waa jaceylkii xamaan iyo raxmo ruun (qebtii 3aad)


waa sheekadii taxana inoo aheyd qeybteedii 3aad ee ka bogasho wacan
waxaa idiin soo diyaariyey c/casiis maxamed sheekh axmed
qalbijaceyl

xamaan kama uusan diidin waxaana la isku macsalaameeyey kalgaceyl iyo farxad midba midka kale ayadoo la is dhaafsadey kalmadoo macaan badan waana la isu istaagey qofkaste qalbijaceyl ayaa la isku dhiibey qofkaste dhabanka ayaa la iska shumiyey


raxmo wey baxdey ayadoo ay sagootinee c/casiis iyo xamaan si wada jir ah runtii labadoodaba waxaa ka muuqatey jaceyl
inta ay wada sii socdeen ayaa midba midka kale la is dhaafsadey hadalo aad u qiireysan
aad baan kaaga heley weligey ima soo marin jaceyl noocaan ah waxaan kaa codsanayaa inaadan I dayacin jaceylkaan ubaga ah aad ila xanbaartid
aboowe waa balan inaan ku cidleyn oo aan kula qeybsado wax walbo
c/casiis lugta ayuu gadaal uga dhigey waayo waxa is garabsocdo waa labo oo lamaane ah
waxaa la soo gaarey boosteejada laga raaco baabuurta bakaaraha ee meesha loo yaqaano saldhig galbeed
raxmo wey baxdey waxaa isku soo harey c/casiis oo u fadhiistey shanta biibito
xamaan markuu soo laabtey
c/casiis ayaa suaal weydiiyey saaxibow adiga gabadhaan majeceshahay mise sheekadii waxaad wadaa beryahaan socotey inaad gabadha jaceyl ku abuurto kadibna meel cidlo ah uga tagtid
maya c/casiisow jaceyl dhab ah ayaa iheeyo qalbigeyga ayaaba ii ogolaaneynin inaan raxmo meel cidlo ah uga dhaqaaqo waayo si lama filaan ayuu ii galey jaceyl aan qiyaasi karin ayaa I galey waxaan ka cabsanayaa inaan gabadhaan ayada I cidleyso waa markii igu horeysey aan wax jeclaanaayo weligey waan maqli jirey hiblaayo iyo hiblow wey is jecelyihiin hadda aniga ayuu iheyaa ilaahey ha ii sahlo
saaxibow hadiiba aad daacad tahay waad guuleysaneysaa
sax waaye beentaada ma ahan
xamaan asigoo wajigiisu ay ka muuqato farxad ayuu wuxuu ku yiri c/casiis saaxibow adiga jaceyl maad sameysid jaceylka wax ka fiican malahan
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk beelo marka aad adiga aad heer ka gaartid ayaan sameysanaa aniga jaceyl marabo waayo jaceyl horey ayuu isoo marey waana ku guuldareystey ee adiga ilaahey sidaas oo kale kaagama yeelo qalbigeyga qof ayaan horey ugu hadiiyey qofkii aan u hadiyeyna meel cidlo ah ayey igaga tagtey qof kale ayaa calfadey
iga raali noqo hadii aan kusoo xasuusiyey igama aheyn inaan qalbiga kaa jibiyo
maya saaxibow qalbiga igama jibin
xamaan ayaa suaal weydiiyey c/casiis wuxuuna ku yiri adiga ayaaba horey jaceyl usoo martey gabadhaani saaxibow malaga yabaa iney ila qeybsato jaceylka aan u qabo
c/casiis wuxuu ugu jawaabey saaxibow waxaan kaagala talinayaa labo shey
inaadan khiyaanin oo aad u noqotid daacad aadna siiso kalsooni wey kula qeybsaneysaa markey aragto inaad u tahay daacad kalsooni ayey ku siineysaa ayadana

tan kale waxey tahay inaadan gabdh kale aadan la wadin aysan kaa dareemin caajis iyo maaweelo waayo gabdhuhu hadii ay kaa arkaan caajis waxey markiiba u fasiranayaan inaad qof kale la socotid oo ayadaba ku qancin marka weligaana waxaad ka dhowrtaa inaad uga sheekeysid gabadh kale
waayo waxey u fahmeysaa iney gabadhaasi ka quruxbadantahay waxaa ku dhacaayo niya jab adigana waxaad la kulmeysaa hadal aan fiicneyn
kadib markuu intaasi kula taliyey
waxey I maadeen gurigii c/casiis meesha ayaa cabaar lagu bashaaley xamaan sidaas kuma ekaaninee wuxuu udirey taleefoon si uu u ogaado meesha ay mareyso
wey ka qabatey wuxuuna ku yiri gacaliso haye inteed mareysaa
haa gacaliyo shiirkoole ayaan u dhawahay insha allah waan tagayaa
ilaahey nabad iyo caafimaad hakugu geeyo marka aad guriga tagtid ii soo falaash si aan ugaado inaad nabad tagtey
waayay macaane aniga ayaaba kusoo wacaayo haduu alle idmo
xamaan wuxuu noqdey qof markaste xiiseeyo raxmo in looga sheekeeyo iyo inuu markaste qofkaste uga sheekeeyo
naftu waxey jeceshahay ayey markaste raadisaa
qofka aad jeceshahay hadii lagaaga sheekeynaayo nafsadaadu wey ku raaxeysaneysaa
raxmo ayadana sidaas oo kale waxey gaari saarnaataba gurigoodii markey tagtey durbadiiba ayadoo dharka iska siibin aysan nasan ayey taleefoon usoo dirtey waxeyna ku tiri macaane waan imid guriga xitaa weli si fiican uma fadhiisan
waa ilaahey mahadiisa hadiiba aad caafimaad tagtey
maanta oo dhan ayaan kaa fikiraayey haduuba ilaahey ku nabad geeyey
markaad ii nasato ayaan taleefoon kuu soo dirayaa ee ii naso hadda
my dear wuxuuna u raacsiiyey waan ku jeclahay
weligeyna waan ku jeclaan donaa
raxmo ruun waxey uga jawaabtey ana sidaas oo kale waan ku jeclahay waxaad tahay qalbigeyga
kadib ereyadaasi
raxmo ruun waxey gashey qolkeedii jiifka sariirta ayey isku tuurtey ayadoon waxba iska bedelin sidii ay ku timaadey ay tahay
ayadoo isla sheekeysaneyso waxey tiri
dabacsanaa wiilku hadal macaan badnaa waxaaba la yaabanay sida uu ii soo jiitey iyo sida aan ciyow anna aan u aqbaley talow muxuu igu akhriyey waxaan iska dhowraba jaceyl qalbigeyga ayuu hantey
waxaan ka baqayaa inuu igu gacanseero xili ay arinta faraheyga ka baxdo
walee waa yaab jaceylku hadii uu mar kusoo maago adiga ma miisaami kartid sida aad noqoneyso iyo waxa uu udanbeyndoono
mararka qaar waxey niyadeeda u sheegtaa iney heleyso jaceylkeeda

isla habeenkaasi waxaa lagu balamey in taleefoonka oo layaqaano landline
habeenkii oo dhan waa la wada sheekeystaa waxaa lagu wada mashxaradeyaa necaaw caashaq badweynta jaceylka
ilaa laga garaayo xili danbe habeenkii
xamaan maba dareemo waxaasi oo dhan waqtiga mararka qaar dhegta ayaa xanuunta siduu ugu hadlaayo waxaa la furanayaa sameecada
habeenkii oo dhan sidaas ayaa loo wada sheekeystaa subaxdiina qof weliba wuxuu adayaa iskoolkiisa ayadoo caawa oo dhan lagu dhafrey taleefoon
waxaa in mudo ah lagu wada hadlaayey teleefoon
raxmo ruun ayaa maalin xamaan waxey ka codsatey inuu u yimaado si ay u marti qaado xamaan kama uusan diidin
maalintaasi waxey aheyd maalin isniin ah oo galab ay tahay
xamaan wuxuu isu diyaar gareeyey aaditaanka raxmo gurigooda
wuxuuna u lebistey si aan weligeed lagu arag
asigoo aad isu lebisey oo isu carfiyey
waxaa la yaabey maalintaasi dumaashidiisa
waxeyna ku tiri dumaashi maanta sey wax u jiraan adiga oo dhan waad dhalaaleysaa wax miyaa soo darisey gabadh maad u socotaa iyo hadal kaftan ah ayey ku tuurtey
haa dumaashi meel ayaan u socdaa oo la igaga yeerey
waayahay waad nuureysaa yaan lagu cayuumin ee iska jir hee tii ku arakto kaama jeesaneyso adigoo wax wedid ley soo laabo hee
kkkkkkkkkkkkkkkkk dumaashi adigaa foodada iga daa
xamaan wuxuu isku ridey baabuur wuxuuna u jiheystey dhankaa iyo holwadaag
waxaa loo soo dhaweeyey si aan caadi aheyn waxaa lagu soo dhaweeyey qalbijaceyl
markuu galey guriga ayuu wuxuu arkey raxmo ruun hooyadeed oo fadhiso barandada wuuna ku laabtey si wanaagsan oo sharaf ay ku jirto ayuu usalaamey
maamada wey ka qaadey waxeyna ku tiri soo dhowow wiilkeyga
kama uusan dhaqaaqin durbadiiba ugu yaraan wuxuu la fadhiyey in daqiiqado ah
sidaas ayey sharafta ku jirtaa marka hore waa inaad sharaftaa waalidka nafta aad jeceshahay inaadan adigoo dhinac u fiirinaayo aadan gudbin waayo nafta aad jeceshahay waxaa dhalay waalid waalidkaasi ayaa mudnaanta kowaad leh
xamaan waa wiil aad u caqlibadnaa
raxmo ruun ayaa dib ugu soo laabtey waxeyna aragtey gacaliyaheeda oo la sheekeysanaayo hooyeedeed aad bey ugu faraxdey
xamaan iyo raxmo ruun hooyadeed waxaa dhaxmarey sheeko yer
wiilkeyga halkeed degantahay
hooyo waxaan deganahay madiina
wax maad barataa
haa hooyo waxaan dhigtaa iskool
masha allah hooyow wax barashada halagu dadaalo
waalidkaaga miyaad la nooshahay
haa hooyo
Waxaan filayaa iney kula jogaan kuligooda
Hooyo waxaa hadda ila joogo hooyadey
Aabe dibada ayuu jiraa
Masha allah ilaahey ha dhaafo
Raxmo hooyadeed oo aheyd qof waayo arag ah ayaa durbadii u qeylisey raxmo ruun
Nayaa raxmo
Haa hooyo kaaley wiilka kaxeey
Raxmo ayaa u timid waxeyna ku tiri aboowe Ina keen
Xamaan waxaa horey loo geliyey qolka fadhiga waxaa loo shubey cabitaan waxaa kaloo meesha lagu barey raxmo ruun walaasheeda ka yer raxmo ayaa ku tiri ayadoo la kaftameyso hooyadey maxaad u sheektey wey qosleysey
Hooyadaa waa beyzaani waa hooyo masha allah oo sheekeyneyso waan wada sheekeysaneyn
Raxmo waxey si aad ah u fiirineysey xamaan waxeyna layaabantahay habka dabacsan uu hooyeed usalaamey ula sheekeysanayey
Waxeyna durbadiiba niyadeedu ka dhaadhicisey inuu yahay qofkii nolosha la qeybsan lahaa
Waayo qofkii waalidkaaga uu sharfo adna waa uu ku dhowrayaa
Cabaar ayaa meesha la fadhiyey waxey u keentey raashiin
Si uu u cunteeyo kadiba damaashaad jaceyl
Markii loo keeney ayuu ku yiri adna waad ila cuneysaa
Raxmo oo xishooneyso ayaa waxey tiri maya aboowe kula cunimaayo ee adiga ayaan kugu talagaley adiga ley ii cun kasoo qaad anigoo kula cuney maya kaa yeeli maayo
Xogahaa intuu ku qaadey gacantiisa uu afka u geliyey intuu wax yer ka soo reebtey uu asiga afka gashtey
Alla jaceyl la isla wado macana badnaa gacalisadaada mise naf ku jecel oo ku horfadhiso kula qaadaneyso waqti sheeko garabkaaga kuu fadhiso macaan badnaa
Xamaan maalintaasi waxey u aheyd maalin uga duwan maalimihii kale uu soo marey

wixii faafaahin ah nalaga soo xariir email adress

qalbijaceyl11@hotmail.com

ilahano@hotmail.com

www.nololcusub.tk

waa xaqabtiraha dhalinyarada

waa hoyga arimaha bulshada

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: