ANIGA IYO GACALISADEYDA HALA NOO GARNAQO


Naagtaydu waa sida roobka way onkodaa, oo ay hilaacdaa ka dib markaasay da’daa” Faylasuf Socrat.

Hooheey dumarku,

Waa adoo haraadan,

Biyo kuu hiraayee,

Waxanu ahayn lammaane, waxanu ahayn dhig iyo udub, waxanu ahayn ul iyo diirkeed, waxanu ahayn ceeshow milix, waxanu ahayn Haan iyo hadhuubkeed, waxanu ahayn wax walba, iyadu anigay ahayd aniguna iyadaan ahaa !!! . Haddana waxanu nahay col daahii go’ay oo dabka iskuma dhejino.
Layskuma kaaya qasbin ee intaanu is calmanay baanu haddana is calfanay, waxayse sheeko dhabaqday markaanu isku hoy noqonay.

Wax badan waxan maqlay “Naagaa rag is dhaafshay” ka dib waxan is idhi waxa kaa dhimaniba waa naag, iyana wax badan waxay maqashay “Naagi god ha kaaga jirto ama gunti rageed” iyana godka waxay ka door biday guntiga raga.
taasaa horta isku kaaya keentay
Intay sheeko noo socotay waxa dhexdayada ka ilmo roganayay jacayl dhicisa,asaanu u haysanay dhamays. isna intii birta loo soo wadey buu bakhtiyay baan filayaa waayo mabaan arag guurkayaga dabadii.

Ceel nin galay baa laga waraystaaye kuwaan u tilmaan doontay waxay igula taliyeen inaanay naagtu jil jilayc iga dareemin, inaanan hadalka barin, inaanan la tashan iwm, anoo caadiya baan u tagee waxan ka soo noqday anoo garaado iyo gacan maroodi yeeshay, iyana kuwii ugu dhawaa waxay kula taliyeen “Yaanu ninku kaa dareemin inaad jeceshahay, hadal naxariisa ha ku dhihin, markuu wax kuu sheego maxay dee dheh iwm, iyana iyadoo caadiya bay u tagtee waxay soo noqotay iyadoo gowso iyo geeso lo,aad yeelatay yartu tiiba maaha, oo haddaa ma anigaa kiiya.

Bilihii hore waxanu ku wada joognay xiise isku kaaya hayay, waxa kaloon ku wada joognay xishood iyo sariigasho ay iyadu muujinaysay, waxa kaloon ku wada joognay ixtiraam iyo qadarin aanu u haynay dadka martida noo ahaa noona shaqaynayay, wax intaa dhaafsiisanse kumaanu wada joogin, waxa laga yaabaa inaad tidhaa armay ku qadarinaysay oo aad kala masuugaysaa ?. Xaasha! waayo markay dadkii naga tegeen baan arki lahaa haddii qadarin iyo ixtiraam meesha yaalo, anbase kuma dhaamee maxan kula yaabayaa.

Ka hor intanan is guursan waxay filaysay in guurku yahay deganaansho iyo raaxo, waxayse gashey dab iyo raran, waxan eegayay kob calaf leh inan degayo waxanse is arkay anoo kadabkay go,ay. way dulmantahay! oo haddaa yaan dulmanayn, waanuna wada dulmanahay, oo yaa na dulmaya ? annagaa is dulmayna. oo maxanu isku dulmaynaa sawka dulmigu xaaraanta ah? kaayagani xaaraan maaha, oo haddaa ma xalaal baa ? xalaalna maaha, oo haddaa waa maxay ? ka fursan waa baa ka la yidhaa !!.

Shaqo rasmiya ma hayo, haddana deeqdiisa illaahay iima darna, oo gowkayga iyo gabadhaydaba waan ka adagahay, haddii aan farsamaysan lahaana adduun awr gooyaa waa ii dhigmi lahaa, waxase i waalay labada reer(qaadka iyo naagta) oo dhiigayga iyo dheecaankaygaba qaybsadey, marar aan badnayn ooridaydu waxay isku mashquulisaa siday u ogaan lahayd dakhligayga, anna waxan isku mashquuliyaa sidaan u ogaan lahaa da’deeda,hase yeeshee midkaayana guul kama gaadho.

Badiyaa shaqada waxan ka imaadaa anoo daalan, maalin maalina cadhaysan, maalintaan cadhaysnahay anoo buufta haya ayaan guriga soo galaa, anoon cidna la hadlin waxan is bilqaa sariirtayda jiiq jiiqda badan , waxanan maqlaa qof ku leh ooridayda hebel wuu cadhaysan yahay ee orod deji oo bal waxa ku dhacay weydii, iyo iyada oo ugu jawaabaysa waa qushigiisa danihiisuu u cadhaysan yahay walee inaanan halkaa u dhaafayn. Odhaahdan danbe dhinbiil igaga kulul, dacarna igaga qadhaadh, waxan is idhaa ma taasaa naag kuu noqon .

W/Q
Axmed Ismaaciil Maxamuud,

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: