahay
dhaar may ii maraysaa
mise kala dhaqaanaye
sidaasaan ku dhaafnaa..
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII Kaa doortay khayrkaa

Qurux badanidaayee
Qiimo weeynidaayee
Qalbiguna ku jecelaa

Qawlkaadu waa dahab
Aan la quurikarininee
Ala qaalisanidaa

Kaa doortay Qayrkaa
Laabteeydaan kugu qoray
Ila qaybso noloshoo
Kalgaceeylka ila qaad

Ala qumanidaayee
Qaayo weeynidaayee
Ma qof kula midaa jira

Niyadeeyda qaadoo
Qancisay nafteeydee
Ma qof kula midaa jira
Ala qaalisanidaa

Kaa doortay Qayrkaa
Laabteeydaan kugu qoray
Ila qaybso noloshoo
Kalgaceeylka ila qabo
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com
HEESTII Neecawda jaceyl FANAANKII HANUUNIYE
Qalbigaan is nooc ka wada nahayoo
Nabarka ku damqaayaan Uunugulahayoo
Naftaadu nafteyda waa u naxariis

Niyada isku mida namiimka dakiyo
Naxligu ma galee

Neecaawda jaceyl neecaawda jaceyl
Nacabka ka jiroo naceybka ka dhawr

Nabdiga ku raboo ku naawilayoo
Nimca aad u tahiyo nasteexo ugoow
Cishqiga nagibaa ase nuurinayee

Niyada isku mida namiimka dadkiyo
Naxliga ma galee

Neecawda jaceyl neecaawda jaceyl
Nacabka ka jiroo naceybka ka dhaw
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII waa halis nafteeyduye HANUUNIYE
Qurux lagu hanqaaramaay
Heeybad iyo wanaageey
Sharaf iyo hanaanba
Rabi kuu hibeeyee
Haweenka aad ku dhaaftoo
Aad ugu horeeysaa

Qalbi kugu hamiya iyo
Hurdo aan ladeeynaa
Caashaqu haleeloo
Anigana i hawlee

Waa halis nafteeyduyee 2
Sidee laguugu laguugu
Sidee laguugu helayaa?

Qurux lagu hanqaarmaay
Hogol iyo hilaaceey
Hood iyo nasiib wacan
Oo aan haweenku wada helin
Adigaa hantiyayoo
Ifka ugu horeeyee

Qalbi kuu hilooboo
Kuu qabo haraadaa
Caashqa haleeloo
Anigana i hawlee
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

HEESTII RAALIYO IYO FANAANKII LAFOOLE

Rag iyo dumaroow ogoow
riyada reer kuma dhismee
run-buu ku nagaanayaa

rafiiqi buu doonayaa
hadaan la is raali galin

barwaaqo raarantoo
cishqiqu wuu ragaadayaa
jacaylkuna wuu ribaday

ra’yigoo la is dhaafsadaa
rasmiga lagu gaadhayaa

Markaasaa raaliya ninkuu
calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa

Markay tolo raaran tahey
rabbaa lala kaashadaa
dantoo la iska raaridaa

samaha lagu raadiyaa
rug iyo guri lagu dhisaa

raxmaad soo da aa
ramaadku soo baxaa
rucubta laga soo gurtaa

rayrayn lagu waarayaa
raaxo da loo wada jiraa

markaasaa raaliya ninkuu
calaf raaciyaa
nolosha u riyaaqayaa
waxaa kuu diyaariyey
c/c/m/A
qalbijaceyl11@hotmail.com

34 Comments

  1. Wan idin salamay dhaman bulsha wenta somaliyed

  2. asc walaalayaal waan idin salaamay dhamaantiin meelkasta aad joogtaan gaar ahaan qoraaga web kan waxaan idinleeyahay ramadaan kariiiiiiiiiiiiiiiiim asc

  3. waa runtiis fanaanka masha allah alle hana siiyo gabar raaliyad ah oo nafteena ku degto allena caruur baari ah oo la heleyn noo dhaliyaa asxby aad baa umahadsantihiin

  4. Waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw wuuuuuuuuuuuuuuuuuuuw LOVE WALLAAHI LOVE

  5. Asc wan idiin malaamay walaalayaal salaan kadib waxaan Aad ugu mahad celinaa qofkii keenay qoraaladaan waa qoraalo Aad xiiso uleh waaaaaaaaw dacada waxaan dareemay in Aan dareen leenahay oona jacelku yahay midkajiro somalida Agteeda waxaan leeyahay labadii is jecal iney iswanaajiyaan Aan lagu dheelin jaceylka labadaan isjecleena in Ay isu sheegin jaceel beena Waaaaaaw I LOVE LOVE

  6. Wan idiin salaaamay waaaaaaaaw jecayl dheh

  7. Wan idiin salaamay dhamaan salaaan kadib waxaan umahad celinaa dadkii soo diyaariyay qoraaladaan waxaana ka codsanaa in Aynookeenaan heesaha cusub iyo heeso wadaniya blz xusuusta wadan keena soomaalia :;(;(;(;(

  8. Waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw waa heeso qurux badan

  9. saxibayaal heesaha qoraalka hala so updategareeyo maalin walba si pageka u yeesho xiiso mahadsanidiin

  10. waa idin salaamay marka hore dhaman shacabweynaha soomaaliyedo dhan gaar visitors of this web tankale asxaabeey jaceylku waa shay jira runti qofki mucaashaq noqday kaliya ayaa ogaan kara guud inti ah lovers waxaan Alle oga baryaa iney ku guuleestaan jaceylkoda oo an anigaba ka mid ahay.
    ugu dambeyn waxaan codsan lahaa hadi la helayo heesta dacartuba marbey malab dhasha ee ku luqeeyo Cumar Dhuule cali iyo sidoo kale hesta haduu beerka qeysamo codadkii sahro axmed jamac iyo fananki weyna Dhabarlow oo qoraal ah waa idinka rajeyna inad heli dontan mahadsanidiin.

  11. Salaan kadib waxaan doonayaa inaaan halkan waxyar ka iraahdo waa hees uu hore ugu heesay fanaaan laga xiiso dhici waayay waa Al fanaan Hassan adan samatar waan tan mirihiii heesan hadii aadhalaysaan miraha oodhan isoo dir ok waa tan heestii webi da caladeeda bay

    Kudabaalanaysaa doog iyo caleemay isku daawanayaa dhulkiisanaag buu roobkii kaday ok

  12. Inuu jacaylku halis yahay cudur aan baxayn iyo ciil adag inuu yahay waxa kuu cadayn kara cilmi hadaladiisii

  13. Qofki

  14. ok walaalayaal jacaylka dhib kiisa maxaa idin kuwata ? calafkuba wuujiraaye maad sugtaan?

  15. asc aqayaarta dhamaan waan idin salaamay

  16. Aqyaarta kaxda waan idin salaamay dhamaantii boy and girl ogaada jclka waa wax jiro aniba wuu hayaaaa

  17. mash’alalh heeso macaaan wayeee runtii wanba ka helay

  18. hi my name is jaash

  19. nolol cusub waa meel aad loog\u raaxaysan karo run ahaantiina iraali galisay.
    jacaylku waa wax jira mudana in xaqiisa lasiiyo ayaan aamin sanahay
    waxan kula talin lahaa jeclaada nolosha macaankeeda ayaad dareemasaane wsc.

  20. waxaasi waa maxay waliba maanan fahmin. in qof aad jeceshahay aad wax ugu sheegi karto hees ama hadal qof kale yiri, ee waa inaad la timaadaa wax cusub oo ka duwan ku wii hore……….

  21. hiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii

  22. sxb aad ayaad u mahadsantahay

  23. scw soomaliya ha noolaato sxbayaal waan idin salaamayaa salaanta islaamka sxbayaasha webkan qora aad ayaan idiinku mahadcelinayaa hwwso qaali ah ayaad noosoo gudbiseen marlabaad ayaad mahadsantihiin

  24. tyy

  25. asc wan idddn salaamay somaliyeey meelkasta ad jogaa salaanta muslimka ah asalaamu caleyku warax matulaahi wabarakaad soomaliyeey meelkasta ad jogtaan nolaada amiin

  26. Assalamu Calaykum,

    walaal C/C/M/A waan idin wada Salaamay adiga iyo dhamaan asxaabta qiimaha badan iyo dhmaan soomaalidaba salaan kadib, waxaad noosoo xushay heeso aad u macaan oo ah runtii kuwa aan aniga aad u jeclahay walaal waxaan kaa codsanaynaa marka xigta ee aad heeso soo gelinayso ama isla kuwanba inaad nooso raaciso haday suurtagal kuu tahay (Qofka Allifay Heesta, sanadka iyo haday ruwaayad ku jirtay) walaal waan kaaga mahad celniyaa,

    By Assal yare

  27. asc wr wbr salaan islamaaka ah kadib
    waxaan rabay inaan idin ka waydiyo
    sidee loogu bandhigi karaa qof aad jeceshashay oo aad iyo aad na uga xishoonaysid amma cabsanaysid ???????

  28. walaalaha loomaliyeed waxaan idin waydiin lahaa su,aal ah waa maxay jacayka soomaalidu isu haysaa markaay nolosha wada wadaagayaan ?please jawaabta iigu soo gudbiye saabiriin.somaliland@hotmail.con ,,,,,,,,,,,,,,, if you can

    • Marki ow kibirku kaa boxo ama aan hargeysa kuugu imaadno oo ey soomaali is-raacdo raascaseyr ilaa raaskamboni ayaan kaaga jawaabaa ee markaas igalasoo xiriir E-mailkan ( diini333@hotmail.com)

  29. hi my people i will said to you how is your ifes people?

  30. walaalayeel maale kastood kale joogtaan waan idin salaamay waa saabiriin oo waxaan aad iyo aad ugahelay heesahaa aashaqa ah

  31. walal waan idin salamay soomalida dhaman meelwlbo oo dunida ka joogan waxaan idin leeyahay ramadan kariiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiim waa abubakr qurbaani ooah qoraal weyn

    • abubark welcome abwaanka weyn iyo qoraaga weyn maha allah

      • walalahayga soomaliyayd oo xiiseeya sheekadeeda jaceyl oo marwlaba itaargeersan waxan idin leeyahay waad mahadsan tihiin marka hore marka xigta waxan idin sheegaya madama aan ahay mu alif weyn oo qoraale ah taageer yaasheyga qaaliga ah waxan idin balan qadaya in aan marwalba webka kuso saari dona wixii sheekooyin ah oo jaceyl aad ka bogon doonta adigo raali ah hadana waxan idin soowada sheekoyin oo aad uxiiso badan oona ku ralli galiya oodna ku qanacdo wixii fikrad dheeri ah waxadna iila soo xiriiri kartan abubakar65@hotmail.com insha alaah sidas ayan idinka tagaya walalahayga soomaliyayd………………


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 28 other followers

%d bloggers like this: