Sidaan uma maleyneynin ee mar hore ayaan isku sheegi lahaa


Waa qiso dhab ah oo ka dhacdey magaalada muqdisho waa qiso yaab leh runtii hadii aad akhrisaan aad la yaabi doontaan waayo
Qisadaani waxey ka hadleysaa qof wax jecel oo hadana awoodin inuu u sheekto qofkii uu jeclaa muddo dhan laba sano iyo bar ku dhawaad heer uu ka gaaro inuu sariir u fuulo jaceyl aan loo ogeyn .
Qisadaani waxey dhacdey sanadka markuu ahaa 2001 anigoo ah qalbijaceyl ayaa wareysi la yeeshey mucaashaqaasi
Wiilkaasi jaceylka uu u qaadey gabadhaasi waa jaceyl aad u daran oo indho laheyn
Somali horey waxey utiri ( waxaad qariso wey ku qarsadaan )


Haddaba waxey ku bilaabaneysaa sheekadaani sida tan
c/casiis oo ah wiil aad u de,yer oona ah ardey wax ka barta iskoolada ugu caansan magaalada muqdisho siiba xiligaasi wuxuu ahaa fasalka 5naad ee dugsiga hoose
waxey aheyd maalin aad ii farxad gelisey maalintaasi weligey ma iloobi doono waxey ii aheyd maalin ciid ah maalin ay nafteydu wax ka hesho waxey aheyd maalin iga yaabisey oo indhaha iyo jirkeyga oo idil halmar ay istaageen waxaad u maleysaa in aniga oo dhan la I dhexgeliyey meel baraf ah oo aan meelna uga dhaqaaqi karin
maalin ayaan la igu qorey barnaamij si aan uga soo jeediyo ardeyda hortooda sida ay caadudu aheyd iskool kastana looga isticmaalo aniga maalintaasi waxaa la igu qorey inaan u soo jeediyo ardeyda
warar mise akhbaarta caalamka anigoo xiligaasi ku jeedinaayey afka carabiga madaama uu ahaa iskoolka mid ku baxa afka carabiga oona qasab ku tahay ardey kasto wax jeedinaayo inuu ku jeediyo afka carabiga anigoo akhbaartii dhaxda ugu jiro ayaan mar waxaan kor u soo qaadey madax markii hore waxaan egaayey waraaqda ay wax igu qoronaayeen markaan kor usoo qaadey madaxeyga ayaa indhaheyga waxey ku dhaceen qof aan moodey iney aheyn bini aadan sida ay u quruxbadantahay awgeed waxaan kala garan waayey inaan dadka hortooda aan taaganahay iyo in kale waxaa meesha ka baxey wixii aan akhrinaayey aniga oo dhan waxaa noqdey qof dhulka ku dhegey mardanbe ayuu miirkeyga soo laabtey waxaana ka cudurdaartey waxaana u sheegey inaan wax yer is daba mariyey laakiin yaawaaye cidda hadalkaasi maqleyso oo iga aamineyso waayo waaba la ii jedaa inaan ahay qof maqan oo meel ku maqan markaan dhameeyey hadalkii aan haayey ayaan safka gadaal ka galey waxaan eegey gabadhii dadka hortooda igu istaajisey qalbigeygana uu la dhacay misane waxeyba ku jirtaa fasalkeena 5naad qeybta gabdhaha markii uu dhamaadey barnaamijkii ayaa nalagu amrey inaan fasalada kala galno aniga meel ayaan gooni u istaagey keligey ayaan isla sheekeystey waxaana ii imaadey wiil aan saaxibo nahay oo lagu magacaabo yuusuf
asigoo igu yiri sxbow see wax kaa yihiin hadaayey markaad wax akhrineysey waad maqaneyd maxaa kugu dhacay jaceyl maa ku galey ii sheeg maxaad soo xasuusatey oo dadka hortooda isug ceebeysey waxaan ku iri aniga ma ogi saaxibow sida ay wax u dhaceen anigoo wax akhrinaayo ayaan halmar indhaha ku dhuftey gabadh aad uqurux badan taasi oo aniga oo dhan iga dhaxbaxdey daqiiqado gudaheeda aniga oo dhan igu bedeshey yuusuf ayaa igu yiri waan dareemey iney wax ku galeen sxbo ma ii sheegi kartaa gabadhaasi sidan kuu gashey walaahi ma aqaani waxaan umaleynayaa iney ku cusubtahay iskoolka weligey ma arkin laakiin waxey ku jirtey safka gabadha fasalka 5naad waxaan u maleynaa in lagu soo qorey fasalkeena koleyba waan arki doonaa ee ina keen fasalka aan galnee macalinka xiisadu waa uu bilaabey yaan albaabka naloo diidinee aniga waxaan ahaa qof maqan aan awoodin inuu dhageysto macalinka wuxuu shegaayo mise sharaxaadda uu wado gabadhu qurux badnaa runtii wax ka dhimanaa ilaahey uumey malaheyn ishii eektaba kama weecato waxey jeceshahay iney iska doogsato oo maanta dhan iska fiiriso gabadhaasi waxey bedeshey fasalkii oo dhan anigana wey I bedeshey ma aqaano sida ay wax iga noqdeen waxaa la gaarey xiligii bareega waxaana loo soo baxey banaanka aniguse dadka lama mid ahi ee jawi kale ayaan dhax dabaalanayaa waxaan iska fiirsadaa gabadhaasi gabadhaasi waxaa lagu magacawaa ikraam
ikraam xiligaas ayey ku soo biirtey fasalka laakiin markiiba aniga ayey ila wareegtey oo igedisey waxaa la gaarey xiligii laga soo laaban jirey bareega aniga ma hadlo qofna majecli inuu ila hadlo meel gooni ah ayaan markaste fadhiistaa yuusuf ayaa ii yimaada mararka qaar waxaan ku iri saaxibow maanta dad igama heyso inaan lahadlo badweynta hindaya ayaan ku dhexjiraa mowjado jaceyl ayaan la raaxaweysanoyaa ii xogahaa culeeska iga qaad saaxibkeyga wuxuu ahaa qof beysaani ah hadalka igama waalin wuxuu igu yiri jaceylyahow xaal qaado wuuna iga tagey aniga waan awoodi waaye inaan dhameysto sii joogitaanka iskoolka maamulaha ayaan u tagey fasax ayaan ka codsadey la iima diidin gurigeyga ayaan aadey
markaan tagey guriga ayaa walaashey oo guriga joogtey ka codsadey inaan la isoo kicin waan yara xanuunsanahay waxey igu tiri walaal intee laga hayaa xogahaa madaxa ayaa I xanuunaayo abaayo hooyona u sheeg yaa la isoo kicinin
waxaan la derisey sariirteyda waxaa markaste maskaxdeyga ku soo dhacda gabadhii bilicdeeda iyo qaabkeeda wacan
waxaan iska dhadhacsiiyey inaan la hadlo berito hadii iskoolka la aado oo meeshaasi aan isku barano
maalintii danbe waxaan isku aragney albaabka hore ee iskoolka ayadoo la socota gabdhihii fasalka isla dhiganeyney gabadhihii ayaan salaamey waxeyna iga codsadeen inaan isbarano gabadhaan ku cusub
qof aan wax ogeyn ilaahey ma cadaabo maba ogaba inaan darteda u dhaawacanahay waxaan ku iri ok ibara
meshaasi ayaa lagu barey waxaan ku iri barasho wanaagsan abaayo noo soo dhowow
waan is wareysaney waxeyna ii sheektey iney ku cusubtahay xaafada xitaa ay mardhow ka imaadey gobol gobolada somaliya ka mid ah waan wada sheekeysaney aniga waxaan ahaa qof ku roon dhanka wax barashada wixii meeshaasi lagu dhigona wax ka fahansan waxaan ahaa inta badan ardeyda qof caawiyo siiba marka la isudiro su,aalo
anigu intaasiba jaceylka horey ayuu igu dilaacayaa malin maalinta ka danbeysaba gabadhaasi weligey ima soo marin haddana waxey ku darsatey hadal wanaag habka loo hadlaayo iyo quruxdeeda waxaad modaa in loo soo direy iney dadka oo kaliyah wax ku abuurto waayo marka ay kula hadleyso hadal degan oo aad u wanaagsan soo jiidasho leh aniga horey ayaan duubsadey jaceylkii aan u qaadey balse yaa wax ii og
maalin anigoo guriga joogo ayaa waxaa isoo wacay gabadh ka mid ah gabadhaha fasalka nala dhigto oo aan isku xaafad nahay taasi oo lagu magacaawo faadimo
faadimo ayaa iga codsatey inaan u imaado si aan uga caawiyo su,aalo xisaab ah oo la isu soo direy oo ay fahmiweysey waxeyna ii sheegtey ineysan keligeed aheyn ay la jirto gabadhii cusbeed oo anna igilgishey kama aanan diidin waan u tagey markaan meesha tagey aad bey ii soo dhoweysey aniga waxaan guda galey inaan caawiyo markaan dhameeyey wixii su,aal ah laga jawaabey ayaan ku iri waan baxayaa ikraam ayaa soo boodey oo igu tiri maya biximeysid xogahaa nala joogo inteed u carareysaa ciyaal miyaa kaa oynaayo iyo hadalo kale aniga majoogi karo waayo indho aan gabadhaasi ku eego maqabo qalbi aan meesha ku fadhiyo maba lihi faadimo ayaa igu tiri joog hee aboowe waayaha ayaan ku iri aniga ma hadlo gabadha dhoor suaalood ayey I weydiisey kuwaasi oo ah aboowe adiga xisaabta meel kale maad kusoo baratey mise hadda ayaa kuu kow ahaa maya meel kale ayaan kusoo bartey
masha allah ilaahey hakuu zaa,idiyo mahadsanid abaayo hadey wax kugu adag ay jiraan oo casharada kale ah ii soo sheeg si aan kaaga caawiyo mahadsanid aboowe aniga iyo adiga waan isku qoranahay aniga waxa dhan hadda ayaa ii kow ah diinta ayaan wax ka aqaanaa oo kaliyah marka hadii uu alle idmo waan isku qoranahay kkkkkkkkkk
ok abaayo dhib malahan aniga ayaa garabkaaga taagan aniga waxaan niyada ku dhistaa gabadhaani mar kale ayaad u sheegan kartaa hadda iska daa
muddo dhoor bilood ayaan sidaas ahaa
heer waxaa la gaarey inaan si fiican isu barano oo aan is dhaafsano teleefano oo mararka qaar isoo wacdo iga wareysato xaalkeyga anna sidaas oo kale
maalin maalmaha ka mid ah ayey tel ii soo dirtey waxeyna iga codsatey iney beri I wadeyso oo I soo bareyso gurigooda kama diidin waank a ogolaadey anigase habeenkaaasi oo dhan maseexan waxaan ka fikiraayey sidaan ugu sheegan lahaa jaceylka aan gabadhaan u qaadey waxaan habeenkaasi u wacay saaxibkeyga yuusuf waxaana u sheegey inaan beri aadi doono guriga ikraam wuxuu igu yiri saaxibow fursad ayaad heysataa ee usoo bandhigo waxaan ku iri waan cabsanaa ma aniga ayaa dhihi karo waan kaa heley mise waan ku jeclahay afkeyga masoo qaban karo kalmadahaasi wuxuu igu yiri koleyba adiga ayey kuu talaa kan sariirta jaceyl la fuulaayo aniga ma ahi ee niyow wax makuu shegaa u sheego gabadhaasi jaceylkaada waa gabadh wax fahmeyso oo aad uwanaagsan waayahay ayaan ku iri waxaan ku tala galey inaan beri usoo bandhigto ikraam jaceylkeyga
subaxdii aye isoo wacdey waan ka qabtey meel ayaan ku balamiyey waana u tagey waan is raacney anagoo jidka heyno ayaa waxaa ina dhaxmartey sida tan
aboowe c/casiis adiga waalidkaaga miyaad la degantahay mise keligaa ayaa tahay
maya abooyo waxaan la noolahay waalidkeyga
waxey igu tiri koley waxaan filayaa hadii aad waalidkaaga la nooshahay doob ayaa tahay kkkkkkkkkkkkk
haa doob ayaan ahay hadda kadib ley hadda doob ayaan ahay
sidaas miyaa ok maxuma
iyo hadalo kale oo kaftan ah ayaan heyney inta laga gaarayey gurigooda waa gabadh ku dhamaatey hadal wanaag kaftanka aniguse daqiiqad daqiiqadka ka danbeyso waa uu igu soo weynaanayaa jaceylka waan awoodi waaye inaan kalmado sarbeeb xitaa aan ku tuuro aniga oo dhan waxaa noqdey markaan arkey ayada baraf oo kale wadnaha ayaa igu dhax dhacay maba hadli karo maba u sheegan kari wixii aan xaley oo dhan ku fikiraayey guriga ayaa la yimid si aad ah ayaa la igu soo dhoweeyey waxaa la I barey hooyo iyo walaalaheeda ka yer
waxaan galney qolka fadhiga wey iga tagtey inta yer ay iga maqaneyd waxaan u heystey inuu nalka tagey waayo qalbigeyga ayaduu doogsadaa ayada ayaa iftiin u ah
markey iga tagtey ayaan is dhahay marka ay soo laabato u sheego
wey soo laabatey markaan is dhahay hadal waxaa iga soo da,ey dhidid hadalkii ayaa igu xirmey anigoo dhan waan jareeyey waan ka gaabsadey hadalkii waxey igu tiri aboowe kuleel maa ku heeyo muxuu ahaa dhididkaan waan iska caadi dhib malahan waxey furtey daaqadaha waa la sheekeystey dhowr saacadod ayaa meesha fadhiyey aniga waxaan islahaa mey halmar ku fasaxdo waxaan ku iri abaayo waan baxayaa waxey igu tiri ok
aboowe gurigeena waa kan hadda kadib malagu keenaayo ee sidaas ula soco hadda kadib inoo imow guriga waa gurigaaga oo kale
ikraam wey soo dhoweysey ayadoo ku faraxsan imaanshaha c/casiis
markaan ka soo tagey ayaan is iri koleyba fursadaani waad beerdareysey yuusuf hadii uu ku su,aalo maxaad dhaheysaa gurigeeni ayaan dib ugu soo laabtey markiiba waxaan uguriga banaankiisa ugu tagey yuusuf oo meesha fadhiyo misane la sheekeysanaayo hooyadeyda
markuu I arkey wuu farxey wuxuu moodey inaan qalbigeyga soo daaweystey
waan salaamey asigo iyo hooyaba wuxuu igu yiri c/casiis sxbow akhbaar fiican ayaad ii heysaa koleyba sidaan filaayo waxaan uga jawaabey
haa akhbaar ayaan kuu hayaa laakiin hadda waan seexanaa
waa uu idareemey inaan waxba heynin ilee qofka hadii ay farxad heyso waa laga dareemayaa
aniga waxaan la saaxibey sariirtaasi waxaan la sheekeystaa qalbigeyga mar wuu I dhiiri geliyaa marna waa uu I cabsiyaa
marka aan ka maqanahay ikraam wuu I dhiri geliyaa markay I hor imaadana wuu I cabsiyaa
waxaan sidaasi ku jirey muddo sanad ah oo aan jeclahay waxna u sheegan
aniga waxaa noqdey bukaan iska socda oo aan waxba kala ogeyn aniga iskoolkii ayaan tagitaankiisa awoodi waayey cid I dareemeyso malahan qof kaste waxaan u shegaa inaan xanuunsanahay ilaa aan ka aheyn yuusuf
yuusufna waan dhaariyey inuusan u sheegin xaalkeyga cid kale xitaa ikraam inuusan u sheegin
balan ayuu iga qaadey
maalin anigoo sariirta saaran ayaa waxaa isoo raadiyey faadimo oo iga shakisey wey ii timid waxeyna igu tiri c/casiis adiga waxaani jiro ka weyn walaal ii sheeg aniga walaashaa ayaan ahay dhibkaga ma jecli waxa ku heeyo ii sheeg maya abaayo aniga waxba ima hayaan ee xogahaa waan iska yara caajisanahay
in muddo ah ayaan sidaasi ku socdey
maalintii danbe waxaan tagey iskoolka aniga oo dhalintii ila yaabinyihiin anigoo fasalka ku jiro ayaa macalinka noo dhiga xisaabta wuxuu igu yiri c/casiis istaag maxaa kugu dhacay beryahaan oo u maqneyd macalin aniga waan xanuunsanaa maxaaad u soo sheegi weysey waan soo sheegey macalin yuusuf ayaa iga fasax qaadey maamulaha intee lagaa qabtey macalin xogahaa waan yara qandhadey
ilaahey haku caafiyo hadda waad fiicantahay sow ma ahan haa macalin
waxaase isoo fiiriyey ikraam oo hadalkeyga la yaaban
sidii caadada aheyd waxaa la soo baxey bareega
waxaa ii imadeen faadimo iyo ikraam
ikraam ayaa waxey igu tiri aboowe adiga beenta maxaad u sheegeysaa waxa kugu dhacay maad inoo sheegtid
maya walaahi wax iguma dhicin waan qandhadey bes haddana waan ladanahay waxey igu tageen yuusuf ayagoo isku dayey iney weydiyaan waxa aniga igu dhacay uma uusan sheegin
heer waxaa gaarey markii danbe inaan la fuulo sariirta oon ka go raashiinka oo idil hooyo ayaa igu jahwareertey cudurka I heeyo wey kala saari weysey
yuusuf ayey dhaarisey waxey igu ku tiri kani waan kasi waaye ee ii sheeg adiga sow sxbkiisa ma aheyn maxaa qabsadey wiilkeyga waxaan ka weyn jiro hadii aan dhihi lahaa isbitaal u wad waa uu iga diidey
sxbkeyga waa uu is celin waayey wuxuu u sheegey hooyadey inuu jaceyl ihaayo uuna jecelyahay ikraam uusan awoodin inuu u sheekto jaceylkiisa
familka c/casiis wax saas ah ma heystaan oo hadey dhihi lahaayeen haloo raadiyo c/casiis aabihiisa mar hore ayuu dhintey waxaa soo koriyey hooyadiisa waxaa la dhashey 2gabdhood iyo hal wiil kale marka awood uma heyso ay wiilkeeda ugu raadiso gabadhaasi
waxey la talisey wiilkeeda inuu iska dhaafo wax aan tabartisa aheyn waxeyna ku tiri ka saar maskaxdada ha raacraacsiinin hooyow
ilaa hadda ma I oga ikraam inaan jacelyahay hadey ogaan laheyd waxaan u hibi lahaa iney wax ila qaban laheyd inkastoo aya ayadu dhaqantahay oo ay ka dhalatey reer ladan waxaan sidaasi ku galey muddo dhan 2sano ku dhawaad
waxaa baaritaan igu sameeyey faadimo dhibka I heysto si ay u ogaato faadimo waa gabadh aan aad ugu kalsoonahay oona ka mid ah gabadha aan sida aadka ah u qederiyo
ikraam waxey is barteen wiil ay daris ahaayeen oo asna dhigto iskoolka oo lagu magacaabo feysal kaasi oo dhaganaayey fasalka 9aad ee dugsiga dhaxe
intaasi oo dhan aniga war uma heynin arintooda
markii ay soo shaac baxdey ayaan ogaadey ilee hadaba maba baraninee mudo dheer ayuu bartey
aniga marki aan ogaadey ayaan horey uga darey waayo qalbigii aan jeclaa ayaa qof kale igala wareegey waxaa faadimo waxey ogaatey inuu jaceyl I haayo oo muddaanba aan qarsan jirey arintii waa la wada ogaadey aniga faadimo ayaa igu qeylisey waana u sheegey sida ay wax udhaceen laakiin hadda maxaa laga qaban karaa
ikraam wey I fahantey inaan jeclahay laakiin dumarkeena adigoo og inaad u dhimaneysid ayey xishood dartiisa wax kugu qabaneynin
faadimo iyo waxaa is arkey ikraam
waxaana dhaxmartey sheekdaan
ikraamey abaayo c/casiis xaalkiisa aad ayuu u xunyahay
maxaa ku dhacay faadimoy
sariirta ayuu saaranyahay geeri iyo nolol xumo ayuu u dhaxeeyaa
wax ii sheeg adiga maxaa ku dhacay sow kuma lihi
adiga ayuu ku jecelyahay
ikraam waaga ayaa ku bariyey c/casiis aniga miyuu I jecelyahay darteyda miyuu sariir u fuulaa
weli wuxuu kaa heley maalintii aad ku soo biireysey ilaa hadda waa uu qarsanaayey jaceylka uu kuu qabo
muxuu ka wadaa oo igu sheegi waayey abaayo hada maxaan qaban karaa aniga
wiil kale ayaan la socdaa oo aan jeclahay
koleyba waa kaas waan kuu sheegey hadii aad bad baadin laheyd iyo hadii kaleba
abaayo intaan naf bad baadinaayo nafkale ayaan burburinayaa
sida aan u dareemey inuu wax iga qarinaayo oo iga cabsanaayo inuu wax ii sheego maxaad u weydiinweysey
ma waalantahay faadimo ma waxaan dhahaa aniga miyaad I jeceshahay
suurta gal ma ahan
faadimo wey ka soo tagtey ikraamna yaab ayey meel la fadhiisatey ayadoo yaaban ayey
isku deysey iney guriga ugu tagto c/casiis
waxeyna ku tiri aboowe maxaad mar hore igu sheegi weysey adiga hadii aad ii sheegi laheyd nafteyda meel kale uma hibeeyeen aniga hadda qof ayaan jeclahay
wuxuu ku yiri maya abaayo waxaa xaq kugu leh feysal dhib malahan ee waad ku mahadsantahay sida sharafta leh aad igu imaadey waxna kuuma qabo aniga ayaa is yeeley oo nafteyda haligey hadii aan dhinto cid idishey malahan aniga ayaa gacanteyda isku toogtey
waxba ha is dhibin abaayo

yuusuf ayaa ku yiri ikraam sxbkeyga maad badbaadisid
yuusufow walaalkaa hadii aan badbaadiyo feysal sidee ayuu noqonayaa anigase jaceylka aan feysal u qabo maqiyaasi karo
marka naf ayaan badbaadiyey naf kale ayaan gooyey sow meeshii ley ma ahan
ikraam waa cusub ayaa u bariyey
waxey ay sameyso malahan koligeeda ayey isla sheekeysataa waayo c/casiis akteeda aaad yuu qiimo iga leeyahay feysalna waa jacelkeeda koowaad si xad dhaaf ah ayey u jeceshahay
yuusuf ayaa ii yimid wuxuuna igu yiri sxbow iska sabir waa xaal aduunyo laga yabaa inaad heshid mid kale
maya sxbow aniga weligey ma iloobi doono ikraam
laakii aniga ayaa is yeeley oo gacanteyda isku dhawacey cid kale wax kama sheegan karo
(( sidaan umamaleyneynin ee mar hore ayaan isku sheegi lahaa ))

Haddaba mucaashaqiinta jaceylka heeyo waa ineysan kala cabsan nafta ay jecladaan waayo jaceylku waa halis
Hadii aad is qarisid adiga ayey ku dhibeysaa laga yabaa iney carqalad kugu timaado
Hadii aad garan weysid habka loola hadlo oo uu kugu cusubyahay la tasho qof kale si aad uga hesho dhiiri gelin

Walaahi waa yaab jaceylku dhib badnaa hadii aan lagual wadin
Haddaba ikraam miyey khalad leedahay?
Waayo c/casiis akteeda qaali ayuu ka yahay madaama uu jeclaadey oo uu naftiisa halis u gashey
Feysalna waa jaceylkeeda ?

Haddaba waa qalbijaceyl oo idin leh sidaas iyo jaceyl wanaagsan cid kaste wax jecel
Jaceylku ma ahan wax la iska yeelyeelo hadii uu ku soo raadsado dheh ilaahey ha iga dhigo mid sahlan
Suaashu
waxey tahay ikraam wax khalad miyey leedahay ?
haddab wixii fikir ah inoogu soo hagaaji emailada hoos ku qoran

mahadsanidiin

Waxaan maqli jirey heesti aheyd
(( nafteydu nafbey rabtaa naftuna naf kaley rabtaa ))
ikraam sidaas ayaa qabsatey
Waxaa idiin soo gudbiyey
Mr.qalbijaceyl
Qalbijaceyl11@hotmail.com
ilahano@hotmail.com
http://www.nololcusub.tk
ka dhigo hoygaaga koowaad

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: