hablaha maxey jaceylyihiin?


Inkastoo waxyaabaha Dumarku jecel yihiin ay aad u fara badan yihiin oo qoraal kaliya aan lagu soo koobi karin, haddana ogow waxa raggu ay jecel yihiin ayay iyaguna jecel yihiin, balse waxyaabaha ugu muhimsan waxaa ka mid ah:-

=GUUR & DHAQAN DAACAD AH:-

“Waari meysid war hakaa haro” waa murtida loo cuskado qofka marka uu qaangaaro ee lagu guubaabinayo guurka, taasoo la macno ah “waad dhimanaysaa ee ilmo fir & farac adiga kugu abtirsada hakaa haraan oo magacaagu yuusan bi’in geeridaada kadib, sidoo kale waxaa jira murti guurka dumarka ku kooban oo oranaysa “gabar god hakaaga jirto ama guri raggeed” oo iyana la macno ah “gabar ha guursato ama ha iska dhimato intay guumeys baara noqon lahayd”.

Haddaba iyadoo arrimahaasi ay jiraan oo guurka sida muuqata lagama maarmaan yahay ayaa haddana Lamaanayaasha guurka ku kulmaya looga baahan yahay inay la yimaadaan dhaqan daacad ku salaysan.

Dumarka cudurkooda waa iyagoo la guursan waaya, ragga cudurkoodana waa baagamuudada marka maadaama dumarku Guur u baahan yihiin haddana iska guurso ma ahee dhaqan ayay u baahan yihiin.

Bal ka waran, wiilka inta gabar soo guursada oo Hooyadeed, Aabaheed, walaalaheed, aqribadeeda, asxaabteeda & deriskeeda ka soo dhex bixiya (ka soo wata) haddana baararka ku caweynaya iyaduna ay Cidlo joogto.

War Ina Raggow gabadha marka la guursanayo guriga aad ka soo kaxaysatay ee Waalidkeed iyo walaalaheed ay kula noolayd kama aysan waayin Jiif, cuno, dhar & sheeko, adigana intaas baad ka soo dhex bixisay markaasaat baararka, goobaha lagu kulmo, biibitooyinka lagu qayilo iyo fadhi ku dirirada ka qosleysaa iyaduna ay cidlo ciirsi la’ fadhisaa oo inta ku sugi weyso iska hurdeysaa, markaasaad xilli dambe ku soo garaacaysaa.

Ogow Dumarku waxay rabaan wehel, sheeko, jacayl dhab ah lala wadaago, cidlada inay kaa dugsadaan ileyn adaa reerkeedii jameecada ahaa ka soo dhex bixiyee.

Gabar adiga kuu soo go’day oo dadkeedii kaaga soo dhex baxday ayaad ka tagaysaa oo inta casirkii shaarka & surwaal kugu bilicda qurxoon soo xirato ka soo jaqaafinaysaa, iyaduna dad deris ah oo aysan is fahamsanayn amaba cidlo uga soo tagaysaa.

War sidaa Ilaah xaqiis ma aha ee dumarka waxa ay jecel yihiin & sida ay jecel yihiin haloo yeelo.

qalbijaceyl11@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: