Qisadii Abuubakar & Xabiiba.


waa codsi inaan mar kale dib u soo gelin qisadaani oo aan horey inta uga baahiney si ay dadka u xasuustaan markale waa qisadii abuubakar iyo xabiiba ka bogasho wacan waa adinka iyo saaxiibkiinii ama mu,alifkii weynaa qurbaani iyo aniga oo qalbijaceyl oo idiis gubiyey

Aniga waxaan ku noolay muqdisho xaafada madiino gaar ahan korontada kadib waxaan dhigan jiray jaamacada lafoole waxaan ahay wiil masaakiin ah oona ka dhashtay reer sabool ah jaamacii markan kaso baxo waxaan raadin jiray biilka cideena hoyadayda waxay dhashay 8 caruur oona aniga uweynahay laakin gabar aya iiga weyneyd aniga kuso xigay kadib xooga waxaan saaray sidii aan wax ku baran lahay reerkana wax uuga tari lahay muqdishana waxay noqotay goob dagaal

Anigana waxaan ku jiray dadkii uu sameyay dagalka laakin muqdisha meel uuga bixi karo majirin lakin jaamacada anigo dhiganaya aya maalin anigo geed hoostiisa fadhiya aya waxaa ii timaday gabar jamacada ila dhigato markaase isalantay salaantii markaan ka rudiyay ayay dhinacayga soo fadhiisatay waxaayna iigu tiri abubakar maanta waxan raba inaa ku sheego arin in badan kaga qarin jiray laakin maanta ayan fursad uso helay waxaan iska baaraya dhiiran galin waxana raba inaa ku sheego hadii ula jeedadeda shaca kaga qaado waxaan rabaa inaa kula sameyo arin jaceyl iyo aayatin waayo waa hadii fursad uhaysid ubaxa aan biireyno maxaa ka dhihi lahayd abubakar intaan istaagay ayan waxaan garan wayay waxaan uuga jawaabo waayo aniga waxaan ahay nin faqiir ah hadana reerkiisa ka sugayan biil

waxaan dhehay abaayo waad ku mahadsan tahay madama aad iiso bandhigtay arimo jaceyl laakin waxaan ka xumahay in aan wax kula qaban karin waayo aniga hadiii aan been ku sheego uu ku dhaho wax ayan kula qabanaya nafsadayda been uma sheegi karo iigana raalli ahow I am sorry  iyado meesha tagan ayan ugu dhaqaaqay horta xabiibo waa gabar aad uqurux badan dabeecad lehna maxay ku tareysa aniga hada jaceyl masameyn karo horta waxaa run ah xabibo in badan inaa nafsadayda ay raacday laakin xabiibo wanaaga iyo jaceylka aan u qabo waxaa kawayn reerkayna  masaakiinta in aan wax ku taro anigana an wax isku taro maalintaas wixii ka dambeeyay jaamacadii waan iska dhaafay waxaana iigu kalifay reerkayna in aan nolol maalmoodkoda in an usoo dhiciyo sidaas ayan jamacadi ugu tagay.

Xabiibo markay maqashay in aan jaamacadii dhaafay aad ayay uuga xumatay kadibna maalin aya waxa dhacay anigoo shaqadii ka imaaday oo guriga imiday aya waxaan ku arkay xabiibo oo guriga jogto mucjiso ayay iila noqotay salaaan diiran ayan salamay kadibna quweys ayan iska aaday markaan soo quweystay ayan raashinkii aniga ayaba keenay kadib aya la karinaya waana baahanahay ad ayan ubaahanhay maxaan suubiya intaan iska dhigay nin dheregsan ayan iska soo baxay oo xageega soo aaday kadibna waxaan is dhaafsanay hadalo goos goos ah oo kamid yihiin maxa ku dhacay oo jamacada ugu tagtay maxaa ii sheegi weysay iyo hadalo kale kadibna waxay hadalkayda kuso afjartay Abubakar hadii oo jaamacdii dhaaftay xitaa kuma ilowin adiga maxay kula tahay in aan ku ilabay aniga waan ku jeclahay waligayna waan ku jeclaan doona laakin aniga hadaladaas iiguma soconin maxaa yeelay wax aan u qaban karo ayasan jirin kadib iyado qanacsan ayan soo dhaweyay maalintaas wixii ka dambeyay waxan ku fikiray in aan tahriib aan aado oo sauudi qabto sidii aan wax uuga tari laahay waxaan aday boosaaso waa qoobta laga raaco donidii u dhaxeysay nolosha iyo geerida ahay sanadka markuu ahay 1994 ti ayan dooni ka raacay boosaso waxana ku sarneyn 75 qofood oo soomali ah aniga waxaan kuso aaday godkii xumaay oo hooska ku yaalay laakin waxaa run ahay kuleel maahine dhibaato kale maqabin

Markii 8 saacadood doonidii nawaday aya matoorkii halabay habeynkii o dhan baddii ayan sabeyneynay anigana wax aan ogay majirin laakin hadalo aan maqlayi bas waxaan maqlayi majeerteenka inee dhahayeyn doonidan hadii ay suusan mayso dadkaan oo dhan waan tuureyna anigana goortii aan maqlay aya waagii ii baryay lakin nasiib wanaag doonidii aya wanagsanatay socodgayna ayan sii wadanay maalintii labaad ayey tuureyn 8 qofood o soomali ah intee kalena anagoo nabad ah aya tagnay Yemen markaan Yemen tagay oo liigeeyay al jaxima aya nafsadii iigu soo noqotay kadibna meeshii ayan shaqo raadin ku galay waxaan bartay dhoor soomali ah meeshii ayan hal qol ku ijaaranay laakin soomalidii oo dhan inee maalintii oodhan shaqayan hadana habeynkii u fadhiistan jaadka laakin aniga waan ka duwanahay dadkaas waayo waxaan kasoo tagay reerkayga oo tabaaleysan ad u tabaaleysan mana ilaawi karo al xaasil aniga danteyda ma ahayn in aan jemen ku haro socdalkayga ayan sii watay waxaana tagay sacuudi arabiya waxana iigu soo dhaweyeyn dhoor soomali ah waxaana lii suubiyay sharcigii bugta ahay oo lagu shaqaysto waxaana shaqo ka bilaway shirkad lagu magacaabo Jamjuum shirkadii ayan dhoor sano ka shaqeeyay waxaana keenay walashayda waxayna iiga caawinaysaa masaruufka cidayna iyadana qadaanimo ayay gashay anigana shaqadayda ayan siiwaday maalin maalmaha kamid ah aya waxaa isoo gaaray warqad  xabiibo walashayda  soo qortay wana rumeysan wayay meeshii ayan ku  furay warqadeyda waxayna hadalkayda iiga bilowday sidatan.

Aboowe waan ku salay salaan ay isku diraan labo qofood walalo ah ama xiriir dumaashinimo ka dhaxeeyo salaan kadib aboowe waxaan ku sheegaya markii ad ka tagtay muqdisho oo aaday sacuudi xabibo aad ayay u niyad jabtay aabana marku arkay in uu xabiibi nijad jabsan tahy wuxuu rabay in uu ku daro wiilka uu adeer u yahay markii ay mashaqay xabiibo arintas waxay isku dayday in ay wax ka bedesho waana usaamixi waysay aabo hadalkisa ayu ku adkaystay guurkiina waba la digay xabiibana aad ayay uuga xumatay waayo xabiibo aad ayay ku jeclayd waxayna rabtay in ay ku sugto adiga ayay rabtay in ay ku aqal gasho laakin markii ay ku waysay ayay cidlo dareyntay taasna waxay usi dherayd guurkaana ay lagu magacaabo dhegadeeda way udulqadan wayayn markii arooskii lagaaray aya xabiibo talo ku cadaday waaxana usoorto gashay in ay is disho waayo guurkan mid ay raalli ka tahay ma ahayn garabkaydana wax taagan ma jirin aabana wax wuu fahmi wayay si walbo ayay wax uuga sheegtay wuuna fahmi wayay laakin marki ay is dishay oo sunta dooliga ay cuntay aabo aad ayuu uuga xumaday maantana waalintii la asaayo Xabiibo dumaashi iiga raalli ahow waana ka xumahay in aan arintaan kusheego wana ku qasabanay in aan arintaan kuso garsiiyo waayo adiga nin xun aya tahay walashayda adiga dilay dilka ay is dishay adiga usabab ah waayo markii aad baxaysay uma adan sheegin aniga waan ku cafiyay

Laakin Xabiibo yaa cafis kaaga qaadayo weyba dhimatay markaan warqadii dhameystay aad ayan u ooyay mana aanan ka filaynin in ay xabiibo arintaan oo noocaani kale sameyneyso qalbiga oo dhan aya i jabay wax aan sameyn karo ma lahan maantana xitaa hadii aan meydka jaceylkeyga asturi lahay weyba ii dhacan lahayd waayo waxaan jooga Sacuudi hadii aan dhaho xitaa tarxiil isku so taro maka so gaari karo hadii dhanka walidkay uso jeesto danta sacuudi u aaday weli ma gaarin mana kaso tagi karo waxaan noqday dharigii lawada dhinac ka qubtay laakin waxaan sameyey waxaana u dhigay tacsi aad u qiimo iyo qaayo badan sanad walbana markii la gaaro waan xusi jiray mana aanan guursanin waayo sababta aan uguursan wayay waxay ahayd xabiibo  aya marwalba suuradeyda lii horkeena dadweynow idinka ayan nii su,aala waxaan suubiyay maqalad ayay ahayeyn mise waa sax labada daran mid dooro waxan kadoortay waalidkayga waayo aniga waalidkayga waa reer sabool wax nacaawiyo oo allahi na abuuray maahine majirin axad kale jaceylkaygana waxaan ku diiday wax kale maahin aniga xabiibo waxaa run ah in aan jeclay iyada kahor laakin samanka lagu jiray ma ahayn saman jaceyl lagu jili karo dantaas aya ii diiday in aan xabiibo garabkayda ku istaago  meeeshas ayayna ku dhamatay sheekadii  (( Abubakar iyo Xabiibo)) ninkii rabo wixi intaas kabadan oo faafahin ah wuxuu lasoo xirii karaa ninka ay ku dhacday qisadaani oo hada ku sugan Malta

a href=”mailto:abubakar65@hotmail.com”>abubakar65@hotmail.com ))
ama Tel. 0035699178435 ))
kulanti dambo oo xiiso leh…….

wixii faafaahi an kala xariiri emailkaas kor ku qoran mise
anaga ayaa ugudbindonee haduu alle idmo
nagala soo xariiri
qalbijaceyl11@hotmail.com
ama
ilahano@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: