SI UU GURIGAAGA JANNO U NOQDO ..


hadaba dad ayaa layaaban markey arkaan cinwaanka hadaba waxey ka fikirayaan sidee buu guriga janno u noqon karaa
hadaba akhristow maqaalkaani wuxuu quseeyaa gabadha muslimiinta ah meel kasto ay joogaan khaasatan dadka u dhashey fartaan uu ku qoranyahay maqaalka waa kuwa somaliga ah

walaasheyda qaalida ah bal si aad ugu guuleysato ninkaaga jaceylkiisa
1-Dharka aad wax ku kariso oo ay ka soo ureyso basashii iyo waxyaabaha la mid ka ah waa ka mamnuuc ninkaaga hortiisa…..
– Guriga haka bixin asaga amar la,aantiisa qofna ha soo gelinin guriga asaga oo kuu ogolaanin midaasi hana soomin midka sunada ah asaga amar la,aantiisa
-hadii uu xanaaqo hala murmin hana ku dhegin in aad dooda sii wado …laakiin ku caawi inuu dego xitaa hadii aad adiga u aamustid
-ku dadaal in uusan kaa arkin inan kale oo adiga kaa qurux badan waad inaad ku dadaashaa quruxdaada si uu kaaga helo
-isu qurxi ninkaaga weliba waxaa uu jeclahay ma ahan waxa adiga aad jeceshahay yacnii haduu uu jacelaado waxyaabo gaar ah u samey asiga dartiis waayo si uu kuu jeclaado uusan meel kale u leexan mise uu qalbigiisa la sheekeysan uu san kugu kor caajisin weligaa haduu jecelyahay barfuun gooni ah mise ay jiraan wax yaabo kale u samey madaama uu sidaa jeclaadey adiga isu qurxi asaga ee ma ahan naftaada in aad qurxiso markaad banaanka aad aadeysid mise xafla sidaan ognahay hablaheena somaliyeed markay guriga jogaan isma daryeelaan waxey iska wadataa dharkii ay canjeerada ku dubtey oo saaka dhan kula jirtey jiko asiga oo joogo seygeeda walaaliyaal sidaa ma ahan naagta waxaa loogu tala galey inay gurigeeda isku qurxiso ay –isu qurxiso ninkeeda si ay u soo jiidato mise ay ugu ilaaliso damac kale
ku amaan ninkaaga wax walbo uu kuu sameeyo waayo si uu adiga uu kaaga helo kalsooni waayo aad buu ugu farxayaa beri waxaa uu isku dayayaa inuu mid kale kuu keeno hablaheena inta badan waxaa caadada dooda ah marka loo keeno alaab inay yiraahdaan cunug meesha jooga war orod aabahaa ka qaad alaabtaas adiga kaga gadoon gacantaada una raacsii amaan adigoo weliba ka shuminaayo labada dhaban hadii aad sidaa yeeshid tallow gurigaa miyuu kuu noqoneynin mid janno ah
-ku keedi marka uu guriga ku soo noqdo cunto uu asaga jecelyahay … yacnii ujeedkeygu waa inuu ninka gurigiisa uu markaste uu ka helaa taageero iyo jaceyl iyo kalsooni markaasi walaahi waxaan dhihi karaa inuusan meel kale cag soo dhigeynin hadiiba ay intaasi sameyso mamada guriga
-marka uu hurdaayo caruurta qeyladooda ka ilaali si uu u nasto haweenkeena ilaahey kheyr ha siiyee markey dhahayaan ninkeyga guriga maba ku daaho markuu wax cuno horey ayuu ka ordaa walaaliyaal si aysan saas u dhicin kudadaal tilmaamahaan
ku dadaal gurigaa inuu noqdo mid nadiif ah waayo nadaafadu waa iftiinka nolosha yeysan indhihuusa ku dhicin wax yaabo kala daad san (nadaafadu waa iimaanka barkiisa )
-hadaba walaasheyda qaalida ah ha u sugin inta uu kaa dalbanaayo galmada ee adiga noqo mid bilowda dareensii in aad adiga daneysid midaasna waxaad ku sameyn kartaa adiga oo timahaaga shanleynaayo dharkana iska fudadeynaayo isna carfinaayo iyo weliba adiga oo kula hadlaayo hadalo jiljilcsan waayo haduu markaste uu ku weydiisto mise uu kuu waco hadaba habeen kale caajis buu ka qaadi kadib maxaa ku xigo koleyba haduu guriga uu ku caajiso meel kale uusan ku caajiseynin ayaa jirto asiga oo sheydaan wax u aqrinaayo oo adna sabab u tahay ayuu meel kale iska adayaa ( taasi waxaa udaliil ah hada ka hor ayaa waxaa dhacdey oo anigaba markhaati aan ka ahay C.S.M waa magac la soo gaabiyey madaama aan jecleynin inaan magaciisa si toos ah u sheego wiilkaani waxaa uu qabey gabadh caajisley ah oo waxba aan daneynin haduu ninkeeda imaado iyo haduuba joogo aan shaqdeeda aheyn laakiin sideeda kale aheyd gabadh dhowrsan c.s.m ayaa maalin ka imaadey safar waayo asiga waa uu shaqeeyaa markuu ka imaadey safarka guriga ayuu imaadey asiga oo daalan oo safar dheer soo marey waad garan kartaa qofka markuu safar ka imaado daal iyo caajis badan ayaa qabanaayo marka uu xogahaa is daal bixiyey ayuu islaantiisa xogahaa sheeko la qaatey laakiin ayada wey is fahmiweysey aniga oo gaari banaanka yaalo gudihiisa ku jiro ayuu ii yimid wuxuuna ugu yiri sxbow ina keen banaanka ayaan aadeynaa qoftaan caajis ayey igu dishey ma ahan iska dheh iyo waxyaabo been ah waa arin dhab ah oo dhacdey si aysan taasi u dhicin ayaa inaan maqaalkaan qoro igu kaliftey
-cuntada la cun adoon wax cudur daar ah u shegeynin waayo qalbigiisa ayaad hananeysaa wuxuu uu kuu qaadaa jaceyl iyo kalsooni hadey labadaasi timaado gurigaaga weligiisa ma soo dhexgalaayo sedexeeyo sheydaan
-hadalkiisa hadiidin waa goormee marka haad hadalkiisa aad qaadaneysid waa marka uu san aheyn macsiyo yacnii hadal diinta iyo wax yaabaha shareecada islaamka ka soo horjeedo
kala qeyb qaado dhibkiisa sida aadba ula qeybsato farxadiisa sidaas oo kale ugala qeybqaado dhibkiisa
-haween mid ugu fiican waa mida uu ku farxo ninkeeda markuu fiiriyo hadii uu amrana warkiisa yeesho hadii uu ka maqanyahayna gurigiisa iyo nafsadeeda ilaaliso
-hadii uu ninkaaga guriga ka maqanyahay kula hadal teleefon dareensii in aad la jirto weel walbo oo uu aado weliba aad ka fikireysid oo aadan iloobin
-waxaan kaaga digayaa in uu qof kale ogaado sirtiina xitaa hadii uu yahay qofkaas midka kuugu soo dhow u ilaali sirtiisa ilaah haku ilaaliyo
-ku cawi cibaadada rabbi usoo kici salaada habeenkii xasuusii marwalbo salaada iyo quraanka akhriskiisa iyo inuu ku shaqeysto xoolo xalaal ah
qaraabadisa karaamee o xariiri wanaaji martidiisa xitaa hadii ay yihiin dad xun alle dartiisa iyo asiga dartiisa ku xariiri
ugu yeer ninkaaga magac uu jecelyahay waayo qof walbi wuxuu jeclyahay wax fiican in loogu yeero bal koley markaad dhalinyarada aheyd oo shukaansiga kuu socdey waxaad jecleyd inaad ugu yeertid magacyada ugu wanaagsan hadaba asiga oo ninkaaga xalaasha ah ka waran
-ku dadaal inaad asiga hortiisa aad soo kacdo si aad ugu diyaarisid quraaxdiisa iyo dharkiisa uu ku shaqa tagi lahaa
hortiisa is taag markuu guriga ka tagaayo kuna sagooti dhunkashada iyo dhoolacadeyn naxariis leh weliba adiga oo oranaaya gacaliye iyo waxyaabo qalbigiisa soo jiidanaayo gacaliye is ilaali hanaga soo daahin waan kusugayaa soo dhaqso gacaliyo waan ku jeclahay
-la sheekeyso ninkaaga isku day inaad lafaraciyaartid marwalbo kana farxi markast insha allah guushaada waad gaareysaa
-ogow guusha ninkaaga inay tahay guushaada
u hees ninkaaga sida ay gabadhaha cad cad ee janada ugu heesaan nimankooda

walaasheyda qaalida hadii aad intaas ku dhaqantid waxaan filayaa janno in uu kuu noqonaayo gurigaaga
w/d c/casiis maxamed sh. axmed qalbijaceyl
Qalbijaceyl11@hotmail.com

1 Comment

  1. masha allah qoraalka


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: