ASTAAMAHA LAGU KALA GARTO JACAYLKA DHABTA AH IYO KA DHALANTEEDKA AH


Haddii lagu waydiiyo faraqa u dhexeeya jacaylka dhabta ah iyo ka been beenta dhalanteedka ah maxaad odhan lahayd?
Inta aanad su’aashan ka jawaabin marka hore waa in aad taqaanaa waxa jacaylku yahay iyo macnihiisa guudba, erayga jacayl oo af ingiriisiga lagu yidhaahdo LOVE waxa uu ka kooban yahay 4 xaraf oo la isku daray midkastaana macno gooniya uu leeyahay, haddii aynu qorno erayga LOVE waxa loo soo gaabiyey waxay noqonaysaa sidan:

L = Listen (dhagaysi)
O = Over look (daryeelid)
V = Valme (qiimayn)
E = Express (muujin kalgacal)
Haddii aynu sharaxno xarafka hore ee ‘L’ waxay ka taagan tahay in qofku ruuxa uu jecel yahay ama jecel uu si xad-dhaaf ah u dhegayso sheekadiisa iyo hadalladaiisa, isaga oo ereykasta oo ka soo baxa afka qofka uu caashaqsan yahay qiimayn weyn siiyo, iyada oo isla markaana weedhaha jacaylkiisu ku tiraabaa ay qalbigiisa qaboojiso.
Xarafka labaad ee ‘O’ waxa uu ka dhisan yahay daryeel iyo lexojeclo xad-dhaaf ah oo aad siiso ruuxa aad jeceshahay ama aad ka hesho qofka ku jecel, isaga oo maskax ahaan jidh ahaan, dareen ahaan, nolol ahaan iyo farxadaba dhibaya isla markaana waxyeelo u keenaya.
Erayga saddexaad ee ‘V‘ waxay u taagan tahay in aad qirto qiimaha iyo wanaaga qofka aad jeceshahay adiga oo qiimayn iyo qadarin aanad qof kale oo ku nool dunida u quudhayn u haya sida dhabta ah u jeceshahay, isla markaana qofka ku jecel waa in aad ka heshaa astaamahaas.
Ereyga u dambeeya ee jacayl loo soo gaabiyo waa ‘E’ oo ah in aad qofka aad jeceshahay u muujiso sida aad uga heshay iyo cishqiga aad u qabto eray ahaan iyo ficil ahaanba, sida adiga oo ku ydhaahda, waan ku jecelahay, caashaqa iyo kalgacalka aan kuu qabaan maaha mid la soo koobi karo qalbigayga iyo halbowlayaasha dhiigga ayaad saldhig ku leedahay. Ficil ahaana waxay noqonaysaa qofka aad jeceshay oo markasta aad u keento hadiyado yaryar oo uu ku farxo ama ku faraxdo, taas oo aad ku muujinayso dareenka jacaylka ee aad hayso.
Haddaba, qofka bani’aadamka ah way ku adkaataa in uu inta badan kale saaro jacaylka dhabta ah iyo khiyaaliga ah, laakiin waxa daruuri ah in qofku marka uu damco in uu kala garto kalgacalka runta ah iyo ka beenta ah in uu u dhuuxo habka ay culimada ku takhasusty jacaylku uu u qeexeen markaa waxaad waxoogaa yara kala garan doontaa jacaylka dhabta ah iyo ka dhalanteedka ah, dadkuna kala saarida labada nooc ee jacaylka way ku kala aragti duwan yihiin, culimaduna siyaabo kala duwan bay u fasiraan, laakiin waxay badankoodu isku raacsan yihiin in jacaylka dhabta ahi uu yahay mid ku qotoma afarta xaraf ee loo soo gaabiyey caashaqa, waanna dareen saafi ah oo aad ugudbiso qofka aad jeceshahay, kaas oo dhiga ruuxa ugu farxada badan dunida, qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay waxaad u tixgelisaa si qoto dheer oo ixtiraam mudan, waxaanad dareentaan in nafahiina isku mid yihiin oo saacadaha qalbigiinu isku buuxaan, taas macnaheedu waa haddii qofka aad jeceshahay wax yar oo dhib ahi la kulanto in aad markaaba dareento, haddiise saacadaha qalbigiinu ilbidhiqsi yar kal horreeyaan oo aanay isku buuxin lama odhan karo jacaylkiinu waa uu gaadhay heerkii loo baahnaa, haddiise saacadaha qalbigiisu ilbidhiqsi yar kala horreeyaan oo aanay isku buuxin lama odhan karo jacaylkiinu waxa uu gaadhay heerkii loo baahnaa.
Jacayla dhabta ah waxa loo dareemaa si qiiro iyo la yaable, waxaanna la doonaa in qofka aad jeceshahay waqti walba la joogto oo nolosha inta ka dhimman la wadaagto, qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay waa ka wanaagaaga doona, haddii aad ficilo xunxun kula dhaqanto kuu dulqaata, waa ruuxa akhrista qalbigaaga iyo waxaad damacsan tahayba, kaas ayaa la yidhaahdaa waa jacayl dhab ah.
Jacaylka iyo kalgacalka beenbeenta iyo dhalanteedka ahina waa ka ay ka maqan yihiin, dhagaysiga, daryeelka, qiimaynta iyo muujinta dareenka jacayl ee aad xambaarsan tahay, waayo jacayl khaaliga ah waxa lagu gartaa qofka oo dhagaysigaaga ka caajisa, qofka oo aan daryeel kuu muujin, ruuxa oo aan ku qiimayn, kuna yasa, daymadiisa, hadalkiisa iyo dabeecadihiisana ka dhadhansan mayso astaamo jacayl oo uu kuu qabo.
Jacaylka dhalanteedka ah waxa lagu gartaa qofka oo iska yeelyeela in uu ku jecel yahay, iyada oo afku ka xado erayo aan dhagahaaga raali galinay, jacaylka dhalanteedka ah cimrigiisu ma raago oo waxa uu xidhiidhkiisu ku burburaa muddo yar oo gaaban, kaas oo lagu garto jacaylka khiyaaliga qofka oo ballan kuu qaada oo jar jara, isaga oo ku marmarsooda hawl baan hayey iyo cudur-daaro aan maangal ahaynd.

waxaa kuu diyaariyey qalbijaceyl
kala xariiri

qalbijaceyl11@hotmail.com

3 Comments

  1. waad salaaman tihiin dhamaan dadka soo qoray war bixin tan iyo kuwa ka faaloodayba
    anuu waxaan aaminsanay inuu jacaylkuba kalsoni uun ku dhisan yahay hadaba dadoow maxay idinla tahay qofay kal soonidii ka luntay ma dhisi karaa jacayl hana qaada ,haba dhise ma tahay miday ku qanacsan tahay naftiisu
    sxb yaal iga soo jawaaban idinkoo mahadsan

  2. waa lagaa qaaday sxb ta kale maaha sidaad u qaadatay manaha walax saynisa ama xiisad

  3. sxb marka hore wad salaman tihin ka warama sxbayaal hadii aan si kale u dhigno jacaylka miyaanan la odhan karin jacaylku waa wixii cuf iyo mug leh meel madhana buuxin kara…..kkkk…..looooool…….


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: