sheeko jaceyl ah waa jaceylkii xamaan iyo raxmo ruun


waa sheeko dhab ah oo jaceyl ah waxeyna dhacdey muddo hadda laga joogo 5sano waxeyna ka dhacdey magaalada muqdisho gaar ahaan xaafadda madiina
waxaa idinka xaqabtiri doona Mr- c/casiis (qalbijaceyl)

Xamaan wuxuu ahaa wiil dhalin yaro ah oo ku nolaa xafadda madiina
Ee magaalada muqdisho xamaan wuxuu ahaa wiil aad u firfircoon
Raxmo ruun waxey ku nooleyd howlwadaag ee magaalada muqdisho

Haddaba waa sheeko jaceyl oo aad u xiiso leh sheekadaani waxey dhacdey muddo hadda laga joogo shansano ah jaceylba haduu jiro labadaasi mucaashaq ayuu dhaxmarey jaceylka sidiisaba ma ahan wax la iska yeeyeelo ee waa wax ilaahey kugu abuuro
Xamaan wuxuu ahaa qof aad caan uga ah xaafadda xoosh inta badan wuxuu raadin jirey gabadh u qalanto maalin maalmaha ka mid ah asigoo jooga xaafad ay saaxibadiisu leeyihiin ayuu wuxuu ka sheekeynaayey wuxuu ahaa qof aad u kaftan badan gabdhaha xaafaddana waxey ugu wici jireen showiste sababtoo ah gabdhaha xaafadda waxey doorbidi jireen iney la yeeshaan sheeko
Maxisaabtamayaan inta gabdho uu la socon jirey laakiin wuxuu dhihi jirey aniga gabdhahaan dooqeyga ma aha kama helo waayo qof weliba wuxuu leeyahya dooq u khaas ah ma eysan noqon dooqiisa gabdhah xaafadda
Habeen habeenada ka mid ah asigoo booqasha u tagey xaafad ay deganaayeen dhalin yaro ay isku fasalyihiin
Asigoo la fadhiyo darjiin ku yaalo xaafadda saaxibadiisa ayaa waxaa uu indhaha ku dhuftey gabadh oo aad uga heley misane soo jiidatey asigoo dhan dhulka la goysey wiil kamid ah dhalinyaradaasi ayaa ku yiri saaxibow see cml waaba baxdey
Wuxuu ku yiri sxbow sug faleebo faceyga aheyn ayaa igu socotee maxaad ka wadaa ayuu ugu warceliyey
Waxaan la yaabanahay qoftaas soo socota asigoo ku maqan gabadhii misane dhankooda usoo jaleecatey wuxuu ku yiri indhaheyga miyaa mise gabadhaani inta ayey usoo socotaa
Markiiba waxaa u jawaabey saaxibadiisa mid kamid ah oo lagu magacaabo fanax yare
Haa sxbow inta ayey usoo socotaa waxeyna wax isu yihiin dumaashideyda khamiiskasta inta ayey timadaa waxey degantahay holwadaag
Xamaan waxaa uu ku yiri fanax saaxibow ma iga hubtaa ?
Haa taasi ka seexo tan aad indhaha ay kuu istaageen hadey tahay kaama dheera ee soo laabo kkkkkkkkkkk
Xamaan waxaa la wareegey dhulka wixii uu ku riyoon jirey
Mise dooqiisa uu arkey waxeyna soo gashey raxmo ruun gurigii dhalinyarada ay banaankiisa fadhiyeen
Intey usoo dhawaatey ayey salaantey kuligooda waxey horey isu yaqaaneen fanax yare oo ka mid ah dadka guriga deganaa
Waxaa ilaahey u dhiibtey qurux qaabdhismeedkeeda dhamistiran indhaha oo aad moodo inuu ilaahey u kuuley intii lagu sheegey qurux dumar waxba kama maqna ilaahey baa u dhamestirey waxeyna horey ugashey guriga
Raxmo ruun gurigaasi waxaa u degan gabadh ay ilmo adeeroyihiin oo lagu magacaabo maryan
Habeenkaasi xamaan murago farxad labadaba waa uu qaatey
Murago iyo farxad iskumeel magalaan ? haa sababtoo ah
Xamaan wuxuu arkey gabadh u qalanto mise dooqii uu ku riyoon jirey taasi waa farxadiisa muragada
Wuxuu ka murugey sida uu gabadhaani uu gacanta ugu dhigi lahaa iyo meeshii wuu wax ka bilaabi lahaa
Waxaa kaloo ku siibiirey rabitaan uu wiligiisa isku arkin
Asxaabtiisa ayuu u jeestey saaxibyaalow tani maxey wadataa anigii oo dhan ayey I kaxeysey qalbigeyga oo idil gedisey waan ka heley iyo ereyo kale fanaxow saaxibo gabadhaani magaceed
Fanax waxaa uu ugu jawaabey waxaa la yiraahdaa raxmo ruun
Wuxuuna u raacsiiyey iska jir hee gabadhaani ma ahan gabdhaha oo kale sida aad ku heshey wey adagtahay walaasheeda ayaa ah mid aan u ogolaaneynin iney la sheekeysato raga
walee ogolaansho iyo ogolaansho daraba meesha hadii uu yimaahdo rabitaan wixii larabo hala sheego aniga gabadhaani wey isoo jiidatey
fanax ayuu suaalo badan uu weydiiyey xamaan wuxuu yiri ilaa meeqa bari ayey joogeysaa saaaxibo I gacan qabo fanax wuxuu yiri waxey baxeysaa habeenka sabtida ay soo galeyso
xamaan horey u galey asigoo rabo inuu arko gabadha
maryan oo aheyd raxmo gabadha ay u timid ayaa waxey ku tiri xamaanow see cml soo dhaaf maxaa kugu dhacay oo meesha u istaagantahay maya maryan aniga guriga waa gurigeyga marti ma ahi ee waan sii baxayaa ciyaalka sow kuuma roona
kama ahan ciyaal wareysigooda ee canabkaasi horfadhiso maryan ayuu u damac leeyahay inuu ku doogsado
xamaan oo la kaftamaayo maryan ayaa wuxuu yiri
maryaney maanta marti aan caadi aheyn ayaa kuu joogtee masha allah gabadhaani intey nooga imaadey xaafadaana waan joogi jirey see cml
maryan intey ku qososhey ayey ku tiri
haa xamaanow waa walaasheyda waa runtaa reer xaafadda ma ahan holwadaag ayey degantahay mararka qaar ayey soo dhacdaa
maryan hadalkaasi wey u jawaabeysaa moyaane majecla hadalada ka soo yeraayo xamaan durbadii wey dareentey inuu qofkaani gabadha uu damac ka soogaley
xamaan oo aan laheyn meel la qabto ayaa meesha uu ka soo tagey dhalinti ayuu ku yiri waan sii baxayaa akhyaarey
xamaan gurigoodii ayuu ku soo laabtey inta uusan gurigooda gaarin ayuu wuxuu la kulmey saaxibkiisa khaaska ahaa oo lagu magacaabo c/casiis
asigoo leh c/casiis sxbow cawada caadi ma ahi
c/casiis ayaa ku yiri see wax u jiraan maxaase kugu dhacay ?
saaxibow aduunka inta aan ku nolaa gabadhaan oo kale ma arkin
wuxuu ku yiri gabadhee ka hadleysaa caawa adigoo gabadh ka hadlaayo weligey kuma arkinee ee xamaan warka ii kala tuur
wuxuu ku yiri horta ina keen istaag wax kuguma sheegaayo ee guriga ayaan aadeynaa
c/casiis waa uu raacey intey jidka sii marayeen ayuu u sheegey wixii qabsadey galabtaani
saaxibow galabtaani waxaan aadey gurigii fanax yare
anigoo guriga darjiinkiisa fadhiyo ayaa waxaa meesha imaadey aniga wax aan ku tilmaamo malahan wax walbo dhan walbo jir madhahdid qurux iskaba daaye maxaan kuu shegaa hee qurux dumar inta kuma soo koobi karo ayaan arkey waana ka heley weyna isoo jiidatey
c/casiis wuxuu ku yiri wixii adiga kaa fikirsiyey wax yer ma ahan ee hadda waxaad I dhihi rabtaa dareen ayaa isoo galey
kaama yeelinee waxaasi iga daa ee runta ii sheeg
walaahi been kuu sheegi maayo ee beri adiga ayaaba arki doontidee ee ilaahey beri hana gaarsiiyo indhahaaga ayaa macalin kuu noqondoonee
c/casiis hadalkiisa markuu maqley ayuu la yaabey sxbkiisa xamaan waayo xamaan wuxuu ahaa qof aad ula yaabi jirey jaceyl misane gabdho badan ayaa isku dayey iney wax u sheektaan misane ka heley uu ku gacan seeri jirey wuxuuna dhihi jirey hadey gabadh sidaan aheyn aniga gabadh maba u maleeyi tii isku deysaba wuxuu isku dayi jirey inuu maaweeliyo oo wada ku gudbo
waxaa la gaarey subixii subaxaasi waxey ahed subax jimco qof weliba habeenkaasi waa uu iska bashalaayey waayo waxaa laga wada nasanaayey iskuulalka dadkii shaqeynaayeyna waxey ka nasanaayeen shaqada qofkaste wuxuu iska soo kacayaa tobanka barqadnimo
xamaan subaxaasi wuxuu ku waabaristey fikir habeenkaasi wuxuu wehel u noqdey fikir waayo qalbi wax ka heley aad ayuu u dhib badanyahay qalbi aan wax gacanta ugu jirin hal iyo habeen wuxuu daris u yahay fikir iyo isla sheekeysi
c/casiis iyo xamaan subaxaasi waxey aadeen gurigii ay joogtey raxmo ruun ayagoo iska dhigaayo dad u socda dhalinyarada meesha degan markey tageen ayaa c/casiis durbadii isha ku dhuftey raxmo ruun oo meel u dhow suuliga ku cadeysaneyso oo aad moodid faras si fiican loo barbaariyey oo meel doog ah fadhiyo quruxdiisu ay baxeyso
c/casiis ayaa ku yiri sxb waxa aad la maansantahay walee waa gartaada qofta ku saaqtey tan miyaa war aniga ayeyba igashey ee howsha aan galno inteysan bixin galabta xamaan wuxuu yiri inteen wax ka bilaabnaa waayo maryan uma ogola gabadhaani iney la hadasho wax dhalinyaro ah
c/casiis wuxuu ahaa qof ku dheereeya dhanka gabadhaha lahadalkooda haddana waxaa u dheree wuxuu ahaa qof laga cizeeyo guriga oona aad loogu sharfo wuxuuna ahaa qof inta badan dadka ka xishoonin markiiba wuxuu dhaxgaley maryan iyo raxmo ruun
c/casiis korsi ayaa loo keeney inta laga garaayo salaada jimcaha masjidkana meesha kama dheereyn waxaa loo keeney
xamaan wuxuu dhaxgaley asxaabtiisa waayo wuxuu war ka sugayaa saaxibkiisa c/casiis
c/casiis wuxuu galey sheeko iyo kaftan markiiba qof kale hadal kama sugin raxmo ruun oo meeshi fadhiso durbadii wuxuu ku darsadey hadal
asigo la kaftamaayo wuxuu yiri
abaayadiisa maxaad keligaa meesha la fadhisaa kama helo qof ayadoo la sheekeysanaayo aan hadal dad ku darsaneynin marka igana raali noqo waa dabeecadeyda maryan dumaashidiiis walaashaa miyaa walaahi wey kuu egtahay adiga nooma sheegin iney wax kula dhasheen see cml
maryan ayaa ku qoshey haa aboowe aniga ayey ila dhalatey waxaanu nahay ilmo adeero
c/casiis oo hadal reer magaalnimo u dhiibey wuxuu yiri walaahi waan dareemey waayo dhaxalka caadi ma ahan
haye walaashiisa koley reer xaafadda matihidee madiina gudaheedaa mise banaanka raxmo ayaa ugu jawaabtey haa aboowe waxaan ka imid holwadaag
sidaas I dheh adiga meeshaan dadka jooga oo dhan waan wadagaraneynaaye
raxmo ruun ayaa suaashey maxaane dadkaan see yihiin maxaase uga duwanahay ?
maya yacnii waa la is garanayaa saaas ley kuu leeyahay
maryan dhankeeda waa uu ka soo jeestey maryan ayadana waxey aadey dhanka qolkeeda waayo waa xaas oo ciyaal leh
c/casiis asigoo ka faa,ideysanaayo ayuu ku yiri
barasho wanaagsan aniga magaceyga waxaa la yiraahdaa c/casiis
waxaan ahay kaabaha xaafadaan asigoo la kaftamaayo
mahadsanid aboowe anigana waxaa la I yiraahdaa raxmo ruun
wuxuu ku yiri hadii aan wax kuu sheego runtii waxaad naga dhaawacdey wiil anaga nagamid ah marka dacwo ayaan ahaykkkkkkkkkkkkkkkk
waan sii baxayaa salaadii ayaa soo dhow
raxmo abaayadiis wax makaa codsan karaa adoo raali ah hadii ay dhib kugu aheyn
maya aboowe hadii ay yihiin wax aan awoodo
mahadsanid waad awoodaa
abaayo mobile maleedahay waxey ku tiri haa ma isiin kartaa numbarkaaga waayo waxaan kaa leeyahay dan dantaasi inta kuma sheegi karo haa aboowe c/casiis wuxuu yiri mahadsanid
waxaa meeshaasi looga qaatey numbarkeedii inta ay maqneyd maryan
maryan ayaa banaanka u soo baxdey wuxuuna yiri dumaashi waan sii baxayaa insha alalh galabta ayaan idiin imana
maryan ok walaalkiisa

haddaba la soco qeybta labaad
waa qormadii Mr qalbijaceyl
wixii faafaahin ah kala xariir
email adress
Qalbijaceyl11@hotmail.com

2 Comments

  1. jacelku wa sadaasha gurka dabta ah kalgacel wa nafta raaxadedha*

  2. waayaha cusub


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: