Xaaskaaga u sheeg inaad jeceshahay


waxaa hubaal ah oo aan shaki ku jirin ninka hadii uu xaaskiisa ku yiraahdo waan ku jeclahay in ay midaasi usii kordhinayso farxad iyo ray-rayn in ay kuwada noladaan oo……

Maxaa diidey marwalba oo aad la kulantid gacalisadaada in aad ku tiraahdid la,aantaada monoolaan karo aad ayaan kuu jeclahay waxaaan umaleynayaa inay aad u fududahay midaas laakiin in baddan oo anaga naga mid ah ma awoodaan in ay xaaskooda, gacalisadooda ay midaas ku yiraahdaan hadana sidaa ay tahay waxaaba laga yabaa in ay ku yiraahdaan kuwa kale oo aan ka mudan mise qof kale uu umateysan jaceylkaa qofkii ugu wanaagsanaa in la dhaho uusan ku oran ..!!
Hadaba kaaley aan eegnee suubanaha s.c.w iyo sida ula dhaqmi jirey xaasaskiisa.
Tallow miyuu ku oran jirey waan ku jeclahay suubanaheena s.c.w oo miyuu u sheegi jirey jaceylkiisa maalin ayaa la weydiiyey su,aal rasuulka s.c.w waxaana weydiiyey cumar ibnu caas (R.C ) wuxuuna ku yiri rasuulkii allow dadka yaad ugu jeceshahay ?
Suubanaheena s.c.w ayaa ku yiri asiga oo ka jawaabaya su,aashii camar ibnu caas waxaan u jeclahay ca,isha sow ma wanaagsan inaan ku dayano rasuulkeena s.c.w cumar ayaa mar labaad ku soo celiyey isla su,aashii wuxuuna ku yiri nimankana rasuulkii allow wuxuuna ugu jawaabey Aabeheed ma aragtaa walaaliyaal sida uu nebiga s.c.w u sheegi jirey jaceylkiisa mise si uu ujecelyahay xaasaskiisa oo weliba ugu faani jirey jaceylkiisa hadaba adiga maxaa kaa celinaayo inaad sameysid oo aad ku faantid jaceylka aad xaaskaaga aad u qabtid
Hadaba hooyadeen ca,isha ilaahey ka raali noqdo waxey tiri waxaan rassuulka ku iri rasuulkii allow dadka qofkeed u jeceshahay wuxuu ku yiri “maxaa” waxey ku tiri waxaan waxaan ku iri si aan u jeclaado qofka aad adigu jeceshahay wuxuu ku yiri suubanaha s.c.w ca,isha adiga ayaan ku jeclahay ma u jedaa walaaliyaal ilaah ayaan idin ku dhaarshee ma waxaa jira jaceyl midkaan ka weyn
Allaa maxaa ka macaan baddan oo ka fiican inay marwalba xaaskaaga ay ka maqasho afkaaga hadalo macaan …. Ragow hurdada ka kaca oo xaasaskiina daryeela ka qaada caajiska aad saareysaan daryeelka u badsha hadiyadaha kala duwan hadalada macaan oo kala duwan hala daalina ilaah baan idin ku dhaarshee miyaadan awoodin inaad xaaskaaga ka dhigato naftaada jirkaaga noloshaada farxadaada si aad u keentey guriga mise aad ugu bixisey maal maad u siisid jaceyl kalsooni mala socotaa hadii aad tiraahdo waan ku jeclahay halkaas mar wax ay u dhiganto oo soo kordhineyso hadii aad ogaan laheyd marwalba afkaaga kama qaadeen .
Gurigaan oo kale lagama yaabo inuu weligiisa dumo mise uu ka dhaco buuq kalsooni daro maxaa keenaayo dhibkaasi hadiiba labada dhinac ay ku noolyihiin farxad iyo ay iskula joogaan jaceyl iyo kalsooni joogti ah oo qof weliba uu dhankiisa ka adkeeyo walaaliyaal aan ka dhigano guriyaheena kuwa janno ah oo aan usoo raadsano raaxo iyo qaboob kadib marka aynu kasoo daalno dhibaatada shaqada waa inuu noqdaa guri lagu nasto oo na iloowsiiya dhamaan daalkii ina soo gaarey
Ma ogtahay qofka hadii uu guriga laga jeclahay inay dadkuna ku jeclaanayaan jaceylkuna wuxuu ka soo bilaabanayaa guriga hadaba aynu ku daalno jaceylka guriga si ay dadku noo jecladaan
Hada aan ku daysano rasuulkeena s.c.w hadaanu nahay somali waxaanu garaneynaa marka aan isku cusubnahay mise aanu nahay lamaane aan is aqal geysan inaan isku dadaalno aan ka sheekeysano jaceyl aan isku geyno hadiyad markaas oo kaliyah aan Is daneyno markaan aqalgalno kaaley sheeg meesha ay ka baxeyso wixii horey aan u sameyn jirney tallow jaceylka ma waxaa loo sameeyaa si aad ugu heshid qofta aad rabto kadib jaceyl ma jiro miyaane hadaba miyaad ogtahay in jaceylka uu sii siyaado marka ay lamaanaha isla aqalgalaan somalideena waanu danbeynaa ee ragow hurdada ka kaca oo iska jafa boorka haweenkeena waxaan ku kalifney inay naga doortaan rag kale waayo naagi waxaa ninkeeda ah kii daryeelo oo tusiya waxyaabo ay ku qanacdo hal iyo habeena tusiya inuu jacelyahay hadaba kalmadaan oo wax badan kuu soo siyaadineyso maxaad afkaaga uga soo bixin la,dahay hadaba
(HADABA OGOW KALMADAAS QOF AAN U QALMIN AYAA KU ORANAAYO ADIGA MAXAASE KUU DANBEYNAAYO ) weligaa waxaa ku jireysaa is qabqabsi iyo dood aan dhamaaneynin kalsooni daro furitaan badan tii kuu imaadaba sidaas ayaad yeeleysaa sow kama fiicna inaad sameysatid sharafta gurigaaga oo aad dhowratid sharaftaada oo aad noqotid mid la jecelyahay
Diyaariye :c/casiis maxamed sh. axmed (qalbijaceyl)
Email Adress

qalbijaceyl11@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: