waa jaceylkii xamaan iyo raxmo ruun qeybtii 4aad


Xamaan in muddo ah ayuu la qaatey gacalisadiisa sheeko aad u xiiso badan koleyba waad dareemi kartaan labo qof oo is jecel oo is horfadhiistey sheekada dhaxmari karto uma baahan sheegitaan iyo falanqeyn


Waxaa la gaarey xiligii uu bixi lahaa xamaan wuxuuna ku yiri abaayo macaan aniga waan baxayaa waayo madiina baabuurteeda waqtiyada qaar habeenkii mashaqeeyaan
Meeshii lagu gaaro maqrib lama helo inta badan
Waayahay macaane
Wuxuuna horey usoo marey raxmo ruun hooyadeeda wuxuuna ku yiri hooyo waan sii baxayaa
Insha allah markale ayaan is arkeynaa waayahay wiilkeyga guriga waa gurigaa oo kale ha ismartiyeynin markaste inoo imow
Maya hooyo guriga waa guriga oo kale marti ma ahi insha allah waan idiin imaandoonaa
Waa uu soo baxey waxaa garabkiisa socda gacalisadiisa raxmo ruun
Raxmo waxey la yaabantahay dabacsanaanta uu ula hadlaayo hooyadeed jaceyl horleh ayey u qaadey
Xamaan baabuur ayuu ku soo dhacay
Raxmo ruun ilaa uu ka qarsamaayey waxey taagneyd laamiga
Asigana dib ayuu u soo egaayey
Xamaan wuxuu imaadey boosteejadii madiina gaari ayuu meesha ka soo raacey.
Asigoo wadada ku jiro ayaa waxaa u soo dhacdey message oo ay u soo dirtey qoftiisa
Waxeyna u soo qortey sida tan

Haddaan hawada kaa arkey
Hungurigii oo idil
Hami waan u waayey
Hilow caahaq baan higsadaa
Ma hurdo habeenkii
Hami jaceyl adigaa horey iigu abuurte
Halbowlihii dhiigga wadey iyo
Hagihii nafteydaa adi kuu hibeeyee
Haddan adiga ku helin
Hubaal waxaa ah
Hambalyaan iska daayee
Harsi waan ka sabrey
Iyo hurd habeen oo idil

Xamaan wuxuu akhrisadey geraarka macaanka badan oo ay u soo dirtey gacalisadiisa
Asna talow muxuu leeyahay muxuu ugu jawaabey

Qurux lagu hanqaarmaay
Hogol iyo hilaaceey
Hood iyo nasiib wacan
Oo aan haweenku wada helin
Adigaa hantiyayoo
Ifka ugu horeeyee
Qalbi kuu hilooboo
Kuu qabo haraadaa
Caashqa haleeloo
Anigana i hawlee
Naftaydaa kuu jirrabanoo
Waxay haysa jamashadaa
Adaan kuu jeellanahayoo
Jacayl baad igu abuurtay
Ma jiifsado cawadii
Dharaartii ma joogi karo
Dhinaca aad iga jirtaa
Qalbigu ii jiidayaa
Waan ku jeclahay
Macaanto marna
Kuma ilaabi karo
Ha igu cidleyn caashaqan

Waa gacaliyahaaga xamaan
I love u for ever

Xamaan markuu intaas afkiisa ay ka soo baxeen uu uga dhigey jawaab celin

Xamaan wuxuu soo gaarey xoosh wuxuuna u jiheystey xaafadoodii asigoo dhoola cadeynaayo markaste asigoo egaayo gacalisadiisa qoraalkii macaanka badnaa usoo dirtey dadka wadada maraayo waxey la yaabanyihiin xamaan waayo qof wadada socda oo keligiisa iska dhoola cadeynaayo qofkii arko dabcan waa uu layabayaa laakiin ma oga wuxuu la dhoolcadeynaayo
Wuxuu gaarey gurigoodii durbadiiba wuxuu bilaabey inuu dharka iska bedelo oo xogahaa banaanka ku leersado wuxuu durbadiiba wacey saaxibkiisa c/casiis
c/casiis meel sidaasi u dheer ma uusan joogin wuxuu joogey xaafad u dhow oo ay wiil saaxibo yihiin deganyahay wuxuuna ku yiri saaxib intee joogtaa
wuxuu ku yiri matimaadey adigaa
haa waan imaadey waayahay meel aan kaa dheereyn ayaan jogaa hadda ayaan kuu imanayaa
c/casiis ayaa u yimid meesha ayaa la isku salaamey
wuxuuna u sheegey inuu maanta si wanaagsan loo soo dhoweeyey oo xitaa in muddo ah la sheekeystey raxmo hooyadeed
wuxuu kaloo u raacsiiyey raxmo hooyadeed saaxibow caadi ma ahan waa qof bashaashley ah aad bey ugu faraxsaneyd
dhanka kale raxmo iyo hooyadeed ayaa waxaa dhaxmarey sheeko gaaban
weyna u wacdey raxmo oo xiligaasi ku mashquulsaneyd fariintii uu usoo direy gacaliyaheeda
raxmooy kaaley hooyo
weyna u timid waxey weydiisey dhoor su,aalood
raxmo wiilkaan intee iska barateen
hooyo waxaan isku baraney guriga maryan
waa wiil fiican oo masha allah
haye waan ku dareemi karaa waad jeceshahay sida aan filaayo
haddaba waxaan kugula talinayaa inaadan ku dheelin sharaftaada oo aad lahaatid taxadir waayo wiilasha sanadkaan joogaan la iskuma haleyn karo intey jaceyl been ah kugu abuuraan kadibna sida ay rabaan kaa yeeshaan meel cidlo ah kaaga tagayaan
maya hooyo waan isku kalsoonahay wax khalad ah masameyndoono hooyo haka baqin taasi
xamaan ma u maleynaayo inuu sidaasi uu ila dhaqmi doono waa wiil aad u fiican
waxey usii raacisey mataqnaa ehelkiisa ?
maya hooyo laakiin waxaan garanayaa wiil ay saaxibo yihiin aadna u fiican
xamaan ma aheyn wiil damacsan inuu raxmo ruun ku dheelaayo inkastoo xiligaasi somaliya ay aheyd waan ku arkey waan ku caashaq kadibna sidii larabo laga yeelan jirey gabadhaha kadibna meel cidlo ah loogu tago xili ay gabadha weyso gabadhnimadeeda
dhanka kale c/casiis ayaa xamaan wuxuu ku yiri saaxibow majeceshahay gabadhaasi teeda kale sow ma ogid iney hooyadaa ogoleyn oo hadda ka horna ku dhahdey kuwii kaa weynaa ayaa mustaqbalkoodii lumey ee adiga howshaasi kulama rabo ee wax baro maanta hadii aad leedahay waxbaan jeclahay aad gabadhaasina markaste kulmeysaan meeshaasi waxbaa ka imaan karo maka fikirtey hooyadaa
hadalkaasi uu ku dhahay c/casiis waa wax jiro oo hadda ka horna ayagoo isla joogo lagu yiri waayo xamaan hooyadiisa waa halka wiil ay fiirsaneyso oo wax u baranaayey waxeyna la timineysey inuu meel dheer ka soo baxo laakiin jaceyl asiga maa kula tashanaayo
xamaan wuxuu ku jawaabey waan la socdaa dhib mey leedahay wax barashada iyo jaceylkeyga hadii aan isla wato
saaxibo dhib malahan laakiin weli waxaa tahay qof da,yer marka uma adkeysan kartid ee haddaba lahaaw feejignaan waalidkaagana yuu ku habaarin jaceylkaagana ilaalso
wuxuu ku yiri waad igu ogtahay
wixii markaste la iswaco la sheekeysto taleefoon lagu wada hadlaba nafjaceyl miyey harsan kartaa nafteeda oo meel kale jirto waa maya jawaabta raxmo xamaan waxey u sheegtey iney soo bixidoonto khamiista ayna u imaaneyso asiga ayna ku kulmidonaan guriga c/casiis
kama uusan diidin xamaan wuxuu u sheegey c/casiis iney imaandoonto raxmo ruun ayna ku kulmidonaan ilee meel kale lagu kulmo malahan raxmona marabto iney ogaato maryan arintaani
wixii khamiista la sugaba waa la gaarey weyna u timid
soo dhoweys kadib waxaa la qaatey sheeko jaceyl bashaal jaceyl kaftan jaceyl kadiba raxmo xamaan wey ku tiri gacaliye madaama aanu nahay dad aad isu jecel maxaa inoo talo ah sow ma haboona inaan jaceylkeena aan ka miri dhalino
xamaan wuxuu ku yiri haa aadbey u wanaagsantahay laakiin aniga hadda waxaan ahay ardey mardhow ayaan dhameyn rabaa dugsiga sare hadii aan hadda dhaho waalidkeyga aan usoo bandhigo la igama oglaanaayo
arimahaasi marka aan dhameysto ayaan howshaasi galeynaa insha allah cid kale aan jacel la qadanaayo majirto adiga ayaan kuu jogaa adiga ayaan kuu noolahay ifka inta aan joogo adiga ayaan kuu jogayaa ee jaceylkeena waan dhisi donaa waa balan

la soco qeybtii 4aad
waxaa idiin soo diyaariyey
Mr qalbijaceyl
qalbijaceyl11@hotmail.com

3 Comments

  1. Dhamaan daadiyaha barnamijkan iyo inta ku taxanba waan idin wada salaamay runtii jaceylka sidiisaba waa mujado ka kadisan mar waxad la kulmeysa qof aadan waligaa ku riyo in aad nolasha la wadaagtit ayaad nolasha lawadaageysa farxadna aad kuwada nolaaneysan waxad lakulmeysaa qof aad mar walbo ku hamisid in ay nolsha kula wadaageyso oo naftada ku xirtay ayaad wayneysaa oo aadan nolal la wadaageynin ALL WAAYUHU ISBADAL BADANAAAA!!!

  2. Ugas sheekadan waxan ku soo xasoostey gabar aan jaclan jiray aqirka waxay ku dhameenaysa ha laga danayso marka jaceyl noocan oo kale mama sii socondoono

  3. Kkkk


Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: