caashaq wadaaga wada!!


Markii lasii lafa gurey ama lasii gunbaarey oo hadana
si gaar ah loo sii raad raacey ayaa waxaa baryahan
dambe aad u batay in kooxa badan oo lamaanayaal

caashaq wadaaga wada socodkoodu ama wada jirkoodu
yahay mid aanan dhaafsiisneyn mid ku kooban iska
helid, ama marxalad dareen doobeed, ama mid kaloo ku
salaysan dan-isku-gudbida guud ahaaneed.
Iyadoo hadafku ahaa mid looga danleeyahay maalmo ayaa
waxaa marmarka qaarkood laysla gaaraa heer ilaa iyo
guur!
Hadaba iyadoo ay jiraan dad badan oo is qaba ama wada
socda, oo ay wada socodkoodu u muuqato mid ku dhisan
ama ka buuxa farxad, raynrayn, riyaaq iyo raaxo. Ayaa
hadana marwalbo niyadoodu deganayn, oo is weydiiya
“tallow hebel/heblaayo ilaa iyo heerkee ku
jeceshahay/kujecelyahay” iyo su aalo noocaas ah oo
tuhin iyo shaki wiswaas ah niyada kaga jira.
Inta aanan ka hadlin halkudhiga maqaalka, “sidee lagu
ogaan karaa jaceylka dhabta ah”.
Waxaa xusid mudan inaan isweydiino “waamaxay jaceyl”.
Run ahaantii su’aashan waa su’aal dood badan dhalin
karta. Ileen nin waliba si gaar ah iyo waxyaalo gaar
ah ayuu kala kulmay jaceylku, ama qibrad iyo qiso
isaga u gooni ah.
Markii aan baaritaan xoogleh kusuubiyey ayaan waxaan
ka jibagaarey in jaceylku yahay dareemo yaableh uu
ilaah mar uun kugu dhaliya.
Dareemahaas oo aan kutilmaami karo dacar kor ka qaraar
dhexdana kamacaan. Ruuxaan qaraarkiisa marka hore soo
marin, ama soo dhex mushaaxin, macaakiisa uma badno
inuu muudsado.
Hadaba aqristow inta aadan isku dayin inaad ogaato,
heerka uu lamaanahaagu ku jecelyahay/jeceshahay.
Waxaad imtixaan ka qaadaa naftaada adigoo cabiraaya
heerka uu jaceylkaagu gaarsiisanyahay.
Ka gun gaar su’aalahan
1) Kalsooni buuxdo maku qabtaa lamaanahaaga? Ileen
kalsooni daradu waxay mar marka qaarkood keentaa inaad
u nuglootid ruuxkale, adigoo kacabsi qaba in
lamaanahaagu is badeli karo markasta.
2) Naftaadu makugu guubaabisaa inaad ku macaamilooto
marxalad kastoo kugu soo wajahdo. Samaan iyo xumaan,
dhib iyo raaxo, aaran iyo abaar.IWM
3) Si fudud malugu carqaladeenkaraa jaceyka aad u
qabtid lamaanahaaga?
4) Maku hamiyootaa ama maku riyootaa had iyo jeer
lamaanahaaga adigoo jooga meel iyo jawi kale?
Taasi waxaa noo ahaa sidaad ku ogaato in jaceyka aad u
qabto lamaanahaaga heerkii ugu dambeeyey
gaarsiisanyahay.
Inkastoo soomaalidu tiraahdo waxaad ruuxa sifiican u
baran kartaa “safar ama sariir” Safarka loola jeedo
safarkii hore oo dhibka badnaa oo aadka u dheeraa,
halkaasoo dadku aad isku baran jireen dabeecadahooda.
Sariirtuna waa “guur”. Marka aad ruuxa guri wada
degtaan oo aad isguursataan ayaa waxaa soo baxa
dabeecadiisii qalifsanaa oo si gooni ah ugu qarsanaa.
Si kastaba ha ahaatee ruuxa dhabta kuu jecel, waa
ruuxa kuga jecel waxaad ahayd, waxaad tahay maanta,
iyo waxkastoo yimaada oo kugu dhaco bari.
________________________________
Qalbijaceyl11@hotmail.com

1 Comment

  1. runtii fikradeyda hadan kadhibto jaceylku sudisabo wa daren or emotion darenkaas waxuu kayimadaa qalbiga midka dhabta ah midka kale waa mid indhaha kayimaado waa kan ah kahelid xaga jirka ah qofka runtii mar waad ka oydaa marnah waad kufaraxdaa nolosha ayaaba sida ah waxaan ka amin sanahay nasiibka qofka iyo calafka nolosha aad kuleeday kuma qayaani karaan


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: