Sheeko layaab leh oo ka dhacday Qol chat room ah o somaaliyeed


Waxey aheyd maalin taariikh weyn igu leh nafteyda !!!!

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan waxaan hawada ka bartay gabar magaceeda la yiraahdo ubaxcadeey waxaan ku wada kulanay somalitalk chat room waxaaa ku jiray sida caadada u ah somalitalk chat room dad badan oo iskugu jiro wiilal iyo gabdhoMarkii uu xaalka intaas marayo ayaan waxaan ka doortay gabartan magaceeda la yiraahdo ubax ugu horeyntii barasho kadib

waxaan isku sii darsanay ciwnaanadeena labadeena si aan halkaas ugu sii anba qaadno arimihii isbarashada waxey ii soo sheegtay cinwaan keeda oo aan durbadiiba ku darsaday meeshii ayaan ka sii wadnay sheekadeenii iyo isbarashadeenii iyo xiirka ugubka ah ee aan ku bilaabnay somalitalk inaga oo noqonay laba wixii ka danbeeyay somalitalk aan kuwada sheekeysan oo kuwada xiriira msn ka si toos ah goor kasto,

Arinta markey halkaas taagan tahay ayeey maalin maalmaha kadim ah ayaan ku iri walaaley si aan kuu arko ayaan aad iyo aad u daneynayaa waxaan kaa codsanayaaa in aad isiiso sawirkaaga si aan kuu arko waxaad tahay gabar aan wax isla meel dhigi karno ,

Markii aan intaas ku dhahay ayeey waxey ii soo saartay sawirkeeda msn ka si ay ii tuso ayada oo iga aqbashay codsigeyga ,aniga intaas kuma sii hakan waxaan ku iri walaaley sawirkan waa mid yar oo ku eg msn ka oo kaliya waxaan mar kale kaa codsanayaa in aad ii soo dirto sawirkaaga oo weyn email ahaan iigu soo dir si aan ugu bogto waayo xiiso weyn ayaan kuu qabaa abaayo, markii aan intaas ku iri ayeey waxey igu tiri waxaan kuu soo dirayaa berito,

Waxaa lagaaray mudadii aan ku balan saneen in ay ii soo dirto nasiib wanaag waxaan ku arkay online ka waxaana durbadiiba weydiiyay abaayo salaan kadib waxaan ku iri abaayo aaway balantii aan kaa sugaayay oo aheyd in aad ii soo dirto sawirkaaga,

Markaas ayeey igu tiri hadeer ayaan kuu soo dirayaa ee bal fiirso sawirkeyga,

Waxaan ku iri aad iyo aad ayaad u mahadsantahay waana kaa filaayay in aad ii soo diri doontid sawirkaaga ,wax yar dabadeed ayaa waxaa ii soo dhacay fariin markii ab ayeey ii soo dirtay sawir aad iyo aad u cajiib badan markii aan arkay ayaan la cajibay sawirka quruxdiisa waxaa igu soo dhacday qoftaan hadii ay mar qura faraha kuu soo gasho somalitalka waxaad ku xusidoontaa ayaan niya deeda ku soo dhacaday, markaas ayaan is qan ciyaya waxaan nafteyda ku sabsabay wax walbo waa ay qoran yihiin ee iska samir waxaan kuu qorneyn heli meysid , nafteyda ayaan dhowr maal mood la diraray,

Waxaa igu soo kor dhay wal wal iyo walaac weyn waayo waxaa igu soo siyaaday arin iga tan badisay oo aan la Dhaka faaray ,

Mudo dheer dabadeed ayaan waxaan nasiib u yeeshay in aan mar kale ku kulano onlineka sheeko gaabankadib ayaan waxaan ku iri abaayo waxaan rabaa in aan si toos ah kuu arko maadaama aad ii soo dirtay sawirkaaga qaaliga ah ee abaayo camerada isku aadi si aan kuu arko markasto oo aan sheekeysan neeyno aan ka bogto wajigaaga quruxda badan, intaas kadib ayeey igu tiri walaal computerka aan joogo malahan webcamera sidaas darteed isma arki karno,intaas markey igu tiri ayaan waxan ku dhahay abaayo codsigeyga ii tix gali meel webcamera leh tag waayo adiga ma joogtid gurigaaga oo kaliya lacag ayaa kaa baxdo marka hadii ay kaabaxeyso lacag meel kale oo webcamera leh soo fadhiiso si aan isku aragno,

Ayada oo ka biyo diidan arinta is arageena ayeey igu jawaabtay aniga kuma weydiiyo webcamera ee maxey tahay kalsooni darida aad igu qabto walaalo aniga I aamin waayo wax kasto waxaa ka wanaagsan aaminka ee aboowe sidaan kuu aaminay ii aamin iska dhaaf webcamerada waayo aniga kama helo ,

Ayada oo arinka intaas ii maryo ayaan waxaa dhacday inaan habeen ku wada kulano online ka salaan iyo bogaadin kadib ayeey waxey igu tiri walaal wax makaa codsan karaa ,markaas ayaan dib u fikiray waxaan is iri tolow maxey ku weydiin rabtaa ,oo ma waxey soo wadaa markii aan laba qalbiyay ayaan la soo booday waad iweydiin kartaa wax kasto oo aad doonto diyaar ayaan u ahay ,markaas ayeey igu tiri aboowe macaan dhib ayaa iheysto wax badan ayaan kaa qar qarinayay marka in aan kuuu sheego ayaan caawa go’aansaday wax sidas u sii buuran ma ahan, deyn ayaa la igu leeyahay oo aan rabaa in aad iga bixiso aboowe intaas ma ii awoodaa,

Markii aan intaas maqlay ayaa neeftii iheysay iga soobooday durabadiiba waxaan lasoo booday oo mataas ayaa la isku qariyaa waa loosheegaa qofka saaxiib kaa ah wax dhib ah maka imaan karaan waayo hadii aan wax la isku qaban adoonka goormee wax la isku qabanayaa, ee abaayo ii sheeg waa imisa deynta laguugu leeyahay,

Waxey ii raacisay wax sidaas u buuran ma ahan waa $60 dolar ayeey ii soo sheegtay markaas ayaan ku iri wax dhib ah malahan ee meesha aan ku soo diraaayo iyo magaca aan kuugu soo qorayo ii sheeg oo kaliya iyo taleefan nambarka lagaa helayo,

Markii aan intaas is weydaarsanay ayeey igu tiri walaalow waxad ku soo qortaaa magaceyga iigu soo hagaaji shirkada dahabshiil taleefan keyga waa iga xiran yahay waxa aan lacagta kaaga codsnayo taleefanka ayaa ugu muhiimsan wuxuu iiga xiran yahay lacag awgiisa marka aniga ayaa ka soo qaadan karo adiga iigu soo dir oo kaliya shirkada aan kuu sheegay markaad ii soo dirtana ii soo raacsii taleefan kaaga si aan kuugu soo diro in aan lacagtii helay iyo in kale markii ay isoo gaarto ayaan kuu soo dirayaa taleefan aboowe macaan sidaas ayaa inoo balan ah,,,,,

Waxaa dhacday markii ay arinta halkaas inoo mareysay ayaa waxaa igalay tuhun weyn oo ah qof aadan maqlin codkeeda misne aadan xitaa kuu oglaan in ay kuu soo fadhiisato webcamera sidee u aamineysaa kaligey ayaa mur may tolow qoftaaan qof daacad kuu ah miyaa mise waa qof ceenkee dhinac kasto markaan ka eegay arinta ayaa waxaaan og’aansaday in aan wax online ah aanan galin waayo hadii aan galo waxaa dhaceyso in aan isaragno ayada hadan nafta ayaa ii saamixi weysay sidee ugu hareysaa qoftii kuu soo dirtay sawirkeeda arintaas ayaa igu soo laa laabatay waxaan markii danbe gaaray go’aan adag in aanan lacag u dirin ilaa aan ka helo isku haleyn buuxada ayaan waxaan go’aan ku gaaray taas ayaan meel dhigtay,,,,

Maalintii danbe ayaa waxaan soo galay sida caada ii aheyd msn ka xoogaa markaan ku jiray ayaa waxaaa soogalay qoftii aan sida weyn u jeclaa oo aan islahaa waa qofta kaliya ee nolosha kula qeybsan karto , salaan kadib ayaan waxaan ku iri bal ii waran abaayo markaas ayeey igu tiri abaayo maxaa la yiraahdaa markaas ayaan is iri qoftii wey kuu xanaaqsantahay malaha sidee wax ku xalin doontaa markii aan kaligey fikir iskugu laabtay xoogaa ayaan ka aamusnaa , markaas ayeey ii soo qortay waad qaldan tahay qofka aad la hadleyso mahan qofka aad taqaan !!!!!!!!!!

Aniga oo fajacan ayaan is iri war waa sidee qofkaan ku leh sidee ayuu wax u wadaa , ayaan ku iri waa kuma adiga ila hadlayo adiga oo raali ah walaal isku key sheeg intaas markaan ku dhaahay ayuu qofka ila hadlayey igu yiri walaal waxaan arkay msn iska furan qof ayaana ka kacay meesha aan fadhiyay waxaaa ka kacay wiil malaha isga ayaa laga yaabaa in uu lahaa cinwaanka aad igala hadleyso,!!!!!!!!!!!!!

Intaas markii ay afkiisa ka soo baxday qofka ila hadlayaay ayaa waxaan is iri qofkaan ma qof wareersan baa mise waa qof kugu cayaarayo waa aydii oo kugu cayaareyso,intaas kuma sii egkaan waxaan u sii raaciyay abaayo sidee kaa noqtayna maxaad iigu cayareysaa maxaaa kugu dhacay ma waadan igu oraneyn, wuxuu iigu jawaabay walaal hadii aan runta kuu sheegay ma waxaad dooneysaa in aan ku caayo ,intaas markii uu ii raaciyay ayaan ku dhahay sida ay wax u jiraan ii sheeg walaalow runta ah xageed joogtaa ayaan u sii raaciyay oo aad igala hadleysaa

Wuxuu iigu jawaabay waxaan joogaa oo aan hadeer kaaga hadlayaa somaliya gaar ahaan muqdisho, adigana xageed joogtaa oo aad ka soo gashay ayuu ii soo raaciyay warkiisa markaas ayaan u sheegay waxaan joogaa u.k waxan ku iri walaal waad mahadsan tahay sida aad iigu sheegtay meesha aad joogto laakiin hal su’aal maku weydiin karaa ayaan u sii raaciyay walal. Haa waad iweydiin kartaa ayuu igu yiri markaas ayaan ku dhahay sidee ku heshay cinwaanka aad igala hadleyso eee kugu suura gashay walaal ii sheeg intaas ayaan ku weydiin lahaa ,

intaas markii aan ku iri ayuu iigu jawaabay sxb waxaan kugula hadlayaa qof hadeer ka kacay ayaa ka tagay computerka msn kiisa oo furan sidaas ayaana aniga ku soo fadhiisatay waxaana ka kacay wiil oo timeka ku dhamaaday anigana waxaan sugayaya in aan isticmaalo internetka laakiin waxaa isweydiin mudan qofka halkaan ka kacayay wuxu ahaa wiil sidee adiga ula hadleysay mise waad isku taqiineen cinwaankan sidaan ah intaas ayuu ii raaciyay wiilkii aan lahdlayay ,markii uu intaas igu yiri ayaan ku dhahay waxaan kaa codsanayaa walaalow in aad ii sheegto cinwaan kaaga waayo waxaad tahay qof aad u wanagsan oo ka hadlayo runta waxaana kaa rabaa in aaan kuu sheego arin qaas ah bal kawran arintaas ayada ah sxb,

wuxuu iigu jawaabay waan ku siinayaa emailkeyga waan kaas ee qor kan waan ka baxayaa midkeyga ayaan furanayaa waayo aniga malihi ee ku soo darso arinta aad sheegeysidan iigu sheeg midkaas markaan soo galo. Waxaan ku iri ok waa wanaagsan tahay waan ku darsaday cinwaan kaaga soo gal wax yar dabadeed ayuu soo galay cinwaankii oo uu isiiyay wiilka markii aan salaamay kadib ayaan weydiiyay yarka il a shekeysanayay waxaan ku iri walaalow waxaan ku weydiinayaa cinwaanka aad igala hadleysay waxaan ka shukaansan jiray gabar aan xiriir weyn laheyn oo aad aan u jeclahay marka hadii aad sheegeyso in uu leeyahay qof kale oo aan dumar aheyn arinta mucjiso ayeey igu noqtay sxb runta ii sheeg

Intaas markaan ku iri ayuu igu ayuu yarkii igu yiri sxb waxaa dhici karto isga xitaa in uu san laheyn oo ay katagtay gabarta laheyd ayaa dhici karto,marka ma cadeyn karo in uu isga leeyahay wiilka ka kacay meesha aan kaala hadlaayay waa qolada internet café ka uu u furan yahay ayuuba ka mid yahay,

Intaas markii aan isweydaarsanay yarkii ayaan ku dhahay sxb adiga meeshaan aad joogto miyaad u dhowdahay xaafad ahaan oo aad markasto ka soo gashaa mise maanta ayaa kugu horeyso oo aad soo gashay,maya sxb waxaan u dhowahay internet café ka agtiisa ayaan daganahay markastona isga ayaan ka isticmaalaa markaan magaalada aado ayaan kuwa kale isticmaalaa laakiin inta aan xaafada joogo kan ayaan isticmaalaa walow aanan u badneen isticmaalkiisa internetka waxaan kaliya kala sheykeystaa walaalhey oo dibadaha ku maqan ayaan halkaan markey igu balamiyaan ayaan kala sheykeystaa waayo taleefaanka waa qaali ayaga dhinacooda ,ok sxb waad ku mahadsan tahay sheekadaadii waxaan siibaxayaa sxb goormee soo galeysaa qadka adiga, sxb waxaan soo galayaa berito waayo maanta waxaan balan saneen walaalkey waana iswaaynay sidaas ayaan kugu sheekeeyay magartay sxb, waa ku mahadsantahay waxaan is arkeynaa berito hadii uu illaah idiom,sxb aniga waan sii baxayaa waayo timeka ayaaba ii dhamaaday ,ok waa inoo kulan danbe. Macsalaam ,macsalaama bye

Waxaa lagaaray maalintii danbe waxan sameeyo ayaan garan waayay waayo waxa la iga sugayaa lacagtii anigana waxaa igu sii beermay tuhun faraban oo ay kamidtahay markii aan weydiiyay in ay sii soo fadhiisto webcamer oo ay ka madax adegtay oo ay diiday waxaan kaloo weydiiyay taleefan keeda waxey igu tiri taleefan ka waa uu iga jaran yahay lacag la’an owgeed shaki ayaa ka sii qaaday arinteda iyo wiilka ileh waxa meesha ka kacay waa wiil intaba waxey igu sii beereen shaki weyn oo marba marka ka danbeyso igu sii kor dhaayo walaac ayaa igu soo kordhay, waxaan og’aan ku gaaray in aan msn ka block iska saaro si aanan isku arkin ilaa aan ka soo hubsado arinkeeda oo aan ku laabto wiilkii iyo xaalka in uu ii soo xog waramo sida ay wax u jiraan,

Sidaan kaligey iskula sheykeysanayay ayaa waxaa soo galay wiilkii aan is baranay ayaa soo galay waxaan isla markiiba ku boobay sxb waan ku salamay wuxuu igu yiri waan kaa qaday bal waran, fiican badan markaas ayaan u siiraaciyay sxb adiga webcamera maku xiran tahay computerka aad fadhiso oo sawirkaaga wajigaaga ma arki karaa .markaas ayuu la soo booday waa ku xirantahay waana ku soo dalbanayaa ee adiga aqbal hadeer ayaan ku soo dalbanayaa ok wax yar dabadeed ayaan arkay wiilkii ayaanku dhahay waan kuu jeedaa sxb si fiican sawirkaaga waan arkaa. Sxb wax yar ayaan ku weydiin lahaa oo dhibaato igu ah in aad ii soo kala cadeyso ayaan rabaa kawaran,

Markaas ayuu igu yiri maxey tahay arinta aad sheegeyso sxb arin sidaas u sii buuran ma ahan waxaan kaa rabaa in aad igu caawiso hal arin oo kaliya waxeyna tahay waxaan halkaan ka shukaansaday gabartan oo aad maalin dhaweyd igla hadleysay msn keeda adigana sida aad iisheegtay waxaad igu tiri waa wiil qofka meesha ka kacay aniga oo tuhun weyn qabay ayaad igu sii abuurtay tuhun kale marka in aad ii soo kala cadeyso oo aad ixsaan iigu sameyso hadii uu wiil yahay iyo hadii ay gabar tahay in aad ii soo kala sheegto waayo waan ku wareersanahay sxb, intaas markaan u qoray ayuu wuxuu igu yiri hadii ay sidaasi jirto waagar in lagu saacido waana igu ogtahay in aan soo kala hubiyo waa tahay sxb goormeen jawaab kaa sugayaa . waxaad iga sugeysaa oo kaliya laba maal mood kadib si aan maalin kasto u soo galo meesha oo aan u ogaado qofka leh cinwaankan magartay.haa sxb intaas ii soo kala xaqiiji weliba waxey kaloo leedahay cinwaan kale ii soo kala ogow labada cinwaan waan ku siinayaa qofkii furanayo oo aad aragto ayaa ah ileen qof kale ma furanayo sow sidaas ma ahan, haa ii sheeg mid waan agaranayaa midka kale ii sheeg si aan ugu raad joogo,ok sxb

waa kanaa bal qoro cinwaanada ubaxcaddey@hotmail.com waa mid midka kale waakan ubax_love@hotmail.com labadaas cinwaan ayaan kala sheykeystaa sxb arintaas adiga ayaan kugu haleynayaa hadii aad ku guuleysatana waxaan ku siinayaa abaalmarin weyn, sxb taasi abaal marin ma u baahna waayo waa arin bini’aadan nimada ku jirto waa in qofka muslimka ah lagu taageeraa waxa san lagana qabtaa wixii xun, waayahay sxb qof aad iyo aad u wanaagsan ayaad tahay adiga ayaan kaa war dhowrayaa , waayahay sxb bye waan sii baxayaa waa inoo mar kale iyo kulan danbe.

Waxaa lagaaray mudadii aan balan saneen wiilkii aan isku barnay msn ka sida caadada ii ah waxaan soo galay msnka markii aan in dhowaal ah ku jiray msn ka ayaa waxaa durabadiiba iiga soo dhacday fariin email ahaan la iigu soo diray markii aan furay ayaa waxaa ku qorneed waa wiilkii aad isbarateen waana soo ogaaday meeshii aad ii diratay in aan soo kala cadeeyo ,

Aan kuu bilaabo sheekada waxaan imaaday aniga oo ku raadjoogo arintaada in aan ogaado ayaan waxaan imid meeshii aan ka dirsan jiray emailka waxaan kula kulmay qofkii aan ka shakiyay oo fadhiya wax yar ayaan meesha dul meereystay waxaa ila hadlay wiil fadhiya meesha serverka ah oo lacagta lagu qabto ayaa igu yiri boos wuu banan yahay maad soo fadhiistid maxaad la meyreysaneysaa waxaan ku iri timeka la ibalamiyay ayaa wax kadhiman sidaas darteed xoogaa ayaan sugayaa ilaa laga gaaro qofka aanbansanahay waan sugayaa wuxuu igu yiri iska sug time kaaga ,

Waxaan cabaar fadhiyaba meesha oo qooraan sado ayaa waxaa dhacday wiilkii fadhiyay serverka ayaa ku yiri hebal soo kac meel ayaan gaarayaa ee kaalay markii ay intaas dhagaheyga ku soo dhaceen ayaan ogaaday in uu yahay qofkaan qof meesha ka shaqeeyo yahay ama walaalo ay yihiin qofka mas’uulka ka ah meesha ,

Waxaan gaaday booskii uu ka kacay waxaan ku iri waxaa lagaaray timekii aan ku balan saneen ee ii soo day midkaan markii ayaa la ii soo daayay computerkii ugu horeyntii markii aan taabtay waxaan ka bilaabay xaqiiqo raadiska msn ka waayo sida computerka caadada u ah hadii uu qof furto msn kiisa oo uu ka kaco computerka wuxuu kuu sheegayaa qofkii ugu danbeeyay msnka uu isticmaalayay isga ayaa haynayo misne midkaan uguma sii jirto waxaa ku jiray winxp oo isga hayn kara ilaa iyo dhowr msn oo lagu isticmaalay oo dhan kuu sheegayo ugu horeyntii markii aan listigiisa taabtay waxaa ku qornaa labad cinwaan ayaab ku jiro oo ugu danbeeyay lagu isticmaalay,

arinta waa faanoole fara kama qodna ee la soco qeybta labaad

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: