Gabey ( maxamed xassan cali )


 

 

 nololcusub.tk

maxamed xassan oo ah wiil da,yer ayaa ka soo burqadeen qalbigiisa bal talow jaceylku macaan badnaa hadii lagula wado qareer badnaa hadii aanan lagula xanbaarsaneyn maxamed xasan oo u hibeeyey gabay aad u macaan abdan gabadh uu jecelyahay kana doortey habalah dunida maxadow afkaaga caano lagu qabey

 

Innan yahay adduunyada haddaan dhab u ilaalleeyey
Adimadda intii aan ku marray ama la ii sheegay
Afarta beeyni jaho naagahaa Eebbee ku abuuray
Asaraar haddaan lagu hadlayn ama la awdaynin
Annigoo aqoon u leh haddaan xaq abaareeyo
Illaah igu og inaad Sihaamey ugu horaysaaye
Asluubtaada goortaan arkiyo ooggadiyo jaaha
Afka iyo indhaha nuurrayiyo edebta loo yeelay
Adimmadiyo laafyaha kolkay aayar soconayso
Ashkharaar u dhimay maxamedow eeg ninkii yiriye
Arwaaxiyi laftay iga gashiyo uurka feeraha’e
Iimaankii baa iga qabsaday arragtideediiyee
Aalaaba waa arroos iyo innay oorri noqotaaye
Araggeeda keliyaa malyuun lagu ilaawaayee
Ayaan anigga iga roon ninkay ubad u qaadaaye
Iyaddoo agtaydaas fadhida oo ubaxna ii laacday
Argagaxa hurdada leylki baan aqalka moodaaye
Siddii Geel ilmihi laga xirroo ololley oo reemmay
Hadba annigu meeshay jirtaan ku ag wareegaaye
Yurub iyo Aasiyiyo aqaladii Shiine
Afrikaanka oo idil haddii laysu soo urrursho
Axad kuu eg weligay ma arrag inna adeereeye
Awal haddaad u tahay waa inaan ku ogollaadaaye
Afka inaan ka sheeggiyo amaan gibin ah mooyaan’e
Asluubtaada lama gaarri karo aynigey tahaye
Ilwaad quruxsan leeyeey mid kale waan ka ood
nahaye
Waa inaad ayaan qurra qalbiga iiga olashaaye

hibo eebe idin siiyey habeen la iskama qaado —

ifka hibo ku noolaada aakhirana halkii roon-

maxamed xassan cali

bilaal35@hotmail.com

________________

qalbijaceyl11@hotmail.com

 

 

1 Comment

  1. hey caadi ma ahan


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: