WAXBA IGAMA GALIN WAXAAN RABAA INAAN HALMAR YURUB KU TAGO


WAXBA IGAMA GALIN WAXAAN RABAA INAAN HALMAR YURUB KU TAGO

Kkkkkkkkkkkk waa yaab mustaqbalkaaga ku dheel walaahi waa dhib
Maxaa kala heysto dhalinta afrika iyo yurub wallee yurub darteeda beena u sheegi maayo qalbi kalena uma jibinaayo
Intaasi oo dhan waa wax jiro oona dhacay adinkana aad wada ogtihiin
Haddaba qisadaani si fiican u dhuux
Qisadaani waxey inoo soo direy qof diidey magaciisa in la shaaciyo asigoo noogu soo direy email ahaan
xitaa waxaan weydiiney inuu noo sheego meesha uu hadda ku suganyahay wuxuuna nagu yiri majecli inaan idiin sheego magac dhanweliba hadaba waa adinka iyo sheekadaani


Markaan joogey afrika waxaan ahaa qof raadiya gabadhaha jooga yurub mise America mise meel ii dhaanto afrika waxaan u dhafrijirey sidaan ku heli lahaa qof aan la wadaago jaceyl oo marka danbena ii soo doodo
Waxaan muddo joogey afrika anigoo sidaas ah ayaa mar aan lahadley asxaabteyda oo somali xiligaasi ku sugnaayeen ayaa waxey ii sheegeen inuu wiil aan saaxibo aheyn uu mar hore yurub galey ayagii ayaan ka qaatey cinwaankiisa oo idil
Waxaana uu jogaa wadanka hadda aniga aan joogo oo ah wadama iskandaneefiyanka mid ka mid ah wareysi kadib
Waxaan weydiiyey inta sano uu joogo wadankaasi wuxuuna igu yiri 2sano markaas ayaan ku iri saaxbiow aniga waxaan jogaa afirka meeshii aad igu ogeyd ayaan jogaa
Si aan uga baxo waan garan la,ahay somalina meel loogu laabto malahan meeshaana si sahal ah looguma bixi karo waxaa mahadleh ilaaheygii iga kaa tusiyey
Saaxibo waxaan uga bixi karaa oo kaliyah inaan barto qof meesha joogto oo aan ku beero jaceyl kadibna ay ii soo doodo sidaan ayaan yurub ku heli karaa saaxibo waan baaba,ay walaahi waxaa igu dhacay buufis
Waxaan kaa codsanayaa inaad igu xariirisid gabadh waxey rabto ahaatee
Wuxuu igu jawaabey saaxibow gabadhaha inta joogo waa ay dhib badanyihiin
Waxaa u badan hablo heysto ciyaal oo garoobo ah
WAXBA IGAMA GALIN WAXAAN RABAA INAAN HALMAR YURUB KU TAGO B wuuna igu qosley wuxuu igu yiri dhib malahan waxaan ku barayaa naag deriskeena ah oo aad uwanaagsan oo raadineysey qof wanaagsan oo diinta wax ka yaqaano
Anigana waxaan ahaa qof diinta ku wanaagsan inkastoo uu hami iqaadey uu sheydaan I dawaafsadey
Saaxibkeyga wuxu igu xirey qoftii uu ii sheegey wax walbana asiga ayaa ka soo dhadhacsiiyey
Waana la I barey waxaan isweydaarsaney barasho wanaagsan aniga qalbigeyga waxaa ku jiro yurub si aan yuru ku aadana wax weliba waan usameynaayey
Habeen weliba iyo maalin kastana waan wada xariiri jirney waxey aheyd qof masha allah ah oo ilaahey leh oo wanaagsan oo qurux badan aniga uma eegin garoobnimadeeda iyo laba cunug oo ay heysato intaasi waxaa iga weynaa yurub oo kaliyah
Habeen kaste xili danbe ayaan kuwadasheekeysan jirney wixii taleefonka ka haran msn_ka ayaan ku dhameystiri jirney
Waxaa sidaasi inoogu dhamaadey 8bilood waxaa soo kordhey labada dhinac isku fiicnaansho waayo ayada kalsooni ayey igu qabtaa anna kalsooni ayaan ku qabaa kalsoonidaasi oo kaaney saaxibkeyga
Waayo ayada waxey isku fiicanyihiin saaxibkeyga oo ay derisyihiin oo asigana meesha xaas ku leh wixii oo dhan waxey noqdeen sidii la rabey
Waxaa noqdey gabadhaasi gacaliyaheeda kaaley arag hadalada macaan ay igula hadleyso anigana kama yareysti waayo waxaa ii cad yurub sidaan ku tagi lahaa
Markaan wada soconey muddo dhan sanad iyo bar ayaan guda galney sidii aan uga wada hadli laheyn mustaqbalkeena aniga sanadka iyo barkaasi waxey ila noqotey 100sano oo kale
markaan u guda galney waxaan ku heshiiney iney igu timaado afirka oo aan meesha ku kalanno kadibna uu meeshaasi ka dhaco nikaaxa iyo arooskaba igama diidin waayo kalsooni ayey igu qabtaa ma ahi qof chatin ka bartey waxaa inoo dhaxeeya labadeenaba qof aan kulsoonahay
Weyna ii timid waxaa hal mar dhacay nikaax iyo aroos gaagaabeey waxeyna
ILA joogtey muddo dhan bil iyo 15 beri
Waxey kulaabatey wadankii ay ka imaadey waxeyna guda gashey iney ii dhameyso dacwad sidii ay igu wadi laheyd
Aniga hal iyo habeen taleefon kama daalo hadalo macaan waayo waa xaaskeyga sidii hore ma ahan waxaan la soo baxey hadaladii kuwa ka macaan badan markaste waxaan iska dhigaa qof ayada ku eg oo ayada oo kaliyah u xiran
Waayo aniga waxaan jeclahay gabadh kale oo aan wada socney mudo dhan 4sano taasi uu naga dhaxeeyo jaceyl aad u baaxadweyn inkastoo xiligaan ay waxaan dhacaayeen aynu isku meel joogin aan kala joogno laba wadan oo isla afrika ah qofta aan jeclahay marna uma sheegin howsha aan kujiro waxaan u shegaa markaste inaan ayada ley sugaayo aan u maqanahay cid kalena aan guursandoonin weligey hadii ayada aan waayana aan naag oo dhan iska dhaafaayo markaan xaaska yurub aan lahadlaayana oo u shegaayo in aan cid kale dan aan ka laheyn oo ayada keliyah ku ekanaayo waxaan rabaa labada ineysan I ogaanin laakiin ma aysan dhicin arintaasi
Gabadhii aan jeclaa ayaa ogaatey oona loo sheegey inaan aroos galey oo yurub la igaga imaadey weyna isoo wacdey weyna iweydiisey waxeyna igu tiri
Majiraan waxa aan maqley
Waxaan ku iri maxaad maqashey?
Waxey igu tiri inaad aroostey oo lagaaga yimid yurub?
Si aan wax yeelo ayaan waayey wiish ayaa igu yeerey in mudo ayaan ka aamusnaa jawaab waafi ah masiinin markaas ayey igu tiri waxaan u maleynayaa iney wax ka jiraan arimahaasi inkastoo aniga kalsooni weyn aan kugu qabo aniga ismalihi gacaliyahaaga ayaa adiga kaa tagaayo qof kale u hooyanaayo runta ii sheeg maxaad iga aamusantahay shaki ayaaba igaley hadalkaas wax miyaa ka jiro
Waan is heynwaayey waxaan ku iri
Aniga waxaan rabaa sidii aan aniga iyo adi aan isku heli laheyn marka si aan jaceylkeena u dhisno ayaan rabaa waayo adiga iyo aniga waan is jecelnahay wax kale ma awoodno waayo aniga shaqo mahaayi adna sidaas oo kale waxaan ku fikirey sidaaan jaceylkeena aan uga mira dhalin lahaa inaan wax weliba aan usameeyo aan aniga yurub aan aado si aan adiga kuu guursado wado kaste ha igu qaadato markaas ayaan sarbeeb uga dhigey xitaa aan naag yurub joogto aanba uguursadee sidaan mar aan ku tagi lahaa ayaan falkeeda ku jiraa gacaliso
Markaas ayey igu tiri hadalka ii cadey maxaad ula jeedaa oo waad is bedeshey miyaa aniga iyo adiga imasa sano ayaan isjeclnahay wixii aad ii sheegi jirtey oo idil been miyey ahaayeen aniga ley imaawelineysey miyaa hadalka ii cadey
Warkaasi majiraa mise majiro wax kale kaama rabo haa iyo maya?
Waan garan waayey waxa aan sameeyo waxaan ku iri haa wuu jiraa laakiin dartaada ayaan ugaley aniga qoftaasi wax jaceyl ah uma heeyo markaan meesha tagan adiga ayaan rabaa inaan ku wato balan waaye qoftaasi majecli dartaada ayaan usameeyey
Taleefoonka ayey igu damisey ilama hadlin aniga ayaa wacay waxey igu tiri waxaad tahay khiyaanalow waad I khiyaantey
Hadalkeeda oo idil wuxuu noqdey waad i khiyaantey iga aamus hadalkaaga marabo
Mar danbana ha isoo wicin hadii uu muslin ku dhaley taleefonka faraha iga qaad xariirkaaga marabo waan ku nacay
Aniga waxaa igu yeerey wiish mar waan oyaa mar waan fikiraa waayo qoftaan waxey ku beerantahay qalbigeyga waa qoftii aan ku afbartey macnaheyga waa qoftii ugu horeyso aan jeclaadey intaasi kadib
Xaaskeygii yurub ayaan iskala sheekeystaa niyad uma haayo waxey igu tiraahdaa adiga maxaa si kaa ah waxaan u shegaa iney I heysato mushkilad
Waxaan ku andacodaa markaste hooyadey ayaa xanuunsan oo anigana aan ka dheerahay sidaaas darteeda ayaan u murugeysanahay
Waxaan sugaba waa howsheydii oo soo idlaatey
Waxaan isu diyaariyey inaan dhoofo aan aado meeshii aan hal iyo habeen niyada ku heen jirey 20 beri kadib ayaan ku qoranahay dhoofitaan akhyaarteyda oo isku meel joogney ayaan u sheegey inaan bixi doono aan 20beri kadib aan ahay Safar dhalinta qaar wey ila yaabanyihiin waxey igu dhahaan saaxibow adiga maxaa kugu dhacay dhalinyaro ayaa tahay sidee u guursatey naag kaa weyn waxaan ku iraahdaa howshiina ma ahan taasi ee faraha kala baxa arintaasi
Waana safarey waxaana eelboorka igu soo dhoweeyey xaaskeyga iyo saaxibkeyga kaasi oo ah qofkii I barey qof aan u socdo
Aniga waxaan mar kale galey todobo kale
Guriga aan joogo waxaan ku joognaa aniga iyo xaaskeyga iyo 2 caruur ah oo ayada dhashey
Aniga waxaan qalbiga iska dhahay meeshii aad rabtey sow inta ma ahan maxaad sameynee waxaan ku fikiraayey inaan qoftaan isoo wadatey sidii aan uga tagi lahaa waayo markii hore dano Kama laheyn danteyda waxey aheyd inaan kusoo dhoofo waana imid meeshii aan rabey waxaan la nolaa muddo dhan 5 bilood intaasi oo dhan waxaan ku jirey habkaan uga tagi lahaa waxaan isku dayey inaan kala barto magaalada saaxibkeyga ayaa I kala barey
Asiga waan usheegey waxa aan damacsanahay aad ayuu uga xumaadey hadalada aan usoo bandhigey taasi oo ah inaan naagtaan uguursan jaceyl aan rabey inaan ku dhoofo haddan aan rabo inaan furo aan ka tago
Wuxuu igu yiri ma waalatey qof intaan qarasha ah kugu bixiyey miyaad wadada uga dhaqaaqeysaa ilaahey malihid miyaa aawey diintii aad soo baratey war sidaas ma ahan adigoo qoftaan qabtid ayaad howshaada kala wadan kartaaye isdeji waan ku gacansaarey
Wuxuuna igu dhahay adiga ayey ku jirtaa adiga iyo ilaahey koley nabsi waad gashey ogow mar uun inuu kaa soo bixi doono
Maalmo oo dhan waxaan ku guda jirey sidii aan uga tagi lahaa
Waxeyna igu qaadatey mudo gareysa bil ku dhawaad ima fahmin waayo markaste waan u dhoola cadeeyaa waxaan ku iraahdaa waan ku jeclahay afka ayaan u maceeyaa uurkeygana alla og waxa ku jiro igama warheyso inaan u soo raacey dan oo danteydii gaarey
Xogahaa lacag ayaan aruursadey muddadaasi aan joogey waxaan isku diyaariyey safar waxaana u safarey gobol kale waan ka tagey anigoo qabo ayaan ka tagey
Markaan tagey gobolkii waxaa meesha igu soo dhoweeyey dhalin yaro somali ah
Oo ii sheegey sxbkeyga iney meeshaas deganyihiin inta aan u sheegin arinta aan damacsanahay waayo hadii aan usheegi lahaa oo aan dhihilahaa qoftaan ayaan rabaa inaan ka tago gobolkaas ayaan rabaaye yaa meesha degan oo dhalinyarada ah markii hore ayaaba ka dhameystey waayo waxaan ahay qof mar hore ku soo tala galey howshaani
Markaan taggey meeshaasi waxey ahaayeen dhalinyaro aan isku beelnahay arinta ayaan u sheegey weyna isoo dhoweeyeen
Qoftii iga soo wadatey afrika wey idareentey inaan ka dhuuntey taleefon ayaan usoo direy waxaana u sheegey inaan furey
Waxey igu tiri maxaan kaa haleeyey oo aadiga dhuumatey waxaad rabtey miyaa inaad igu soo dhooftid maxaad sidaan igu khiyaaneysaa
Taasi waxaa iga daran jaceylka ay ii qaadey aad ayey ii jaceyleyd
Markaan qofkii isoo watey aan furey ayaan gabadhii aan jeclaa wacay una sheegey inaan yurub tagey naagtiina aan furey haddana aan u maqanahay ayada
Muddo ayaan wax u shegaayey wey iga qaadanweysey
Wey ku saxantahay taasi waayo imisa naf ayaan khiyaaney qof bartey khiyaanda yaa aaminaayo waxaan barrey asxaabteyda waana usheegey ayaga ayaa naheshiisiyey
Weyna iga ogolaatey inaan dib usoo celino xariirkeeni hore inkasto sidii hore uusan ahaaneynin waayo meesha hadey soo gasho kalsooni daro waxba makala soconayaan waxaa inoo bilaabatey sheekadeenii muddo 2sano ayaan joogey waaan shaqeystey
Waxaana u sheegey gacalisadeyda inaan u imanaayo
Waxaan guda galey sidii aan ugu tagi lahaa qofteyda safar ayaan soogaley waxaana imid meeshii ay joogtey
Aad ayey ii soo dhoweysey waxaan guda galney howsha aan meesha u tagey taasi oo ah inaan nikaaxa iyo arooska halmar kadhigo kadibna aan aniga dib u laabto
Hadalka la iima waalin waxaan ku iri gacaliso aniga sidaan ayaan damacsanaa sow hadda kuuma soo laaban waxaan rabaa inaan ku arooso
Hadalka la igama diidin waxey igu tirii waaalidkeyga la xariir igana raadso waxaan ku iri igu haley taasi anigoo ku guda jiro la xariirka waalidkeeda
Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxey soo aadey sida ay ii sheektey iney soo gadaneyso shoobin meel tukaan ah
Inta aysan bixin ayaan weydiiyey iney isiiso aabaheeda taleefonkiisa weyna isiisey
Wiil aan saaxibo nahay ayaa howsha igula jiro aniga iyo asigaba waan israacney si aan kaar usoo iibsano kadiba aan ula hadalno waalidkeyga si ay gabadhaasi waalidkeeda igaga raadiyaan anigoo saaran gaari yer uu leeyahay saaxibkeyga
Saaxibkeyga wuxuu itusiyey qofteydii oo lala taaganyahay meel aan sidaas nooga dheereyn waxaan ku iri aktooda inoo dhowey muddo cabaar ah ayaa la taagnaa
Waa la isa soo macsalaamayey waxaan islahaa bal fiiri waxa ay sameynayaan
Anigoo ujeedo ayaa gacalisadeyga horteyda lagu shumiyey
Ayada iima jeedo anigana isma tusinin
Howshii aan usocda dib ayaan u dhigey ilee gurigegya ayaa biyo igu soo galeene
Waxaan u dhaba galey arintaan wiilkii la taagnaa markiiba waan calaamadeysadey
Waxaan u direy yerkii saaxibkeyga ayaa wuxuu daba galaba wuxuu ii sheegey iney qoftiisa iyo wiilkaasi wax isla wadaan ayana u sheegtey iney yurub aadeyso
Waxeyna ku tiri mardhow ayaa yurub inoo aadi donaa haka baqin wiil aan walaalo nahay ayaa rabo inuu ii doodo uu igu wado xaas ahaan
Markaan ogaadey xaqiiqda waxey tahay ayaan ku iri maxaad dhacay oo sidaan usameysey weyna igu gacanseertey aniga ma aaminin waayo aniga ayaaba indhaheyga ku arkey waxaan ku iri maalin nocaas iyo noocaas ah sow lama taagneyn wiil sidaan ah aniga ayaa ku arkaayey gaari aktaada ayaan ku jirey ee hakuu macanaato aniga waan soo laabtey waana ka shalaayey qoftii aan horey u khiyaaney iyo ayada xitaa aan qiyaaney iyo nafteyda oo aan khiyaaney wax aan sameeyo ayaan garan waayey ilaa hadda wax aan sameeyo ma garanaayo waxaan qisadaan u soo gudbiyey inaad ila talisiin
Waayo meeshii hore hadii aan dhihi lahaa u laabo waji aan uga laabto ma aqaano qoftii aan horey u jeclaana sidaan ayey ku dhaqaaqdey meel ii roon malahan
Koleyba waxaan idinka sugayaa talo waxaan ka codsanayaa iney i cafiyaan inta aan khaladka ka galey ——–

Qisadaani waxaa inoo soo direy mucaashaq magaciisa qariyey
Inkastoo aan weydiiney uuna naga codsadey inuusan awoodin inuu usheego magiciisa iyo hablaha magacooda iyo meesha uu ku suganyahay
Horaa loo yiri ( god walaal ha qodin hadaad qodidna ha dheereyn ku dhici doontidaa lama ogee )
Waxaad jeceshahay la jeclow walaalkaa muslimka ah
Hadaba hadii aad wax khiyaantid adna ogow wey kusugeysaa mar ay ahaataba hakuu dheeraato mise hakuu dhawaato ilaahey kuma ilobaayo waxa aad sameysey hadii uu ku iloobo bini aadamka ilaahey ayaa kuu jeedo haddaba dhalinta waxaan ka codsanayaa jaceylka beenta ah mise jaceylka danaha loo galo iney iska dhafaan wixii ilaahey u qoro koleyba wey helayaane war heedhe sida aad uga fikireysid naftaada maad uga fikirtid nafta walaalkaa mise walaashaa
Hadaba mala socotaa sida aad naftaadu tahay iney tahay nafta kale
Hadii ay ogaan lahaayeen dhalinta taasi maanta madhacdeen dhibka yaalo
Waayo hadda waxaa meesha ka baxey kalsooni iyo is aaminitaan

Haddaba ma ahan wax khiyaali ah waa wax jiro oona dhacay
Haddaba socda imisa ayaan aragney dhalinyaro sameyneysa oo weliba hadda socota xisaab malahan waxaan ka codsanlahaa anigoo ah qalbijaceyl iney dhalinyarada ka waantowaan aysan naftooda ciqaabin wiilal iyo gabdhaba
Wixii talo ah oo aad u heysid noogu soo gudbi anaga ayaa u gudbindoonee waayo waxaa uu naga codsadey inaan shaacinin emailkiisa
Waxaad inoogu soo gudbin kartaa

ilahono@hotmail.com
qalbijaceyl11@hotmail.com

Xuquuda qoraalkaani waxaa leh qoraaga ku saxiixan
http://www.nololcusub.tk ka dhigo hoygaaga kowaad

Qisadaani waxa idiin soo gudbiyey
Mr – c/casiis maxamed sheekh axmed (qalbijaceyl)

4 Comments

  1. waa sidaas uu xsbken sheegay marka hore indhaha aad saatid ka shumi
    labada dhaban waaba iska dhantay waxii dambe adiga lee waaye
    sheekada u dhamee sariirta la aad shaqee jacaelkaaga kalsooni sii

  2. Marka hor asalamu caleykum marka xigta taladeydu waxey tahay adiguna wax jira matihid jeceylka dhabta ah midaan u qaadayna wax jiro ma’ahan becoz of adi waxbad khiyantay adina wa lagu khiyaamay marka waxaan ku raacsanahay walalkey number one marka dumarku waa wax ber jilicsan waxaan ku dhihi lahaa iska sasabo abaayo yurub kuna dheh waan qaldamay qaladna wuu dhaca hadi anu nahay ibnu aadem marka laga yaabo inaay ku cafiso u dalab tag maskiinta yurub mida kale jaceylka dhabta ahna sxbked yacni kii wadada ku shuminayay ha’iska raacdo wadoyinka ha’isku shushumiyeno yurubna aad cidaadana u cidee wa ka warka saxda ah reer wada isku shumisna faraha kala bax thanks to allaah wasalamu aileykum warahma tullahi wabara katuhu

  3. Sxb runtii wad ogtahay naaguhu iney beer jilacsanyihin ee waxan ku dhihi laha gabadha aad khiyaantey saamaxaad warso laga yaabaa iney ku cafiso sida la ogyahay gaf waa dhacaa waana laga soo noqda

  4. Asc? Sxb waan ku salaama sln kadib sxb waxAan kugu talin lahaa in aan raali galiso qoftaadii horay gafna waa dhacaa waana laga soo laabtaa sxb marka horayalle u toowba keen kadibna raali gali una samey maxa ay jaceshahay hadii aad awoodo sxb una sheeg waxa dhacay sxb intaa ayaan kula tali lahaa ee wasalaamu ceykum


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: