WIILYAHOW WAAN KU JECLAHAY LAAKIIN WAA ADIGOON DHARKA ISKA SIIBIN‏


Dhambaalkan waxaa qortay gabar u dhalatay dalka Spain oo naafo ka aheyd qeybta dambe ee jirkeeda, waxaana lugo u ahaa kursiga curyaamiinta oo alwaax ka sameysnaa, kursigaas oo farsamadiisu liidatay darteed shanqar laga naxo ayuu bixin jiray marka ay dhaqaaqeyso,

gabadhaasi waxaa gurigooda hor marta waddo weyn oo badanaa dadku ay aad u maraan subax iyo galabba, iyadoo maadaama ay curyaan tahay shaqo la,aane aheyd dadka waddadaas maraya ayey iska daawan jirtay, muddo badan markii ay daawashadaas ku jirtay ayaa waxey caashaqday wiil ka mid ah dadkii waddadaasi xilli walba soo mari jiray, kaasoo ahaa wiil aad u filsanaa oo ay aad ula dhacday, waxaana la oran jiray Romana, subixii marka uu soo hormaro gabadha iyo marka uu galabtii sii laabanayana wuxuu si xushmad leh u salaami jiray gabadha curyaanka ah oo deymadiisa ku indho bikaacsan jirtay, codkiisa salaanta ahna ku raaxeysan jirtay, gabadhaasi maadaama ay jeclaatay wiilkaasi waxey bilowday fakar iyo in ay talo rogrogto, waxeyna is tusisay in aysan buuxin Karin rabitaanka Romano maadaama waxa ay raggu ka doonayaan dumarka ay iyadu buuxin Karin, balse waxey go’aan ku gaartay in ay jaceylkeeda taabsiiso iyadoo aan wax dan iyo hammi ah ugu jirin in uu ka aqbalayo duruufta rabbaaniga ee jirta awgeed, haddaba dhambaalka ay gabadhaasi curyaanka aheyd qortay waxaa ka mid ahaa HADDABA TAA KUUMA HAYO XITAA HADDII AAD ADIGA DARTEY DHARKA ISKA SIIBTO, haddaba ereyadii ay gabadhaasi wiilka u adeegsatay oo la yaab lahaa ayey ku tiri aniga I guurso kadibna naag kale guurso oo aniga si niyo ah ayaad ii qabaysaa imana naageysanaysid oo waligeey dharka isagama key siibaysid waayo naag kuuma naag kuuma noqon karo curyaaninimadeyda darteed, naagta kale ee aad guursato ayuunbaan kuu noqonaysa anigana calaa niyo iyo jaceyl dartii igu qab waxeyna dhambaalkii ay u qortay gabadha curyaanka aheyd ku billaabanayaa sida tan: “Ha la yaabin Romanow in gabadh curyaan ah oo qaarka hoose naafo ka ah ay ku jelcaato warqadna ay ku soo qorto, haddii aan naafo jirka ka ahay ogow maskaxda iyo caqliga kama ahi, teeda kale kugu diidani in xubinta taranka tahay tan ugu muhiimsan marka la soo hadal qaado kalgaceylka dhex mara wiil iyo gabar, waayo jaceylka nin iyo naag kasta wuxuu ku arooraa oo saldhiggiisu noqdaa, falgalka gogosha, aniguna taasi taag uma hayo, waayo aniga dhinacaas naafo ayaan ka ahay, waxeyse ujeedadeydu tahay in aad Romanow qeybta xusuusta maskaxdaada gashatid in waa waayaha ka mid ah ay jaceyl kuu qaaday gabar curyaan ah oo kuu haysa jaceyl dhab ah, Romanow Waxaan intaas kuu raacinayaa adigoo tixgalinaya duruufta igu xeeran iyo qeybta ugu muhiimsan macaanka nolosha oo iga maqan igu xurmee jaceylka aan kuu hayo, igana ogolow in aad gabar kale guursato anigana aad ila gasho meher macaansi la’aan ah oo nolosha ila qeybso adigoon dharka isaga key siibin, kuna iimaanso qadarta rabbaaniga ah, isla markaana tixgali jaceylka, fadlan iga soo qaad oo u niyayso in aan marwadaada ahay, habeenka aad ii soo hooyanaysana salaanta dhunkashada leh iigu kaalmee, subixii marka aad baxaysana ii niyayso sagootinta kalgacalka leh, qosolka, sheekada iyo laacdanka fara ka cayaarka ah ha igala baqeylin, xilliga hardanka sariirtana u niyayso in qofta kula joogta aan aniga ahay, taasina ayaan uga bogan karaa kalgacalka baaxadda leh ee aan kuu qabo”. sida taariikhda dhacdadani ay xusayso waxaa la wariyay in wiilkaasi uu ka aqblay gabadhaasi Spain-ka ah qorshaheedii isla markaana sidii ay ku talisay ayuu u yeelay, taasoo iyadana niyad dhis weyn u noqotay. weyna ku gu hadaba dhalin yaro taasi waxey ku tusineysaa qiimaha uu leeyahay jaceylka dhabta ah iyo ixtraaamka bini aaadamka teeda kale waxey kuu cadeyneysaa ixtiraamka waxyaaba rabaaniga ah in aadan ku nucin qofka waxyaabaha rabaaniga teeda kale xitaa hadii aadan rabin qofkaasi waa inaad ku saacidaa waxyaabo asiga uu ku farxaayo waayo adiga oo kale hadii aan tusaale kaaga soo qaato majeclaan laheyd adiga oo dhibkaas ku heysto in lagaaga cararo ama lagu yeso jawaabta waa maya hadba waxaa aad naftaada la jeceshahay la jeclaaw walaalkaaga

Diyaariye:/ maxamed xassan cali

 bilaal35@hotmail.com

 ________________________

 qalbijaceyl11@hotmail.com

2 Comments

  1. as\wr\wb\ weligay uma hoy deen naag cagala maxay carartaa cagaba lae maxaan wasaa siilba malaha ehGMGMGMGMGMGMGMGMGMGMGM

  2. thnx waana isku dayi caawinta daadka dhibaataysan ,aad bay ii taabatay sheekadani aniga shakhsi ahaan ,wax badana waad i xasuusisay aaad baan kuugu mahad naqayaa…….


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: