nin caashaq uu dhibey


akhristow sidaan filaayo waxaad horey u daalacateen waa maxay caashaq
oo uu ka hadlaayey abwaan c/lle nuuradiin ayadoo muuqaal ah hadana waxaan idiin soo diyaariyey qoraalkeeda ka bagasho wacan
waa abwaan c/lle nuuradiin ( allaha u naxariistee )
sii akhir________

1. Nimuu caashaq dhiibay baan ahay oo ciillan waligiiye
2. Anigoo carruuruu i galay cudurka shaydaane
3. Culays buu i saaray iyo xanuun caadi yoon bi’ine
4. Cabsi kama qabayn maalmuhuu igu cusboonaaye
5. Ciduun baa dawayn baan is iri, ciirsi kuu baxa’e
6. Cashar ii qora yaan lahaa culumo duub wayne
7. Ceesaamo gowracay intaan ciid ka faashadaye
8. Cishriin bilood baan ku jiray weel ciriiri yahe
9. Welina caafinaad ma ledin oo waygu caynkiiye
10. Intuu ii carooduu dhammaan cunay dubkaygiiye
11. Casho iyo quraac buu ka dhigay cudadahaygiiye
12. Cadkii waa ka feensaday laftii coodi iyo jiire
13. Ciriqyadii wadnaha buu xiroon dhiigga celinayne
14. Naftana waygu caascaasiyo, ceeshkii iga gooye
15. Caanana kollay ku tahay dhadhamo wayga celiyaaye
16. Cunahaba wixii sii maraa waa candhuufada’e
17. Cagtaydii tallaabada gabtoo caajis baan ahaye
18. Sidii ruux cirroola ah yaan tukubo culus ku ruugaaye
19. Cirba-jeedis mooyee durduro waan ka caal-dhigaye
20. Waxbase yaan calaacalin rag waa kii calool adage
21. Middii cudurkan igu beertay baa ii cadaawa ahe
22. Anigaa naftaydii casilay caadil ii qoraye
23. Cudur iga fog baan doontay oon caabuq ii harine
24. Haweenna way ka cararaan nimaan caysh u fidinayne
25. Hadba kii cashada siiya bay wada caweeyaane
26. Caqli iyo garaadkoodu waa calal nadiifaade
27. Haddii uu cirfiid yahay midkii cuud le bow taline
28. Cadaabtii Ilaah iyo nabsiga kama cabsoodaane
29. Cilmi baan ogayn jeer in ay caaska geliyeene
30. Middii calanka loo saaray baa cayrisoo dhimaye
31. Inuu caashaq naageed dilaan cidina moogayne
32. Aniga halkaan caawa aal ciribla’ weeyaane
33. Ka carraabay dunidoo naftani waygu ciribriiqe
34. Noloshii cirkay iga tagtay iyo caadka hoos mara’e
35. Cisraa’iil wuxuu igu wadaa ceelkii aakhiro’e
36. Teer iyo carruurnimo middaan daba cataabaayey
37. Haddii ay i caawini lahayd cudur ma jiifeene
38. Cidlada iyo jirradu waa darteed caawa aan qabo’e
39. Ninkii caashaq naageed qabow, xiro calooshaada!
qalbijaceyl11@hotmail.com

2 Comments

  1. Haada iyo shimbiraha heybad ada ka sidatee hanaankaaga wacanbaa halboolaha igooyee hurda waan ka quustee hud hudka iyo shimbiraha haatuf iigu sheegay hadaad aragto maryan hamuuntaada caashaq iyo hamigaada usheeg hidihii dhaqankaa huunooy sidataa ha ii noqon abaayo hadalkaan oranlahaa hoosta adaa iidhigtee huunooy waaba kuu ildaranahay ilove you so muh

  2. Ascm wr wb wujira jecel waxase kaweyn claf sosax mahan waxkasta waxa kaweyn clafka


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: