Dhibka uu leeyahay guurka naagaha waaweyn ee loo guursado aduunyo darteeda —


Ilaahey wuxuu baneeyey guurka wuxuuna ku dhigey in lagu xasilo oo la isku jeclaado oo raxmad ay ka imaado guurkaas oo kulmiyah ninka iyo naagta ayadoo la raacaayo tacaaliima islaamka iyo hanuunitiisa wanaagsan ayadoo ay jirto xaduudaha u sameyey guurka laakiin

maalmahaan guurka wuxuu noqdey waddo lagu gaaro taajirnimo iyo waddo lagu helo nolol fudud oo raaxo leh waqtiyadaan danbe dhalinyarada qaar waxey go,aasadeen inay guursadaan naago ka weyn oo weliba qaab cabsi leh guurkaasi waa dhibaato soo daristey oo cusub oo ka imaadey afkaar qaldan oo bulshada qaar ka timid ilaha qaar waxey tirakoobeen 90 xaaladood oo dhalinyaro guursatey naago ka waaweyn oo ka yimid yurub iyo america sanad gudihiisa arintaasna kama ahan dhalinyaradaasi inay guur fiican guursadaan balse waxey ka aheyd waddo ay ku garaan nolol fiican oo wanaagsan dadka qaar waxey ku magacaaween guurkaani guur ku meel gaar ah
Dhaqaatiirka cilimiga tarbiyada ee bulshada oo arintaasi ka Hadley waxey ku sheegeen inay tahay arin dhib ah oo ku soo daristey dhalinyarada waxeyna u baahantahay in bulshada dhamaan ay u istaagto oo ay ka qeyb galaan hey,adaha yer iyo kuwa wax barashada kuwaas oo daneeya hanuuninta iyo wacyi gelinta dhalinyarada inay baraan dhalinyarada sababahan dhibkaan taasi oo hada bilowdey inay ku faafto dadkeena
Waa masiibo bulshadeed oo halis ah da,dooda oo kala weyn awgeed waxey leedahay dhibaatooyin mararka qaarkooda waxey leedahay faa,ido waxaa jiro sababo badan oo guurka ka dhigo karo mashruuc fashilmey waxaa ka mid ah fikradaha labada qof oo kala fog iyo akhlaaqdooda oo kala fog
Miida ugu muhiimsan oo loobaahanyaha inay noqdaan labo isku da, ah marka labada qof ay isku da,yihiin wuxuu dareemayaa in farxdiisu ay la wadageyso iyo dhibkiisa maxaa yeeley u jeedooyinkooda ayaa isku mid noqonaayo arintaasi waxey abuureysaa isku xir faa,ido ka timaado
Dadka qaarna waxey leeyihiin qofka inuu raadiyo qof ka weyn asigoo raadinaayo baasaboorka qofkaasi mise in yurub uu ku tago inay tahay guur uu qofka naftiisa ku ciyaaro oo laga yaabo labadoodaba ay dhib u keento maxaa yeeley guurka dan ayaa lagu wato 99% waa guuldareysanayaa guurkaasi inta lagayaabo inuu mira dhalo waa 1% oo waqti xadidan ah maxaa yeeley waxaan qeybaha bulshada kala duwan ka maqalnaa tusaalooyin badan
Assasan guurka ku taagan masaalix aduunyo waa guur faashil ah xaladihiisa oo dhan gaar ahaan dhinaca qofka dhalinyarada ah markuu qofka dhalinyarada ah uu dareemo inuu wax walbo u huro siduu u heli lahaa nolol wanaagsan asigoo u marey wadadaan xun tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa
Qof bulshada ka mid ah wuxuu guursadey naag ka weyn oo kaweyn ilaa 10sano waxaana sirey quruxdeeda wuxuuna u maleeyey iney riyadiisa ugu rumooweyso waa uu guursadey wuxuuna akteeda ku qaaty maalihii ugu xumaa ee noloshiisa waxeyna dhadhamisey halaag tan kale masiinin owlaadu ka dhaley islaantaasi ka weyn wuxuuna ku dhawaadey inuu waasho
Marka la fiiriyo mowqifka diinta ay ka qabto guurkaas islaamka wuu baneeyey wiil dhalinyaro ah inuu guursado naag ka weyn ama gabadh yar inay guursato nin kaweyn
Markuu qofka uu uguursado naag ka weyn maslaxo aduunyo darteeda guurkaasi waxaa uu ka baxayaa wixii islaamka uyaqiiney guurka lagama wado inuu islaamka xarimey laakiin islaamku wuxuu ku macneeyey guurka inuu yahay is jaceyl iyo raxmad sida uu ilaahey aayadiisa noogu sheegey
ومن ا ياته ان خلق لكم من ا نفسكم ازواحا لتسكنوا اليها و جعل بينكم مودة و ر حمة
Marka haduu guurka uu noqdo mid aduunyo wuxuu isu bedelayaa isdhaafsi masaalix aduunyo wuxuuna khilaafayaa in la aasaaso qoys wanaagsan qoyskaas oo leh qaraabo iyo daris wanaagsan
Islaamka wuxuu ku sheegey qoyska inuu yahay AASAASKA KOOWAAD EE BULSHADA qooyskaas oo ka dhasho ilmo wanaagsan sidaas darteeda haduu guurka uu noqdo mid aduunyo kama imaanayaan ilmo wanaagsan oo waalidkooda usoo duceynaayo Markey dhintaan sida la ogyahanna cunuga wanaagsan wuxuu ka mid yahay 3dii qof oo aan camalkooda go,eynin Markey dhintaan

Waxaa idiin soo diyaariyey qoraa sare oo lagu magacaabo
Ismaaciil hilowle xassan (( AROW))
EMAIL ADRESS
Waaga114@hotmail.com
_____________________________________
tafatiraha webka
qalbijaceyl11@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s