Sheeko layaab leh oo ka dhacday Qol chat room ah o somaaliyeed ((qeybtii labaad ))


waa qeybtii labaad ee (( Sheeko layaab leh oo ka dhacday Qol chat room ah o somaaliyeed ))
Markii aan intaas aan arkay uguma sii harin waxaan waxaan ku jiray qadka 10minit waayo aniga dan kama lihi in aan internet isticmaalo …

waxaan rabay oo kaliya in aan ogaado qofkan qofkuu yahay oo kaliya waan soo kacay waxaan ku iri sxb ii xir timeka waayo qofka aan rabay weli sooma galin waxaa laga yaabaa in uu soo daaho markii ayuu igu yiri iska soo bax waan kuu hayaa time kaaga ,
Intaas markii na dhex martay ayaan ku iri sxb isxaan ma ii sameyn kartaa oo walaal markaas ayuu igu yiri maxey tahay waxaan kuu sameynayo waxan ku dhahay wiil walaalkey ah ayaan ku siinayaa cinwaan kiisa adiga msn kaaga ku darso markii uu soo galo ii sheeg waan fadhiisanayaa oo waan sugayaa markaas ayuu igu yiri ii sheeg aan ku darsado markaas ayaan waxaan u sheegay cinwaan keyga si aan u ogaado cinwaankiisa waayo aniga isga ayaan baarayaa isgana igama war qabo markaas ayuu igu yiri waan ku darsaday isga markuu iga aqbalo ayuu kula hadlayaa sidaas ula soco , waxaan ku iri hadii uu soo galo isga ayaaba kaa qabli doono,
Markii aan in mudo joogay ayaan waxaan ku iri war nin yahoow ii soo deytimeka waan sugi waayay waxaan udirayaa warqad waana ka tagayaa intaas markii aan u sheegay ayuu igu yiri waa kaas bal fadhiiso markii aan fadhiistay booskii ayaan waxaan xoogaa booq booqday websate ya kale xoogaa kadib ayaan waxaan sameeyay in aan furto msn keyga markii uu iifurmay ayaa wuxuu igu yiri war waa uu soogalay wiilkii aad sugeysay ee la hadal markii aan fiiriyay cinwaanka igu soo darsaday waaba kii aan baadi goobkiisa aan ku jiray ayuuba ku darasaday waxaa ii xaqiiq ii noqotay in uu yahay ninka iska dhigayo gabarta in uu isga yahay markaas ayaan ku iri si aan isga dhigo qofkii sugayay ayaan ku dhahay waa tuma qofta igu soo darsatay markaas ayuu iigu jawabay aboowe waa gabar somaliya joogta walaal kaa ayaa kuu fadhiya ee la hadal isga ayaa igu yir ku darso markii ay soo gasho si aan u ogaado waad ku mahadsantahay ayaan ku iri aniga oo iska dhigaya qofkii lasugayay intaas markii aan isweydaarsanay ayaan ogaaday in uu isga yahay waxa umada nafta u keenay wiilkaan aan isbarnayna wareeriyay,
Waxaa isoo gaartay fariintaan oo ay dhexmartay wiilkii aan u dirsaday xaqiiqo raadinta ahaa oo aan u xilsaartay arintaan ayada ah ayaan waxaan go’aan saday in aan banaanka ku tuuro qof isga ah oo dadka dhibay markaas ayaan go’aan ku gaaray sida aan umada ugu reerbi lahaa waayo dad badan ayuu ku dheelayaa oo uu mustaqbalkooda ku cayaarayaa oo ku beerayaa jaceyl aan jirin oo ah lugooyo iyo in uu kaa helo wax qarash ah dantiisa ugu weyn intaas tahay sharaftana ugu dhacayo gabdhaha soomaaliyeed iyo isga oo qof rag ah oo arintaan igu sameyay intaas ayaa caro ka qaaday oo mar kasto igu soo laa laabtay,
Waxaa dhacday maalintii danbe waxaa qadka soo galay wiilkii aan isku barnay msn keda ayaa soogalay markaan is salaanay kadib ayaan iri waan helay warqadaada sxb waxaan kaa codsanayaa in aad ii soo aadiso sawirkiisa oo aad ku aadiso isga si aan u sawirto markaas ayuu wiilkii inta uu qosalay ayuu igu yiri sawirkiisa maxaad ku faleysaa kan isga ayaaba duleysan .markaas ayaan ku iri waxan rabaa in aan ka qoro taariiq waayo nafteyda ayuu waxyeelo ba,an ugeystay waan aaminay wuxuu iigu balday wax aan dhici karin . intaas markii aan ku iri wiil kii ayaa iigu jawaabay waan kuugu aadinayaa laakiin hal mid ayaan kaa rabaa in aad sawirkiisa ka dhowrto bulshada oo aad ii balan qaadeysaa sxb . waxaan ku iri taasi ayaa balan ah waan dhowrayaa aniga uun ha igu ekaado markii ayuu soo galiyay camerada isga oo fadhiya computer kale markii uu soo jeestay ayaan meesha ka sawirtay, sawirkiisa isga oo dul fadhiya computer ka, markey intaas mareyso ayaan wiilkii ku dhahay sxb waad mahadsantahay sida hagar la’aanta aad igu saaciday sxb wuxuu igu yiri sxb taasi waa mid la isku leeyahay intaas ayaan ku kala tagnay wiilkii aan ku saaxiibnay msn keeda……..
Waxaan gartay in uu yahay qofkaan qof go,aansaday in uu dadka lugooyo oo dhibaato weyna u geeysto waayo aniga nafteyda markaan ka hadlo ayuuba dhibaato inteeda la’eg ii geystay waayo waxaan go’aansaday in aan wax laqabto gabadhaan ayda ah anigana aan ka faa iideysto fursadaan oo aan lahaa qof sidaan oo kale waaba fursad weyn oo misne dalkii jooga ayaan aad iyo aad ugu farxay.markaas kadib ayaan waxaan ku fikiray sidee ugu aarasan kartaa wiilkaan dhibtaada badan kuu geystay oo misne iskaga kaa dhigay gabartaan waxaan go’aan ku gaaray in aanka daba gaaro salkiisa waxaan furtay msnka waxaan ka qaday block aan saaray markas kadib ayaan waxaan cabar ku jiray sida caada ii ha somalitalk ayaan iska isticmaalayay chat roomka markii aan in dhawaal ah ku jiray qadka ayaa waxaa soo galay qofkii lugooyada ahaa waxaan ku iri salaan qaas ah markaasey igu tiri mid la mid ah ii waran ayaan ku iri waxey igu tiri maxaan kuu warmaa waxaad tahay qof xun oo aan balan laheyn maxaad sidaas iigu gashay markii ay intaas igu tiri ayaan ku iri war sidaas ma ahan qofka bal weydii maxaa ku qabsaday dheh kadib ayaa laga wada hadlaa arintaas kadib markii ayeey igu tiri waayahay maxaa ku qabsaday oo aad xitaa iiga soo jawaabin waxaan ku iri mashquul weyn ayaan noqday hadeer ayaan kula taaganahay aan kula hadlayaa bal ii sheeg waxa meesha aan soo dhigayo iyo inta aan kuu soo diraayo,
Markaas ayeey igu tiri waxan kaa codasaday 60$ oo kaliya magartay waxaan ku iri waan kuu soo dirayaa 100$ waayo lacag kala dhiman ma fiicna in lasoo diro walaaley magartay intaas. haa waan fahamay ee goormee ii soo direysaa aboowe macaan ii sheeg waxaan soo dirayaa markii aanhelo wax aan kalsooni buuxdo ku qabi karo aad ii sheegto waayo ilaa iyo hadeer wax aan kugu aamino maheysto, sidaas miyaa aboowe waxaan kuu gartay in aad markii horeba aadan igu kalsooneen aboowe macaan aniga I aamin ,
Hal sheey ayaanan kugu aamin karin waxaan ku dhahay taleefan kaaga isii waan kusoo wacayaa waxaad igu tiri waa xiran yahay taleefan malihi waxaan ku dhahay webcamera soogal waxaad igu tiri computerkeyga malahan meel kale ii soo fadhiiso ayaan ku iri waxaad igu tiri kama helo waxaan kaloo kaa codsaday in aad igula hadasho msn ka xitaa codkaaga si aan u maqlo waad diiday marka sideen kugu aaminaa .
Aboowe macaan aniga waxaan sida tooska ah ula sheykeysto markasto waa adiga runtii adigna 60$ oo aan ku weydiiyay miyaa dhib kaan oo dhan ii marsiineysaa hadii ay dhibkaaga tahay iska dhaaf waan ku ogaa in aadan ii awoodin. Walaaley waxaa loo baahan yahay in qofka uu helo kalsooni buuxda marka hadii aan ku weydiiyay dhib miyaad u aragtaa intaas .ok aboowe macaan waxaan ku siinayaa email keyga password kiisa hadii aadan I aamineyn maku qanici kartaa intaas , waayahay waxaad leedahay laba cinwaan hal kaliya wax iima tarayo midka kale kawran , markaas ayeey igu tiri waan ku siinayaa labadaba laakiin waxaan kaa codsanayaa in aadan wax iga tir tiring waayo waxaa iigu jiro warqado iyo waxaan kaa codasnayaa in aadan la hadlin dad badan ayaa igu jiro msnka waa walaalahey iyo dad aan macriifo nahay aboowe waan ku aaminay macaane sidaas ayaan kaa cosanayaa aniga runtii aniga waxaan ugu danleeyahay in aan ogaado in uu furayo iyo in kale oo kaliya msn kiisa maba daneynayo waayo maxaan u sheegaa qofka adiga ku raadinayo intaas ayaaba dhib igu ah. Aboowe macaan taas ayaa inoo balan ah aboowe ii soo dir lacagta sida ugu dhaqsiyaha badan aboowe waxaa la iga rabaa in aan geeyo berito marka ii soo da daji lacagta aboowe macaan hadii ay isoo gaartana waxaan kuu soo dirayaa email dag dag ah aboowe macaan waa sii baxayaa bye bye, ok bye bye waa inoo kulan danbe,
Intaas markii aanku kala tagnay ayaan fikir badan dabadeed waxaan is iri war nin yahow hadii uu ku weydiin lahaa qofkaan beenta ku qaraabanayo walaalow wax isii in aan mahayo dhaho iyo in aan siiyo wax ka dhaxeeyo ma noqon laheyn laakiin maxaa ku qasbayo in uu ku lug gooyo waa maxay,
Waxaan ogaan saday in aan ka badalo password ka uu leeyahay si uusan qof kale uusan ugu dhibin cinwaanadaan iyo sawirada uusan isga aheyn oo qof dumar ah uu mar kasto ku beerlaxwsado dad ka kale iyo dhibaatada uu ugeeysanayo bulashada inteeda kale, waxaa igu soo dhacay tolow qofka uu beenta ka sheegayo sawirkeedana ku qaraabanayo waxaa dhici karto in aysan iskaba war qabin waayo qofka sawirkaan qurxoon leh mahan qof sidaas u dhaqmayo hadii ay sidasa noqotana waa dumar laakiin wiilkan yar maxaa ku kalifay isga oo uu illaahey ka dhigay qof rag ah misne uu isga iska dhigo dumar waxaa layaab weyn igu noqotay haba dhibaan dadka jooga qurbaha sida yurup asia America waayo waa dad iskaga mada daala inta badan computerka hadna laga fili karo in ay waxaas oo kale xitaa ku kacaan laakiin qof jooga soomaaliya waligey niya deeda ma siin waa qof lugooyo ka sameysan ayaa isticmaalayo internetka isga oo jooga dalkii ,
Waxaan ku soo gaba gabaynayaa dhalinyarada soomaalyeed rag iyo dumar iskugu jiro illah kabaqa dadkana halugooyina naftiina ha lugooyin waayo adiga oo illaah kaa dhigay qof rag ah in aad dumar iska dhigto waa laga fiican yahay adiga oo dumar ahna in aad iska dhigto rag waa mid laga fiican yahay labadaba waayo qofka wuxuu u ekaanayaa in uusan ku qanacsaneen uumistii la uumay. Walaalayaal waxaa iga waano ah wuxuu ilaah kaa dhigay sheego qof kasto oo aad ahaataba rag iyo dumar.waayo waa cawaaqib xumo qofkii ku dhaqmaa arimaha ceynkaan oo kale ah :
Qofkani weli kama uusan waan toobin dhibaatada uu ugeysanayo bulshada waayo hadeer wuxuu igla hadlaa cinwaan kale oo uu leeyahay welina wuxuu iska dhigayaa dumar ilaa iyo hadeer wuxuu hayaa arin aan shareecada ku bananeen iyo bulshada intaba waayo in aad qof qayaanto oo aad misne ku raadiso lacag ama wax aduun oo aad dad nimadaadii ku badalato waa shey laga fiican yahay hadii aan talabadan xitaa qaaday oo aan is iri waad ka guuleysatay ilaa iyo hadeer wuxuu wadaa howshii intaas ayaan agu dhalisay in aan umada soomaaliyeed gaarsiiyo cinwaanada uu isticmaalo waxaa kamid ah salwolove@msn.com oo uu hadeer dadka weli in uu ku qaldo doonayo iyo kuwa aanan weli nasoo gaarin laakiin hadii ay nasoo gaaraan aan la soo socod siindoono bulshada inteeda kale………

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: