abwaankii jacaylka


Gabaygan soo socda waxaa tiriyey abwaankii jacaylka Cilmi Boodhari wuxuuna kula hadlayaa Hodan tii uu jeclaa iyo naftiisaba. Hodan wuxuu leeyahay kaa joogi waayey oo kaa jiifu waayey waxaan kuula hadhayna ma jirto si walba kuula hadlay iina jixin jixi wayday. Markaa wuxuu leeyahay hadii ay caykaas tahay maxaan kuu dayn waayey een kuu daba socdaa?

wuxuu yidhi:

Intaan adiga kugu gooni ahaa geed hadaan la hadlo
Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene
Gaaladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?

Sidii aad go’aygii tahiyo macawistaan goostay
Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin
Ama aan gayiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?

Gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye
Goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye
Sidii aad gidaar tahay maxaa kaa igarab taagay?
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?

Mana goosan kari waayin oo geesi baan ahaye
Adaan kaa gungaadhaayey oo helay guntaadiiye
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?

Haatanse waan guursan hadii guule ii wacaye
Oon weliba gedahaaga ka dayan goboladiiniiye
Iyadoo gadiid u eg markaan Gu’ga kaxaynayo
Ee aan Gahaydhiyo la tago Gubanadii Hawdka
Ee aan ganuunta ugu shubo gooha labankeda
Geblayda iyo ciyaaraha markuu geeljiruhu tumayo
Ha gayoobin, waataad lahayd gool jabaan helaye.

waxa soo diyaarisay muna maxamed daahir in hargeisa s/land
kala xariiri email adderss
qalbijaceyl11@hotmail.com

1 Comment

  1. JECEEL MAR KA AAD ;;AAS ASEYSI WAA IN AAD KU DHIS TAA DIIN IYO IS AMIN IYO KALSOONI WAAD KU LEYSANEY SAA;;;waan hubaa jeceel in uu jiro oo weliba uyahey wax qofka bini addan ka ah kadhiga dhibane iyo weliba murugeysne jeceelku waa farxad ama naxdin jeceelku waa guul ama guul daro jeceel ku waa macaan ama khadhaadh jeceel dhiblomaraa jira hadana ana dheef laga gadhin lakin waa in lasamraa qof kii samraa sedkisa wuuhelaa waxaa lagayabaa in aadwaxka faa iido sida hadii aad aheed qof dabeecad xun oo uukaadhigo qof dulqaad madan tankale in aad ka faa ido waya arag nimo iyo waxyaabo badan marka jeceel dhab ah qof kii helaa waa qof aniga iga na siib badan lakin waxaan udar daar mayaa dad ka is jecel in ay us ku sabraan oo asan fudeyd san arintaa sabaab too ah jeceeldhab ah sida lo hela wey adag tahey jaanis kuna waa mar keliya

    jeceelka waa in anu noqon xiiso oo marka les guursada dhamaada ee waa in ii sii sod daa weligii
    ilmahaga waa in aad ku ababisaa jeceel iyo in aad tustaa macaankiisa adigaba hakaa helee ilmohuwaa inna nu arag odeyga iyo islaanta uu usku buqaya oo isna marku weynado usan kudhaqaanin
    nin kaga ama naag tada waa in marka uu qalad kagalo adan ka amusin ee aad si qabow wax u fahan sisaa iyo deganaan sho gurigaga hadii uu kudhisan yahey diin waxan qabaa in uu san sida dhidib kiisu uliceyn


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: