hablihii somalia oo faraha kasiibaxey


ilaahow hana fidneynin adoomadaada ayaanu nahay

ilaahow hana fidneynin adoomadaada ayaanu nahay


Mid ka mid ah Hoteelada waaweyn ee Magaalada Neyroobi ayaa xili maqrib ah dan ka yeeshay anigoo kula balansan wiil aanu saaxiibo nahay oo ku soo degay Hotelka kana yimid Cariga Ingiriiska, Albaabka hore ee Hotelka ayaan ku arkay koox dumar ah oo isugu jira gabdho iyo kuwo waxoogaa Xusul baruur ah oo badankood ku lebisnaa dhar asturan, Jalaabiib, qaarkoodna ay indho sharer xirnaaeen.

Aad ayaan ugu farxay muuqaalka dumarkaa iyo astaanta ka muuqatay oo ay igula ekaadeen gabdho wadaado ah, iyadoo ay ahayd markii iigu horaysay ee aan indhaha saaro tiro dumar intaa la’eg oo badankood wada asturan, intii aan Magaalada Neyroobi ku sugnaa, waxaana markiiba qalbigayga ku soo dhacay in gabdhahaa heybada iyo hanaanka lebis ee Islaamnimo ay ka muuqato ay u socdaan Muxaadaro Diini ah oo Hotelka ka dhacaysa, balse marki aaan arkay dhalinyaro wiilaal ah oo qaarkood lebiskooda kii Gaalada la mid yahay ayuu shaki yar igu dhashay, wiil ii maqnaa oo iiigu soo yeerayay wiilka ana rabay ayaa markiiba yimid isagiiyoo ii wada, markiibana gudaha u soo galnay.
Yaab iyo amakaag gabdhihii wada asturnaa ee qaarkood indho shareerka xirnaa ee aan is lahaa ma Muxaadaro diini ah ayay ka qeyb qaaanayaan ayaan arkay iyagoo haddana lebis dhar kale wada xiran, waxaan indhaha saaray gabar jalbaab iyo indha sharer wadatay oo inta qol ka mid ah qolalka Hotelka gashay oo Surwaal Jeenis, Funaanad ay uga hooseesay garan yar oo cad ku soo labisatay, timuhuna u qaawan yihiin, qolkiina gabdho kale ku sii xaroonayaan ayna ka soo iyagoo ku labisan dhar qafiif ah, goonooyin ku dhegan, Saraawiil, Funaanado iyo Diracyo jirkoodu ka muuqdo.
Wiilkii aan saaxiibada ahayn ayaa igu yiri “Soomalida way horumareen xitaa kuwa Yurub jooga waxaa ka labis iyo heybad qurxoon ku Afrika iyo Aasiya jooga…Walaahi Yurub waxba ma dhaanto halka” markiiba Musik ayaa laga shanqariyey, heesho Soomaali ah oo u badan heeshihii hore iyo Musik Heesihii la badalay oo u badan heesihii hore iyo Muusik heesahooda la badalay, oo Arooska lagu Amaanayay ayaa la bilaabay, markaasaa waxaa Masraxa iska buuxiyey Gabdho iyo Wiilal iksu milmay oo Cayaar qoob ka cayaar ah dheelayay.
Tan waxaa la meel yaala Footooyinka Sawirada lagu qaado oo gabdhaha marka ay soo galayaan ay asturan yihiin, balse marka ay qolka is diyaarinta iyo turukeynta loogu talo galay ay galaan ay Bacyo kala soo baxaan dhar qaawanaantooda muujinaya.
Waxaase iigu yaab badnaa Anigoo Sawir Teesaro ah soo galay oo qolka Sawirka ka soo baxay ay iga hor timid gabar ka soo baday qolka is diyaarinta iyadoo qolkii sawir laha u socota, markiiba aan indhaha isku dhufanay ayay dib qolkii ugu carartay iyadoo Cowradeeda qaawan iga qarinaysa, balse waxaan la yaabay waa tan aniga iga carartaye wiilka Sawirlaha ee qaabkaas qaawanaanta ahi ay ku hortagayso ee sawiraya miyuusan ila mid ahayn..?.
Waxaa la yaab ah gabdhaheena soomaaliyeed caadada xun ay ku dhaqmaan waayo gabadh garasho kaaga ordeyso mid kale aysan garaneynin cowradooda tusineyso muxuu rag rag kale kaga duwanyahay
Gabdhyahow ilaah ka cabsada waayo intantaasi beri kamaalin waxey rabtaa mustaqbal iyo wiil ay guursato markaas ayey ku leedahay wiilasha zamankaan wax jiro ma ahan waa iga suaalee gabadh noocaas u dhaqanto wiilka doonaayo waa kee ?
Dhamaan dhalinyarada gabadh iyo wiilalba waxaan leeyahay war ilaahey halaga cabsado meel walbo aad joogtaan
Somali waxey tiraahdaa (( naagi intuu diraca dhulka u jiro ayey naarta u jirtaa )) walle been ma ahan war heedhaha aawey sharaftiinii mid waliba markay waxaas ku jirto dareemi meyso laakiin marka indhah kala qaado ayey ooh in iyo waxyaabo aan looo joogin ku calaacashaa markaas ayey ku leedahay wiil aniga I rabo malahan raga sanadkaan wax jiro ma ahan
((الخبيثات للخبيثون و الخبيثون للخبيثات و الطيبات للطيبون و الطيبون للطيبات))
Ayadaasi micnaheeda dadka ma fahansana walaaliyaal ilaahey ayaaba noocadeeyey
(( gabadha xun waxey heleysaa wiil ayada oo kale ah oo xun
Gabadh wanaagsani oo ilaahey ka cabsato oo ah mid toosan oo xijaaban oo dadkeeda iyo diinteedaba dhowrta waxey heleysaa wiil ayada oo kale ah oo toosan ))hadaad barbtow sidaas bal adiga istoosi marka hore oo wadada toosan soo mar

1 Comment

  1. walaahi wey iska fiican tahay sxb


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: