cawrada kala leexi ?


Dhambaalkan cinwaankiisu yahay cawrada kala leexi waxaa qortay gabar u dhalatay dalka somaliya oo ka aheyd shaqaalo Bank, waxeyna warqad u qortay wiil ay is jeclaayeen, balse markii ay is dhex galeen ku aragtay dabeecad aanay u bogin, isaguna aysan ka aheyn kibir iyo qab weyni oo ay uun ka aheyd abuuris Eebe, taasoo aheyd maseyr xad dhaaf ah.


Haddaba iyadoo mar walba arrintaa ka yaabaneyd ayaa galab galbaha ka mid ah iyada iyo saaxiibkeed waxey booqasho ugu tageen qoys oo ay saaxiibo ahaayeen oo uu joogay wiil yar oo 4 jir ah, gabadhii iyo wiilkii saaxiibkeed ahaa ayaa markii qolka fadhiga lagu soo dhaweeyay gabadhii waxey dhabta soo saaratay wiilkii 4 jirka ahaa iyadoo wejigiisana ku beegtay dhinaca wejigeeda, saaxiibkeed ayaa daqiiqad kadib is heyn kari waayey oo yiri, fadlan Cawrooyinka kala leexi, isagoo markaa wejigiisa laga akhrisan karay caro xoog leh, la yaab ayey arrintaasi ku noqotay, waxeyna ka baqday in uu ku soo duufo oo uu weerar u geysto, gabadhii way fakartay oo waxey is tiri kani waaba cunug yare bal ka warran haddii ay dhacdo, in wiil aad isku shaqo tihiin amaba qaraabo kale tihiin ama asxaabta ka mid ah kula joogo sow shil iyo fowdo ma dhacayaan, markaas ayey go’aan ku gaartay in ay isaga harto isagoon wax danbi ah laheyn marka laga reebo maseyrka cudurka ku noqday, oo sabab u noqday kala harkooda kolkaas ayey u qortay dhambaal ay ugu muujinayso kala harkooda iyo sababta ay u go’aansatay, waxeyna ku bilowday sida tan: “Ninyahow danbi kuuma hayo oo aan aheyn wax ay dabeecaddu ku badday iyo abuurista Eebe, imana aadan xumeyn, imana aadan xaqirin, meelna ugama dhicin jaceylka, marka laga reebo dabeecaddaada, hase ahaatee waxbaa I galay, runtii waxa I galay waa arrin aad u weyn, run ahaantii walaalow hammi guur oo soo degdega baan kaa lahaa, laakiin taa wey hungowday, kadib markii aan waxyaabo aan I cajab galin aan kugu arkay, walaalow waxaa loo aroosaa in lagu nasto oo lagu liibaano guurka iyadoo nasteexo la baadi goobayo, ee looma arooso in naarta codsi loo dirsado, iga raali noqo haddii uu go’aanku kuula muuqdo mid aan iska gaaray, laakiin waxaad ogaataa in aan u dul qaadan waayey maseyrkaada faraha badan, nin ka maseyray wiil 4 jir ah oo dhabta si waalidnimo ah u saartay, maxaa laga fili karaa markuu igu arko wiilkaasi 4 jirka ah, isagoo qaan gaaray oo waddada la istaago, suurogal ma aha in aad qof jaceyl dhab ah aad ku kalsoonaan wayso, taasina waa waxa kugu keenay shakiga iyo maseyrka, marka laga hadlayo dhaqanka iyo dabeecadda dadka lagama qabo in guur laga gaaro la macaamilka saddex nooc oo dadka ka mid ah (1) Jaceylka aad jeclaato ruux adigoo dhan ku jiir neceb, rajo lagama qabo in uu miro dhalo. (2) Sidoo kale rajo lagama qabo guulna lagama gaaro arrimaha idin dhex mara saaxiibkaa oo aadan talo ku heshiin (3) Guul lagama gaaro oo rajadiisu ma ifto jaceylka ruux ku jecel haddana kaa shakinaya oo aanba kugu kalsooneyn, gunaanadkii aniga shaqsiyaddaada ma necbi adigana kuma necbi, laakiin dabeecaddaada maseyrka ku laran ayaan nacay ee nabadeey”.

W/Q: abdirahman m (hurdaaye)
____________________________
c/casiis maxamed sh. axmed
Qalbijaceyl11@hotmail.com

1 Comment

  1. Cajiiib…Gabadh leh waxaan jaceylkeygii uga harey sabab ah inaan ragga kale iska dhowri karin…aduunyo gadaal u xun…


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: