newlove002
Inta aysan is guursan labada qof ee (Labka & dhediga) xilliga haasawahooda waxa ay sheegaan in ay is jecel yihiin oo ay is doonayaan, uuna ka dhexeeyo jacayl wanaagsan oo waaray.In badan ayaa la arkay labo is jecel oo isla haajiray (Masaafeystay)

iyagoo ka baqaya in jacaylkooda la carqaladeeyo, kuwo baa is dilay marka ay is waayaan ama caqabado kale ay soo wajahdo, kuwo kalena waalidkood ayay u caddeeyaan in aan jacaylkooda la carqaladayn haddii kalena ay ifka uga tagayaan arrintaa awgeed.Ma aha layaab haddii labo qof oo is jeceli ay is ammaanaan oo midba kan kale uu ku tilmaamo sharaf, qiimo, qaayo & qurux aan mataalkeeda iyo qiyaasteeda aan si fudud loo helayn, maxaa yeelay dareenka kalgacal ee dhex yaala qalbiyadooda is jecel ayaa isu tusinaya wanaag, hannaansami & bilic toosan oo ka muuqata qofka uu jecel yahay, taasina waa waxa keenay ammaanta badan & hilowga labadaa is jecel ay isu qabaan.Intaas oo ammaan iyo jacayl isu hibeyn ah waxa ay dhacaan guurka kahor ama xilliga xaaladda haasaawaha lagu jiro, haddana waxaa dhacda in guurka kadib carqalado & caqabado jacaylkii la soo gudboonaado. Haddaba waxaa isweydiin mudan sidee loo joogteyn karaa ama loo daa’imi karaa jacaylkii hore la isugu qabay.Ogow Ina raggow ammaanta gabadha aad amaanaysid xilliga aadan guursan inay tahay mid aad ugu dhawaanaysid qalbigeeda, laakiin ammaanteeda guurka kadib ayaa ka qiimo badan amaantii hore taasoo leh mudnaanta koowaad ee jiritaanka jacaylkii hore, maxaa yeelay waa saldhig lama huraan ah si loo ilaaliyo qalbi samida & is afgarashada qoyska.Nolosha wacan ee qoyska waa mid u baahan daacadnimo, niyad wanaag & isla dhaqan xilkasnimo leh.Haddii aad rabto inaad nasiib u yeelato inuu jacaylkiina waaro lamaanahaaga ha dhaliilin, hana cannaanan, hadduu qalad idinka dhex dhaco adiga & lamaanahaaga si deganaani ku jirto isu deeqsiiya inaad qaladka u wada saxdaan, waxaa hubaal ah inaad arki doontaan adigoo isu muusaanaya halkii aad ka xanaaqi lahaydeen.Ogow weji furnaanta, qosolka & farxadda badan ee lamaanayaashu wadaagaan inuu saldhig u yahay Jacaylka waara, haddana adigoo qosli kara, isla markaana si farxad leh ula cayaari kara Xaaskaaga/Ninkaaga maxaa keenatya weji macbuusnaan sababi karta burbur qoys? .

w/q: (Awlaad Jaceyl)

nagala soo xariir

qalbijaceyl11@hotmail.com

1 Comment

  1. wan idiin salamay walalayala waxan idinka codsanaya in ad no soo badisaan qisada jaceylka ama sawirada jaceylka oo ah af somaliya
    mahad sanidiina


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: