Raalliyo Ninkii Helaa Ragannimo Ku Faana!


.
Raalliyo Ninkii Helaa Ragannimo Ku Faana!
waxay ku jirtaa kala

hagaajinta guriga, qurxintiisa, carfintiisa iyo iyada qudheeda nadaaminta

jirkeeda iyo nadiifintiisa ayay ku howlantahay.
Aalaaba xilliyadan oo kale.

marka uu seygeeda ka imaanayo shaqada caruurtuna ay iskuul iyo

dugsi ku kala maqan yihiin waxay iyadu ku dadaashaa soo dhoweynta

seygeeda iyo sidii uu uga maqsuudi lahaa raallliyanimadeeda, waxay u

sii diyaarisaa cunnadiisa, qubeyskiisa, iyo hadallo macaan oo ay ugu

Laab qaboojineyso. mas,uuliyad weyn ayay iska saartaa arrintaas waxayna

ka dhigtaa wax nolol maalmeedkeeda ka mid ah iyo salaad farad ah oo

aanay ilaawi karin oo kale marka uu yimaado waxay ku qaabishaa

dhoolla cadeyn iyo muuqaal soo jiidasho leh, intaa ka dibna waxay ka

wareysataa wuxuu shaqada kala soo kulmay waxay illlowsiisaa daalkii

uu maanta daallanaa, waxay u sii diyaarisaa inta uu qubeyska ku maqan

yahay cunno aad u macaan. wuxuu u soo hiloobaa gacaltooyada gurigiisa

taalla ,
wuxuu aad uga helaa carruurtiisa lagu barbaariyay akhlaaqda
wanaagsan iyo ixtiraamka Aabahood. marka ay carruurtu ka yimaadaan dugsiga iyo iskuulka aabahood weji farxad leh ayay ku soo dhoweeyaan,
inta dhinacyada ka kala maraan ayay dhabannada ka dhunkadaan, xilligaas
wuxuu dareemaa naxariis xad dhaaf ah. carruurtu, hooyadood waxay mar
walba dhegta ugu sheegtaa in aabahood uu iyaga u dadaalayo, u ordayo
oo aysan jirin cidkale oo usoo shaqeeyo xilligaas carruurtu waxay dareemaan
in aabahood uu jecelyahay waxayna go,aansadaan in ay baarri u noqdaan. hadal
kama soo daba celiso, wax walba oo uu yiraahdana waxay ka qaadataa oo ay
ka eegtaa dhanka wanaagga, hadii uu qaldamo waxay soo xusuusisaa alle, marnaba
ma ogolaato in arrimahooda ay u baxaan banaanka, ceebaha seygeeda uma sheegto
aadmi kale, waxay fartaa mar walba wanaagga, marka uu murugeysan yahay wey la
qeybsataa weyna ka baabi,isaa cabsida, marka uu faraxsan yahay waxay dareensiisaa
in ay la faraxsantahay, qaraabadiisa iyo xigtadiisa way ka soo dhoweysataa dadka kale
si weyn ayayna u ixtiraamtaa, mararka qaar wey soo booqataa, ma aado meel uusan
ogeyn mana sameyso wax uusan la ogeyn, gurigiisa uma ogolaato qof uusan raalli ka
ahayn, waxay u dhowrtaa amaanadiisa. kolka uu xanaaqo wey dejisaa , waxayna ku
tiraahdaa erayo uu ku dareemo naxariis, marka uu wanaag u sameeyo wey u mahad
celisaa una sheegtaa in ay ku mahadineyso allihii seygeeda ka dhigay xilligaas oo uu ku
qanco xaajigeeda. isagu aad ayuu ugu qanacsanyahay xaaskiisa raalliyada ah, wuxuuna
eebbe uga mahad celiyaa sida uu uga sarreysiiyay rag badan, uuna marwadiisa ka
dhigay gabar wanaagsan oo diinta ku xiran. dhamaan ragga magaalada ee asxaabtiisa
ah wey faaniyaan xabadkeeda kuna tilmaamaan nin jecel dadka oo taakuleeya, gurigiisa ku soo
dhoweeya, ixtiraama iyo in uu yahay nin aad u nasiib badan dabeecad wanaagsanna
uu ilaah siiyay, xaajiga isagu wuu ogyahay in hadii aysan marwadiisa wanaagsaneyn uusan
yeelan lahayn wax weji ah bulshadana uu ka ahaan lahaa dadka la yaso la caayo lana
xanto. gurigiisa xilliga uu joogo ayuu dareemaa in uu ku dhex jiro jannada dunida, hadaba
gabar walba amaba marwo walba waa in ay ku dayataa gabadhaas wanaagsan sidaa oo
kalana ay ula dhaqantaa seygeeda ogaada gabdhow adinka ayaa sharaf u yeeli kara
raggiinna adinka ayaana marada ka dhigi karee. horay ayaa loo yiri
(Raalliyo Ninkii Helaa Ragannimo ku Faana )
___________________
qalbijaceyl11@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: