Maxaa looga baahan yahay labada isqaba


Labada qof ee isqaba si guurkoodu u noqdo mid lagu guulaysto oo ku waara farxad iyo raali ahaansho, waxa mid kasta gaar ahaantiis iyo wadajirba looga baahan yahay in ay ku dhaqmaan qodobadan soo socda:

Iskaashi
Wadatashi
Isu sabir (dulqaad).
Duruufaha nolosha oo la isu dulqaato.
Isixtiraam iyo istixgalin.
Dabeecad san iyo naxariis la isu muujiyo.
Farxad iyo kalgacayl la isku qaabilo.
Iska war hayn xaalad kasta oo lagu sugan yahay.
Hadba waxii la haysto oo lagu xisaabtamo oo lagu qanco.

Talooyin ku jeeda lamaanaha isqaba

Labada isqaba si ay uga hortagaan una daaweeyaan khilaafka iyo gafka dhexdooda ka abuurmi kara, waxa loo baahan yahay in ay raacaan talooyinkan:

Isku mar hawada cadhoonina.
Ha isku buuqina mana haboona in aad is canaanataan.
Hadii ay tahay in midkiin muranka ku guulaysto ha noqdo kan kale saaxiibkaa (rafiiqaaga).
Hadaad dhaliilayso u samee si kalgacal ah.
Ha soo qod qodina qaladaadkii hore u dhacay.
Naca aduunka oo dhan intaad idinku isnici lahaydeen.
Ha seexanina idinka oo xal u helin khilaafkiina.
Ugu yaraan hal mar maalintii isku day in aad ku tidhaahdo wehelkaaga ama sayigaaga eray naxariis iyo kalgacal leh, uguna yeedh magaciisa ama magaceeda ugu wanaagsan.
Hadaaad samayso gaf diyaar u noqo in aad qaadato garta, saamaxaadna waydiiso wehelkaaga.
Ogow, hadii laba qof murmaan waxa qaldan ka hadalka.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: