Isu qurxi xaaskaaga adiguna


Ma la socotaa inay xaaskaagu ku farxayso markay aragto adoo jidhkaaga ka shaqaynaya!

Ma ogtahay inay xaaskaagu ku raaxaysanayso markay aragto adoo iyada isu qurxinaya!

Ma ogtahay inaad ajar ku helayso markaad xaaskaaga isu udgoonaysiiso!

Ma ogtahay jacaylka ay kuu qabto inay sii siyaadinayso ihtimaamka aad jidhkaaga siinaysaa!

Mase ogtahay inay ka diiqadoonayso

Markay ku aragto adoon jidhkaaga ihtimaam siinayn!

Adoon cidiyahaaga gurayn ( iska jarayn joogto )!

Markay ku aragto cidiyahaaga oo wasakhi ka buuxdo!

Markay aragto timahaaga oo aan saliid la marinayn ama markaliya la shanlaynayo maalintii!

Jidhkaaga oo markasta basaas ka muuqato oo aan saliid & kiriim midna la marin!

Markaad udhawaato adoo sigaar iyo qadhmuunkiisii kaa soo urayo!

Markay ku aragto jidhkaaga oo aan dhisnayn!

Adiga oo ay calooli kaasoo baxday ama naaso yeeshay!

Gadhkaaga oo aadan nidaaminayn!

Ma ogtahayse inay ka xumaanayso

Markasta oo aad ku canaanato inayna is qurxin, adoo adiguna aan dan ka lahayn jidhkaaga!

Markasta oo aad ku dhahdo basalbaa kaa soo uraysa, adoo adigana uu sigaar kaasoo urayo!

Markasta oo aad jidhkeeda wax ka sheegto, adoo adiguna kaaga u arkaya inuu dhamaystiran yahay!

Kaama rabto xaaskaagu

Inaad uunsi shidato!

Inaad dhaldhalaal xidhato!

Inaad afka soo casaysato!

Inaad makeup marasato!

Inaad gacmaha xine marsato!

Inaad timahaaga koofeerka gayso!

Inaad jidhkaaga ka yeesho mid jidhkeeda oo kale ah!

Waxayse kaa rabtaa

Inaad dareensiiso inaad iyada isu qurxinayso!

Inaad tusto inaad ihtimaam siinayso jidhkaaga oo aad iyada isu diyaarinayso!

Inaad ugu fakarayso iyada sida ay iyadu kuugu fakarayso markasta!

Inay ku aragto markasta adoo udgoon kaasoo carfayo!

Inay aragto jidhkaaga oo soo jiidanaya markasta!

Inay aragto muruqyadaada oo jidhkaaga kasoo muuqda ( adoon ka badbadinayn )!

Ma ogtahay hadaba

Inataas oo dhan inayna marna ragganimadaada wax u dhimayn siday aamin san yihiin niman badani, iyagoo xujo ka dhiganaya is qurxinta iyo iska shaqaynta waxaa loogu talo galay dumarka. Waxay dhahaan nimankaasi, gabadhu waa inay ninka ku qaadataa sida uu yahay, ninka is qurxintiisu waxay ku eegtahay inuu qubaysto, cadaydo & inuu dhar nadiifa xidho.

Waxaa hubaala nimanka sidan u fakarayaa inay iloobeen in dumarku ay yihiin banii aadam iyaga oo kale ah, oo wixii naftiisa raali galinayaa in iyadana uu raali galinayo, in sida uu u jecelyahay dhalaalka iyo quruxda xaaskiisa inuu arko markasta inay iyaduna sidaas oo kale u jeceshahay.

Tusaalena waxaa inoogu filan saxaabigii waynaa Ibnu Cabaas siduu samayn jiray, markasta oo uu arko xaaskiisa oo isu soo qurxinaysa ama isu soo diyaarinaysa isaga, isna markaa ayuu ku dhaqaaqi jiray inuu isu diyaariyo

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: