qiso cajiib ah wiil 18 jir ah oo gabdh uu jeclaadey darteeda jirkiisa ugu dheeley–(daawo sawidiisa)


Inta aad dunida ku noo shahay waxaa la kulmeysaa mowjado kala duwan, waxaa jira Jacayl, waxaa hareer Socda Naceyb, wax walbana waa Calaf iyadoo ay taa jirto ayaan waxaan qormadeena idinkugu soo gudbinaynaa Wiil Soomaaliyeed oo Jacayl dartiis u jar jaray gacantiisa bidix isagoo isticmaalay sakiin nooca toobaska loo yaqaano. Wiilkan oo lagu magacaabo Zakariye Maxamud Dalabey

waa 18 jir wuxuuna jaceyl daran u qaaday gabar ay isku fasal ahaan jireen oo lagu magacaabo Amal C/qaadir. Oo iminka ku nool Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho. Wiilkan iyo Gabadha oo mar lamaane ahaa ayaa xiriirkooda socday muddo gaaban wallow in badan ay aqoon fog isku lahaayeen ilaa yaraantooda, dabadeed waxaa dhacday in Zakariye uu sakiin ku qoro gacantiisa bidix magaca gabadha sida sawirka ka muuqato.

Sababta keentay in wiilkani uu sedan u ciqaabo gacantiisa ayuu ku macneeyay in gabadhii uu jeclaay ay ku daadisay xilli uu naftiisa u hibeeyay ayada, waxayna si cad ugu sheektay in wixii hore uu iska ilaabo ayadane ay ka dal doorsatay taasi oo ku noqotay waran lagu gamay wadnahiisa uuna ladi waayay hurdadii, ceeshkiina uu ka go,ay shaqadiisana uu ku waayay murugtaasi darteed.

Zakariye, wuxuu ku nool yahay Magaala-xeebeedka Cape Town ee dalka K/Africa wuxuu aad u jeclaa in uu ku noolaado dalkiisa hooyo iyo jaceylkiisa agtiisa balse sababta keentay in uu halkani soo aado ayuu noogu sheegay hormarka mustaqbalkisa ayna ku balameen isaga iyo saaxiibtiisa hore in uu u soo shaqeeyo.

Arinta ah in uu wiilkani sakiin u adeegsado sidii qalinta biiraha oo kale ayaa waxaa wal wal ka muujiyay ehelada wiilkani oo qaarkood ay ku nool yihiin dalkani xaaladiisa caafimaad hadda ma xuma, Soomalida waxay tiraahdaa sakiin tuf iyo toliin midna ma laha, Way fududahay in wajiga laga biiyo ilmada,hase ahaate waxa aad u adag sidii qalbiga looga bin lahaa xanuunka soo gaadha jacaylku waa sida olol aan dameyn oo kale oo qofka ku shidan,waana ta had iyo jeer la yidhahdo jacayl biro ma goys oo biyo kama maydhaan

Mid ka mid ah la tilayaha dhibanahan ahna saaxibkiisa oo lagu magacaabo C/kariin ayaa isagane ku cataabay sida tan “Qalbigu run ahaanti khalad ma laha waxna wuu jeclaan karaa,waana la jeclaan karaa hase ahaate waxa fiican in lala yimaado qorshe abuura in loo diyaar garoobo arinta jaceylka bilowgeeda ilaa dhamaadkeeda, maaha in dadku u qaato si fudud,ama uu qof kale oo walaalkii ah ugu beero jaceyl si fudud isaga oo aan kala dabalaneyn marxaladihiisa.

Zakiriye ayaa sidoo kale rajjo wanaagsan ka muujiyay in uu hananayo gabadhii uu caashaqay maalin uun wuxuuna sheegay in uu ka rajo wanaagsan ka leeyahay intasi wuxuu intasi hadalka ku daray in uu dib ugu laabanayo dalkii hooyo iyo halkii ay ku nooshahay gacalisadiisa.

Ma ahan wiilki ugu horeeyay ee magaalada cape town ku sameeyo fal ceynkani oo kale ah waxay ahayd isla sanadkani bilaawgiisa ka dib markii uu wiil lagu magacabo aadan uu isagane gacantiisa ku jar jaro mindi dab la geliyay oo qandac ah

sheekadaani waxaa idiin soo gudbiyey

mr abdulaahi adan maxamed
gunners_boy18@hotmail.com

waxaa sheekadaani isku dabaridey oo tafatirey
qoraaga c/casiis maxamed sheekh axmed
qalbijaceyl
tafatiraha webka nololcusub.tk

17 Comments

  1. aaad iyo aad ayaa uga xumahay abowe mcn

  2. wiilkan dhibka u soo maray waa mid aad u xun ilahey ha u gar haaro insha allah mid taas ka fiican ilahey ha kuu sahlo

  3. wallahi qisadan waa qiso la yaab leh taas oo ku dhacday will soomali ah oo jooga south africa oh alaha kuu sahlo mid wanagsan

  4. walaalayaal salaan sareGacaliyahaan jeclaayeey
    Guud ahaan adduunyada
    Adaan kaa garwaaqsaday
    Gaduudkaaga dhiinka ah baa
    Gebigeey isaaqay
    Axdigii hagarabmarin
    Guursanmaayo inan kale
    God inaad gasho mooyee
    Ama aad igoysaa
    Garaadkey wuxuu isiiyey
    Guur inaan yagleelnoon
    Gurigeey ku geystoon
    Gogol kugula seexdo
    Ee gef miyaa gacaloow waa mooduuc wacan

  5. hi guys asc

  6. asc asxabta

  7. lkn hal su aal ah maxaa markaadi hor jacel kula wadaagin miyaa gabadha aboowe

  8. aniga waa ka xumahay qisadaan kugu dhacday zakariya jaceloow

  9. Asc dhaman walalaha somaliyed mel kasta ad jogtan asc wr wb salan kadib qisadani wa qiso layab ah doqonimo iyo dabalamina kudhehan tahay wil kan arintisa wey fududahay lakin waxa jira dad iyagu isdilay talow aakhiro miyesan ogen in lala xisabtami doono.. Tankale jecelyl wu jira lakin sidan hadu garo wa doqonimo waxana kula talin laha raga sidan is yelaya ama dumarka ayaguna mararka qar is gubaya ama kuwa sunta cabaya hada sidas kudhimatan waxad ku mutasanesan naar e ka fogaada wax yabaha jahil nimada ah ad ku kecesan

  10. Asc dhaman walalaha somaliyed mel kasta ad jogtan asc wr wb salan kadib qisadani wa qiso layab ah doqonimo iyo dabalamina kudhehan tahay wil kan arintisa wey fududahay lakin waxa jira dad iyagu isdilay talow aakhiro miyesan ogen inan lala xisabtami donin.. Tankale jecelyl wu jira lakin sidan hadu garo wa doqonimo waxana kula talin laha raga sidan is yelaya ama dumarka ayaguna mararka qar is gubaya ama kuwa sunta cabaya hada sidas kudhimatan waxad ku mutasanesan naar e ka fogaada wax yabaha jahil nimada ah ad ku kecesan

  11. A s c uhorenti magacega wazakariye jaceylow dhaman watsalamantin dhalanyarta mesha iskuku timaday waxana soodiyarinrawa sheko jaceyl ah oo shekadasi laku magacabo jacelka hadu calaf yahay gurga muxunuqon kara

  12. Awesome way of thinking. I love it. Many thanks for posting

  13. sxb waligaa naag ha aaminin,,,,,,,,,,,

  14. walal waxan inugu salaamaya salaanta muslinka oo ah asaalamu calaykun salaankadib waxani aan arkayo wax an ruumaysanayo ma ahiin ruunti sidu walalkay sheegay ciyalnimo iyo waxa ku qaday jahli anago muslina inan sidas ku dhaqano waa danbi way waxad samaysayna waxadan uu noqondonin ha noqoto adiga iyo walal kay adan sidan hadad moden wax quruxbadan oo wax walba inigu soo noqonayan waad aragten ineyna waxba iniigu soonoqonayn waxa kafudud inta inigo ilhay talasaaratin wanan inii naxsanahay allaha xaqa ini garadsiyo hadad hadalkeyga wax xumana ka aragtiina iga rali ahaada

  15. Caadi ma ahan wiilka jaceylka dartiis qofta uu jeclaa ku qoray jirkiisa aniga waxaan dhihi lahaa jaceyl ma ahan waxaas ee waa nacasnimo iyo ciyaalnimo wiilka sida aan u jeedo waa ciyaal yar maskaxdiisa ayaa yar wali marka waxaan dhihi lahaa dad yaawga kale yaanan lagu daysan

  16. walaal waan ku salamy waa wilkii jaceelka isku jarjaray oo joka south africa kaar ahan cep town makaceeka waa zakariye jacelow

    • dhamaan umada soomaaliyeed meel kasto oo aad joogtaan waan idin salamaya waxaana idinku salamayaa salaanta islaamka oo ah scw wr wbr ramadan kariim .
      wiilkan qisada ku dhacday waan ka xumahay lkn waxaa kula talinayaa waxaan ineysan diin aheyn dhaqana aheyn waxa uu sameeyana waa qalad naftiisa ayuu ciqaabay ilahayna in uu kula xisaabtami doono xisaabta ku darso.
      jirkaaga oo jar jartay ha u maleyn inaad gabadhaas ku heleesid waxaa laga yaaba iney ku sii nacdo sababta mataqaana?
      sababta waxey tahay qof naftiisa xafidi waayay naf kale ma xafidi karaa waa su,aale
      markaad jirkaaga dhaawac gaarsiineysay waxaa kaaga qiima badnaa laheyd adigoo 2 rakac oo sunna ah tukado kadibna ilahay ka barisid hadii gabadhaasi qeyr kuu tahay in ilaahay kuu sahlo hadey shar kuu tahayna in ilaahay kaa najeeyo.
      aniga fikirkayga taas ayaa qabaa sawabtoo ah dad islaam ah ayaa nahay maaha in aan dadka kale ii diimaha kale aaminsan waxaa ka aragnay raacno .
      zakariye waxaan kugula talin lahaa in aad ilaahaga u soo laabato cafisna ka dalbato asc.
      fikirkeyga qof ka xumaatana sorry ayaan leeyahay goodbye


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: