Neyroobi: Abdirizak “Naftayda ayaan ka jeclahay..Jirkeyga oo aan u jar jaro waxaa iiga xun in aan nafteeda waayo” {DAAWO SAWIRADA}.


Neyroobi: Abdirizak “Naftayda ayaan ka jeclahay..Jirkeyga oo aan u jar jaro waxaa iiga xun in aan nafteeda waayo” {DAAWO SAWIRADA}.
Inta aad dunida ku noo shahay waxaa la kulmeysaa mowjado kala duwan, waxaa jira Jacayl, waxaa hareer Socda Naceyb, wax walbana waa Calaf iyadoo ay taa jirto ayaan waxaan qormadeena idinkugu soo gudbinaynaa wiil jacayl dartiis u jar jaray jirkiisa.

Akhristayaasha inta aanan u guda galin sheekadaan ka hor hadii aan wax yar idiinka faah faahiyo qisadaani waxa ay dhex marte wiil iyo gabar ku kala nool maleysia iyo kenya waxayna dhexmartay dadka kala ah abdirizak Abukar iyo Xalima Cumar waa sheeko dhab ah run ahaantii aad iyo aad u ula yabesid waa mid ay ku dheehan tahay naxdin jeceel iyo murugo qisaadaan oo xambaarsan macluumaad aad u balaaran akhristayaal waa hubaal in aad la dhacaysaan
Ma jiraan laba qof oo ku doodeysa in uu jiro Jaceyl ama keeni karo dhibaatooyin iyo faa`idooyin labada waa kuwa mar waliba la filankaro taasi oo ku timaada nafta wax Jecelaatay.
Jaceylka waa koob uu ka buuxo hawo cid walba oo leh wadna shaqeeynaya ay dooneyso in ay cabto , waa doon bilaa shiraac ah oo mowjadaha badda si nabad ah ku mareysa, marna waa gil gilaha aduunka waana qaraar marna wa macaan sida uu ku soo maro .
Nafta wax jecel mar waliba waxa ay qaadaa talaabooyin xanuun badan oo lagu muujinayo baaxada dareen Jaceyl ee u hayo sida nafta la jeclaaday loogu war giliyo xanuunka taagan ee loo qaaday
dhibaatooyin ka soo gaaray Jaceyl xoogan oo uu u qaaday gabar sxbo yihiin iyadoo si uu ugu muujiyo Jaceylkaasi sameeyay talaabooyin uu jirkiisa ku dhawaacay .abdirizak ayaa sameeyay qaliin uu ku sameeyay jirkiisa taas oo uu uga gon lahaa soo bandhigadda jaceyl dilooday oo in badan uu qarsanayay taasi oo uu u qaaday inanta saxibada yihiin iyadoo baaxadda Jaceylka ku soo bandhigay gacantiisa sida isaga oo ku qoray Jaceylka haya iyo magac inanta uu la dhacay .
“In aan jirkeeyga ku qoro Jaceylka iyo magaceeda waxa aan uga gon lahaa si aan ugu bandhigo Jaceylka aan u hayo , lama aan hadal waa qarsanayay , in aan jeclaaday ayaan marqaati uga dhiganayay gacanta”, ayuu yiri dhibane abdirizak .
Iminka oo dhibkaas isu geeystay ayuu hadana si weyn u dareemayaa cidlo dhanka Jaceylka oo uusan hayn wax gacan qabasho ku aadan jaceylka waalan ee aan indhaha laheyn oo uu u qaaday inantaasi.
“Haa sxb wax hor mar ah iminka ma hayo , xiligii dhibka bilaawgisa niyad dhis ayaan dareemayay iyo in wax qabasho imaaneyso sida aan ka dareemayay , laakiin xaalka sidaa ma noqon niyad jab iyo jahwaeer ayaan la kulmay “, ayuu ii raaciay Abdirizak .
Naftayda ayaan ka jeclahay..Jirkeyga oo aan u jar jaro waxaa iiga xun in aan nafteeda waayo” ayuu ku cataabay abdirizak oo intaasi raaciyey in jacaylka uu u qabo Xaliimo wax waliba kaga qiimo badan yihiin naftiisa xitaa u go’yn karo haddii ay dhacdo waa sida uu yiri

jaceyl dartiis wax walbo waa la arkaa

jaceyl dartiis wax walbo waa la arkaa


Iyadoo dhibkaasi idil uu maray abdirizak hadana waxa uu ii sheegay in ay ka go`an tahay in uusan quus dhigin uuna aaminsan yahay in mar uun ay wax isbadli doonaan taasi oo micnaheedu u gartay in maalin uun uu wehel helo doono .
abdirizak xanuunkaani Jaceyl ka sokoow waxa uu ka dhexlay in uu mu`alif geeraar noqdo iyadoo uu sameeyay geeraaro badan oo iminka dadka kusugan maleysia isugu diraan Mobailka sida :
Tiro dumar la soo xulay tii ugu jirtay aya tahay ,timir` iyo tufaax canab talaalan ayaa tahay
Ubax talaalan fiid soo tarmata ayaa tahay,Talisadii haweenka iyo tiirkii noloshaa tahay.
Nafta wax ay ku taliso taladaadaa u horeysa , Isha waxa ay ku qaboowdaa aragtidaada,
Iyo waliba geeraaro kale oo halkaan lagu soo koobi karin .
Abdirizak ayaa muujiyay in dhibaatooyin badan uu ka qaaday Jaceylkaani xanuunka badan sida feker xad dhaaf iyo bulshanimadii oo ku sii yaraaneyso iyadoo uu sheegay in Jaceylkaani oo u qorsanaa uu ahaa mid dhanka dalka Kenya ku soo bilawday muddo haatan laga joogo sedex sano .

jaceyl
abdirikaz ayaa haatan muujiay in uu talo iyo tusaale ka sugayo aqrisatayaasha , iyadoo dhanka kale uu ku booriyay dhalaanka soomaaliyeed in ay ka fogaadaan sameyn Jaceyl been ku saleeysan , isla markaana loo baahan yahay in kalsoonida iyo jiritaanka Jaceylka la dhowro .
Waxaana xusid mudan in sida uu ii sheegay Abdirizak in aan laga aqoon africa qadarinta Jaceylka iyo waxa la yiraahdaba iyadoo laga yaqaan Bacda Madoow mawadaa macane ha igaso ilowin jaceyl wa intaas kajira africa ayuu yiri dhibane Abdirizak
Inkastoo uusan abdirizak ka marneyn hadana waxaa u sii dheer in Jaceyl xanbaarsan yahay inakstoo uu cidla dareemayo , waxaana iminka loogu yeeraa Aabaha Jaceylka maadaama halkaan Jaceylka looga qoslin.

ilaahow caafi

ilaahow caafi


Cidii dooneysa talo iyo tusaale in ay siiso dhibanayasha hakala xariirto anisa.co.uk.com@hotmail.com
JOOJI JACAYLKA INTUU JEBKAdA MARANYAHEy WA XALADA DHABTA AH HESATO DHALINTA SOMALIYEED KUNOL AFRICA.
____________________________________
qalbijaceyl11@hotmail.com

2 Comments

  1. walaal waanidin salaamay

  2. walaahi marka hore cabdirizak ayan salan diiran u diraya aduunka meel walba uu ka joogo waxan ku leeyahay sxb waad ku guulaysatay arimaha jaceylka laakin midii calanta kula sidi lahayd aya dhankayda dhibato ka so wajahday waana kugu so tagersanahay waxana tahay wiil fiican laheli karin hora waxa loo yiri sabra sid leh iska sabar waayo dunida lagama wayo qodaxdii jaceylka


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: