Maserku Ma jaceylbaa mise waa Kibir


Waa shey ilaahay ku abuuray qofkasta sida waxyaabaha qaar ee bini aadamka lagu uumay
Laakin waxaa jira qof Maseyrkiisa Macquul yahay iyo qof dhaafaya xadkii loogu tala galay oo qeyrul macquul ah

Inkastoo lagu tilmaamo maseyrku in uu yahay dareyn xanuun leh oo qofku uu ku rabo in uu kaligii yeesho qofka uu jecelyahay ama dareenkiisa kaligiis soo jiito ayaa waxa uu sababaa in uu kala geeyo laba qof oo is jecel ama is qaba waxaana halkaa ku dhamaan kara wixii ka dhaxeeyay oo jaceyl ah

Maseyr.. waa dareen la mid ah waxyaabah qofka uu dareemo ee caadiga ah laakiin dareenkiisu aad ayuu xanuun badan yahay hadii uu gudbo xadkiisa uuna sii siyaado

Badanaa waxaa la arkaa dhibaatooyinka ka dhex dhasha labada qof ee is qaba amaba is jecel xataa asxaabta dhexdooda sababta maseyrka dartiisa, ayadoo mararka qaar ay gaarto shaki kii ugu xumaa taasoo dhameyn karta jaceylka meeshaa ka jiray, lagana yaabo in ay dhaliso is aaminaad la’aan sababta maseyrka dartiisa

Waxaad arkeysaa mararka qaar qaasatan dadka jaceyl wadaaga ah ayagoo badanaa jecel dareenka maseyrka ah rabaana in ay dareemaan maseyrka ….. Sabab ???

Ma waxay rabaan in ay hubiyaan jaceylka qofka ay jecel yihiin ??

ma waxay doonayaan in ay jaceylkooda ku cadeeyaan Qaab maseyr galin ah qofka ay jecelyihiin ??

Maseyrku muxuu maraka qaar iskugu badalaa Shaki iyo kalsooni xumo ???

Muxuu maseyrku dadka qaar agtooda saa’id uu ugu yahay ama ugu badan yahay ??

Maseyrku ma kalsooni xumaa….Ama maxaan dhihi karnaa ???

Badanaa muxuu maseyrku isugu badalaa dhibaatooyin iyo mashaakil ????

Aqriste adiga maseyrka maxad u taqaanaa ??

Waa wax qurux badan in aragno ayadoo qof na jecel noo maseyraayo anaga darteen ……….

Laakiin sheygaasi quruxda badan waxa uu noqon karaa mid wax burburiya…. hadii anan si caqliyeesan leysaga xakameyn

Ugu dambeyntii…………

Maserku Ma jaceylbaa mise waa Kibir ?????
hadaba fikirkaaga ka dhiibo adoon ka bixin maqaalka

waa madaxa webka nololcusub.tk
c/casiis maxamed sheekh axmed
qalbijaceyl11@hotmail.com

2 Comments

  1. anu waxan aaminsanahy masayrku inuuyahay shay illahay qofka ku abuuray
    waliba ruuxa waxa ukafogayn karaa waxyaalo agtiisa qiimo kalahaa maxaayelay inta uuruuxu maayr san yahay mafahmi karo ficilada uusamaynayo saamynta aykuyeelan karaan

  2. Asc dhaman fikradeyda hadan ka dhibto halkan annigu waxey ila tahay maseyrku waa jaceyl


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: