jaceylka chatroomka ma dhabaa mise wa dhalanteed ? ra,


Jaceylka chat-roomka ma dhabaa mise waa dhalanteed?
Haa
Maya
Labadaba
Midna
Suaashaasi oo aheyd suaal aad u muhiimsan ay wada sugaayeen dhalinta ayaa waxaa la isku raaceey jawaabteeda oona codka u batey inuu yahay jaceylka chatroomka ahaado paltalk mise meel walbo lagu sheekeysan karo iney tahay maya

Markaan soo bandhigney suaashaasi ayaa dad weynaha ra, yigooda ka dhiibtey waxey u bateen inuusan jirin jaceylkaasi
Inkastoo dadka qaarna ay sheegeen inuu jiro jaceylka chatroomka
Laakiin waxaa loo batey inuusan jirin ayagoo sabab uga dhigey
Hadaba aan eegno waxa ay sabab uga dhigeen mid ka mid ah dhalinta ra,yiga ka dhiibtey oo lagu naaneyso daacad
Daacad ayaa yiri jaceylka chatroomka waa uu dhib badanyahay mana dhihi karo waa dhab waayo meel walbo ay somalida iskugu imaado waa lawada sheekeystaa waana lawada kaftamaa kadib waxaad arkeysaa qof ku leh waan kujeclahay asigoon ka fiirsan kuna baran waxaad tahay uusan ogeyn asigoo qofkaasi kuleh abaayo waxaan ka heley codkaaga mise aboowe waxaan ka heley codkaaga waxaa la is dhaafsanayaa kaftan iyo sheeko kadib dhan weliba waxaa la isu dhiibayaa email adress ayadoo la isu heynin kalsooni qof weliba dhankiisa kama jirto kalsooni waayo ma ogid qofkaani wuxuu yahay aqoon dheeraad ah u malihid waxaad maqashey oo kaliyah codkiisa ama codkeeda muddo kadib marka la is weydaarsado kalmado badan oo ay ka midtahay kalmadaha maaweelada sida waad isoo jiidatey walaahi caadi matihid iyo habeen weliba oo meeshii la iska soo bartey la isku arkaayo gabadhaasi mise wiilkaasi oo shaley sidaasi ay isku barteen makula tahay iney mise inuu kalsooni la isku qabo gabadha dhinaceeda shaki ayaa ku abuuran wiilkana saas oo kale isbarasho aan kalsooni laheyn iyo jaceyl aan kalsooni laheyn madhihi karo waa jaceyl mushkilada uguweyn waxey tahay kalsoonida darada hadii aan usoo laabto dhanka chatinka qoraalka kaliyah ah kaasi horta aad ayuu u dhib badanyahay waayo qofka magaca oo kaliyah ayaad arkeysaa marka la isbaranaayo uu qof weliba leeyahay maad iskala hadashid wuxuu rabo ahaadee maxaa iga galey hadii aan fahmi waayo maan iska block nin weliba wuxuu leeyahya email u khaas ah oo loogu tala galey wixii meelahaas laga soo qabto gabadhana waa sidaas oo kale madaama ay sidaasi tahay goormee uu imaan karaa jaceyl waayo labada dhinac isku baraneyso chatroomka la iskuma qabo kalsooni
Aniga waxaan aaminsanahay hadii ay dhacdo inay labo qof ay iskaga helaan meeshaasi waa labo leh imaan uu ilaahey ka dhowrey waxyaabaha qaabka daran sida beenta
Waayo gabadh ahaato mise wiil ahaado waxaa la isweydaarsadaa marka la is barto sawiro been ah iyo sheeko aan wax ka jirin oo habeen weliba la isu shegaayo kadiba ay ku dhamaaneyso 0*0= 0 eber ku dhufo eber waxey la mid tahay eber
Gabadhaasi mise wiilkaasi imisa qof ayey been u sheegi karaan haduu qofka ahaan lahaa daacad asna waa lagu beerayaa waayo hadii asiga been loo sheego oo uu sidaasi ku qaado jaceyl uu arko in lagu dheeley beri kamaalin asna waxaa ka lumeysa aaminitaankii asna wuxuu bilaabayaa inuu dadkaku dheelo
Aniga ma aamisani jaceylka chatroomka aniga waan isticmalaa chatroomka laakiin waqtiga ayaan iskaga lumiyaa waxaan usoo galaa bashaal asxaabteyda inaan la bashaalo

Intaasi waxey ahaayeen ra, yigii daacad waxaan leenayahay aad ayaan kugu mahadcelineynaa daacadoo fikirkaaga wanaagsan oo aad inoo soo gudbisey
Hadaba waxaan been aheyn in chatroomka ay ku badantahay beenta iyo maaweelada
Dadkii oodhan hadda waa laga aamin baxey waayo qofkaste wuxuu leeyahay
qof aan ka bartey chating-ka mustaqbal kama rabo maxaa keeney hadalkaasi ?
ma ahan hadal la iska soo alifey waa wax jiro oo dhab
oo aniga aan ka ahay markhaati anigoo ah qalbijaceyl aan in badan maqley arkey dad dhahaayo haddaba chatinka maxaa loogu talagaley ?dhalinta somalidana sidee ayey u isticmalaan chatinka?
Hadii aan ka dhiibto fikirkeyga ku aadan su, aalahaasi
Chatinka waxaa loogu tala galey iney ku wadasheekeystaan shacabka ku nool dunida dacaladeeda ay iskaga warheyaan chatinkaani waa aalada hormarsan marka cidii isku fahanto oo meeshaasi wanaaga iskala jaan qaado waa goonigeeda laakiin isku xirka dadka ku nool aduunka dacaladeeda ayaa loogu talagaley
Haddaba dhalinta somalida waxey ka dhigteen meel loo shukaansi tago maxuma u shukaansi tagida laakiin si qaldan ayey u isticmaaleen dhalinteena inkastoo ilaahey calafkaaga meesha uu kugu darey adan garaneynin

Hadaba ma rabtaa jaceylka dhabta ah
Ilaahey ka cabso marka hore waayo qof aan ilaahey ka cabsan ma waafijinaayo wanaaga jaceylkana wuxuu kugu dhismayaa wanaagaaga
Dhoqo qof kalsooni leh sii qalbiga aad jeceshahay kalsooni waayo jaceyl aan kalsooni laheyn marna ma miri dhalaayo hakasugin taasi
Dhoqo qof runta sheega wax allaale aad aragto sidey yihiin ugu sheeg qofka aad jeceshahay qofkaasi oo aad u sheegeyso runta qalbigiisa aad ayuu ugu farxayaa waayo wixii uu kuu qabey oo dhan runtaasi ayaa meesha ka saareyso
Iska dhaaf beenta beentu waxey dumisaa ee wax ma dhisto koley jaceyl been soo dhaxgaley ma ahan mid jira inkastoo ay hadda u badanyihiin dhalinta beenta asigoo is dhahaayo yey kaa xanaaqin gacalisadaada mise gacaliyahaaga beentu waa xaraan marna lama ogola runta u sheeg
Runta ilaahey ayaa kugu jecel qalbiga kaa soo horjeedana waa uu kugu jeclaanayaa
Hadii aad intaasi ku dhaqantid waxaan u habaa inaad heleysid jaceyl dhab ah oo kuu qalmo dadka waxey ilaabeen alle ka cabsigii meesha hadey ka baxdo alla kacabsiga waxba kuu hagaagi mayaan sidaas ula soco

Fadlan ra,yigaaga waa inoo muhiim wixii fikirkaaga ah inoogu soo hagaaji emailadaan

Ilahano@hotmail.com
qalbijaceyl11@hotmail.com

Qof aan ka bartey chating-ka kama rabo mustaqbal hadalkaasi maxaa keeney?
Madaama ay dhalinteena u badanyihiin iney u shukaansi tagaan meelaha chatinka ah
Waa suaal muhiim ah
Fadlan fikir kaaga ka dhiibo inoogu soo dir emailada aan kor ku qorney

Waxaa idiin soo diyaariyey
Mr- c/casiis maxamed sheikh axmed ( qalbijaceyl)

http://www.nololcusub.tk ka dhigo hoygaaga kowaad

4 Comments

  1. Runti waxan le yahay jaceyl wa uu jira waxana u horseedo wa kalsoni hadi mar timado kalsoni dari jaceyl mesha ma taalo ani ra.yi ahan waxan qaba jaceylka wa wax jiro dhalinta mantana wax xun ayey ku fasireyn micnaha jaceylka ani hada niima sheegayo wad taqandin dhalinyarada haga waadoowan wayo mar ayu ku so mara jaceylka waxa u yahay

  2. Maxmed deeq
    nickname deeq mpls

  3. Asc walalayaal xataa waxaa lagatagay xishoodka iska dhaf kalsoonida marka hada fiirsato waxa kasocdo chatka waa yaabeysa waxaad arkeysa qof iskadhigaayo gabar ama qofto oo iska dhikeyso wiil xata waxan ku arkay caay been farabadan majirta qof karabo wiil ama gabar ku jirto chatka mustaqbal.jawabta waa may marka waxan ku tarsana aniga kafagow wiil ama gabar ku jirto chatka.in.aad.mustaqbal.lawadaagto

  4. waxaan raadinayaa qof diyaar u ah guur oo aan dan kale laheyn ila soo xiriir waxaan degnahay sweden


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: