JACEYLKA YURUB IYO KHIYAANADA JACEYLKA DHALINTA REER AFRIKA


JACEYLKA YURUB IYO KHIYAANADA JACEYLKA DHALINTA REER AFRIKA
bal aan ka soo qaado mid kamid ah wadamadaasi siiba wadanka masar
gaar ahaa caasimada ee qaahira
igama ahan dad isku dir ee waxaa muhiim ah in runta la shaaciyo waayo waxaa halis ku jirto mustaqbalka dhalinyarada somaliyeed
waxaa laga yabaa dhalinta qaarkood markey arkaan iney u fahmaan khalad laakii waa wax loo baahanyahay in laga hadlo
Qaahira waxaa ku nool dhalinyaro aad u tira badan wiilal iyo gabdhaba ayagoo ku imaadey siyaabo kala duwan

sababta keentey ayaa waxey tahay dhalinta afrika ku nool ayagoo ka fikiraayo nolosha ay ku heystaan iney ka helaan mid ka wanaagsan midda ay hadda ku noolyihiin

kuwa yurubna ayagoo raadinaayo mustaqbal wanaagsan si ey u helaan gabadh wanaagsan mise wiil wanaagsan
Qofkii aragtaba wuxuu kuu sheegayaa mise aad maqleysaa inuu la socdo wiil jooga yurub mise gabadh joogta yurub kuwaasi oo la isku bartey siyaabo kala duwan hadey ahaan laheyd paltalk chating mise qof kale ha isbaree
Maalin ayaan gabadh suaal weydiiyey suaashaasi oo ah saaxiib miyaad leedahay waxey igu jawaabtey
Haa waxaan ku iri ma qaahiro ayuu jogaa
Waxey igu jawaabtey ma waalantahay wiil qaahiro joogo sideen ula saaxibaa waxaa uu jogaa wiilka aan saaxibo nahay yurub
Waxaan kaloo weydiiyey maxaad ku diidey wiil jooga qaahiro ilee asiga ayaa kuu dhow oo aad isfahmi kartaane wax walbo aad adiga tahay mise asiga uu yahay kala fahmi kartaaye
Waxey igu jawaabtey anigana afrika ayaan jogaa asna afrika ayuu ila jogaa maxaan isu sheegeynaa
Waxaan ku iri sow lama dhihi karo wiilkaasi jaceyl dhab ah kama rabtidee ee waxaad rabtaa inaad yurub ley ku taktid
Waxey igu jawaabtey sida aad rabtid u qaado aniga wiilkaasi waan jeclahay
Koleyba jaceylka jaceylka malahan yurub iyo afrika hadba waa sida uu kuu soogalo asiga kulama tashanaayo kuma dhahaayo yurub ayuu jogaa kan afriko ayuu jogaa
Meeshaasi waxaa kaaga cadaan karo ineysan jaceylba uu jirinee ay tahay oo kaliya dano
Gabadhaha oo kaliyah ma ahanee xitaa wiilasha
Sidaasi oo kale madaaama aan gabadhaasi sidaas ka maqley waxaa I gashey bal kaaley eeg dhanka wiilasha
Wiil aan aniga iyo asiga sidaas u kala dheereyn ayaan maalin asigoo ku sheekeysanaayo aalada msnka ku dhahay haye maanta shukaansi ayaa kaa baxaayee anigoo rabo inaan ogaado balsna wuxuu jawaab ii siinaayo wuxuu igu jawaabey sida tan:
Saaxibow gabadh qaahira joogto miyaan shukaansdaa waqtiga ley iskaga luminoyaa sheeko ley moyaane aniga waxaan ka qaraabtaa yurub iyo america
Waxaad u maleysaa iney isla wada ogyihiin kuligooda jawaabahooda waa isku mid waayo wuxuu igu jawaabey
Laba qaawan isma qaado gabadh qaahiro joogto maxey ii sheegee waqtiga ley isku lumineynaa
Haddaba hadii ay wiilashii ay sidaas dhaheen gabdhihiina ay sidaas dhaheen waqtiga la luminaayo maxey yihiin hadiiba aan la wadaageynin mustqbal koleyba meesha waxaa kaaga cad in wiilkii uu inta joogo uu dabka saraayo labo dheri mid ka dheer iyo mid u dhowba
Oo ay tahay sheekada kaasna misetaasna yurub ku aad
Kanna mise tanna inta aad inta joogtid waqtiga la qaado
Haddaba dhalinta yurubna maxey ku raaceen kuwa qaahiro waaba la gartey hadafkooda
Dhalinta yurub joogtana ayagana waa sidaas oo kale
BAL aan eegno ayagana dhankooda
Waxaan ku bilaabayaa gabadh joogto Norway
Gabadhaasi waxey ka mid tahay gabadhaha la xariira webka nololcusub
Waxaan weydiiyey suaashaan
Walaashisa bal saaxiib maleedahay ?
Waxey igu tiri haa waan leeyahay
Ma isku meel ayaad joogtiin waxey igu jawaabtey maya
Meesha aad joogtid ayuu jogaa oo macnaheedu tahay qaahira
Waxaan ku iri maxaad meeshaan fog ka soo raadisey rag waa ragee meesha aad joogtid ayaaba ka heli kartaa ?
Aniga waxaan rabaa oo kaliyah inaan ogaado fikirkooda
Waxey igu tiri wiil inta joogo faa,ido malahan ?
Waxaan ku iri maxaa ku dhacay oo faa,idada ka qaadey
Waxey igu jawaabtey ma rabaan mustaqbal kii aad baratana mise aad is dhahdidna wax la wadaag wuxuu daneynayaa oo kaliyah inuu waqtiga kugu lumiyo oo kaliyah
Maxaad u la jeedaa inuu waqtiga kugu lumiyo?
Qalbijaceyl waad fahmi kartaa wiilashaan wax kale marabaan aan ka aheyn gaabsi
Waxaad arkeysaa gabadh oo laba caruur oo kalo aabe sidato waayo midbey been isu shegayaan kadibna bilooyin ayaa la isla jogayaa haddan xariifkaan mid kale ayuu raadinayaa gabadhiina sidaas ayey kaga rajo dhigeysaa marka dad sidaas oo kale ah mustaqbal malaga sugayaa adiga ayaan ku weydiiyey qalbijaceyl?
Ma ahan wax dheel ah waa dhab inbadan ayaan u guda galey arimahaani waa wax jiro oo xaqiiqo ah
Haddaba bal aan eegno dhanka wiilasha ayagana waxa ay ka tabanayaan oo ay ugu doorbideen gabadhaha yurub kuwa afrika
Wiil aan si fiican isu baraney oo asna ka mid ah asxaabta nololcusub oo maalin ka sheekeysaneyney arimahaasi ayaa wuxuu ii sheegey asna sida tan

Saaxbow qalbijaceyl gabadh yurub joogto haka sugin mustaqbal waayo waxey imaaneysaa ayadoo sharaf leh markey ilbaxdo waxey la qabsaneysaa dhaqanka wadankaan
Wey is bedeleysaa waxyaabo aan lagu dhaqmi karin ayey ku dhaqmeysaa koley qof sidaasi oo kale ah qof mustaqbal ka raadinaayo malahan waayo waxey ka tageysaa dhaqankii iyo sharcigii
Haddaba anaga waxaan rabnaa xaas sharaf leh oo diintu ay ku danbeyso sharaf leh marka gabadhah inta joogo guri laguma haleyn karo waa gabdho ilbaxey
Waxaan ku iri adiga mashukaansataa?
Wuxuu igu yiri haa waan shukaansadaa qofteydana waxey jogtaa Kenya

Walee waa yaab hadiiba ay leeyihiin kuwii yurub joogey sidaas kuwii afrika joogey oo la moodey iney kuwaasi ka fiicanyihiin ayagana maxey jaceylkoodii uga dhigeen damac yurub

Waayo gabadha mise wiilka inta joogo hadii xagga la geeyo asna sow isma bedelaayo asna sow kuma soo doorbidaayo kuwaasi kuwa joogo afrika.
Haddaba hadey sidaas wada noqdeen xagee wax loo raadsadaa
Inta aan imaadey wadanka waxaan dhoor maqley hibil waxaa watey oo wax usoo dhameeyey gabadh joogto yurub markuu xagga tageyna waa uu ka dhuuntey gabadhahan sidaas oo kale mar ma ahan labo ma ahan inta aan maqley

BAL hadey leeyihiin kuwii yurub joogey hadii aad mustaqbal rabtid gabadh mise wiil jogaan Somali mise wadamada kale guurso ee afrikana
Kuwii afrikana hadey ka tahay ku dan gaar wiilkaan mise gabadhaani
Sidee xal lagu heli karaa?

Dadka aan la kulmey mise aan la sheekeystey ma ahan hal iyo labo waa dhalinyaro aad u fara badan si aan u ogaado xaqiiqda waxaan tusaalo u soo qaatey intaasi waayo madaama ay iskuwada mowqif yihiin

Haddaba maxaa xal ah oo loogu bixi karaa aad isleedahay?
Wixii fikirkaaga ah inoogu soo hagaaji fadlan adigoo raali ah fikirkaaga waa inoo muhiim

qalbijaceyl11@hotmail.com

6 Comments

  1. haaaaaaaaaaayl waar ma jacayl uunbaa laga hadlayaa wax guurdoon ah ma la hayaa

  2. waan idin salaamay dhamaantiiba aniga oo ah wiil dhalinyaro ah waxaan doonayaaa gabar guurdoon aha oo diin leh
    by

  3. A.sc waxan ahay wiil guur doon ah waxanse dooni gabar diin leh kuna dhaqanta diinta islamka waxana ku so dhaweyni gacmo furan bi.idnillah email jimcaale_9@hotmai

  4. ascww walalayaal asxaabta nololcusb walal runtii waxaan dhihi lahaa gabar iyo will waa wada janis raadis runti wallahi waxaa xal nooqon karoo in la barto diinta islamka waayo waxay u noqdeen janis raadis diinti baa la dayacay wallahi waa ga talo gabdhow wiilsha haa loo fududeeyo guurka willalow gabdhaha beenta haa laga dayo saan xal manoqonaysoo ok ascwww

  5. Wan idin salaamay dhaman websitka nololcusub.salan kadib,anigo ka fa’ideysanayo fursada khaliga ah,ee malinta jaceylka adunka,xaqiqdi waa malin xasus mudan,waayo jaceylku waa wax jiro,kaaso ku beerma qalbiga bil’aadanka,jaceylku ma aha ciyaar ama mid afka laga shegto adigo arag.byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy.qeyr cafimad cibaado suuban,cilmi iyo cimri dheeri idin rajeynay

  6. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    wallo waa wax cajiiiiiiiiiiiiiib ah deeeeeeeeeeeee waa kaaaaaaaaaaaaf iyo kala dheeri deeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk wad mahasantihiin nololcusub dhamantiin


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: