jaceylka iyo lacagta keeba aawood badan ?


jaceylka-iyo-lacagta1
11/9/2008 Malin jawigu uu aad uqaboowyahay oo roob qaboow da:ayo dadkuna aad ufaraxsanyihiin laguna faraxsanyahay roobka dadaka dhamaantiis kasoo rawaxeen goobohoda shaqada ayey dhacday sheekadaan jacaylka ah waxaay kadhacday magaalada mustaxiil sida lawada ogyahay magaalada mustaxiil waa magaalo dadkeedu caan kuyahay kunana hormarsanyahay dhinaca jacaylka mustaxiil waxaa kadhacay jacaylo aad iyo aad ufarabadan masoo koobi karno

jacayladaas ee aan kasooqaadano bal jacaylkii dhax maray sakariye iyo gabadha layiraahdo faasiso oo kamid ha gabdha ugu quruxda badan magaladaas uguna lacagta badan magaldaas dhinaca kale magaladas waxaa kunool wiil layiraahdo sakariye waa wiil faqiir ah oo rerkisu waa faqri sakariye wuxuu dhigtaa school ka layiraahdo mustaxiil s.s of mustaxiil wuxuuna dhigtaa galas ka 8aad isla fasalkaa waxaa ladhigato gabar layiraahdo faaiso sakariye gabadhaa aad ayuu ujeclaa wuna waayay fursad uu ugu sheegto jaceelkisa dhinaca kale gabadhaa waay yasi jirtay wiilasha aay isku galaaska yihiin wiilashana waxaa ku jira wiil ayada naftiisa kajecel waa saki sakariye wuxuu kutala jiraa siduu uu ku baran lahaa masa uu kusoo jiidanlahaa gabadhaa malin malmaha kamid ah ayaa saki oo iska horfadhiya gurigiisa hortiisa waxaa soo martay faiso saki oo dhola cadaynaya ayaa waxaa aragtay faiso oo la yaaban waxa uu ku qoslayo wiilkaas ayna garanaynin ayaa waxaay kutidhi huuno maxaad ku qoslaaysa saki hadal keeda ma maqlayo ayada ayuu kumaqanyahay markii kadib ayuu soo xasuustay in lala hadlaayo ayuu kuyidhi waxba abaayo ee ma igaranaysaa? Faiso wa
xaay ku tidhi maya laakin meel in aan kugu arkay ayaan u malaynayaa saki haa abaayo waxaad igu aragtay fasalka oo waxaanu nahay isku kifil faiso waxaay ku tidhi waa yahay aboowe ee waan sii baxaa ee is aragti damboo xiiso leh saki asaga oo isdhiiri galiyay ayaa waxaa halmar neef waayn kasoo goday ku yiri abaayo fadlan ma:iisheegi kartaa magacaaga ama ciwaanka lagaa helo faaiso oo aan danaynaynin hadalka saki ayaa waxaay kutiri aniga magaclaay ayaa la iyiraahdaa ciwaana ma lihi ee sidaa ogaaw waxaay kaloo kusii dartay filinkada eey baa cunay saki oo aad oga xun hadalada gabadha uu mustaqbalka uu kalahaa ayaa wuxuu yidhi wixii jacayl la oranjiray ilaa waa ibtilo saki jacaylka uu uqabay faiso habeenba habeenka kadambayso wuu kasii badanayay saki oo ahaa wiil hadal badan ayaa wuxuu kasoo reebay aamusnaan qashuuc iyo waliba fakir fikirkaaso ah gabadha uu jecelyahay waay ka leebal saraaysa saki dadkii waay layaabeen gaar ahaan saaxiiba diisa birif iyo sayid waxaayna kuyiraahdeen maalmahaan sidaadi hore matihid ee saaxib maxaa kugu dhacay maxanunsaneysaa mase rerkii ayaad isku dhacdeen saki ayaa wuxuu yidhi maya rerka ma isku dhicin mana xanuunsaneen saxiiba yaal su’aasha iga daayo ee su aal makaro aniga ayaa isku mashquulsan sayid ayaa ku yiri waayahay saxiib waayahay waxaan ogaanay inaan ahayn saaxibadad a rasmiga ah maxaa yeelay markii hore waxba naga maqarsan jirin laakiin manta waxaay inoo cadeynaysaa inaad wax naga qarsanayso laakiin dhib malaha ayuu kuyiri sxb kii sayid oo aad oga murugaysan arinta sxbkii saki soo foodsaartay saki oo hadli la ayaa waxaa soo martay agtiisa faiso lasocota saxiibaded najmo saki oo arkaynin ayaa waxaa arkay sxb kii birif kuna yiri sxb saki waxaa soo socota qof xayi ah ee firi saki saki ayaa fiiriyaay waaba qoftii uu kajiifan waayay saki halmar ayuu isku badalay najmo iyo sayid oo is garanayay ayaa is salaamay salaan kadib najmo ayaa kutiri sayid waa lagu waayay ee maxaa kugu dhacay ooiskuulka ad u imaan la dahay sayid ayaa kuyidhi maxaan iskuul imaanaa saaxib kay ayaa iga xanuunsan markaas ayey najmo aay kutiri maxaa ku dhacay sayid ayaa kuyiri ma garanayo waxa ku dhacay sayid ayaa marlabaad ku yiri najmo abaayo wuu iska faraxsananjiray hada laakin wuu iska aamusan yahay ee maxaa ku dhacay oo aad ku qiyaasaysaa najmo ayaa waxaay tiri waxaan umaleynayaa sxb kaa jacayl ayaa haayo ayaan umaleynayaa ee gabadha uu jecel yahay ha sheegto faiso ayaa waxaay tidhi wiilkan maalin dhaweyto ayaan isbaranay ee sxb najmo miyaad garaneysaa wiilashan haa sxb wilkan waxaa layihaada saki 2 daa kalane waa sxb dii sayid iyo birif baashi ama birif (akshey kumar ) ok saxib aniga waxaa la iyiraahdaa magacayga faaiso barasha wanaagsan by by ayaa lagu kala tagay saki farxad ayuu meel uu isgeeyo la yahay sayid ayaa ku idhi maxaad la bodbodaysaa sxb birif baashi ayaa ku yiri wuxuu lahadli waayay ilaa ninka jacayl aya hayay wagareey wagareey waa layaab saki jaceel ayaa galay sxb kay yaad jeclaatay sxb fadlan ii sheeg saki sxb waa runtaa jacel ayaa igalay fadlan inoo sheeg gabadha aad jeclaatay sxb iminka ayaan utageynaa ayuu kuyiri sxb kii birif baashi waxaan sixad dhaaf ah aan u jeclahay gabadha najmo sxb ded waa faiso waayahay sxb najmo waraaqad ugeynaa waxaana kuleeyahay waraaqadaa iga gaarsii faiso sxb saki gabadhaa waa gabar lacag leh aadna waay ukibirbadantahay saki ayaa yiri si kastaba waa inaan helaa gabadhaan waxaa go aan lagu gaaray In waraaqad la qoro loona dhiibo sxb ded najmo wuxuuna saki baadi goob ugalay najmo wuxuuna usheegay arintii wuxuuna uu yiri waraaqada soo diyaarinaa ee fadlan dhambaalkaa iga gaarsii saki wuxuu soo raadiyay sxbkii sayid wuxuu ku yiri sxb najmo waan utagay awaaxayna igu tiri waraaqada soo diyaari fadlan xageen wax ka bilaawnaa sxb sayid sxb wiil aan daris nahay ayaa bugag jaceel haysta ee soobax aan raadinee saki waxaa layiraahdaa carab waa cabdi fitaax saki sayid waxaa lasoo aday wiilkii sxb waxaan rabnaa bug jacayl ee fadlan nasii waahay sxb kasoo qabso buuga magaciisu yahay ama ciwaankiisu yahay jacayl iyo lacag midkeebaa awood badiyay sxb bugan ayaa ka sheekynaya sida loosoo ban dhigto jacelka waa qaybta 1aad ayaa ka shee kay nayso wuxuuna qoraa waa sida tan si gambasho naxdin iyo keer keer la hayn inaad utimaado qofkii naftaada raaliga ka hayd iyo in aad go aan sato kadibna niyadaadu ku siiso balan labaad iyo waqti kale dariiqyada ugu wanaagsan oo aad ugu gudbin kartid waa sidaan walaal manta iyo malintii aragtideena kowga ahaayd iyo mudadii udhaxaysay niyadayda iyo dareema yaashayda ba niyadayda adiga ayey kugu mashquushaa ee sidaa lasoco intaa markaad tiraahdo sxb saki ayaad hadana oraneysaa sida tan waa sida loo diyaariyo waraaqadaha ee lasoco

v dham bal jacayl
v fiiro gaar ah
v xasuus gooni ah
v dareen jogta ah
v iyo waliba
vniyad qaali ah
v xasuustu waa qali ee ogaaw
v niyadu waa rasmi ee lasoco
v galgacayku waa jogte u fiirso
v jacaylku waa saad ee ha moogan
v waa fajintu waa hadii ilaahay ku waa fajiyee kutasho
v ogsoonaaw in uu san jacaylka ahayn dhayal iyo dhalan teed ee hafidee fahan
v Ubax waa laga yabaa in uu qalalo
v Xadiid kuna waa laga yabaa in uu daxalaysto
v Dad ehel ahna waa laga yabaa in aay is ilooban
v Lakiin laga ma yaabo laba qof oo isjecel in aay is iloo waan
v Soo jiidashada iyo salaamaha sida loo diyaariyo waa sida tan saxiib
v Kala wacan salaamaha
v Kala roon sidoodaba
v Tani waa mid saafi ah
v Saxan oo lasoo xushay
v Kana soo ogday abaayo faaiso
v Sadriga iyo laabta
v Seedaha jidhkayga
v Xididaha dhiiga sifeeyo
v Saken hadaan istaagana
v Naftaa laga sabrayaa
v Ee samo iga gudoon abaayo
v Waxaa waraaqdan kuu soo diray waa saki
v Abaayo geerarkan iga hano
v Sida dhul bar waaqo ah
v Buuruhu aay cagaarten
v Baliyada xareedana iyo
v Biyuhu aay xar fanayaan ayaad labilic tahay
v Abaayo faiso ilove you
v Balse waxaa gabay naftaydii
v Badkiina kajaray
v Waa boholiyowga caashaqa
v Ee gedka ma isla beerna

la soco qeybta kale
________________
qalbijaceyl11@hotmail.com

4 Comments

  1. xaqiqadii jacaylku waa shay jira oo runtii micne balaadhan ku fadhiya oo micnaaheedu yahay “dareen xiise kalgacal abuuraya”. jacaylku waa shay l;agu abuuray bini aadmiga oo maslaxad u ah naba aduunka iyo wada noolaan shaha lamaanaha iska ishaartay aduun hees soomaaliyed ayaa tidhaahda”HADII UU JACAYL JIRIN JAAR LA AHAADEEN HADUU JACAYLJIRI JAKI LAMA CIYAAREEN, JACAYLJIRIN JAKI LAMA CIYAAREEN”. taaasi waxay kuu cadaynaysaa jacaylku iyahay nabad
    taasoo looga baahan yahay qofwalba inuu ilaaliyo nabada aduun ka si uu jacaylku ujiro.
    qore.abdisalam2@hotmail.com
    fadalan hadaad faah fahin dheeraada ubaahantahay lasoo xidhiidh ciwaanka kor ku xusan

  2. A/c sln kadib jaceylku sidiisaba waa wax jiro qofka bini aadamka waxaa xaqiiqo ah in dunida guudkeeda saran yahay in uu lakulmayo jaceyl naceyb faaido qasaaro qosol murugo iyo wax waliba uu alla u qoray waxaana laga rabaa in uu ku qanco ama ku sabro qadarta rabi kuna kalsoonaado shar iyo qeyr waxey ahaadaanba.
    kadib hadana markii aad wax jeclato qasab ma ahan in adigana lagu jeclado ok lakin sabar in aad qofka soo jiidato isku day somalidana waxey dhahdaa sabraa wuu gaaraa marka kulamaa aad dadaasho daacadna aad tahay waad gareysaa jaceylkaada guuushiisa ok thnks
    maxamed idirs kampla in ugandha

  3. waxaan kaa donayaa walal gaba dhasi cin wan keeda iyo meesha laga helo hadan helikaro
    wana iga codsi

  4. A/c sln kadib jaceylku sidiisaba waa wax jiro qofka bini aadamka waxaa xaqiiqo ah in dunida guudkeeda saran yahay in uu lakulmayo jaceyl naceyb faa’ido qasaaro qosol murugo iyo wax waliba uu alla u qoray waxaana laga rabaa in uu ku qanco ama ku sabro qadarta rabi kuna kalsoonaado shar iyo qeyr waxey ahaadaanba.
    kadib hadana markii aad wax jeclato qasab ma ahan in adigana lagu jeclado ok lakin sabar in aad qofka soo jiidato isku day somalidana waxey dhahdaa sabraa wuu gaaraa marka kulamaa aad dadaasho daacadna aad tahay waad gareysaa jaceylkaada guuushiisa ok thnks
    mohamed abdi hussein
    uganda-kamapal


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: