Qoraal sheeko jacayl oo aad u xanuun badan


Sheekadaani ayey ku dhacdey gabadh somaliyeed waa sheeko dhab ahi

waxayna ku bilaabanaysaa qisadeedii ku dhacday iyadoo ka sheekeynaysa sida tan:-

Magaalada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe oo aan ku noolaa intii aan garaadsaday 4Jirkaygii ilaa 18-jirkaygii , halkaasoo aan ka bilaabay waxbarashadaydii aan ku dhamaystay,

Mahad waxuu ka mid ahaa dhalinta aan isla jaan qaadnay in kastoo uu iga waynaa mudo 8 sanadood haddana sida aad ogtihiinba da’da raga iyo dumarka farqi baa u dhexeeya. Aan idiin Bilaabo dhacdada.
Aniga iyo Mahad waxaan ahayn laba qof oo ku soo barbaaray jacayl walaalnimo oo aad u fog iskuna xog iyo xuuraan ah, waayo waxaan ahayn deris isku degaan ah (Xaafad ah) waxaan ahaa walaashiis oo kale isaguna walaalkay oo kale.

Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah iyadoo xilli uu roob ka da’ayay deegaanka Balcad dhulka tigaadu buuxisay in uu iigu yimid gurigayga oo aan ka fogayn gurigooda wuxuuna ii sheegay in uu doonayo in aan aadno riwaayad socotay Habeenkaas oo ahayd {SHUMEEY} oo markaa aad loo xiisaynayay.
Kama diidi karine waayo waxaan ahayn laba ruux aad isugu weynaaye, waxaan u sheegay in uu ii soo noqdo si aan isugu diyaariyo, isagana hadal kama soo celinin waa uu iga ogolaaday, waxaana caado noo ahayd in aan isu weheshano riwaayadaha, aroosyada, garoomada ciyaarahu waxay noo ahaayeen kuwo noloshayada ka mid ah. Waayo isagaa wata gaari noo sahla aadista goobahas.

Waqti yar kaddib buu soo noqday anigoo diyaar ah waxaan u jaan qaadnay xagii degmada oo ahayd halka riwaayada 15-ka Shumeey habeenkaa lagu dhigay dadkuna aad ugu buuqsanaa, laakiin Nasiib wanaag anagu waa haysanay tigidka oo Mahad baa soo gooyey intii aan is diyaarinayey. oo si fudud baan albaabka u gudubnay, Kadib daawashadii riwaayada oo aad u xiiso badnay, ayuu iga codsaday in aan magaalada dibada uga baxno, waana ka aqbalay waxaan Tagnay aaga u dhexeeya dugsiga sare iyo Mashruuca oo aad u qurux badnaa, Markaa iyada ah anigu Mahad uma hayo wax dhaafsiisan Jacayl walaalnimo, balse isagu mid ka duwan ayuu wataa sidii uu iigu soo gudbiyeyna waa sidan:

Mahad: Walaal A…m ma ogtahy in aan aad kuu jeclahy………..

A.M: Haa oo aniguba waan ku jeclay mid walaalnimo.

Mahad: Laakiin anigu waxaan kuu jeclahay si dhab ah ……

A.M: Oo Hadaa ma kaygaa dheel ah maxaa walaalinimo ka fiican.

Mahad: Waa ogahay in walaanimo qaali tahay, lakiin aniga waxaa ila soo gudboonaaday hami iyo qami la xiriira Jacaylka aan kuu qabo oo iga ah dhab in aan nolosha kula qaybsaso baana iga go.an.
Runtii waxay igu noqotay fajac si aan ku aqbalo ma aqaan si aan ku diidana ma aqaan, waxaanse ka codsaday in uu isiiyo waqti aan ku soo fekero, waana iga ogolaaday.

Waxaan ahaa gabar markaa soo kacday oo aan weli cid la sheeko wadaagin marka laga reebo Mahad iyo C/salaan oo mid walaalnimo naga dhaxaysay mooyee, hadaba waxaan ka badin waayey in aan aqbalo codsigii Mahad uu ii soo bandhigay.

Waa habeen Isniin ah, Jawigu waa mid aad u qurux badan oo rooban, waxaan ku kulanay goob gawaarida Taxi laga kireeyo anigoo soo sagootiyey gabar aan isku galaas ahayn.

wuxuu igu yiri aan idin qaado si aan hadhaw isugu keliyasano waana ka aqbalay, markii aan khadiijo xaafadoodii gaynay kadib waxaan beegsanay dibada Magaalada, Waxaan xulanay meel aad u qurux badan oo Kaaraa-bidhaanku biligtaa tan iyo cabaar markaan kaaraabidhaanka qabo iyo ma qaban kartid islahayn ayuu su’aal i waydiiyey:

A.M maxaad iiga haysaa codsigaygii..? Aad baan u naxay waayo ugubnimadu waa ii saamixi wayday in aan markiiba iraahdo waa aqbalay, markaan cabaar aamusnaa ayuu mar kale yiri “Miyaanan u qalmin in aan ku jeclaado..?.” mar kale ayaan argagaxay oo aan ka naxay hadalkaan dambe waxaana ugu jawaabay anigoo jaraynaya “Waad u qalantaa walaal waana aqbalay”.

Habeenkaa Taariikhdu waxay ahayd 16/6/1998 wixii ka danbeeyey ilaa laga gaaro 1/2/1990 waxaan ahayn kuwo lagu daydo ama lagu halqabsado marka Jacayl laga hadlayo degaankaan ku noolayn, Nasiib daro waxaa na soo wajahaday markii ay dagaalada sokeeye soomaliya ka dhaceen oo ay beelihii aan ka dhalanay dagaalameen, oo aan kala fogaanay oo midkayaba midka kale tebay laakiin uusan aqoon meel uu u doono.

DHACDADII LABAAD:

Waxaan ku kulanay magaalada Nayroobi ee xarunta u ah dalka Kenya Gabar aan isku deegaan ahayn salaan kaddib waxaan waydiiyey bal in ay meel ku ogtahay Gacaliyahaygii waxayse ii sheegtay arrin aad iyo aad uga qiirooday oo ah in uu waashay oo uu qashinka ururiyo qofkii dumar ah ee uu dhaayaha saaraba uu magacayga ugu yeero, daqiiqado oohin iyo dhiilo ah ayaan jabsaday, kaddib waxaan waydiiyeey meeshii ugu aragti danbaysay waxayna igu tiri “Magaalada Xamar, gaar ahaan Siinaay.

In cabbaar ah ayaan saldhigtay jirdiin u dhowaa goobtii aan ku kulanay gabadhii raadkan xun igu reebtay, su’aallo badan oo aan isweydiiyay kaddib ayaa waxaan go’aan saday in aan dib ugu soo noqdo Xamar si aan dhibka ula qaybsado wiilka ay kala fogaantayadu qalbigiisa dhaawacday. waxaan u soo anba baxay xamar anigoo soo raacay diyaarad jaad oo fariisata 50km, Waxaay ahayd xili ay aad iyo aad nabadgelyadu u xumayd oo gaarigii aan ka soo raacay KM50 ayaa lagu baartay meel waxayar u jirta kuliyadii Lafoole, waxaan halkaas ku waayey wixii aan sitay oo sahay ahaa. anigoo aan waxba sidan labadii shay oo aan xirnaamooyee ayaan soogalay xamar.

Waxaan beegsaday guri ay lahaayeen reer aan macruuf ahayn, Waayo mid walaalkay lahaa oo madiino ku yiil ma aadi karo Nabadgelyo awgeed.Markii aan soo gaaray gurigii aan u socday mise waa hore ayaa laga qaxay, waxaan waydiiyey reerkii guri ahaan ugu xigay waxayna ii sheegeen inay Yaaqshiid u guureen oo beeshoodu ka taliso.

waxaan qaatay tilmaantii la i siiyey waxaana beegsaday meeshii la ii tilmaamay shido badan kadib waxaan ku guulaystay in aan helo gurigii ay ku noolayeen macruufkaygu haseyeeshee qofkii u horeeyey oo i arkaa wuxuu iigu yeeray magac beeleed aan aad u dhibsaday. waxaana go’aansaday in aan dib uga laabto iyagoo ila sii hadlaya ayaa dhabarkaygii ka qarsoomay, waxaan beegsaday dhanka siinaay oo aan is leeyeyhey bal ka doon doon kii aan dartiis dalka ugu soo laabtay, maalintaa iima suuroobin in aan helo oo gabalkii wuxuu iga dumay anigoo aan helin xataa cid ii sheegta. Waxaan garaacay albaabkii iigu iigu dhowaa markii gabalku dhacay waxaase iga furtay qof aan aad isugu faraxnay all waa A.M iyo Alawaa khadiijo, alla xagee ka timi iyo Nairobi walaal soo gudun, qubayso, iyo wax cun gacalo ku dheehantay ka dib ayaan is warayanay waxaan u sheegay u jeedada socodkayga iyo in ay i caawinto si aan u helo wiilkaa dartay u dhibaataysan. Waxay ii sheegtay in ay reerkoodii u kaxeeyeen B/Wayne hase yeeshee uu joogo wiil ay walaalo ahayeen oo Gaari wata Labadii maalmoobana uu mar yimaado oo ka shaqeeya isla beled wayne.

Waxaan ka codsaday in ay i tusto meesha uu ka baxo si aan ugu raaco B/Wayne. Maalin ka dib ayuu yimi markii aan la kulamay wuxuu ii muujiyey weji furan iyo farxad wuxuuna ii sheegay in uu beri tegayo, Laakiin wuxuu igula taliyey in aan iska Joogo waayo qadiyada jirtaa waxaa laga yaabaa in ay dhib ii gaysato wuxuuna iga balan qaaday in uu soo qaadayo isaga oo keenayo xarmar si aan u kulanano:

Maalin Xasuus, Dhiilo iyo farxad xanbaarsan: 4/9/1993-dii goor subax ah ayaa albaabka la soo garaacay waan furay waayo waxaan ahaa qofkii ugu dhowaa waxaa in dhaygu qabteen Mahad oo timihii ku baxeen, aad caato u ah, oo dhalan rogan: naxdin iyo farxad Maxaa dhacay: Walaalkiis C/kariin oo markaa waday ayaa ku yiri “Ma garanaysaa gabadhan wuxuu yiri haa Waa A.M” Waan ku soo booday oo isku duubay daqiiqado kaddib ayuu C/Kariin ii sheegay in aan ahay qofkii ugu horeeyey oo uu garto muddo Labo sano ah.

Waxaan ka codsaday in uu iiga tago si aan bal u derso dareenkiisa iyo sida uu waxa u tabanayo intii hadalka aan wadanay
C/kariin ayuu iga soo dhex galay isagoo igu yiri “Xagee iga aaday, maxaad ii dishay, xagee igu ogayd” isagoo sii daba dhigay su’aallo badan oo aan garan waayay, si saxariir ah ayaan ugu war celiyay iyadoo su’aalahaas is daba jooga ah aan fahmi waayay.

Mudo kaddib ayaan ku iri “Waa anigaan kuu soo noqday mar dambana kaa tegimayaayo”. Waxaan ka ogaaday muddadii aan wada joognay in aan maskaxdiisu dhamayn uuna u hoggaansan yahay wixii aan iraahdo.

Waxaana go’aansaday in aan u kaxeeyo halkii aan ku noolaa ee Nayroobi oo aan la dhuunto waayo waxaan ka baqay in reerkoodu iga diidaan. waxaana arrintaas kala tashaday Khadiijo waxayna igu tiri “Ku dhaqaaq wixii dhaqqale ahna anigaa kugu saacidaya”.

Waxaan u yeeray walaalkiis C/kariin oo aan u sheegay in uu iigaga tago oo safarkiisa uusan baajin ee marka dambe oo uu soo noqdo uu kaxeeyo, maadaama ay bani’aadamnimadu ku jirto in la is badbaadiyo.
Kaddib waxaan isu diyaariyey safar qarsoodi ah waxaana kaga ambabaxay magaalada Muqdisho safar dhinaca dhulka ah anigoo sii raacay gaari u socday Gobolka J/hoose xaruntiisa Kismaayo, markii aan tagnayna waxaan ka sii raacnay diyaarad ilaa Nayroobi.

Durba ma nasan oo waxaan geeyey dhakhtar dhimirka qaabilsan, hase yeeshee wax wayn uma tarin keliya daawo dejisa ayay siiyeen cid ma dilo, cid ma caayo sidaasaan kuwada noolnahay isagoo dhimirka aan caadi ahayn iyo anigoo isga uun eegta.

Waxaan deris la hay Jacaylkiisa isagoon nin ii ahayn waayo nin waalan waxba kuma xirmaan waxna kama furmaan, Reerkoodu waxay ii yaqaaniin saaxiradii wiilkooda waashay, reerkayaguna waxay ii yaqaaniin tii sixranaday markaan dersay waxa soomalidu sixirka u Taqaani

WAA JACAYKA DHABTA AH.

Haddaba Mudo 12sano ah waxaan ku wada noolnay aragti keliya eed aadane oo aan ka baxsan lahay waayo isagu waxba garan maayo waxa ay leeyihiin oo waa qof ku nool daawo iyo in uu aniga i ag joogo keliya.

hadaba dhalinyaro gabadhaasi sow lama dhihi karo waa gabadh mudan in la xuso waayo waa gabadh u daris ah mucjiso jaceyl waa gabadh ku heysata nin waalan guri misane korsaneyso mucjiso tan oo kale ah masoo marin jaceyl

hadaba wixii ra,yigaaga ah inoogu soo hagaaji email adres

 

__________________

qalbijaceyl11@hotmail.com ama

qalbijaceyl11@hotmail.it

___________________________

Website counter

148 Comments

  1. Asc walhy waqisa ad loga naxo hasa ahte sificanba man ufahmin

    • axaxaxxaaaaaaaaxx waxaasaa jacayl ladhahaa dhibaatada ladaristay gabadhan waxaa u sabab ahaa baan filayaa rabshada kasocota wadan keenii hooyo ee soomaaliya sikastaba ha ahaatee gabadhaan yaa ookale ma arkin mana maqlinhalkay sidaysay qof sameeyay

      waaaaaaaaaaaw aad baan ufarxay sheekada biloow geedii(aaaad baan uga naxay sheekada dhamaad keedii)

      • runte waa sheeko yaab leh waligeena isma laheen jaceela
        dhibkaan lu maraa balsa dadkaan waxey ahayeen dad aad iyo aad isku jecelaa filaa maantana lama helaya jaceel saas ah
        waayo jaceel kanaa ladhahaa misa kasamaar

        • sxb waa sheeko aad u wanaagsan lkn waxaan la yaaabay gabdha

        • waarun taa abayo wakuxumhay sawabtuah waliyeemanmaqli

        • walaahi isma lahayn jacayl ayaa dhibkan loo maraalaakiin waydhacday walaalayaal

        • jacayl wax ma,gooyee naftaaduu xurmeeyaa………

          • anuu wax kale ma aamin sani ee laakiin hadii dhab ahaan aad aaminto jacaylka iyo calafka dhab ahaan waa mid aan ku xiiso galinayn walaalayaal sheekooyinka jacayl qaarkood yaaaaaaaah

        • aad iyoa aad ayan ugu farxay runti waa gabar ladhihi karo aad u wangasan

  2. ruun ahaanti qisadan waa qiso cajiiba waxaa dareemi kara qof uu hayo jaceyl oo kali ruunti gabadhas waxeey i darensisey in uu jiro jaceyl dhaba waan garab is tagaya illahna halagarab galo

  3. webkaan waan jeclahay

    • ana adakujeclahay

  4. Asc. Sln kadib namekeyga wa c.shakur muse ku nol greac athanes runti wa qiso ad u xanun badan waxan oran laha Alla abalkaga haku jazeyo amorahagana haku cafiyo waxa thy qof dacad ah o niyada wanagsan waxa rajayna qofta an jclhy iney sidan noqoto iyadana alla aya kabarya ad ayan u jclhy nsn

    • waa arriin layab leeh

  5. Walaala yaal waan insalaaayaa dhammaantiina .sheekooyinkani waa sheekoyin muhiim ah waana kufaraxsanahay fikradaha wannaagsan oo la,is weydaarsada.marka am saying let,us keep doing.

  6. sheekadan waa sheeko aad u qiso badan. Gabadhan na waa gabar mudan in la xuso. Waan ogahay in ay la silacday jacayl ilaa iyo hada na ay ku jirto mucjiso jacayl. I really want to say: Khayr ayaan kuu rajaynayaa abaayo. Peace be upone you.

  7. Gabadhan waa gabar aad ugu haboon in la xuso.waan ogahay in ay la silacday jacayl ilaa iyo hada na ku jirto jacayl . Waxa aan u rajayna yaa khayr iyo bar waaqo in ay ku noolaa to inta cimrigeeda ka dhiman. Asa laamu calay kum.

  8. asc wr wb salaan ka dib marka ugu horayso waxaan salaamayaa dhamaan somalida ka dib dadka soo gudbiyay sheekadaan qaaliga ah waxaan kaloo salaamayaa gabdha walaasheen ah oo noo soo gudbisay sheekadaan cajiibka ah ee ku dhacday ilaahay ha caafiyo wiilka walalkeen ah maskaxdiisana ha u soo celiyo laakiin gabdhaan walaasheen ah nin ajnabiya ayay guri ku haysaa saan ka fahmay sheekada walaw uu xanuunsanyahay allaha caafiyo hase ahaatee waa qof dareen leh ayada marka walal inta ay fittna ka imaan lahayt u celli dadkiisa adna iska guurso laakiin waan haynayaa oon waan jeclahay ma aqaano taas runtii waa in ay culimada la weydiiyo waana mahadsantihiin

  9. walhi waa jacel layaab leh

  10. walaalo waan ku salaaamay sheekadan layaabka leh aad ayaan uga xumahay waxaanan kuu ra jaynayaa in aad farxad caafimaad nolol wacan ku noo laato

  11. sxbyaal waad wada mahadsantihiin dhamaan asxaabta meeshaan k soo bandhigtay sheekadaan xiisaha leh ee natuseeysa qiimaha jaceelka lee yahay.Aad baan idinkugu mahdinayaa asxaabeey

  12. runtii waxaa tahay gabar wanaagsan maxaa yelay waxaad ku guulaysatay jaceelkaaga waxaadna mudantahan in abaal marin laguugusiyo guusha aad gaartay darted ok by by

  13. maashaa allaah waxad soo qadatay xilli xun jacaylkaaguna dhab ahaa waxan kuugu ducaynaya in illaahay caafimaad kuu siiyo yarka aad jeceshahay farxad wanagsan iyo barwaqo allaha kugu badalo dhibka aad kaso madhay jacylkaga
    by jabane

    • walaal waxaan alle kaaga baryaa inoo alle idinka dhigo labo iskuy waaro e isku aayo gabar iyocaano wiil iyo caano

  14. asc

  15. qiso jaceyl kk

  16. sxbayaaal waan ku nahadsan tihiin sheekadaan qisada jaceelka leh oo aad soo bandhig teen mar waad ku mahadsantihiin sxbayaal waxaana idiin leeyahay jaceel ku waa qaali ee ha fududeesanina waayo qiimahiisa waxaa yaqaan qof kii wax jeclaaday ama la jecladay qof kii dood ka qaba ciwaan kaan ha ia ga soo xiiriiro aniga ayaa ka dhaadhicinayo ilaahna dalkeena nabad ha inooga dhigo waxaana idin rajeenayaa qeyr walalayaal

    • wad salamantihiin dhaman bahda saxaafada iyo aqristayaasha qiimaha badan.runtii jaceyl inuu jiro wan isku wada raacsanahay laakin su,aasha waxay tahay yaa jaceyl dareema yaase ka run sheega?.mar labad wad mahadsantihin i wish u all the best..

  17. waxaan ahay aabaha jaceelka ilaa hadane waan la,ahay gabar wanaagsan oo aan jaceel lawadaago

  18. Masha allah waxn qof(gabadh) jaceyl lala wadago ah
    let all girls be like u

  19. Waw alla ya cizag boqorada,wa wax layableh maskaxdana ka weyn inan sidas sameysid,ado kale aya jacayl lala wadaga.wayo qof rumeysan aya tahay,nasib xumo wakhti danbe ayan akhristay qoralkan mudan in la xuso,kalantida wad qadatay. ana wan kaga mahad celinaya sida quruxda badan e ad isku xilqantay.lama heli karo ado kale ee nasib wanagsan boqorada,jaw faysal raaxeeye

  20. respectfull she is wonderfull girl mercy full i love like that girls im south african boys i like somali websates they r gud peaple

  21. abaayo gabar aad iyo aad u qaali ah ayaad tahay . waxaad is taahishaaa maximam price . maximam respect ;aal i say to you , you are most beutifull person , oohin ayaa iga qubatay abaayo nolol macaan qosol farxad iyo ubad qayr badan ayaan eebe kaaga baryayaa salaama caleykum

    • masha allah gebar qurux badan xagee kaala soo xariiraa

  22. ramadaan kariim all degane bro aad baad u mahadsantahay hambalyadaadana waan kaa gadoomey sxb wariye sare salaan sare ugaas

  23. saaxiib waan ku salaamay waa wariye lagu magacaabo maxamed daahir{dagane} oo degan muqdisho aad ayaan uga helay waxyaabaha aad qortay waxaana ku leeyahay hambalyo,

  24. A.S.C ISKa Dhaf waxii hore u dhacay anigu dhiyaar ma i tahay anigaba qisooyin ayan so maray hadana aniga ayaa diyaa kuu ah

  25. asc wr wrb

  26. asc abaayo aad baan kaa mahad naqayaa si wacan aad ogu samirtay gacaliyahaaga waxaan dhihi karaa gabadhaas waa mather of love anigaana u caleemo saaray

  27. Dhamac weeye caashaqu
    Dhuxulo qiiqayoo daran
    Adigoo u dhago nugul
    Durba u dhabo socoo
    Dhaqsi u dhimo weeyaan
    Boodhariba hoguu dhigoo
    Leylana ma dhaafine
    hadaan aaqiro u dheelmado
    Siduu wax u dhibayiyo
    Dhabtaan u sheegayaa

  28. Asc salaanta kadib sxb waa Qiso jaceyl oo mudan in filim laga sameeyo kadibna la dareensiiyo qofka sida fudud uga tagaayo qofka daraadiisa u waalanaayo.

    Jaceylka ceeb maleh
    Wuxuuse leeyahay cadaawe
    Had iyo jeer cadibaayo
    Misna u diido ceeshkiyo
    Nolol caafimaad leh

    Hadeyse cid naafiyo
    Caay la doonaan
    Waligiis ma caajisayo
    Umad baa ka curanta
    Ana taas baan cadeynayaa

  29. wll macaan axaan waxaan kugusalaamayaa salaan q2aali a h oo lagusalaamo qof jaceylka mudnaantisa qaatay walal gabartaneey waaxaatahey hooyadii daryeeshay xambaartay unsamirtay jacaylkii ay soomalidu kadhigtay bilaamustaqbalka iyo waliba agoonka waxaan alle kaaga rajaynayaa in jaceylkaaga wakaraaye rajadiisu soonoqoto

  30. asc walalayal dhamaantiin waad salaamantihiin qaasatann waxaan salaan naxiirs wadata u dirayaa walaasheyda ku samirtay jacaylka xanuunka iyo murugada xambarsan ee mahat waxaana oran kara wali intaan jacayl sheekoyin ah aqriyay ama la iiga sheekeyay amaba aan arkay wali kuma arag mid tan kaxanuun badan oo ay walashey ku samirtay waxaa la oran karaa dadka aduunka iskorada kadhaca so bandhiga hadey gabadhan walashey ah lakulmi lahayd in ay noqon lahayd gabar magac kuleh xaga jacaylada magac weyn qisadeedana laguwada qori laha luuqad walba oo allah aduunkas keenay runti waxan oran karna gabdhan waxay usamirtay arin ay inta badan dadka qaarkiis aysan usamri lahayn waxana leeyahay samirkas aad u samirtay jacaylkada illah wax ka fiican hakuugu badalo runtii anigu waxan ahay wiil soomaliyeed oo colaadihii ugu danbeeyay dalka isaga soo baxay waxana wax kabarta dalka kenya magacayguna waa ali omar mohamed oo dadka ay ii yaqaanan ali bashi runtii walasheyay hadan ka mid ahan lahaa dadka dhacdooyinka layaabka leh ee aduunka wax ka qora waxan kugu dari lahaa qofka ugu horeya xaga jacaylkana waxad inoo tahay mother of love waxana ku leeyahay waxad kor uqaaday jacaylka waadna karunshegtay allahna waxan kabarya in seygada nahad ay u soo labato maskjaxdisa uuna halka kaala anba qaado jacaylki aad wada dhisteen

  31. Walashey waxan kugu salamay salanta islamka asc waa qisho jacle oxanun badan abayo mcnto samirkad samartay ilah haka abal mariyo ilah nah haku cafiyo mahad asagaa cafimadka hayeh waxan kunolahay gal gadud gar ahan dag mada celbur mcnto ilah garabkaga hagalo waxatahay hoyadi jacle wey neysay

  32. Wow marka hore asc runti wa qiso cajib leh o na mudan inlaxuso ani teyda ahan mother of love ayn u doran lahaa gapadhan okale allah hano sahlo amin amhn

  33. asc waa idiin salamay marka hore walahi aniga waxa ku idhi fiican weye walaalo yaal mahadsanid walalo aad iyo aad baad ugu mahad san tahay walaaloyal waana ka hela sheekoyiinka jaceylka ah walaalo it’s very nice i am really walaalo thanks

  34. sheeko wanaagsan.

  35. walaal marka hore waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka oo ah asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu salaan kadib walaal horta aad baad ugu mahadsantihiin soo gudbintiina aad usoo gudbiseen umada xiisaysa sheekooyinka mida labaad walaal hadaan ra yigayga kadhiibto arinkan horta waa jiraa jacaylku laakiin waxaan odhan karnaa umada soomaaliyeed ama dhalinyarada soomaaliyeed 50% si qalada ayay u isticmaalaan jacaylka ama dheel dheel ayay ka dhigtaan markaa waxaan odhan karnaa waa yaryihiin umada uu jacaylku kadhab yahay ee soomaaliyeed ee inta badan ka dhab maaha oo qalad bay u isticmaalaan

  36. maggacaygu waa farhan yusuf waxaan joogaa wadanka canada waxaan diyaar u ahay inaan waxwalba oon utari karo lagab istaago gabadha dhinkaas usoomartay jacaylkeeda waxaad tahay gabdh aad qiimo badan ilahay baa kaa abaal marinn wanaagaad samaysay walaal xididtii jacaylkaad tahay

  37. waan idin salamaya sxb fakradahodo mashen ka soo gudbinaya run ahaantii waa qiso xanun badan wayna mudantahay ayaan filayaa qofta ey ku dhacday qisadani in abaal marin jacel la siiyo waayo waxyaabo badan oo dad yowga cmlka qaar kood u dulqadan karin ayay iyada dhabarka u ridatay waana ugu hambalyeynayaa hadii ay heshay qofkii ey jecleed walow uu waalan yahay hadana naftaa ku nuursata in taa by

  38. asc marka hare salanta muslinta ayan isdinku saalmey asc waxan ku nolahay wadanka addis ababa waxan ilahey haha barya inaan waliga iyo cimriga ka dhiman inaan warxad ku noladato jacel ma ahan wax sahlan oo ciyoba laku amini karo qofwalbo ilahey amuurtisa haa uu ahlo amin amin hadal badan hanii ma buxiyo meshan iskoor ma yalo la jabiyo …………………………….

  39. s/c walal waxan ahay wiil dhalin yaro ah kana soo jeeda gobolka awdal ee somaliland gaar ahan boorama hadana ku nool dalka nederlan[holland].
    walal run ahanti qisadadasi darenkayga aadbay ukicisay run ahantina wan ka lil meyay wax kale oon ku irahdo ma aqaani kaliya walal waxan ku oran laha noqo tii ku samirta jacaylkega illahayna uu ka abal marin dona idanka illahayna waxad isku heli dontiin janada iniko is qaba jacaylka aad dunida wanagisa aad ku arki weydeen janada ayad ku arki doontin walal nolol inta nolosha kaga dhimana farxad iyo caafimad ayan labadinaba idinku ducaynaya isagana ilahay wa qaadir ee caafimad hasiyo aamiin

    • hahaha walahi caadi ma ahan jecel waligey aan arak ma ahan walahi wax aan cajiib iigu noqde weyaan masha allah gbrta caadi ma ahan saas dhan mi jecel saas mi ahahhaa insha lalah farxad wlaiga walsheena

  40. sxb qisadaan runtii waa qiso walbiga iyo qofkastoo damiir leah dhaawaceysah runtii gabdhaas in aan taageeero la garab istaagno ayaa haboon

    • waligay intaan sheego jacayla aqrinayaya maanan arag sheekadan sheeko kaqiiro badan waxaan diyaar u ahay meel kasta ooy joogto gabadhani inaan garab kusiiyo jacaylkeeda ay inta badan soowaday ilaahayna halagarab qabto waa qof qalbi adag ilaaxad bini aadanimadana wax kataqaana iyo jjacaylka qisada gabadhan kudhacday waa qiso layaableh ilinta idhahayga kasocotay markaan akhrinayaya mid kabadan soo kamsoobaxin iyada waa hooyada jacaylka A.M

      • ooh ooh waa qiso xanuun badan waligan man maqliin tani oo kale man akhriyiin hadu qofkasta jacalykisa sida ugu ah daca wuu gulaysan wana qof naxariis badan waxan rajaynaya inu mahad u cafimado walaalah somaliyed u duceya gabashasi inuu u cafimado mahad inta ka dhiiman nolashooda inaay wada faraxan ugu duceyaa amiin u dhaha gabadha somaliyed

  41. asc abaayo masha alhaaa runti waan

  42. abaayo macaan masha laah waan kahey jecelka dhab ta ah waad guleisaneysaa insha alaah runtii waan oyey abaayo runti waxaan tahay jecelka qofka ugu horeyo adunka

  43. run ahantii qisadaani wa qiso la dhihi kara aduunka inta ad ku nooshahay waxad arkaysa waxyaalo bdan ad u fara bdan anigana aad baan uuga helay anigoo ah abubakar qurbaani oo ka mid ah webka nololcusub oosoo saara sheekooyinka jaceylka walashayda qaaliga ah aad baan uuga mahadcelinaya sida ay isku xilsaartay in ay soo gudbiso qisadeeda qaaliga ahayd ………..

  44. qisadaani waa qiso ladhihi karo run ahaanti aduunka inta aad ku nooshahay waxyaalo badan aad la kulmaysa inta dunida ad joogto anigana aad baan uuga helay run ahaantii qofwalba oo arimaha jaceylka wax ka yaqaana wuu fahmi kara waana uuga mahad celinaya walashayda qaaliga ah oo nooso gudbisay qisadeeda …………..

  45. sxb horta sheekadani waa sheeko cajiib ah anigana wey isoo jiidatey, magacaygu n Mr adem Hersi Yasin wl waxaan ku noolahay magamadda hargiesa casimada dalka somaliland runtii waxaan ahey wiil dhalin yaro ah jecelna inuu mar kasta wax ka ogaado sheekooyinka jecelka ah anigu waxaan bari dhaweyd facebook ka semeeyay page la yidhaaho hooyiga jacelka marka runtii dhalin yaro aad iyo aad u badan ayaa ka soo qeyb gashey , markaa sib bal waan kula so xidhdih doonaa mar haddi aad tahay webmaterkii web aad baanan ku slmayaa sxb thks more

  46. asalamu calaykum warxmatulahi wabarakatuhu walshaydah qaaliga ah waxan kuleyahay ilahay hakuu saqiro waxah aad samaysanah ilahay ayaa ka abaal marinayo ilahay wuxuu yiri iskunaxarista aan idin naxariste marka adnah xaga alle ayaa lagagah naxarisanaa hadidnan aduunka isku calfan aaqiro ayad isku calfanaysaan abayo garabkagah allaha galo allahana idin fududeyo jacaylkaganah allaha kufiyobeyo asc

  47. aniga waxaan ku noolahay wadanka kooofur africa waxaan dhihi karaah gabadhaas iskoorka jacaylka ayay jebisay masha alaah magaranayo wax aan ugu amaalgudno waan la socdaah somalidu way hadal badan tahay oo walagu yaqaanaah hadalbadni lakiin ilahay hakaa ajarsiiyo nolosha aad ;laqaadatay jacaylkaadajiran waana kusalamayaah
    byeeeeeeeeeeee

  48. walaalahay is ka saamir illaahay baan ka abal marin

  49. walahay waa ariin layablehe

  50. waan ku salamay walal! waxaan ku nolahay wadanaka marayakanka waxaan dhigtaa college aad baan uga halay sheekada lakiin waa sad wana ka xumahay abaayo wixii cawin ah oo aan ku qaban karo waan kuu qabanayaa walashay I’m really so sorry it is realy amazing story than u and a/w/w

    • amal aad baad u mahadsantahay walaasheyda qaaliga ah waqti kaste waxaan ku leeyahay farxad iyo barwaaqo ku noolaaw


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment