SIDEE LA ISKUGU QIYAAMEEYAA JACEEYLKA YURUB


waxaa jirtay sheeko dhex martay labo qof oo ku wada nool labo wadan oo qurbaha ka wada tirsan, waxay labaduba ku noolaayeen labo wadan oo yurub ka wada tirsan.labada qof waxay ahaayeen kuwa wada socda, is shukaansada sheeko aad umacaana dhex marto maanlin iyo habeenba. waxay kuwada sheekeysan jireen aalada loo yaqaan internetka,markay ku daalaana waxay ku nasan jireen teleefoon.Midba midka kale wuu dharari jiray ama wuu daahsan jiray waqitga uu internetka ku arkaayo ama uu teleefoon soo diraayo

,waxay ahaayeen labo qof oo aan dhhi karno waxay ahaayeen labo qof oo ah lamaano is ku dhinta. sheekooyin aad u jaceeyl macmacaan ayaa dhex maray kuwaas oo badankooda laysku dhaafsan jiray internetka.Mararka qaar waxaa laysku dhaarin jiray in midba kan kale uusan qiyaamin oo uusan axdiga uga baxin,hadii taas ay dhacdana laga yaabo in ay dhimasho sababto. sheekooyin dhex marijiray ayaan kasoo qaadnay labo warqadood oo ay isku dhaafsadeen interenetka. warqada ugu horeysay waxaa soo diray gabadhii waxayna usoo dirtay ninkii iyada oo dareenkeeda ku cabireysay iyo jaceylku masheea uu ka joogo waxayna warqadeedii ku bilowday sidan. —
qaaliyow igahano qoraalkaan uu kuusoo gudibnaayo qalbigaan ku jaceyl. qalbiga waa i hurayaan qaadayaasha dhiiguna way wada qarqarayaan qaluubtiyo nafteyduna aday kugu qarwayaan,qosolkiyo wanaagiyo qowlkiyo asluuta waa waxa i qaadee qalbiga kuugu heystee,inta aan qabuuraha qabrigeyga laga qodin,adna aan qiyaamaha laguu qorin ximaatada qaaliyow wax ila qabo. warqadaas ay usoo qortay aadkana ay ugu faryareysatay qaalidiisu markay soo gaartay.
Asigana markuu helay intuu aqriyay ayuuba maba sii daahdaahine asiga oo farax qofkuu arkaaba uu ka dheehan karo ka muuqdo ayuu bilaabay inuu jawaab u qora jawaabtiisa waxay ku bilaabay sidan. qaalidii nafteydaay qiimaha kal gacalkiyo qowlkaa isoo tiri qalbigiyo jirkoo idil jariiraco i qaadoo ma qaboobi karayee,kalgaceylku yuu quban axdigana qiyaamaha yaan adi laguu qaban. waa qalbigaada. Bal aqristoo aan idin su,aalee marna intaa sheekada aqrineysay qalbigaada ma gelisay in labada ereyadaa is wadaagsaneysa ay aduunyo isku wayn karaan.Waa maya. laakiin aniga waxaan leeyahay waa dhici kartaa waayo jaceylka yurub ayaa badankii qiyaamo ku dhisan,rag iyo dumarba ma jiraan mid ku ekaanaaya qofka uu jecel yahay.

KHIYAANO WEELKEEDA WAA EBER DHALANTEEDNA MA DHISO AAWEY KALSOONIDII JACEYLKA ?

Maalin maalmaha kamida ayaa waxaa dhacday,in gabadhii ay Email cusub sameysatay, kadibna ay warqadi u marsiisay gacaliyaheedii emailkii cusbaa, iyada iska dhigeysa qof uu hada ka hor u sheegay inuu la socon jiray laakiin ay kala hareen.markaa waxay is laheed bal tijaabi jaceyl uu kuu qabo intuu la egyahay,kaligaa ma ku jecel yahay mase dad kale ayaa jira. laakiin waxay iloowsaneed in qof qurbaha jooga inuu isku koobo qof kaliya ay tahay wax mucjiso ah oo ay yartay dadka saaxiib kaliya leh. Dumar iyo ragba waxay lasocdaan marka laga reeba qofka ay la socdaan 5 ama 10 kale, marka waxay ka tahay in qof uu saaxiibo badan la socdo wax iska caadi ahba. qoraalkii markuu utagay wiilkii waxuu u qaatay qofkii ay wada ka hor saxiibada ahaan jireen, oo mar kale usoo laabatay,waxuuna is yiri alay lahe mar kale ayay kuu gacan gashay ilaah ayadana og tan aad guursadneysee, bal labadoodaba isku wada adiga oo kala qarinaya. markii uu aqriyay warqadii gacalisadiisa mustaqbalkiisa aheyd ee qoftii hore uu moodaayay usoo qortay,Waxuu ugu soo jawaabay sidan .
macaanto qoftaan u xiisaayay, qoftaan kaligeed habloo dhan uga go,ayay maxaa dhacay oo laguu wayay may dhacday, ereydaas iyo ereyo kale ayuu ugu jawaabay warqadii lagu baarayay.
waxaa kale oo uu sameeyay sheeko layaab leh, gacalisadiisa cusub ahna tan warqada qortey waxay heysataa lanbarada sirta ah ee lagu geli karo emailkiisa oo hada kahor ayuu siiyay, sidaa darteed waxuu is yiri imay aragtaa warqad qoftii hore kuusoo qortay,markaas ayuu kuyiri macaanto waxaa jira gebdho aanan garaneyn oo iska key dhiba ee hadii aad ku aragto warqad laygu dhibaayo oo shukaansi camal u qoran waxba u qaadan,warqadii jawaab celinta uu u dirayna waxuu ku qoray asiga oo mooda inuu
ex_girl frendskiisii ama saxiibtiisii hore u la hadlaya sidan macaanto markaa warqad iisoo direyso emailkaan waa iga haleysan yahay oo qoraalka sifiican loogama arkaayo ee kan aan kuusoo qoray iigu soo dir, taasna waxuu ula jeeday hadii emailkaan kaala soo xariirto waxaa arkaysa gacalisadaan cusub.
nasiib xumo waxuusan ogeyn labada qof ee uu moodo gacalisadisii hore iyo tan danbe in ay mid uun isku yihiin.
waxaa is weydiin mudan naf jaceyl galey miyaa sidaan u dhaqanto waayo hadii aysan jirin kalsooni waxba kama soconayaan
waay qofka haduu si kaste iskaga dhigo daacad ma noqdo qof aan daacad aheyn
waayo jaceylka dhabta ah la iskama yeeli karo dhalanteedna ma dhismo
hadaba dhalinta somaliyeed waxaan jeclaan lahaa inay iska dhowraan khiyaanada waxaan hubaa hadii aad tahay qof khiyaanalow ah
inaad heleysid qof kale oo adiga kaa khiyaano badan
hadad tahay qof wanaagsan maradaada geed ma soogaraayo
waa qormadii qalbijaceyl

_______________________
qalbijaceyl11@hotmail.com
maxamuud340@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: