((Qaban qaabada guurkeena anagoo ku jirna ayaan u kala irdhownay laba Qaaradood.))


mucaashaqiinta Soomaaliyeed ee ku nool Dunida daafaheeda waxaa la soo darsa Arrimo Gal-kacayl kuwaas oo hadba si gooni ah saamayn ugu yeesho Noloshiisa, jacaylkana waa Faa’iido weyn oo Umma Noolaha ah alle u hibeeyey in ay ku naaloodaan.

Maxamuud Aadan Macalin {Maxamuud Daana} waxa uu ka mid yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Koonfur Afrika isla markaana ka amba baxay dalka Soomaaliya, halkaasna u gaaray sidii uu uga xamaalan lahaa, maadaama Dalka soomaaliya ragaadsaday dhibaatooyin dagaalo Sokooye oo aakhirkii sababay dagaalo diimeedyo dad badani ku hoobteen.
Maxamuud Daana waxaa soo martay arrin jacayl oo la yaab leh, qof kasta oo bani’aadam ah marba haddii uu qaan gaar noqdo jadwalka taxanaha noloshiisa waxaa ku jira sidii uu yeelan lahaa Lamaane uu la wadaago Nolosha, si mustaqbalka u noqdaan Nin iyo Naagtiis, waxaana midaasi lagu gaaraa is faham dhex mara lamaanaha is caashaqay, ama lamaanayaal la isku doonay.
Fardowso Axmed Nuur waxaan wada daganayn Xaafada Howlwadaag, yaraanteenii waxaa naga dhaxaysay jacayl daris wanaag ah, waan isla jaan qaadnay oo wada galnay Iskuul Qura, intaas waxaa naga dhaxeeyey jacayl ku dheehan walaalnimo iyo Daris wanaag.
14/3/2004-tii waxaa is badalay jacaylka walaalnimada naga dhexeeyey aniga iyo Fardowso jacayl Lamaane ku dhisan rabitaan ayaa labadeena nagu beermay, Fardowso markii aan u bandhigay jacaylka dhabta ah ee aan u qabo iguma aysan diidin oo way igu qaabishay, iina muujisay mid la mid ah kan aniga laabtayda ku beerantay.
Jacaylkeena in kastuu ahaa mid aad u heersareeya haddana Calafka ayaa halkiisa ah, waxaan guursaday aniga iyo gacalisadeyda oo is jecel gabar aan ku fakarayn in aan guursado, waxaan ahaa Wade gaari Xakuul ah, waana iska hadal badnaa, allena waxa uu qadaray in aan si sahal ah oo aan xisaabta iigu jirin ku guursado gabar aan si sahal ah isku baranay.
Markii aan xaaska yeeshay Gacalisadayda Fardow in kastoo ay Hinaaso ku beerantay, haddana waxay Ii muujisay in alle ii baneeyey Afar xaas walina diyaar u tahay in aan jacaylkeena sii amba qaadno si aan aayahena danbe u dhisno.
Muda kadib ayaan kala tagnay aniga iyo gabadhii Calafka alle isku keen daray, anaga oo aan wax xumaan ah oo sidaa u buuran na dhex marin, waxaana halkii ka sii amba qaaday jacaylkii Fardowso iyana si diiran ayay iigu soo dhawaysay.

Muddo kadib marki aan wada soconay aniga iyo Gacalisadayda Fardowso waxaan isla garanay in aan nolosha Lamaanaha ka dhigno mid wada noolaansho ah, laakiin intii aan ku jirnay Qaban qaabada guurkeena ayaan u kala idhownay laba Qaaradood oo midkeen maskaxda ugu jirin.
Anaga oo wadna abaabulka guurkeena wax walbana isla garanay ayaa haddana wax walba waa calafe safar aan horay u qorsheysan la iigu baaqay, waxaana arrina u sheegay gacalisadayda igana ogolaatay inaan baxo, si aan nolosheena danbe wax ugu qabto.

Maalmo kadib waxaan u dhaqaaqay Dalka Koonfur Afrika gar ahaan Rustenburg, aniga iyo gacalisadaydana waxaan ku wada xariiri jirnay dhanka Isgaarsiinta.

Markii aan muddo bilooyin ah maqnaa oo aan shaqeysatay ayaan damcay in aan la soo xidido reerkeeda oo aan magaalada Balad-weyne wada daganayn, laakiin markii aan maagay qorshahaas Xabiibtaydana u sheegay ayay ii sheegtay in Walaalkeed u soo dacwooday, isla markaana loo dhoofinayo Dal ka mid ah Dalalka Yurub.

Waxay igu qancisay in fursad ay tahay bixitankeeda waana ka aqbalay muddo dhowr bilood ah oo ay joogtay Itoobiya kadib waxay u duushay dalka Holon oo walaalkeed xaaskeyga ahaan ugu dacwooday.

Kala xariir Mucaashaqa ku habsatay taariikhdan xanuunka badan.
Email: daanayare@hotmail.com Rustenburg

____________________________________________________
Waano aan qoseyn maqaalka

Somali iyo jaceyl maxaa kala heysto mid walbo wuxuu jaceylyahay inuu sameyso lamaane u gaar ah laakiin laguma xisaabtamo tan alle
Dhalinta Somalia waxaa ka batey beenta iyo macsiyada ayadoo taasi ay jirto misane mid weliba wuxuu rabaa wuxuu ku haminaayo waxaan rabaa dhalinyarada somaliyeed inaan waano yer usoo jeediyo anigoo ah walaalkiina qalbijaceyl
Walaaliyaal ilaah aan ulaabano marka hore wax weliba aan asiga u tala saarano anagoo umareyno wadadiisa wanaagsan uu asiga nafarey waayo aduunkaani asiga ayaa na keeney hadana asiga ayaa nagu kafaala qaadey marka waxa aad naftaada la jeceshahay kan walaalkaa ah mise walashaa ah la jeclow waayo marka hore hadii aad la timaadid wax wanaagsan ilaaheyna wuxuu ku waafijinayaa waxaad adiga rabtid waa hadii aad soo martid wadada toosan dad ayaad arkeysaa ayagoo qaloocan haddan ay rabaan waxyaabo wanaagsan ayagana qalooc oo ilaahey raali ka ahayn ayey wataan
Waxaad arkeysaa gabadh mise wiil oo wadda xun ku socda misane leh waxaan rabaa wiil wanaagsan ama gabadh wanaagsan wiilyahow/gabadhyahey naftaada sidaas ayaa wax fiican ula rabtaaye maad adiga taada wanaajisid
Ilaah aan ulaabano wax weliba way notoosayaaan insha allah dhalinteena baadiyowdey ilaahey ha inoo sootoosiyo kuweena toosanna ilaahey ha u ziyaadiyo
Waa iga waano dad ayaa u fahmidoono inuu maqaalka qoseeyo
Sidaas yaa loo fahmin insha allah labadaani mucaashaq maqeyso waxaa aan inta ku soo qorey wax dhib ahi dhaxdooda kama dhicin aan ka aheyn kala dheeranshaha

W/D: c/casiis maxamed sh. Axmed
Qalbijaceyl11@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: