jacaylkii 4 ta sano


jacaylkii 4 ta sano
waa asxbaabtiinii hawada oo idiin soo saarey sheeko jaceyl ah
oo lamagacbaxdey jaceylkii afarta sano
insha allah waad ka bogandoontaan
waxaan idiin badalan qaadeynaa sida
ay naga soo codsadeen akhristiyaasha webka nololcusub
waan idiin soo badin donaa ee nagula raaxeysta
sheekadani waxa idin so bandhigi doona mu alifka
weyna {abubakar qurbaani oo ku sugan maalta}}

aniga magacayga wa rahul waxan ahay wiil hindi
waxan dhigta kuleejka weyn ee hindia e lagu magacabo kurugul hooyadeyda iyo aabahayga waxay dhintayn anigo aad u yar waxa iso koriyay walalkayga weyna aya koritankayga ku dadalay wax walba aan u baahanahay asiga ka hela.

aniga kuleejka waxa iila dhigata gabar lagu magacabo sanjina sanjina sidan u arkay gabar kale inee dunida ku nooshahay maba umaleyo sanjina wa gabar aad uqurux badan laakin ma ahayn gabar uso jeeda arimaha jaceylka aniga aad ayaan ugu daalay waayo mar alaala markii aan fursad ku helo waxay ila hadasha si aan cadi ahayn asxaabtayda waxay idhahayn rahul gabartani maku so jeedo ee gabar kale ayaa ka badan raadso laakin aniga subaxan sanjina arkin subaxas indhaba malihi aniga indhaa sanjina ahayn maba lihi walalkayga markii uu maqlay in aan gabar 4 sano daba socdo oo welibana wax natiijo kaso sarin wuxuu idhahay rahul aniga waxan ahay walalka ka weyn sababta aan u guursan wayay sabab kale maahin waxan islahay walalka yar yuusan jaceylka loola qeybsan.

waayo aniga aad ayan ku jeclahay aboowe in aad wax kuso garan majecli laakin qalbigaga waxan ka daremayaa in uu jaceyl weyn u qaday sanjina laakin hadii ay kuso jeedin walal waqtigaga haku dhumin walalkayga idhahay laakin aniga hadalkiisa dhag uma dhigin waayo jaceylka aan sanjina uqabo ayaa dhagaha iyo indhaha itiray…

kadib aniga waxan jeclaay in aan sanjina nolol la wadaago laakin iyada ma ahayn mid jaceyl uso jeedo waayo aniga waxan ka daba cararayay mudo afar sano ah wa mudo aad udheer sidasna ah weli wa sideeda ilaa hada wax ay is bedeshay maleh gabartaani aad aya uula yaabay dabeecadeeda qalafsan dadka gooni ayay ka tahay alxaasil iyada aabaheeda wuxuu ahay askari aad u kulul hadii uu ku arko in ay gabartiisa la istagsantahay xabsi ayuu ku taxaba wuxuuna maqalay in ay gabartiisa wiil uu jecelyahay marwalbana raadkeeda ku tagan yahay maalin aya waxa dhacday anigo sanjina inaa rabo in aan lakulmo ayaa aabaheeda si kadis ah isku dhacnay waxaana isku dayay in aan ka baxsado weyna iisuurta gali weysay laakin maalintas wuxuu iiga qaracay qeybta jaceylka laakin markii uu maqlay walalkayga aad ayuu uuga xumaday asigaana iiga damiintay waana kaso baxay xabsiga kadibna maalin maalmaha kamid ah aya walalkayga shil baabuur galay wuuna dhintay laakin aniga xitaa maydkiisa wan kaso gari wayay in aan gacantayda ku guwo madama aan dhaqankayna shiristan uu tahay hadana yahuudiyanka wala guuwa markii aan dareemay in qaldkaan sidan uweyn aan galay xita maydka walalkayga waan asturi wayay mustaqbalkayga iyo noloshayda waxay burbureyn 4 taani sano…………..

kadib waxan go,aan ku garay in aan sanjina iska dhaafo iyada dhaman waayo mustaqbalkayga ayay burburisay iyo aayatiinkayga markii aan go,aan ka garay aya gabar saxiibtayd runta usheegtay waayo waxay dhehday sanjina waxa gabar aad u qaldan hadana qaladkayda weli ku socoto waxan ku dhihi lahay in aad is qabato waayo rahul wuuku jecelyahay aad iyo aad waayo wuxuu ka daba cararayay mudo 4 sano wa mudo aad u faro badan ilaa hada wax naxariis ah uma muujin adiga waan kula yabanahay maxad ka samaynsan tahay waayo adiga qalbi malihid hadii aad qalbi lahayn lahayd mar hore ayad jeclan lahayd ma ogtahay rahul intii adiga ka daba cararayay halka walal oo dunida uu ka qabay inuu wayay adiga darta mustaqbalkiisa ayad ku dheeshay si xun ayad ugashay weyna ka tagtay saxibtay laakin malintas wixii ka dambeeyay sanjina waxay jaceyl baaxad weyn uqaatay rahul.

rahulna wuxuu go,aan ku garay in uu shaqeysto kulejkii xita wuu iska dhaafay maalin aya sanjina saxibtay rahul u imaatay waxayna usheegtay sanjina inee rabto in ay lakulanto wuuna ka ogoladay laakin ogolaasho xubi maka ahayn.

maalin aya waxa kulmay sanjina iyo rahul waxana dhaxmartay dood kulul sanjina aya hadashay…..

waxay dhahday rahul waan ku salamay aboowe aad baad umahadsan tahay waayo aniga waxan aminsanay in aan ahay dhagaxa waayo wad ogtahay dhagaxa dareyn maleh qalbina maleh laakin adiga cajiib ahoo idareynsiyay in aan naf ubaahanahay oo ijeclaato ina daryeesho aniga waligay waxan aminsanay inuu cashaqa jirin laakin maanta dareemo oo adiga ku baahanahay waxana maanta ku leeyahay rahul wad guulaysatay waana ku jeclahay I LOVE YOU….

I LOVE YOU I LOVE YOU wa sadex xaraf sadexdaani xaraf ayaa aniga ka daba cararayay in aan kamaqlo afkaga wan ku jeclahay laakin aniga waxan ku jeclaay mudo 4 sano waa mudo aad uweyn in aan ka maqlo afkada wan ku jeclahay waxan diyar u ahay xita nafdeyda dabcan waxan ahay qof walan waayo hooyo caloosheeda ninkii ubaahan in uu ogaado waxa ku jiro waxa ku filan mudo gaaban laakin aniga waxa qalbigaga ku jiro sidan u ogaado waxan ka daba cararayay mudo afarsano ma ogtahay sanjina ninki u baahan inuu jamacad heer kagaaro waxa ku filan 1 sano ama in kabadan 3 sano laakin aniga waxa mustaqbalkayga iyo noloshayda intaba baa ba ayn mudadani afarta sano xita halka walal ee aduunka ka qabay xitaa maydkiisa fursad aan ku gubo xitaa mahelin anigoo rafadkaasi iyo dhaawacaasi so maray kadib hadii aan jaceyl helayo jaceylkas uma baahni maantana waxan ku dhihi lahaa in aan diyar u ahayn jaceyl iyo wax lamid iigana raalli ahow waxan ku leeyahay I AM SORRY please…………………………………….

waa runta shalay aniga kuma jeclayn laakin maanta ku jeclahay 4 sano boosjeetada aad ii istaagi jirtay aniga maanta ku istagayo wana ku suga rahul intas markii ay afkeeda kaso burqdeyn aya ninkii rahul ahaa ka dhaqaajiyay waayo rahul markii uu ogaado in uu dhib faraha lagalay uuna kasban karin qoftii uu jeclaay eena uso jeedin wuu iska dhafay dadweynow waxan idinku talin lahaa madama dhalinta maanta soo koreyso ee ay indhahooda ku furtayn dhib iyo rafad aysan arkin daryeel naxariis intaba ayna kuso koreyn dhibaato weyn markii ay soo koreyn waxay isku dayayan inuu ninwalbo jaceylkiisa hantiyo sidii aad jacelykaada ku heli lahayd waxad usameyn karta waxyaabo aad ufara badan xita marmarka qaar waxad arkaysa qof inuu balan qaday dabadedna wacadkii dhagarsaday laakin isku dayay in ay nafataada marwalba aad ciqaabin waayo waxad jeclaatay wa naf waana laga marmi kara hadii ay kuso jeedin nafsada aad jeclatay isku day in aad is ilowsiiso nafsadada waxadna sameynsankarta nolol cusub noloshaada aa ku ciyarin wiilyahow ama gabaryahay intaasi wa iiga digniin madama aan ahay walalkiina soomaliyeed oona ah qoraa sare
oona ku sugan jaziirada maalta intaas ayay ku dhamatay {{{ jaceylkii 4 ta sano }}}}

sheekadaan waxaa isku duba riday oo tafatirey qoraaga weyn
Mr. Cabdi Casiis Sheekh Axmed
((Qalbijaceyl ))

Email adress
qalbijaceyl11@hotmail.com

1 Comment

  1. ad bay umahadsan yihiin umada jecel sheekadeeda xiiseya waxan idin leeyahy ku raaxeysta sheekoyin jaceyl oo ad uxiiso badan


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: