sida ay isku heli karaan lamaano isdoortey mise ay iskugu kalsoo


Hadda dhalinyaroy waxaa nagu badan somali hadaanu nahay dhalanteed jaceyl qof weliba wuxuu rabo iska shegaayo hadii aad qodobaan ku dhaqantid walee jaceyl heersare ayaad heleysaa noloshaadu marna ma niyadjabeyso

Qodobka kowaad
Marka hore waxaa loo baahanyahay in la is aamino waayo hadeysan meesha ku jirin aaminitaan sidee ayuu ku imaan kartaa kalsooni
Qodobka kale
Labada is rabo iney wax isla wadaagaan waa iney marka hore si fiican isu bartaan aysan ka noqon waan ku arkey waan ku caashaqey
Waxaan aad u jeclaan lahaa inaan u sheego lamaaniyaasha Israbo iney marka hore ku heshiiyaan saaxibtinimo waayo saaxibtinimadu waxey kuu sahleysaa inaad kaga bogan karto nafta kaa soo horjeedo mise aad dooneyso dabeecadeeda
Si aad u hanato barashada qofkaasi mise kala ogaanshaha nafta aad rabto waa inaad la saaxibtaa si ay wax walbo kugu sahlanaadaan
Tan ugu muhiimsan oo la rabey inaan ku bilaabo ayey waxey tahay in alle ka cabsi uu jiro waayo hadii aan alle laga cabsaneynin meeshaas sheydaan ayaa soogalaayo haduu mar sheydaan soogalana waxyaabo badan ayaa u sahli karo iney lamaaniyaashaasi ay isku fahmiwaayaan
Qodobka kale
Somalida inta badan waxey u badanyihiin iney isku wadaan dhowr qofood gabadha waxey la socotaa dhowr wiil
Wiilkana sidaas oo kale marka sidee ayey ku imaaneysaa kalsooni mise is aaminitaanka
Asiga wuu is ogyahay inuu la socdo gabdho badan
gabadha uu rabana wuxuu modayaa iney sidiisa oo kale tahay dabcan waa run hadiiba adiga aad dhowrsaneyn ayadana ma dhowrsana dhowrsanow ayadana mise asigana hadhowrsanaadee
Haddaba dhalinyarada waxaan ka codsanayaa ineysan badin xariirka faraha badan
ku ekaa qofka aad jeceshahay
waxey daliil u soo qadanayaan
Wiilasha ilaahey wuxuu ii baneeyey afar naagood
Dabcan ilaahey waa uu kuu baneeyey afar naagood
xiligaasi ma ahan xiliga aad ku dabaqi karto marka hore wax meel dhigo markaas ayaad ku xijin kartaa kuwa kale adigoon tii hore heynin ayaad birtumaneysaakkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Ku ekaaw nafta aad jeceshahay ayadana hakugu ekaatee
Hadii aad dhoor digsi dabaka isla saartid koley dhanka kaa soo horjeedana dhowr digsi ayaa dadbka u saaran sidaas ula soco

Qodobka kale weligaaa been ha u sheegin gacalisadaada mise gacaliyahaaga waayo waa sheyga ugu muhiimsan waa runta
Runti waxyaabo badan ayey dhistaa
Sidaan filaayo waalidku waxey u jecelyihiin cunuga ugu runta badan waad maqasheen inta badan kan/tan anigaa dhaley dhinac ii galimeyso waan ku kalsoonahay been ii sheegi meyso
Runtu miyeysan keeni Karin kalsooni dheeraad ah?
Haddaba hadi aad runta sheegto jaceylka laguu qabo waa uu sii ziyadayaa bal baroobey gabadh/wiil aad jeceshahay hadii uu kuu imaado asigoo xanaaqsan tusaale wax ayaa lagugu arkey
Wixii lagugu arko oo aad u sheegto runta iyo sida ay wax u dhaceen bal qofkaasi wajigiisa si fiican ma ufiirisey sidii uu marka hore kugu soogaley iyo marka aad runta u sheegtey sida uu qancey marka nafsadaasi markaste waxey kusiineysaa kalsooni naftaasi ayadoo iska dhaadhacineyso koley been kuu sheegimeyso nafta aan jeclahay wax walbo sida ay u dhaceen ayey igu sheegeysaa nafta aan jeclahay adiga maxaa kuu diidey inaad naftaada runta u sheegtid
Sida ay nafsadaadu jeceshahay ayey nafsada kalena jeceshahay sidaas u ogow

Tan kale waxaan dhihi lahaa khiyaanada waa lidka kalsoonida waayo adiga majeceshahay in lagu khiyaano waxyaabo faalis ah markaste lagaaga hadlo kadibna xili aad Is dhahdey alow biyaajadaan wey kuu dhacdey marka danbena lagaaga baxo
Waa maya jawaabtu haddaba maxaad ku keeneysaa inaad khiyaantid nafsada aad rabto inaad wax la wadaagtid miyaadan u sheegi karin runta waxey tahay
Intaasi walaaliyaal hadiiba aad ku dhaqantaan waxaan hubaa inaad ku guuleysaneysid jaceyl dhab ah oo aad macaan badan hakaa dheeraado
Teeda kale waxaan kula talinayaa mucaashaqiinta siiba ragga
Gabadhaha intey wax baraan haddana uga baxayaan waxaa ka mid ah sida la hadalitaanka badan
Waayo cawada hadii aad lahadashid habeen danbe sidii oo kale habeenka ku xigtana sidaas oo kale bal habeenka kale ha wicin ka aamus isla markiiba dacwo ayaa qoorta kugu jirto hadiiba aad bartey ha uga bixin la hadal waayo waa naf wax jecel oo ku beeramey hadal macaan iyo hasaaw jaceyl marka naftaasi habeen kaste wey dabeysaa
Marka danbena u goynaayo mise sidii looga bartey laga waayo gabadhaasi shaki ayaa galaayo waayo sidii markii hore ay kuu aheyd kuu ahaan meyso
Haddaba xariirka badan waa kalsooni aad u fiican hadeyba daacad ka tahay xariirkaasi

Ugu danbenytii

Alle ka cabso marka hore noqo mid wixii ilaahey farey farmo wixii alle ka reebeyna ka reebsan
Noqo qof wax aamino si adna laguu aamino hadiiba aad tahay qof wax aaminaayo adna waa lagu aaminayaa waa hubaal taasi
Hanoqon qof khiyaano badan oo markaste dabin u dhigo nafta kaa soo horjeedo
Ha noqon qof been badan waayo markaste kuu socon meyso beenta ilaaheyna abaal marintaadu wuxuu ka dhigayaa cadaab sida uu dhigaayo xadiithka
Xariirka badan iska daa hadii aad rabto naf kugu kalsooni
Waayo hadii aad galgal badantahay nafta aad jeceshahayna waa sidaada oo kale wixi aad tahay buu alle ku salidayaa
Noqo qof daacad ah waa hadii aad rabto naf kale oo daacad ah
Noqo qof ku dadaalo runta hal iyo habeena ka dheraado beenta

Hadaba waxaan ahay bini aadan wixii aan haleeyeyna alle ha iga cafiyo wixii aan qaldeyna waxaan rajeynayaa inaad iga sixi doontaan insha allah
Hadii aad fikirdheraad ah aad inooheysaan waxaad inoogu soo hagaajin kartaan emailada kala ah
Qalbijaceyl11@hotmail.com
ilahano@hotmail.com
waa saaxibkiina hawada
Mr c/casiis maxamed sh. Axmed
Qalbijaceyl
http://www.nololcusub.tk
ka dhigo hoygaaga kowaad

1 Comment

  1. ابحث عن شريكة حياة صومالية متدينةمثقفة لديها علي فدر من الجمال. تقدر الحياة الزوجية من اسرة مشهورة


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: