Jabkii Paltalk iyo jahwareerkii jaceylkeyga


Jabkii Paltalk iyo jahwareerkii jaceylkeyga
Waa qiso jaceyl oo dhab oona ka dhacdey gabadh somaliyeed oo ku nool dalka mareykanka
Waxey inoogu soo dirtey email waxeyna ka hadleysaa sida ay wax ugu dhaceen ayadoo ka sheekeyneyso waxey ku bilaawdey sida tan

Walaaliyaal magaceygu waa faadimo foos ma sheeki karo waxa igu dhacay mana kusoo koobi karo qoraal waxaana igu kalifey inaan soo bandhigo waxa igu dhacay si aysan gabadh somaliyeed uu dhibkaan oo kale ugu dhicin
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa la ibarey meelaha ay somalida ku sheekeysataan mise ay ku kulmaan waxaan ula jedaa sida paltalka
Gabadh saaxibteyda ah ayaa aad u isticmaali jirtey maalin ayaan la kulmey ayadoo ku jirto meel ay dad badan ka buuxaan oo la isku dhaafsanaayo sheeko iyo kaftan aniguse aqoon uma laheyn waxaan weydiiyey saaxibteyda waxaan ku iri saaxibey maxaa waaye cawada meesha aad kujirtey waxey igu dhahdey waxaa la dhahaa paltalk meeshaan ayaan habeen kaste iska bashaal oo waqtiga ku lumiyaa wax aan heeyo malahan xiligii aan dareemo daal ayaan iska galaa laakiin uma badni marka aan ka soo rawaxo shaqada oo aan Isdhaho waad daaley ayaan galaa
Waxaan ka codsadey iney I barto si aan anigana u galo waxey igu tiri waayahay weyna ii sameysey anigoo meesha jooga islamarkiiba
Aniga saaxibteyda ayaan fiirinayaa waxa ay sameyneyso sida ay ii sheektey aan anigana markii danbe aan bartey waxey qabsatey mic mise makaroofanka ayadoo sheekeyneyso ayaan is dhahay waaba maasha allah hadiiba meel ay somali iskugu imaaneyso ay tahay
Aniga waxaa la ii sameeyey magac mise nickname waxeyna itusisey habka loo isticmaalo
Anigana waxaan abaarey gurigeygii maalintaasi ma aan galin ee waan ka seexdey habeen habeenada ka mid ah ayaan is iri baroobey
Waxaan soo dejistey paltalkii ilee waa tii ay ibartey wadada loo maro saaxibteyda markaan soo dejiyey ayaan galey oo waxaan ku galey magacii ay ii sameysey saaxibteyda
Markaan galey ayaan arkey qolol badan oo somali ah mid ayaan galey markaan galey ayaa durbadiiba waxaa meesha igu soo dhoweeyey dad badan ayagoo mid kaste iga qadaayo salaanta si dabacsan la iga qaadey aniga waxaan ka heley habka la ii soo dhaweeyey qolkaasi ayaan iska dhaxfadhiistey waxaan iska dhageysanaa cidii soo qabsato makaroofanka
Waxaan in muddo ah ku jirey oo aan isticmaalaayey paltalka markii danbe aniga ayaaba waxaan ku noqdey macalin
Aad ayaan u kala bartey maalin ayaan isku dayey inaan ka hadlo makaroofanka anigoo cabsanaayo intaan qabsadey ayaan dadka salaamey wax yer ayaan hadley kadib waan ka degey
Anigoo ku jiro ayaa durbadiiba wiil ka bartey kaasi oo aad ii soo jiitey qaab hadalkiisa iyo hadalada macaan uu adeegsanaayo aniga markaste uu soo qabsado aniga ayuu imanaa markii danbe wuxuu ii soo galey privatekeyga wuxuuna iga codsadey inaan la yeesho sheeko aniga kama diidin waxaan ku iri soo dhowow
Salaan kadib wuxuu igu yiri masha allah ayaa tahay maalintii aad ka hadleysey makaroofanka ayaad isoo jidatey wixiii maalintaasi ka danbeeyey aniga waxaan ku haminaayey inaan ku barto oo ay ina dhaxmarto wanaag iyo sheeko macaan
Aniga waxaan ugu jawaabey dhib malahan wey ina dhaxmareysaa
Habeen kaste waxaan u dhaqsadaa paltalka laakiin wuxuu ilaahey kuu qoorey kun sano ayey kaa weynyihiin
Aniga lama yaabani waxa igu dhacay laakiin waxaan garan waayey xili aan wiilkaasi isu dhiibey oo qalbigeyga siiyey
Waxey sidaasi ahaa taba habeenkaste waxaan ku sheekeysanaa privateka
Wuxuuna iga codsadey inaan siiyo email aniga waxaan ku iri aboowe habeenkaste waan kula jogaaye ha inoo ahaato paltalka igama diidinee wuu iga ogolaadey
Habeen kaste marka la isku imaado oo la soo galo khadka wuxuu qabsadaa makaroofanka asigoo I maanaayo marna hees ii qadaayo aniga iyo asiga aad ayaan isu baraney
Waxey sidaasi ahaataba wuxuu iga codsadey inaan u raaco meel gooni ah si aan uwada sheekeysano kama diidinee waan u raacey
Markaan tagney privatekii ayuu iga codsadey inaan so qabsado makaroofanka waan ka yeeley sidaas ayaan ku sheekeysaney
Anigoo ka xishoonaayo waxwalbo wey dhacaan xag alle ayey ka qoranyihiin
Muddo kadib waxaan siiyey kalsooni illee dumarku aad bey u naxariis badanyihiin ma ahan wax ayaga ay iska dhigeen waa wax uu ilaahey ku abuurey ileen hadii labadan dhinacba mid aan naxariis lahaan laheyn xiligaan cid heerkaan isla soogaarteen majireen
Waxaan is dhaafsaney email adress waan isku darsaney
Marka aan ka soo daalbo paltalka ayaan isla aadnaa msnka si aan uga wada bogan sheeko
Run ahaantii wiilkaasi waxaan u qaadey xiiso waan ka helaa markuu ka maqanyahay meesha aniga oo dhan waxaad modaa iney waxiga maqanyihiin maba xiiseynaayo ilee waxbaa iwadee
Aad baan uga heley rnntii
Waxaan u qaadey jaceyl laaakiin uma sheegin inaan jeclahay waayo afkeyga ayaa soo qaban waayey inaan u sheekto
Waxaan u sheegey saaxibteyda waxaan ku iri saaxibey wiil nocaas ah ayaan ka heley waxey igu tiri beelo waaye laakiin wiilasha soogalo paltalk wey been badanyihine ee ha isku dhiibin ereygaasi ayaa fahmi waayey waxey ula jeedo aniga dhaq jalaq umasiinin qalbigeyga ayaa diidey
Habeen habeenada ka mid ah wuxuu iga codsadey inaan Is aragno waxaan ula jeedaa inaan u shido kaamiro waan ku gacanseerey waxaan ku iri aboowe aniga ma heysto kaamiro
Waan soo gadanaa markaas ayaan is arkeynaa igama diidinee wuu iga ogolaadey wuxuu kaloo iga codsadey inaan tusiyo sawir asiga iguma qanacsan laakiin aniga waxaad modaa inaan u qaadey jaceyl baaxdiisu weyntahay saas ay tahay uma sheeganin
Waayo waan ka cabsadey inaan u sheekto jaceylka aan u qabo
Habeen habeenada kamid ah ayuu inta makaroofanka soo qabsey wuxuu igu yiri cawada aniga iyo adiga ayaa makaroofanka iska leh dadkii kale meesha ku jirey wuxuu u sheegey inaan wax isla wadno oo labadeena la inoo daayo makaroofanka laakiin aniga ma awoodo intaan makaroofanka qabsado meesha ka hadlo oo is weydaarsan hadal waayo qof jaceylkiisaba sheegan waayey miyaa meesha wiil kala xifaaltami karo
Waan ka diidey waan ka soo baxey waxan iska galey msnka wuu iga soo daba galey wuxuu igu yiri maxaa kugu dhacay
Waxaan isku dayey inaan cawada u sheekto jaceylkeyga
Waxaan ku iri aboowe ka waran hadii aan cawada wax kuu sheego
Wuxuu igu dhahay waayahay
Maxaad ii sheegeysaa ?
Aboowe aniga waan kaa heley marka waxaan jeclaan lahaa inaan wax wadaagno
Wuxuu igu yiri ma xuma waa waxa aan raadinaayey runta ii sheeg ayaan ku iri waa run anigaba waxaan islahaa maa laguu bilaabo
Aniga muddo dhan sideed bilood kaa xishoonaayey waad isoo jiidateywaxaad tahay wiil nafteydu ay rabto marka waxaan ku dhahayaa sacaadaan la joogo waan ku jeclahay
Wuxuuna ii soo qorey wowwowo
Masha allah yaaba heli karo asigoon jawaab celin ah oo nafteydu ku qanceyso isiinin
Wuxuu igu yiri cawada ma itusin kartaa sawirkaaga teeda kale kaamiradii masoo gadatey asigoo ka faa,ideysanaayo hadalada aan dhahay waxaan isweydaarsaney sawiro asigu wuxuu itusiyey sawiro faalis ah mise been ah wuxuu itusiyey sawir aad u qurux badan anna waxaan tusiyey sawirkeyga wuxuu iga codsadey inaan u diro sawirkeyga kama diidin waan udirey asna wuu ii soo direy
Habeenkaasi sidaas ayaa lagu kala tagey laaakiin afkiisa kama heeyo wax rogaal celis ah waayo ilee waa qof ku gubtey meesha anigana maxaan ka ogahay iney paltalk tahay meel la isku qiyaano oo dadka inta badan ku gubteen
Waxaa la gaarey habeenkii xigtey aniga waxaan ku xirey compterkaga kaamiro si aan isku aragno
Markuu soogaley khadka ayuu arkey cawada waxaan u maleyneyaa inaad kaamiro heysatid waxaan ku iri haa waan heystaa
Haye maxaa kaa cusub ayaan ku iri wuxuu igu jawaabey jaceylkii aad igu abuurtey ayaan ka fikraayey
Aboowe run ii sheeg wuxuu igu jawaabey qofkii adiga aad jeclaato ayaa nasiib leh aniga aad baan ugu farxey
Laakiin qesidkiisu wuxuu ahaa inaan halmar oo kaliyaha tusiyo muuqaalkeyga
Nafsadeydu ayaaba ka celin karin iyo qalbigeyga waayo waa markii ugu horeyso aan ka helo wiil somaliyeed
Wuxuu iga codsadey inaan u shido kaamiro durbadiiba waa uu soo dalbadey waan ka aqbaley aniga waxaasi oo dhan maba dareemaayo waxaa iga tanbatey dareen jaceyl
Markaan aqbaley kaamiradii ayuu igu yiri masha allah qoftaan ma adigaa waxaan ku iri ma meel cidlo ah ayaan kugu aadin lahaa waa aniga
Aniga ma aheyn qof aad u qurxoon laakiin waxaan ahey gabadh iska dhaxdhaxaad ah asiga inkasto aan weydiin dooqiisa aniga waxaasi oo dhan maba arko dooq iyo waxyaabaha uu ka helo kaliyah waxaan fiirinoyaa ka heli taanka aan kaheley
Cabaar markaan sheekeysaney oo kaamiradana uu arkey ayaan ku iri aboowe maku arki karaa adiga wuxuu igu jawaabey aniga kaamiro ma heysto laakiin habeen danbe dartaada ayaan u keeneyaa wiil aan saaxibo nahay ayaan ka soo qaadanayaa
Waxaan ku iri dhib malahan waa caadiyee ayadoo sheekadu meesha mareyso ayaa habeenkii ka danbeeyey waxaan galey paltak misane majoogo markaan ka waayey ayaa madaxa I xanuuney waan iskaga baxey cabaar ayaan msnka ku jirey anigoo asiga sugaayo
Waan waayey ma uusan soogalin mudo laga joogo laba isbuuc ma arkin
Meel uu cirib iyo jaan uu dhigey
Markii aan is dhahay inteed ka raadisaa ayaan ku arkey maalin anigoo iska galey khadka aysan aheyn xiliyadii nalooga bartey soogalintaanka khadka
Aniga waan farxey durbadiiba waxaan ku boodey emailkiisa waxaan waan salaamey salaan kadib waxaan ku iri maxaak ugu dhacay beryahaan oo khadka lagaaga waayey wuxuu igu jawaabey waan mashquuley
Wiil walaalo nahay ayaa imanayey asiga ayaan howshisa ku jirey waan ka qaatey hadalkiisa
Laakiin maba u maleyneynin inuu aniga iga dhuumanaayey
Waxaa ilaahey qadarey inuu magacii uu ku soogali jirey paltalka iska bedeley msnkana iga saarey block
Anigoo jahwareersan oo garan la, meel aan wax ka bilaabo ayaan wiil oo asna meesha ku jiro weydiiyey waxaan ku iri walaalo ma araktey waxaan usheegey naaneysta uu ku soogalaayey paltalka
Wuu igu qosley wuxuu igu yiri kaas maad raadinoysaa abaayadiisa see wax kaa yihiin wiilkaasi paltalk caan ayuu ka yahay ee yaa ogaado mar hore ayuu iska soo badeley shaatiga oo macnaheedu yahay nicknameka ayuu iska soo bedeley aniga markaas ayuu igu dhashey shaki
Anigoo sidii u yaaban ayaan sheekadii oo dhan u sheegey saaxibteyda sida ay wax u dhaceen waxeyna igu tiri naa miyaad waalatey markaad u shideysid wiil ku jiro paltak kaamiro yaa ogaado mar hore ayuu ku soo qarxiyey
Aniga waxaasi oo dhan lama yaabani waxaan la yaabanahay wuxuu igaga fogaanaayo aniga ma ahi qof xun oo ku dhaqanto waxyaabaha xun waan ogahay ma qurxani qurux la igu racaayo malahan
Markii danbe waxey arita sidaas u socotaba
waxaan isku dayey inaan ogaado waxyaabaha uu iga ordaayo wiilkii aan weydiiyey ayaan ku iri walaalow wiilkaasi waan u baahanahay ee I caawi sidii aan ku heli lahaa
wuu iga ogolaadey waxaan al igu sheegey qol kale asigoo ku jiro uuna wato magac kale
aniganw axaan isku dayey inaan magaca bedeshto waana u galey qolkii uu ku jiro waxaan weydiiyey hal suaal taasi oo ah
waxaan ahay hiblaayo ee maxaad iga ordeysaa maad ii sheegtid waxa aan kaa haleyey wuxuu igu jawaabey
abaayadiisi howl la,aan ayaa ku heysee howl yeelo kama helo nocaas oo kale nakal badbaadi aniga aan kaa qaraabtee iga ganbiso
madaxa ayaa labo ikala noqdey habenkaasi oo dhan waan oynaayey
waxaan deris u noqdey murugo iyo jahwareer jaceyl maa markii ugu horeysey aan wax jeclaado aan ka helo wiil codkiisa qaab hadalkiisa
wuxuunga igu yiri iska ilow wixii na dhaxmarey aniga waxaan kuu maleynaayey beysaani oo aan layaabey
markii aan dib u baareyna uu iga rabey inaan u sameeyo waxyaabo diintu ay dhaafsisantahay koleyba waad fahmi kartaan waxaan kaloo ogaadey inuu ii soo direy sawiro been ah
wuxuuna igu caga jugleeyey hadii aan ka hari waayo inuu kaamiradii aan u shidey uu iga duubey uu usoo bandhigi doono dhalinyarada paltalka ku jirto aniga waxaan go,aan ku gaarey inaan iskaga horo maalintaasi wixii ka danbeeyeyna aan isticmaalin wax la yiraahdo paltalk marba hadii aan kuweynaayo sharafteyda haddana uu qalbigeyga meesha ku burburey waxaan la yaabanahay oo markaste I sweydiyaa
miyaan aheyn qof dareen leh oo wax jeclaan karo misane qof ka heli karto ?
miyaan ku gardaranahay hadii aan wax jeclaado maxey tahay waxyaabaha iga hor istaagan inaan jaceyl sameeyo ?
waxaan u soo bandhigaa akhristiyaasha sharafta leh maxaa I barey paltalk hadaba waxaad ogataan aduunyada ma ahan maalin qura waxaan leeyahay qofkii sidaan iigaley inaan ku sugidoono halka aan fadhiyo asigoo jahwareersan ilee nafteyda ayuu bedeley qalbiga ayuu iga dhaawacay ————-

haddaba dhalinyaroy waa saaxibkiina hawada hadii ay gabdhu dhowrto sharafteeda miyey wax jeclaan karin hadiiba gabadhii wax jeclaato lagu xiro waxyaabaha qaar sida aan ka dhadhamineyo hadalkeeda
haddaba aniga waa iga suaalee
waa qofma qofka laga rabo gabdhaha sharaftooda iney dhowraan
ma ayagaa mise wiilasha ?

wixii fikirkaaga ah inoogu soo hagaaji
email adress
qalbijaceyl11@hotmail.com
ilahano@hotmail.com
http://www.nololcusub.tk
ka dhigo hoygaaga kowaad

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: