hadaba maxaa keena furiinka?


Dhawaanahaan oo aad utira batay furiinka hadaba Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah maxaa keenay furiinka? inkastoo suįashani jawaabteeda Bulshada ku kala duwantahey oo qof walba wixii aaminsan yahey ku tusaaleeyo.

Markii si fiican u eegto nolosha bini aadamka waxa ugu muhiimsan waa guurka sidaas daraadeed ayaa dadka badankiis u arkaan furiinka in ay tahay guuldaro ku timaada guurka

hadaba maxaa keena furiinka?

waxa keena furiinak waa wax aad u adag hasa yeeshee waxay sheegaan dadka ku taqasusay arimahaan waxyaalo badan waxaana ka mid ah

1 dhibaato dhaqaale

2 in lakala fogaado

3 dabeecada oo lagu kal duwanaado

4 balwada

5 dhaqanka oo lagu kal duwanaado

6 gogosha oo leeskaga kal heli waayo

7 faragalin ku timaada lamaanaha dhankasataba ha ahaatee

8 diinta oo lagu kal duwanaado

inkastoo aad ee u badan yihiin wax sababa burburka qooska hadana waxaa kasoo qaatay aniga inta ugu muhiimsan oo aan isdhahay badana ayaga ayee ka yimaadaan

Moowduucaan oo dood fara badan dhaliyay hadana dadka ku nool dunidaan aan joogno ayaa wuxuu ku eedeeyaa rag iyo dumarba midba midka kale in uu asiga keeno ama xagiisa katimaado in lakala tago hasayeeshee furiinka ka dhax dhaca dadka soomaliyeed ayaa salka ku haya sidax arimood oo moodaa in ay ka dhashaan kal tag aan xalna toona laheen sidaxdaas arimood waxee yihiin dhibato dhaqaale, balwada iyo dhaqanka oo lagu kala duwanaado kala taga ugu badana ayaga ayuu ka yimaadaa gaar ahaan kala taga soomaalida

furiinka ka dhaca afrika ayaa sababsada had iyo jeeraale dhaqaalo daro daraadeed halka kuwa kadhaca amerika iyo yurub ee sababaab sidaxdooda oo dhan guud ahaan tusaale ahaan soomalida kunool qurbaha waxoo kal tagooda sababa markasta dhaqanka oo doorsooma lagana tago dhaqankeena suubanaay, dhibaato dhaqaale iyo balwada

ugu danbeentii aqristoow waxaa maqaalkayga kusoo afmeerayaa marka hore in laga baqo alle asigana loo laabto taas oo qoosas badan ka badbaadin karta in uu ku yimaado bur bur waxaa kaloo kula talin lahaa in ay ka wada tashatan waxkasta oo soo wajaha lamaanaha isla nool hadii uu yimaadana qalad si wadjir ah loo xaliyo had iyo jeerna lagu dadaalo samirka iyo dulqaadka
waxaa idiin diyaariyey: Cabdi Hasan

wixi talo iyo tusaalo ah kusoo dir emailkan:

cabdi_xasan@hotmail.com
ama qalbijaceyl11@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: