Birmad Caashaq, ( gabay)


Birmad Caashaq, waxaa tiriyay Siciid Maxamuud Gahayr

Boholyoowgi caashaqu ragyaw, uu baraarujiyay
Boogtayda niman yahaw arkee, talada ii baahshay
Maansada ba’leydaa ragyoow, baasha ila taagan
Batalaale bariidadan gudoon, aan bar soo dhigo e
Bunjaaboow salaam baaxad laan, Baakistaan idhiye
Dadkeenaan baqool kaga imeen, waayo kala baadnay
Bahdeeniina gaadhsii warsami, inan ku baashaalo
Bulshadana badhaadhaan u filay, baababkii wacane
Marka xiga haddaan boog galgacal, aan barriinsadayba
Dawadeeda inaan baafiyaa, way banaan tahaye
Bilistaan jeclaadoon nin kale, bayd la galahaynin
Bud dhigiina aan iil dhexdii, ciidda lagu boobin
Baal kaloon Bunjaaboow dayaa, waa bacaad qodide
Batalaale gabaygaagi baan, bayd ka leeyahaye
Bustayaal ma saaree warkaan, bilan u sheegaaye
Tilifoonka waan uga burqaday, baahiyaha yaalle
Bariidkeeda tobanaan baraan, dhigay bariidada e
Sabanaan ag booqdaa rugtii, bilic samaan lay e
Ergo maan ka boodine, mar hore waan la beegsadaye
Waan ku idhi buseel aawadaa, wacan bas baan ahaye
Waan ku idhi dartaa baaxa dagay, daarid bohol yoow e
Waan ku idhi dabkan igu baxaad, iga bakhtiin layde
Waan ku idhi baddan igu kacdaad, ii bidhbidhi layde
Waan ku idhi adduunka iyo bohol la igu kaa beegye
Waan ku idhi Basraay aar galgacal wuu i baacsadaye
Waan ku idhi balaayiin tiruu dhaafay barihiiye
Waan ku idhi hal beeg baan cabirin, badida xiisahay e
Waan ku idhi aduun baan bashriga, kaaga bu’ayaaye
Waan ku idhi dhamaan bilista kale, waan ka boodsanaye
Waan ku idhi hadduu P H D, uunku badi goobo
Ama uu bilyaan raadsho iyo, Biritan dhoofkeeda
Aduun baa bogaygiyo ku ladhan, maanka bilaneey e
Afartaas bayaankii galgacal, baydki maansada dheh
Bogga shay hadheeyoon dhawaan, soo bandhigay uun dheh
Batalaale weedh aan fariyo, bayjaj caashaq dheh
Jawaabtii Bunjaabeey bulshadu, dhawrtay bariyaal dheh
Bashimii Hargeysaawi oo soo burqaday gabay dheh
Iyadoo darteed loo bakhtiyi, hiilna loo bidayo
Biduunbaa ninkii doona aan, bidhiqsi dhawrayne
Baxsantani bannaan may i dhigin, baraf ka buux yahay e
Ban cidlaa namay dhigin aniyo, bahalki caashaqa e
Birmad weeye ii soo gurmaday, boolis nabadeede
Garaadkeeda amintaan bu’day, bilo ku qiimeeyay
Baadhitaanki shay loo bogaa, bilig ka soo yidhiye
Waa boqorad maan sare leh oo, baawar lagu ladhaye
Badbaadaan ka filayaa xaggeed, beer nugayl gacale
Baxnaanaan ka sugayaa dhankeed, baanashiyo gacane
Jacaylkoo an beernuu ahaa, bishin dhawaaqeede
Ballan guurna waan dhigayoo, waa baroo waliye
Mana baalidoobine axdiga, waan bishlaa abide
Burji aan la galo waan rajeyn, bayd gob leedahaye
Baylah caashaq waan awdnay iyo, been lug gooyo ahe
Kalsoonida oo noo buuxsantaan, eegayaa badiye
Barkhad iyo waxaan naawilaa, roobka baro yare e
Bustaanada dhexdoodoon dagnaa, ii bidhaansamiye
Shisheeyoo ay bawdadu jabtaa, doorkan ii bilane
Gacalkoo bushaaraynayaa, biin lahaa murug e
Badiicoo na kaashaan rabnaa, baasha naga gala e
Afartaas bayaankii galgacal, baydki maansada dheh
Bogga shay hadheeyoon dhawaan, soo bandhigay uun dheh
Batalaale weedh aan fariyo, bayjaj caashaq dheh
Jawaabtii Bunjaabeey bulshadu, dhawrtay bariyaal dheh
Bishimii Hargeysaawi oo soo burqaday gabay dheh
Haduu calafku baydhshana ducaan, baal ka dhigayaaye
Ilaahoow sidii khayr budh yahay, nagu barsii waaga
Habeenkana balaayada dhacdaa, nacabka boogaysay
Cadawguna Alloow biixiyaa, yuu na boqon gooynin
Ha bakhaylin uunyahay adnee, badiya Aamiinta
_______________________________________
Qalbijaceyl11@hotmail.com

1 Comment

  1. asc walaal somaliyeed meel walbo aad joogtan


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: