Anigoo ku jecel maad iga raacdey lacag iyo gaari yer?


waa qiso dhab ah oo ka dhacdey somaliya gaar ahaan koonufrta somalia
gaar ahaan magaalada baydhabo
waxeyna ku dhacdey mucaashaq lagu magacaabey c/salaan
waxeyna dhacdey qisadaani 2006 xiligii dowladii uu madaxweyna u ahaa
c/laahi yuusuf

haddaba waxaan filayaa inaan marbadan ku soo celceliyey suaashaan
yaa awood badan lacagta iyo jaceylka ?
jawaabtu adinka ayaa la idinka sugayaa

haddaba waxey ku bilaabaneysaa qisdan sida tan:

c/salaan wuxuu deganaa magaalada muqdisho madaama ay dowlada saldhigeeda
uu ahaa magaalada baydhabo waxaa meesha isug tagey dadkii oo idil
kii ka shaqeysan lahaa iyo kii u tagey dalxiis iyo kii meesha u guureyba
maadaama ay deganeyd dowladii c/laahi yuusub baydhabo xiligaasi waxey
aheyd meel aad u shidan mise ay dadka meesha isugu tageen dhanwalbo ahaataba
c/salaan wuxuu ka mid ahaa dhalinta u taktey meesha iney ka shaqeysato si uu helo
nolol maalmeedkiisa
laakiin ma uusan helin shaqo asiga kaafiso laakiin wuxuu soo dhacsan jirey
qutul yoonkiisa wuxuuna la degay dhalinyaro oo ay deris ku ahaan jireen muqdisho
maalin maalmaha kamid ah c/salaan asigoo ku jiro meel baranji ah mise lagu diro
taleefanada asigoo rabo inuu ka gato kaar si uu mobilkiisa ugu shubto kaarka uu gadanaayo
c/salaan waxaa halmar ishiisu ku dhacdey gabadh aad u quruxbadan oo ilaahey u dhameeyey
qurux ishii eektaba aysan ka soo jeesaneynin
c/salaan wuxuu qof aad u furfuran oo kaftan badan durbadiiba wuxuu la qabsadey gabadhii
salaan kadib waxey isla wadaageen sheeko yer waxaa la isdhaafsadey magacyada
wuxuu yiri abooyo magacaa muno anigana c/salaan ayaa la idhahaa barasho wanaagsan
ma waxaa tahay reer baydhabo
maya aboowe waxaan ka imid muqdisho
wow masha allah anigaba waxaan ahay reer muqdisho xafadee ayaad ka deganaanjirteen
kadib markii la iswareystey waxaa la is dhaafsadey taleefonada
waxeyna u sheegtey iney inta u joogto booqasho oo kaliyah
laakiin kuma ekaanin booqasho
muno waxey aheyd gabadh aad u uquruxbadan sida ay sheegtey waxey deganeyd muqdisho waxey
ka mid tahay dadka baydhabo imaadey madaama dadka badankooda baydhabo imaanjireen
muddo kadib waa la isku dheeraadey waxaa la wada qaatey sheeko macaan waa la iska heley
c/salaan ayaa u sheegey inuu ka heley oo ku u qaadey jaceyl ay noloshiisu is bedeshey
waxaa ka soo wareegatey dhoor bilood
kama aysan diidin wey ku soo dhaweysey hadalkiisa
c/salaan aad buu ugu farxey habka wanaagsan ay u soo dhaweysey muna
waxaa sii dheeraadey waqtigii madaama uu dheeraadey waqtii waxaa kaloo dheeraadey jaceyl
inkastoo c/salaan ku keli aheyd laakiin c/salaan wuxuu isu heystey in lala qabo jaceylkiisa oo kale
muna waxey la deganeyd adeerkeeda
muna adeerkeeda wuxuu ahaa xilibaan ka tirsan xilibaanada dowlada
waxaa galab kaste lagu kulmi jirey beeraha carabta oo ah meel aad u bilacsan oo aad moodid in loogu
talagaley dadka lamaanaha galab kaste waxaa la adaa isha baydhabo oo ah meel inta badan dadku
daawadaan galabtii
muno iyo c/salaan waxey noqdeen dad aad iskugu dheereeyo midba mid kale is weydaarsado kalmado jaceyl
waan ku jeclahay waan kaa daranahay
galab galbaha kamid ah muno gurigii ay joogtey ayaa waxaa yimid wiil kaasi oo ah mid ay isku beelyihiin muna
laakiin muno ma eysan ogeyn iney isku beelyihiin wiilkaasi wuxuu u yimid xilibaanka
asigoo ka lahaa dano gaar ah asigoo wato gaari yer oo cad
waxaa albaabka ka furey muna wuxuuna ku yiri waxaan u baahnaa xilibaanka
xilibaaka meel sidaas u fog ma uusan fadhin waxey ku tiri adeer wiil ayaa banaanka taagna
waxaa loo soo direy wiil yer oo waardiyo u ahaa xilibaanka
wuxuu yiri soo gudbiya
wiilka wuxuu indhaha la raacey gabadhaan quruxda badan qaabsocodkeeda
markii uu howshiisa dhameystey waa uu soo laabtey wuxuuna u guda galey inuu muna xariir la sameeyo
wiilkaasi inta looga dhameynaayey arintiisa wuxuu imaan jirey galab kasta guriga
galab galbaha kamid ah wuxuu arkey muna oo albaabka banaankiisa fadhiso aad u farxey
fursad baa heysataa qoftaani u sheeg inaad kaheshey
salaan kadib hadal ayaa la isdhaafsadey wuxuuna ku yiri abaayo maku baran karaa
waxey ku tiri haa dhib malahan waxaa la isweydaarsadey magac kadib asigoo la kaftamaayo wuxuu
yiri waxaad tahay qof ishii araktaba aysan ka jeesaneynin
aad baad u qorxoontahay
mahadsanid wuuna u dansheegtey wuxuuna ku yiri beryahaan dhanba dartaada ayaan inta ugu soo laabanaayey
waan kaa heley marka waxaan jeclaan lahaa inaan yeelano xiriir
muna jawaab uma celin haa iyo maya midna ma eydhihin
waxaa sugaayey c/salaan oo ay balansanaayeen
c/salaan ayey u tagtey waxaa la soo qaatey sidii caadada u aheyd waqtigoodii
muno waxey ku fikirtey wiilkaan gaari cad wato iyo c/salaan iney isla wado
oo labadooba midba aysan burin
xariifkaan xiligii uu u baahdo taleefoon ayuu usoo dirayaa wuxuu la imanayaa gaarigiisa
galabtiisii oo dhan waxaa lagu soo wareegayaa gaariga c/salaan yaa u maqan maskiinka war umaheeyo
qoftiisa in gaari cad lagu wareejiyo asna meesha uu cagaheeda kaga caano maalo
c/salaan waa lala qeybsadey waqtigii galab galbaha ka mid ah c/salaan wuxuu taleefoon u direy
muna wuxuu ku yiri galabta aan is aragno waxey ugu jawaabtey aboowe galabta fursad malihi
waayo adeer ayaa xilibaano u imanayaan marka howl ayaan gali rabaa
mun xiligaasi waxey balan laleedahay xariifkii gaari cadaa
ilee horaa loo yiri sir naageed lagama salgaari karo c/salaan maskiinka waa uu ka yeeley
galabtaasi waxaa iska lahaa muna xariifkii gaariga cadaa
habeenkii meeshii taleefoon lagu sheekeysan jirey muna iyo c/salaan ilaa xili danbe
waxaa laga jarey waqti ilee waxaa loo baahanyahay in kan kalena uu waqti la siiyo
muno waxey rabtaa iney labadoodaba isla wado ayadoo c/salaan ay tixgelineyso kan ay ku raacdey
lacagtaas iyo gaarigaasi
muno waxey ka heshey wax aysan ka heli jirin c/salaan waayo waxaa la geynayaa carwooyinka waxaa loo
soo sameynayaa shoobin laakiin c/salaan wuxuu hayaa jaceyl oo fara maran
galab galbaha kamid ah ayaa haddana c/salaan taleefoon usoo direy wuxuu ku yiri galabta aan kulan no
kama eysan diidin laakiin waxey ka codsatey inuu ugu yimaahdo gurigooda
c/salaan galabtaasi aad buu u qarash u galey madaama uu u socdo guri xilibaan aad buu u lebistey
kistii uu dhuri jireyna kabo iyo shaati cusub ayuu ku gatey wuxuuna u jiheystey dhankeeda
xiligaasi waxey deganeyd xaafadda loo yaqaan cadaada asna wuxuu deganaa xafadda loo yaqaano bardaale
ee magaalada baydhabo
talow maxaa dhici doona
haddaba waxaa si lama filaan ah khadka kusoogaley xariifkii gaariga cad watey asigoon balan waxba loo dhigin
asigoo iska dhigaayo qof guriga usocda
c/salaan oo wada sii lugeynaayo ayaa aktiisa gaari cad la mariyey asiga ma oga gaariga meesha uu usocdo
wuxuu arkey gaarigaan oogalaayo guriga uu usocdo asiga
waxaa albaabka ka furey muna asigana durbadiiba waa uu la istaagey
waxey indhihiisu qabteen c/salaan muno oo ninkaani gacanta ku dhegan oo la qosleyso
wuxuu iska dhaadhacsiiyey dad wax isu ah laakiin arintasidaasi ma aheyn
wuxuu taleefoon u direy muna wuxuu ku yiri haye waxaan taaganahay geedka hoostiisa ee ii imow
waxey ku tiri waayahay weyna u timid waxeyna ku tiri aboowe galabta iga raali noqo
gabadh aan saaxibo nahay ayaa cilaan loo saariribaa gaarigaas aniga ayuu ii taaganyahay
marka la,aanteyda wax makala soconayaan ee aboowe macaan galabta iga raali noqo
c/salaan asigoo arkaayo ayaa gabadhii laga watey oo laga saartey gaari cad
kkkkkkkkkkkkkkkkkk maskiin wuxuu fiirey gaariga xariifka wato dib ayuu isaga soo laabtey
galabtaasi waxaa ku abuurmey murugo iyo niyad jab wuxuu is dhahay hadii aad maanta lacag lahaan laheyd
muno kaama tagteen talow maxaa ka dhaxeeyo ayada iyo wiilkaan

LA SOCO QEYBTA LABAAD
WAXAA IDIIN SOO DIYAARIYEY
Mr. C/CASIISI MAXAMED
QALBIJACEYL11@HOTMAIL.COM

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: