jaceyl


rabow inoo sahal jaceyl qiimo leh maxaa ka mac lamaane isdoortey oo isu dhiibey gacmo gacal

waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa qiso jaceyl oo dhab ah Waxaa been aheen jaceelku in uu yahay mideeyaha aadanaha ama lab iyo dhadigba jaceelku waa wax uu rabi inoogu nimceeyay hadaba marar badan ayaa maqasheen hebal waxaa haayo jaceel hadaba bal qisadaan oo ah dhacdo run ah ayaa waxaa ka dhacday dalka kenya ee aan dariska nahay

qisadaan oo ku bilaabatay sida tan ,waqtiga wuxuu ahaa galab jawiguna wuxuu mid ku asteysan leer qaboow cirka waxaa ku daboolnaa daruuro ximbaarsan roob jawigun wuxuu isku soo badalaayay mugdi mugdi maxamad hussen sida caadada u aheed wuxuu ka soo labtay goobtii uu ka shaqeynaayay wuxuuna u soo socday xaafadiisa oo aanan markaas ka fogeen maxamad wuxuu soo xiray dukaankiisa asigoo banaanka taagan oo eegaayo roobka xiliga u ku soo beeganyahay ayaa waxaa in dhahiisa qabteen gabar aad u qurux badan oo uusan horay u arkin maxamad ayaa si aan yareen u fiiriyay gabadhii niyadiisana ku canaantay ala tan ma xuurar ceyntii la sheegaayay baa tan magacan baa lagu sameeyay ala tan hooyadii dhashay waa mid naxariis badan maxamad saacado kadib ayuu ku soo laabtay caadi markaasuu wuxuu fahamay in uu jid dhax taaganyahay markaasuu u dhaqaaqay dhanka gurigiisa inta uu usii socday gurigiisa ayuu dhowr su aal is weydiiyay waxaa ka mid ahaa gabadhaan ma mid la qabaa mise waa gabar ala gabadhaan kii calf ku yeeshay soo cawo iyo ayaan soo mahan ala kii ay curad u xambaarto soo uma dhacan waa in aan gabadhaan aan raadiyaa hooyga ay ku nooshahay maxamad wuxuu tagay gurigii asigoo aad u liita mar walbana ay maskaxdiisa ku soo laabaneyso gabadhii quruxdeyda waayo aad ayuu ula dhacay gabadha mar walbana wuxuu is weydiinaayay tan qurux badanaa maxamad habeenkaas raaxo kuma uu san seexan waayo wuxuu ahaa mid aad u wal walsan waagii ayaa korkiisa kbaryay sidii ayuu ku soo aaday dukaankiisa asigoo iska ku jira shaqadii ayaa waxaa u timid gabar ay daris yahiihin xooga ayey la joogtay makaasuu waxa uu u sheegay shalay in uu la kulmay ama uu arkay gabar aad u qurux badan inta uu ifka ku nolaa uusan arkin gabadhii ayuu tilmaam ka bixiyay asigoo tilmaamtii sii wada ayaa gabadhii waxey tiri maxamad sug ala waan aqaanaa oo daris ayaa nahay gabadhaas waa saaxiibtey maxamad waxaa wajigiisa ka soo hooray dhidi waa weyn markaasuu yiri ala abaayo macaan gabadhaas miyaad saaxiibo tihiin ala nasiib badaniyaa bal ii sheeg magaceeda markaasey ku tiri waxaa la dhahaa salma waana gabar aad u wanaagsan maxamad abaayo macaan waxaan kaa codsanayaa gabadhaas xalay oo dhan waxaan ku dhax jiray hurdo ku saleysan qarow iyo isla hadal waana gabadha aad saaxiibada tihiin e salma ayaan aad u jeclaay abaayo macaan maxaad igu caawin kartaa aboowe macaan waxaan kuugu caawin karaa wax ala oo aad iiga soo baahatid diyaar ayaan kuu ahay abaayo macaan in aad i barto ayaan kaa codsanayaa aboowe diyaar waan ku barayaa maxamad mar kaasuu yiri abaayo macaan maxaan ku gudaa abaalkaga inta aan aduun saaranahay kuma iloobaayo abaayo macaan caawa ayaan kuu imaanayaa waxaan rabaa salma in aad i barto caawa iyo 8.00 habeenimo ayaan kuu imaanayaa guriga ayaan kuugu imaanayaa waa yahay aboowe waan ku sugayaa adiga waaye waa yahay abaayo sidii ayuu ku macsalaameeyay gabadhii maxamad saacado yar kadib ayuu soo xiray shaqadii wuxuu yimid xaafadiisa ileen xalay oo dhan hurdo ma uu san helin qarow ayuu waqtigii ku dhameestay balse waqtiga uu hada joogo farxad ayaa ka muuqato waayo ileen gabadhii ayuu gacan ku dhigi rabaa maxamad waxaa ku dheeraaday waqtigii ileen waa ruux wax jecel wuxuu rabaa in waqtigii la soo gaabiyo balse saacado yar kadib ayaa ugu haray balantii ayuu isku diyaarinayay qubees ayuu galay waxa uu lasoo baxay dhar uu san xiran waligii maxamad habeenkas waxey u aheed habeen xusuus mudan maxamad ruuxii arkaa habeenkaas sida uu u labisnaa waxaa loo moodaa sida ruux caruus ah sida uu sii tilaabsanaayay wuxuu gaaray guriigii albaabka ayuu istaagay xoogaa yar kadib ayuu garacid u galay waxaa ka furtay fowsiya oo aheed salama saaxiibteyda maxamad ay is yaqaaneen fosiya ayaa soo dhaweysay maxamad waxey u sii gudbisay qolkii fadhiga ahaa fowsiya iyo maxamad waxaa la galay kaftan yar waxaab alaabaakii soo garaacday salma fowsiya markaasey maxamad ku tiri waa saaxiibtey salma isug albaabka aan ka furayaa fowsiya ayaa kacday oo albaabkii furtay salma oo hade loo maleeyo ruux lagu soo daadiyay luul oo kale si aad ah u dhalaaleyso ayaa soo gashay maxamad oo qolkii fadhiga ahaa ku jira ayaa waxaa soo gaartay caraftii salma ee barafuunka iyo catarka ay isku soo jabisay maxamad ayaa niyadiisa ka yiri ala ilaahoow nasiib iyo iigu dar tan in aan guri geesto fowsiya oo horkaceyso salma ayaa qolkii so wada galay maxamad ayaa salaan kagu bilaabay fowsiya ayaa hadalkii furtay oo tiri salma abaayo wiilkaan aan ku baro waxaa la dhahaa maxamad waa walaalkey maxamad gabadhaan waxaa la dhaa salma waa saaxiibtey labadiinaba barasho wanaagsan markaasey yiraahdeen ok fowsiya waad mahad santahay kaftan yar kadib fowsiya ayaa waxey firaaqeysay goobtii waxaana ku soo wada haray maxamad iyo salma maxamad ayaa hadlkii furay oo yiri salma macaan aad ayaan ugu faraxsanahay barashadeena salma markaasey ugu jawaabtay anigaba aboowe maxamad sidoo kale maxamad ayaa yiri salma macaanto xoogaa yar aan kuu sir baxee abaayo macan caawa waxa aan u dalbaday barashaada oo aan halkaan u imid ayaa waxey tahay abaayo macaan maalmahaan oo dhan ma aheen ruux caadi ah waayo waxaan ku dhax jiray riyo laakiin caawa ayey riyadii ii rumoowday macaanto runta hadii an kuu sheego aad ayaan kuu jeclahay fowsiyana anigaa ka dalbaday in ay i kaabarto marka macaanto waxaan rabaa in aan wadaagno waxa dunida ugu qaalisa aanan la heli karin ilaa ruux rabi uu naxariista mooyee waxaa waaye jaceel macaanto waxaan kaa codsanayaa in aad wax ila qabato waayo ruux walboo jiran ama bukaan ah dhaqtar ayaa daaweeya sida daawadiisa loo helo wey fudutahay laakiin cudurkaan aniga i haayo adiga unbaa daawo u ah macaanto salma gacaliso in aad i garab istaagto ayaan rabaa ee macaanto maxaad ka qabtaa salma oo hoos u foorarta ayaa ugu jawaabtay sida tan aboowe macaan maxamad runtii adunkaan aanu ku noolnahay seen kuneeflaha oo idil waxa ay wadaagaan waa jaceel marka hadii aad aniga i jeceshahay aboowe waxaan diyaar u ahay in aan dhaxda marada ku xirto oo aan si daacad ah kuu garab istaago ayaa blan kaaga qaadayaa ee maxamadoow raga wuu qiyaano badan yahay ee aboowe macaan qiyano iga ilaali maxamad ayaa ugu jawaabay macaanto salma inta aan ifka saaranahay lagama yaabo in aan adiga ku qayaano waayo sida aan kuu ahay aniga iyo ilaah ayaa og ruux kale oo dareemi karo majiro macaanto marka waa igu balan in aan ku qayaanin macaanto maxamad oo hadalkiisii sii wato ayaa yiri salma runtii ma ogtahay in aad miirkeyga o dhan la tagtay ma ogtahay in aan hoowlaheeygii oo dhan kuu iloobay macaanto salma aad ayaan u liitaa adiga ayaan ku jeclahay macaanto salma ayaa tiri macaane waan ogahay hadaba wan kaaga jeedaa dhib dhaawac waan kula qeebsanayaa fowsiya ayaa ku soo laabatay waxeyna u keentay cabitaan xoogaa ayaa la wada kaftay waxaala gaaray xili dambe salma iyo maxamad wey soo wada baxeen maxamad ayaa sii dhaweeyay gacalisadiisa marka ay u dhawatay gurigooda ayey ku tiri aboowemacaan waan joogaa xaafad markaasaa maxamad labada dhina iyo bushumaha laga shumiyay maxmad ayaa aad u farxay runtii kama uu san fileynin shumiska salma macaanto habeen wanaagsan waxaa lagu wada balamaa xaafada fowsiya ilee waa qoftii isu geysey labo qalbi oo isu oomanaa waayo fowsiyo waxey shantaraale u noqotey labo qalbi waan ifka qofka ugu wanaagsan kaasoo markaste uu helaayo duco iyo ajarba ileen hadeysan meesha kujirin xumaan oo uu ilaahey ka dhigo kuwa isku waaro
waxaa sheekadaani idiin soo gudbiyey
abdiaziz mohamed adan
cabdicaziiz_10@hotmail.com

waa hoyga dhalinyarada
http://www.nolocusub.tk
ADMIN qalbijaceyl

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: