waa jaceylkii xamaan iyo raxmo ruun (qeybtii labaad)


c/casiis waa uu soo baxey wuxuuna horey u galey qolka dhalinyarada horey ayey isu raaceen waxaa la soo tukadey salaadii jimcaha
c/casiis wuxuu uga warbixiyey wuxuu sameeyey wuxuuna ku yiri saaxibow aniga waa jibkeyga waan ka soo baxey

albaabka ayaan furayaa habkii loogali lahaa adiga ayey ku talaa
isla galabtaasi c/casiis wuxuu taleefon u direy raxmo wuxuuna u sheegey danta uu ka lahaa taasi oo ah aheyd inuu u sheego inuu ka heley wiil uu saaxibkiisa yahay wuxuuna ku yiri
raxmo waa c/casiis yerkii hadaayey guriga maryan aad isku baraneyseen
haa c/casiis see tahay aboowe
waan fiicanahay walaashiisa
raxmo waa tii hadaayey aan ku iri dan ayaan kaa leeyahay wax kale ma ahan waxaan filayaa hadaayey inaan ku dhahay wiil ayaad naga dhaawacdey koley ujeedkeyga waad fahmeysaa
haa aboowe waan fahasanahay
horta waxaan jeclaan lahaa inaad ii sheektid xiliga aad baxesid
raxmo waxey tiri abowe waxaan baxayaa wax yer kadib haduu saanteyda ileehey qaado
mahadsanid abaayo
waxaan ku barayaa wiilkii aad dhaawacdey waxaana la yiraahdaa
xamaan waa saaxibkeyga qaali ah koleyba waxaan idinka rajeynayaa inaad is fahantaan
maya aboowe dhib malahan waan is fahmeynaa
xamaan waxaa loo furey wado wadadaasi asiga ayaa lagarabaa inuu ku lugeeyo
xamaan iyo raxmo ruun barashadoodii sida ay u dhacdey

salaamu caleykum
wacaleykuma salaam
abaayo see tahay
waan fiicanahay aboowe

runtii waa sida uu kuu sheegey saaxibkeyga c/casiis waxaan ahay qof aad u dhaawacan oo ku dhaawacmey shilkii ugu horeeyey oo aan ku arkey
weligey shil nocaan ah magelin waxaan noqdey qof asigoo dhan Is dhexmarey dareen ayaa I galey dartaada ayaan la maansanahay
markaan ku arkey aniga oo dhan waxaa Isaaqey suntaada

arligeynu joogniyo afartiisa geesood
waxaan kugu asteeyaa maan arag
Uur hooyo meyn galin adigoo kale

Dhabarka iyo laabta iyo dhinac wadnaha baad damac
Kulul baad ku beertoo dhawac baan qabaaye
Raxmoy la,aanta dhulka ila wareegoo
Cirka ii dhawaaqoo kaa dhowrsanmaayee
Dhibtadaan I heysaa koley iiga dhaqaaley

Ereyadaasi kadib raxmo aad bey ula dhaxdey hadaladiisa iyo habka macaan uu wax ugu sheegey
Hadalkiisa ma eysan diidin mana ogolaanin
Waxey jawaab uga dhigtey aboowe
Waan dareemi karaa dhibkaaga laakiin fursad ii sii si aan uga soo fikiro
xamaan ayaa ku yiri dhib malahan abaayo koleyba uma maleynaayo naf adiga kuu ooman inaad meel cidla ah uga tageysid
waxaana kaa rajeynayaa inaad wax ila qabandoontid
raxmo ruun maya aboowe kheyr bey noqoneysaa niyadda kheyr u sheeg
xamaan waayahay goormee kusugayaa
koley aniga ayaa kuso wacaayo taleefoonkaan adiga maa iska leh
haa waad iga heleysaa
waqti kasto insha allah aniga ayaa kusoo wacaayo oo jawaabna ku sugaayo
ninba markiisa waaye sheekada raxmo telkii ayey dib u fiirisey ayadoo dhagaheeda ka yeerayaan hadaladii uu xamaan u tiriyey iyo heesihii uu u soo qaatey
raxmo ruun waxey u aqal qaadey dhankaa iyo gurigoodii
mar way isla hadashaa waxey tiraahdaa hadda leyba uu ku arkey goormee uu ku dhahayaa waan kaa heley dhalintaan waan la yaabey waxooda waan ku arkey waan ku caashaqey miyaa ?
laakiin ma oga raxmo ka helitaanka inuusan aheyn wax ku xiran waqti
isla daqiiqado gudaheeda iney wax uga heli karto sidiisaba jaceylka waa ka helitaan ka helitaankana ma ogid adiga xili uu ku soogalaayo waxaad si lama filaan u arkeysaa waadna ka heleysaa qofkaasi lalama yaabi karo si kastaba qalbiga kulama tashanaayo waa dowlad gooni ah wuxuu ka helo qalbigaasi waa uu ka heley wuxuu nacana waa uu nacay sidii lagu xakameeyo aad ayey u adagtahay
raxmo ayadoo la yaaban waxey jawaab uga dhigi doonto ayaa waxey la tashatey gabadh ay saaxibo ahaayeen oo daris ahaayeen oo lagu magacaabo
hadalkana waxey ugu sheektey sida tan
aaminoy abaayo dhib ayaa I heysto raxmo dhibka muxuu yahay shaley ley naga takteye see wax kaa yihiin
markaan tagey madiina waxaan meeshaasi kusoo bartey labo wiil oo aad u fiican mid waxaa la yiraahdaa c/casiis midna xamaan
anigoo ku jiro booqashadii walaasheyda ayaa waxaa ila kulmey c/casiis wuxuuna ii sheegey inaan dhaawacay wiil saaxibkiisa ah
waxaa la I barey wiilkii wuxuuna ii sheegey inuu iga heley uuna u baahanyahay inaan wax la qabto
raxmo adiga ayaaba war ii heysidee warka ii soo daa
abaayoy wiilka sidee uu yahay mayhay mid kuu qalmo oo wax kula wadaagi doono haddaba waan kuu shegayaa haku degdegin wiilashaan wey khiyaano badanyihiin
maya walaahi waa wiilal aad u fiican sida hadaladoo ka muuqatey
abaayoy ma ogtahay si ay dantaada kugu fusho in wax walbi loo sameyn karo
aamino beentaada ma ahan si ay dantaada kugu fusho hadal macaan iyo waxaayabahaasi waxba lama ahan laakiin dhabta iyo dheel wey kala duwanyihiin
hadaba haduu ku cajab geliyey uga jawaab dhanbaalka uu kuu soo direy
ma araktey wiilka adiga
haa waan arkey waa wiil qurux badan inkastoo aan aniga iyo asiga aan is hor istaagin waxaan inoo dhaxeeyey c/casiis oo ah qof bashaashlow ah oo kaftan badan asiga ayaana I barey
hadal kale ima oran wuxuuna ii sheegey inuu iga heley uuna rabo inaan wax la qabto ilaa hadda heestii uu iisoo qaatey ayaa dhagaheyga ka yeereyso
raxmo waxaa ku cadaadtey talo ayadoo ka baqeyso inuu wiilkaani meel cidlo uga tago hadhowdii
ayadoo xishooneyso ayaa waxey usoo dirtey taleefonkii lagu balansanaa
labo beri kadib
markuu arkey xamaan telka soo dhacaayo durbadii wuu ku boodey
wuuna ka qabtey
hello aboowe xamaan miyaa
haa abaayo macaan waa asiga qofka kula hadlaayo
see tahay xamaan aboowe
raxmo aad ayaan u fiicanahay wax aan ka aheyn qalbigeyga oo adiga la soo deristey
dhib malahan aboowe
haye maxaad jawaab ah aad ii heysaa raxmo habeenadaan oo dhan indho isma saarin
waxeyna ugu jawaabtey sida tan

Gabey baan kuu marayaa
Gacal wacan xambaarsan
Gayaankii xiligaan
Gacal lala wadaaba adigaa
Gacal mudan hadaan ruux
Gacloonayo gacan wacan la siinaayo
Adigaa guddoon mudan
Haddan eego gayaankaan
Gacal looma quuree
Garaad wacan inaad tahay
Garwaaqso ogow
Musbaax baad tahay ifeysoo
Muuqaalkaaga wacan baa
Horay ugu maqsuudee
Saxansaxo roobkiyo
Si carfoon u jiidaa
Saakey iila mid tahay

Wow wow wow
Xamaan meel aad buu ugu farxey jawaabta la siiyey asigoo hadii la saro xitaa aan ka imaaneynin ayuu durbadii ku dhahay waan kaa filaayey inaad iga farxineyso aad umahadsantahay abaayo macaan
Weligeyna kma iloobidoono

Sahal ma ahan caashaqu
Mar hadduu ku saaqo
Wadnahaana surnaado
Suuradaada wacan baa
Saqda dhexe habeenkii
Sahwi baan dareemaa
Siduu ii saaqay daranaa
Sida aan u surnaa
Saqdi dhexe habeenkii
Barbarkaan u jiifsado
Baryo ka soo kici maayo
Bogga iyo calooshiyo
Beerkaa la iiga badan yahay
Bartaada hadaan arko
Bisha afar iyo tobnaad baa
Ber walba ku moodaa
Bilicdaada wacan baa
Bartamaha habeenkii
Bilicsami u eegaa

Hadaba wixii la isku dhiibaba
Waxaa meeshaasi ka bilaawdey xariir jaceyl markaste waxaala is dhaafsaadaa hadalo macaan badan qofba qofka kale
Xamaan markaste wuxu wacaa raxmo ruun oo ah qoftuu jeclaadey
c/casiis ayaa meeshii yimid asigo faraxsan ahaye
xamaan see cml jawaab maad heshey waad faraxsantahay
halmar intuu soo boodey ayuu xabadka saarey c/casiis
saaxib wanaagsan ayaa tahay weligey kuma iloobi doono hadii aan adiga ahaan laheyn sidaan uma faraxsanaadeen
saaxibow waa la iga aqbaley dhanbaalkii jaceyl aan dirsadey
saacadaan wixi laga bilaabo raxmo waa qalbigeyga
c/casiis wuxuu ku yiri haye hee haddaba gabadhaaasi haku dheelin
hana niyad jibin waa gabadh markaste adiga karoonow kuna dadaal kalsoonida beentana ka dhowr jaceylka waayo beentu waa cawadoga jaceylka

xamaan ayaa wuxuu ku dhaartey inuusan cidleyn doonin raxmo uusan been u sheegi doonin wuxuu yiri waa jaceylkeygii kowaad amar alle kuma darin raxmo qalbigeyga ayaaba ogolaaneynin inaan wax xumaan ah kusameeyo
raxmo waxey noqotey gacalisada xamaan
waxaa la isku noqdey far iyo faraanti raxmo sidii horey ma ahan waayo waa la galey jaceylbaa lagu abuurey duufaan caashaq baa soo martey oo garabka ku qaadey
sidii caadada u aheyd ma eysan imaan khamiistaan muddo labo isbuuc ah ma eysan imaanin waxaa laga wadasheekeysanaayey taleefoonka
habeen kaste waxaa la is weydaarsadaa hadal macaan uu ku dheehanyahay jaceyl
alla jaceylku macaan badnaa hadii lagula wado labo qalbi oo isfahantey macaan badnaa dareen jaceyl oo la isla dardargeliyey fiicnaan badnaa
raxmo ruun iyo xamaan jaceylkooda heer wuxuu gaarey in lagu sheekeysto
raxmo dhoor isbuuc ka dib waxey imaadey madiina siiba gurigii walaasheeda

habeenkaasi sidii caadada u aheyd wey seexatey xamaan habeenkaasi guriga ayuu yimid asigoo iska dhigaayo qof uyimid saaxibidiisa laakiin wax ma og maryan in gabadhaani mar hore dabka la saartey oo jaceyl la isu qabo
raxmo marki la gaarey xiligii ay bixi jirtey saacado ka hor ayey ku tiri abaayo waan baxayaa galabta waxaan rabaa inaan ciyow laabto ee sidaas ula soco
raxmo waxey isu diyaarisey bixitaan laakiin meel baa loo jiidanayaa qalbi meel looga wacaayo waaye
weyna soo baxdey markey ka soo tagtey guriga ayey taleefon u dirtey gacaliyaheeda waxeyna usheegtey iney guriga ka soo tagey
wuxuuna u sheegey inuu gabadh usoo diraayo si ay u geyso guriga c/casiis
waxey u u istaagtey meel aan ka dheereyn masaajidka
gabadhii ayaa utimid waana la soo wadey galabtaasi waxaa lagu marta qaadey guriga c/casiis
waa la kulmey labo qalbi isu ooman oo is jecel ubax jaceyl isu lulaaayo
wadnahooda isu damqanayaan alla ifka wax ka fiican ilaahey abuurtey malahan markiiba labada dhinac ayaa la iska shumiyey
waxaana ka dhacdey meesha jacel loo riyaaqey
kadib wada sheekeysid kadib raxmo waxey u sheegtey inaan baxo ayaan rabaa waayo maryan hadey rabto guriga ayey taleefoon u direysaa
ee waxaan kaa codsanayaa inaad I fasaxdid markale ayaan si fiican u kulmeynaa
waxaa idiin diyaariyey
Mr. qalbijaceyl
qalbijaceyl11@hotmail.com
ama ilahano@hotmail.com
http://www.nololcusub.tk
ka dhigo hoygaaga kowaad

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: