heestii xaliimo khaliif magool ( jaceyl dhiig malagu qorey)


hadaba akhristow heestaani intaad akhrisato sifiican u dhuux
miraheeda iyo ujeedkeeda si fiican bal uga fiirso kadibna
ereyada macaanka badan oo ay ku dheehanyihiin jaceyl
(hadaan laysku dhimanayn
nafta laysu dhiibeyn
soomaaha dhalanteed…) jaceylka dhabta ah waa kan
lamaanaha isdoorteyay isku dhiibteen nolosha macaaaaankeeda bal si fiican u dhuux fanaanadii caanka aheyd ee magool (ilaahey ha u naxariistee)

Jacayl dhiig ma lagu qoray
Weli dhuux ma loo shubay
Qofna saanta dhabarkiyo
Maw dheegey feedhaha
Dhabanada cad laga jaray
Hadalkii ma lagu dhigay
Xinjir aan is dhalan rogin
Midabkeedu dhiin yahay
Laga dhuray halbowlaha
Weli dhiil ma lagu shubay
Laba mays dhadhan siiyeen
Sida dhayda xoolaha
Dhag dhag maw wadaageen
hadaan laysku dhimanayn
nafta laysu dhiibeyn
soomaaha dhalanteed

jacayl dhaawiciisii
qofna wali dhibtiisii
dhaayaha ma beeloo
dhaguhuna ma awdmeen
dhaxan suu u tagnaa
maka daatay dheehii
dadku mayska dhaafeen
dhaqax maw maleeyeen
wali dheymadiisiyo
dhakhtar lagu daweeyaa
dhulka ay ku taaliyo
halka ay ka dhawdahay
kun habeen maw dhaxay
hadaan laysku dhimanayn
nafta laysu dhiibeyn
soomaaha dhalanteed
diyaariye qalbijaceyl

qalbijaceyl11@hotmail.com

10 Comments

  1. Waw aniga tagero xalimo khaliif magool ah waan jeclahay heestaan qaas ahaan erayada [dhabanada cadlaga jaray hadalkii malagu qoray xinjir aah is dhalan rogin midebkeedu dhiinyahay laga dhuray halboowlaha wali dhiil malagu shubay] ilahay ha unaxariisto magool

  2. wah wah wax ba kadhacay

  3. wow waxa xaqiq ah ninki sudaneska ahaa inu magol si dhab u jecladay maxayelay dhigisa ayu dhanbal ogu soray far cari ah waliba naxwi alla warqadas hadan arki laha waxa u kuhadlay mucashaqas

  4. marka hoore waxa aan salaamaya hablaha sharafta leh ee soomaalida meel kasta ay ku nool yihiin-magool-oo kale noo ahada

  5. W0w fantastic sxbw lkn wayape arinkas ninki alifay maskax badanya masha.allah xalim0 alla yaraxma

  6. Malab iyo sabiib
    miro canab tufaax
    laga miiray
    muuqaalsanay
    sida maalin roob
    mayay gaan cuskaday
    meel carro sano
    xareeduna madix dhulka caday ku beer
    naq u soo milmilay
    manka doogu baxay
    dhirta midaba midab
    mida kalo gasho
    is ku maran dartaa
    adaan kugu matalay midabkana shabaha
    makhribki cad ceed
    muskeedi gasho
    sagal magane caad
    ku mariman yahay adaan kugu matalay midabkana shabaha
    cosob iyo magool
    ubax guud kamaray
    jawigoo macaan
    miisamay cadar

    • Malab iyo sabiib
      miro canab tufaax
      laga miiray
      muuqaalsanay
      sida maalin roob
      mayay gaan cuskaday
      meel carro sano
      xareeduna madix dhulka caday ku beer
      naq u soo milmilay
      manka doogu baxay
      dhirta midaba midab
      mida kalo gasho
      is ku maran dartaa
      adaan kugu matalay midabkana shabaha
      makhribki cad ceed
      muskeedi gasho
      sagal magane caad
      ku mariman yahay adaan kugu matalay midabkana shabaha
      cosob iyo magool
      ubax guud kamaray
      jawigoo macaan
      miisamay cadar

      Reply

  7. (Hadaan leysku dhimaneyn nafta leysu dhiibeyn sow maaha dhalanteed …) maashaa alah magool wey la heshay ninki sudaneska ahaa , heestaan waxaa mireheeda iska leh ( max,ed warsame hadraawi ) waana abwaan qiimo badan waxaana idinka codsaneynaa in heesaha noocaan oo kale ah soo badisaan si aan uga bogano
    MAHADSANIDIIN

    • waah waah waxaasaa jacaylah aad iyo aad baan ugu ducaynayaa magool waxa aan idinka codsanayaa inaad heesihii hore ee xigmaddu ku jirto aad dadka usoo bandhigtaan

  8. wowow masha allah waaye heestaan sxb noo soo badi heesaan oo kale


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: