waa la i furey waan u soo socdaa u sheeg saaxibey


 

qisadaani waxey ku dhacdey gabadh lagu magacaabo xaawo xaaji
waa qiso dhab ah oo ka dhacdey magaalada muqdisho gaar ahaan
degmada dharkenley ee xaafadda xoosh
xaawo waxey muqdisho la keeney sanadka markuu ahaa 2003dii
xaawo wax jirtey markii la keenaayey muqdisho 19sano
waxeyna ku soo degatey xaafad uu adeerkeeda leeyahay


xaawo ayadoo joogto muddo sanad ah ayaa waxaa lagu darey wiil
ay ilmo adeeryo yihiin arooskii kadib xaawo cid kale ay meesha
ka garaneysey majirin aan ka aheyn eedadeeda iyo gabadheeda
moyaane xaawo muddo bilooyin kadib ninkeeda wuxuu safar u noqdey
dadlka sacuudi ayadoo leh uur oo bilooyin ah kadib markuu baxey
ninkeeda xaawo waxey noqotey xaamilo weyna dhashey
xaawo waxey xaafada iska barteen gabadho ay deris ahaayeen
kuwaasi oo si fiican iskugu fiicnaadeen xaawo waxey ku umashey
wiil xaawo marka ay ka soo baxdey umasha waxey u imaan jirtey
gabdhihii ay la saaxibtey gurigooda hal iyo habeen meesha ayey ]
joogi jirtey
galab galbaha kamid ah waxaa gurigii saaxibadeeda imaadey wiil
ay ilmo adeero yihiin xaawo saaxibadeeda oo lagu magacaabo
fanax yare
fanax wuxuu ahaa wiil wax ka barta school lagu magacaabow
khadiija model school wuxuuna deganaa xaafad aan ka dheereyn
xaafadda xaawo iyo saaxibadeeda
xaawo waxaa meesha lagu barey wiilkii madaama uu kamid yahay
reerka saaxibadeeda meeshii ayaa la isku dhaafsadey kaftan
iyo sheeko fanax waa ka soo tagey xaafadii walaalihiisa
fanax wuxuu ahaa wiil soo jiidasho leh iyo kaftan badan marka
uu sheekeynaayo lagama bogan jirin sheekadiisa
xaawo markaste waxey timadaa guriga saaxibadeeda ayadoo sidata
wiilkeeda ileen cid kaloo ay meesha ka garaneyso malahan gurigeediba
wey ilaawdey cidlo ayey dareentey xaawo
xaawiyo iyo gabadh kamid ah asxaabteeda oo lagu magacaabo fartuun degan
ayagoo isla socda waxaa jidka la isku arkey fanax yare oo asna usocda
dhankaa iyo gurigiisa horey ayaa la isu raacey inkasto ayaga
ay u socdeen adeeg waxaa horey loo marey gurigii fanax
fanax guri filo ah ayuu keligiisa deganaa
markii la galey guriga wuxuu guda galey inuu usameeyo cabitaan
xaawo waxey ku mashquushey fanax habka uu dadka ula sheekeysanaayo
iyo hadaladiisa macaanka badan iyo soo jiidashadiisa
markuu u sameeyey cabitaan ayaa la ishorfadhiistey sheeko yer kadib
fartuun ayaa xaawo ku tiri xaawo ina keen fanax hadalkiisa kama
dhergeysidee maalin kale ayaan u imaaneynaa
aan adeega gadanee
wey sii baxeen asigoo sii dhoweynaayo fanax xaawo ayaa ku tiri maad
noo imaadid aboowe
wuxuu ku yiri cawada ayaan idiin imaanayaa aniga inta badan
waxaan ku mashquulsanahay wax barasho markaan subaxdii aan kasoo baxo
schoolka waxaan aadaa school kale waqtiba ma heeyo
waxaan idiin imaanayaa cawada haduu alle idmo
xaawo waxey la dhacdey fanax
fartuun iyo xaawo oo wada socda ayaa xaawo waxey tiri
nin iga dheh kan masha allah hadii aan xiligaani la i qabi laheyn
kan igama fakadeen ee fartuuney adiga ayaaba adeerkaa kuu dhaley
maad qabsatid maya saaxibey aniga walaalkeyga miyaan guri u galaa
ma waalantahay anigaba walaalkeyga ley guriga ugumajiro
xaawo waxey majareysataa hal iyo habeen fanax
fanax waa sidii uu horey balanta uga qaadey gabadhaha wuxuu u tagey
habeenkii waxaa la isla fadhiistey guriga xaawo darjiinkeeda
meesha ayaa in muddo ah lagu sheekeystey xaawo ayaa tiri
aboowe adiga gabadh miyaa la socotaa
fanax wuxuu yiri gabadh maya maya aniga reera gabdho ma ahi
ee aniga ayuuba mashquul igu furanyahay ee mashquul kale
miyaan tabar u heeyaa abaayadiisa
xaawo waxey ka heshey fanax waxeyna tiri ragga ninkeyga oo kale ley
umaleynaayey hadii aan xiligaan la i qabi laheyn sow doqeyga kama
ciyaareen dadka isfahmo fiicanaa fartuuney abaayo yaan nin qorta
laguu gelin sideyda oo kale hadda
xaawo waxey gashey shalaay
xaawo markaste waxey jeceshahay iney maqasho hadalkiisa waayo
meesha waxaa soogaley dareen waxey u dirtaa taleefoon
waxeyna weydiisaa xaalkiisa waxeyna la qadataa sheeko
xaawo ninkeeda siduu u baxey marna ma soo wicin ayadana ma wicin
asiga wuxuu ka wareystaa adeerkeeda xaalkeeda markaste adeerkeeda
ayuu soo wacaa oona ka wareystaa ayadana maba la hadashee ilee
ilee waa dad aan is afkaseynin oo dhaxmartey sariirtaas oo kaliyah
muddo kadib xaawo waxey jaceyl u qaadey fanax ayadoon u sheeganin
jaceylkeeda ayadoo ka baqeyso hadey u sheegato jaceylka ay u qabto
inuu sheydaan meesha soo sedaxeeyo oona ilaalineyso iney tahay
qof la qabo waxey ku oonbaxdaa oo kaliyah hadalkiisa iyo aragtadiisa
fanaxna ma ahan qof waxaasi dheg u dhigo asiga waa qof iska
furfuran dadkii ay isbartaan iskala kaftamo maba oga
in loo qaadey jaceyl
xaawo markii danbe waxey baratey iney u wacdo oo ku tiraahdo
noo imow asna wuu u tagi jirey laakiin maba oga in araktadiisu
daawo tahay maskiin
xaawo markey arakto fanax aad bey u farxi jirtey waxeyna ku kulmi jireen
guriga saaxibteeda mise darjiinkeeda waayo ayadoo ka cabsaneyso
hadii ay kulmaan iney nafteeda xakameynweyso
xaawo waxey aheyd qof aad u dadaal badan oona inta badan is og
iney tahay qof la qabo laakiin uu soo jiitey wiilkaan
ay ka heshey madaama ay horey u soo marin hasaaw iyo sheeko ragged
ninkaa lagu dareyna ayadoon waxba ogeyn lagu darey
sheeko iyo markaste isla kulan kadib xaawo waxaa dareemey
adeerkeeda waayo hal iyo habeen wax jogtaa gurigaan saaxibadeeda
waxaa kaloo fahmey dadkii deganaa sonahaas
waxaa loo sheegey adeerkeeda waxaana lagu yiri
gabadhaada waxey la xiratey gabdho kale waxeyna la kulantaa
markaste wiil xaafadda degan laakiin sida ay dadka u dhigeen
ma eysan aheyn arinta xaawo ayaa waxaa u yimid adeerkeeda
wuxuuna ku yiri beryahaan hadalkaaga ayaa isoo gaarey
ee wax makuu shegaa waxaad ilowsantahay inaad tahay qof la qao
adeer waan la socdaa aniga wax masameynin ee gabadho aan deris
nahay ayaan u tagaa oo kaliyah
deriska maxaa ku hoos duugan maya adeer sida aad moodid ma ahan
aniga waan iska adkahay hadii aan iska adkaanlaheyn maalintii
aad igu dareyseen ninkaasi oo asna iga tagaayey ayaan bilaabi
lahaa waxa aad ka baqaneyso aniga ma ahi qof xun
xaawo intaasi kadib waxey jaceyl xun u qaadey fanax
haddan ayadoo is dhowreyso
xaawo nafteedii ayaa ka tanbadisey waxey badisey xariirka
ay la yeelaneyso iyo lahadalka fanax taleefoon ha ahaato mise
kulanba
xaawo waxaa laga ogaadey xaafadda oo dhan waana lagu sheekeystaa
koleyba waa dareemi kartaa dad meel iskugu imaadana wax xun sheeg
iyo fasiritaan
xaawo waxaa loo sheegey ninkeeda waxaana lagu yiri
saaxib inta naag kuuma joogto ee sidaas ula soco
asigoo yaaban ayuu la soo hadley xaawo wuxuuna yiri
waa la ii sheegey waxaa tahay oo dhan
waxey ku tiri hadiiba aad soo qaadaneysid hadal dadka kale
markiihore inteed igu ogeyd oo igaga tagtey aniga sharafteyda
sida loo ilaaliyo waan aqanaa marka aad imaadid ayaad wax ogaaneysaa
hadii aad run sheegeysid imow aniga ma ahi mas meel ku nool
xaawo fartuun aniga xaafada hadal xun ayaa ii galey ninkeyga
xitaa waa loo sheegey walaalkaana waan jeclahay waxaan ka baqaa
hadii aan u sheegto inaan is celin waayo
fartuun waxey ku tiri walaalkeyga ma u maleynaayo inuu sharaftaada ku dheelo
laakiin adiga maad iska deysid waaba lagu qabaaye hadii lagu furo
ka waran
walaahi hadii la ifuri lahaa weyba ii dhici laheyd
dooqeyga ayaan ka ciyaari lahaa nin aan kaseynin ayaan hoy ugu jiraa
sidaan maba u maleynin ee maba ogaladeen guurkiisa
waxaa safar soogaley xaawo ninkeeda wuxuuna yimid somalia
laakiin kama heli soo dhoweys iyo farxad
xaawo markuu imanaayey ninkeeda wey iska seexatey maba usoo kicin
intaasi waxey raadienysey iney ku furto buuq iyo qeylo
asigoo yaaban ayuu guriga soogaley wuxuuna arkey in meesha
laga soo dhaweynin wuxuu iska galey qolkii kale
dharka ayuu iska bedeley durbadiiba wuxuu abaarey dhankii adeerkeeda
wuxuuna usheegey sida ay wax u dhaceen wuxuuna ku yiri adeer
xaawo aniga waan fahmi waayey ee waxa la shegaayo miyaa wax
kajiro waxaa isa soo raacey xaawo adeerkeeda iyo ninkeeda
waxaa loo yimid xaawo oo cunugeeda iska qabeysaneyso
waxaa hadal weydiiyey adeerkeeda maxaa kugu dhacay xaawo ?
adeer waxba iguma dhicin
waan caafimaad qabaa maxaa dhacay ?
waxa la shegaayo maxey ahaayeen aniga ma ogi wax la sheegey
waxaa hadley xaawo ninkeeda uu durbadii ku calaacaley inuuba aheyn
xaawo ninka qabo
waxey ku tiri adiga inteed igu ogeyd bal ii sheeg
aniga intaad guri isoo gelisey ayaad iga carartey ilama soo
hadli jirin iima tixgelin jirin naag adiga oo qabtid oo kale
sidaan maba ku moodeynin maba ku aqbaleen
haddana waxaaan kaa codsanayaa inaad ifurtid hadal kale uma baahni
waa yaab
ninkii wuxuu la hadley xaawo waalidkeeda oo ku nolaa gobol kale
wuxuuna u sheegey arinta jirta
waxaa lagu yiri inoo keen anaga ayaa la hadleynee
xaawo ninkeeda markuu xaafadii galey ayaa loogasheekeyey
ninka ay jeceshahay dhalinyaro ayuu ka codsadey in la tusiyo
wiilkaasi
xaawo ayaa maqashey hadalka ninkeeda waxeyna durbadiiba
taleefon u dirtey fanax waxeyna ku tiri waxaa yimid kii i qabey
adiga ayuu kaa maseersanyahay dadka xaafada ayaa wax aan jirin
u sheegey ee iska jir walaalow yuusan ku gaadin
labo beri kadib ayaa fanax oo kubad ku ciyaraayo saldhig galbeed
ee xaafadda xoosh iyo xaawo ninkeeda oo asna gaari ka soo degey
fanax oo markaasi ciyaarta ka soo fadhiistey iyo kan oo gaari
kasoo degey
ayaa wiil ay wax isu ahaayeen xaawo ninkeeda u sheegey
inuu yahay fanax
wuxuu yiri walaal fanax waa kaas oo xaga fadhiyo
fanax ciyaarta ayuu iska daawanaayey dad weynaha
fiirsanayey ciyaarta ayuu hoostooda fadhiyey
waxaa dhanka fanax wajahay xaawo ninkeedii
fanax ayuu uyimid wuxuuna ku yiri walaal ii waran
waan fiicanahay
waxaan rabaa inaan kula hadlo ee makula hadli karaa
fanax wuxuu ku yiri haa
waa uu shakiyey fanax durbadiiba waxaa ku so dhacay hadalkii
xaawo wuxuu ku yiri isug macawiista ayaan sooqadanayaa
wuxuu u tagey wiil ay saaxibo ahaayeen wuxuu yiri saaxibow
qof beryahaan dhan i gadaayey ayaa hadda ii yimid ii dhiib
bistoolada
wuuna ka qaatey asigoo si dadban amaanka u furtey
wuxuuna u tagey ninkii sugaayey
wuxuuna ku yiri haye maxaad iga rabtaa
wax kale kaama rabo dhib ma wato
ee adiga iyo xaawo xaaji
kkkkkkkkkkk wuu ku qosley wuxuu yiri xaawo xaaji waan garanayaa
laakiin waxba nagama dhaxeeyaan waa gabdh walashey ah oo walaalaheyga
saaxiboyihiin
haddaba mid la soco inaad guriga adiga dumisey
anigaa seen ku diminaa gurigaaga
adiga ayaa dumiyey
hadalkaas ha ila imaanin imood hadii aad naftaada rabto
hanjabaad kadib ninkii asigoo yaaban ayuu ka tagey meesha
waxaa safar loo galey xaawo waalidkeeda dhankii ay joogeen
markii meesha la tagey ayaa xaawo aabaheed wuxuu ku yiri see
wax u jiraan
gabadheydii waxey ku tiri aabo aniga waxa la iga shegaayo ma ahi
naag xun ma ahi weligeyna nin kale u ma tagin mana u tagi doono
laakiin ninkaan maalintii la igu darey siduu u baxey hadda ayaan arkoyaa
marka aniga intaasi oo dhan ayuu maqnaa hadii aan rabo mar hore
ayaan macsiyo gali lahaa haddan waxaan rabaa inuu ifuro
intuu danbi igelin lahaa hadal kale ma rabo
wuxuu yiri aniga hadiiba ay ka go,antahay furitaan diyaar ayaan
u ahay inaan furo xaawo meeshii ayaa lagu furey
waxaa u cadaa oo kaliyah in la furo hadal kale wey diidey
xaawo markii la furey waxey la soo hadashey saaxibteeda fartuun
waxeyna usheegtey in la furey waxey tiri
fartuuney abaayo see tahay
waan fiicanahay abaayo adiga see thaya
waan ladanahay
ka waran waalidka wey ladanyihiin dhamaantooda is wareysi kadib
xaawo waxey tiri fanax waxaad ku tiraahdaa
waala i furey waan u soo socdaa u sheeg saaxibey
waayahay waan u sheegayaa
fartuun waajib ayaa saarnaa waxeyna u tagtey fanax
waxey ku tiri fanax haye ii waran waan fiicanahay
waxaa ku soo salaameysey xaawo
teeda kale waad la socotaa ayaan filayaa iney kuu qaadey
jaceyl xaawo
fanax waan dareensanahay laakiin aniga jaceyl inteen ka qabanaa adba
waad ogtahay
teeda kale waxaan kuu shegayaa in qoftaasi la furey
haddan ay soo laaban rabto dartaadan ay usoo socoto
hadii aad la hadashid waxaad ku tiraahdaa aniga diyaar uma ahi
jaceyl iyo afaaro naag ku dheh
yeysan isa soo lug goynin
fartuun kama qarin hadalkii fanax wey u sheegtey
xaawo asiga ayey si toos ah usoo wacdey waxeyna ku tiri
waxa ay saaxibteyda sheegeyso ma runbaa kadib is wareysigii
wuxuu ku yiri abaayo aniga ma awoodi waayo wax barasho ayaan ku jiraa
hadii waalidka ay maqlaan inaan afaaro naag ku jiro
wax hadda wax ku baranaayo ayaa la iga kansalayaa ee xumaan ha u qaadan
jaceylna kama gaaro iga raali noqo
xaawo telka intey ku damisey ayey ku qeylisey muxuu igu nacayaa
miyaan aheyn qof u qalmo jaceyl kan yaa jeclaan jirey
iyo hadalo kale
xaawo maalmo oo dhan waxey ka go,dey raashiinkii
ayadoo kaliyah ayaa isla hadasho cid kale marabto
ilaa heer ay ka gaarto iney markii danbe ay maskaxdeeda isku daranto
yacnii ay qafiifdo
quraan ayaa la saarey waa meesheedii
waxaa la geeyey meel baadiyo ah si ay meesha ugu nasato
laakiin nasiib daro wey reysa weysey waxaa loo geeyey odey waxyaabaha
fiiriyo sida ay somalida caadadoodu tahay siiba dhanka baadiyaha
wuxuuna sheegey ineysan laheyn daawo ilaa wiilka ay markaste
afkeeda ku heyso
haddaba xaawo xiligii ugu danbeysey inkastoo ay yara ronaatey laakin
weli sidii la rabey ma eysan noqon hadda waxey ku sugantahay
gobolkii waalidkeedu deganaayeen

fanaxna wuxuu ku suganyahay muqdisho asigoo dhameeyey jaamcad

haddaba keebaa khalad leh ma gabadhaa mise fanax ?
waa suaal
wixii fikir ah inoogu soo hagaaji
qalbijaceyl11@hotmail.com
ilahano@hotmail.com
waa saaxibkiina hawada
waa c/casiis maxamed sheekh axmed qalbijaceyl
www.nololcusub.tk
ka dhigo hoygaaga kowaad aad kaga bogatide
arimaha jaceylka iyo arimaha qosyka

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: