waa jaceylkii xamaan iyo raxmo ruun qeybtii 5aad


Waxaa la gaarey xiligii ay tagi laheyd raxmo ruun waxeyna ku tiri waan sii baxayaa

Weyna is raaceen xamaan iyo raxmo ruun
Waxaa sheeo lagu sii qaatey wadada dhaxdeeda
Ayadoo la isku egaayo indho jaceyl midba mid kale
Raxmo ruun wey rawaxdey waxeyna aadey gurigoodii xamaan dib ayuu ugu soo laabtey qofba qof kale waa uu soo macasalaamayey
Xamaan markuu soo laabtey ayuu la sheekeystey maskaxdiisa asigoo hadaladii raxmo ruun dib ugu laabtey
Xamaan wuxuuna isbarbardhigey hadalkii hooyadiisa iyo hadalka raxmo ruun
Wuxuuna go aansadey inuu dhameysto wax barashadiisa markuu dhameystana dugsiga sare uu guri geysto oo la hadlo walaalihiisa iyo abtiyaashiisa oo dibada wada jirey
Muddo sanad kadib xamaan wuxuu ka baxey mise uu dhameystey dugsiga sare
Jaceylkoodina horey ayuu usiiweynaadey
Xamaan markuu dhameeyey hooyadiisa waxey ku tiri waxaad gashaa jaamacad waxaana laguu raadinayaa wax barasho dibadda ah
Laakiin xamaan kuma uusan qanacsaneyn wax barashada dibadda ah waayo waa qof la jiidanaayo oo markaste hortaagan ereyadii macaanka badnaa iyo jaceylkii raxmo ruun naftiisu ma jecla iney meel uga takto raxmo ruun
Wuxuuna galey oo uu iska diiwaan geliyey jaamacadda muqdisho asigoo markaasna dalbadey kuliyada computer scines mise kombuyuuter saynis
Intaasi waa uu socdaa xariirkooda marna ma istaagin sidiibaa la iskugu heyaa jaceyl
Xamaan hooyadiisa waxey guda gashey sidii ay wiilkeeda dibada ugu diri laheyd uu meesha wax ugu soo baran lahaa laakiin xamaan ayaa ka soo horjestey arintaasi oo uu ku yiri hooyo wadankaaga inaad wax ku baratid wax dhaamo malahan meeqa qof intey aadey dibada ay wax ka keeni waayeen ayagoo jaamacad soo dhameeyey oo yimid ayagoo dadka inta joogo waxba aan dhaamin hooyo inta ayaan wax ku baranayaa ee ha iskalifin marka aan dhameysto jaamacadda ayaan aadayaa dibada si aan meesha ugu dhameystirto
Kama eysan diidin hadalkii wiilkeeda waayo waa wiilka kaliyah ay fiirsaneyso oo wax u baranaayo
Teeda kale raxmo ruun ayaa weydiisey xamaanow haddana waxaad I dhihi rabtaa miyaa inta aan ka dhameynaayo jaamacadda gacaliyo aniga dhankeyga wax walbo waa diyaar ee waalidkaaga maad la hadashid
Raxmo war umaheyso waalidka xamaan sida ay la rabaan wiilkooda
Ayadoo arinta sidaas tahay ayaa waxaa soogaarey somaliya xamaan walaalkiisa kaasi oo ka yimid dalka sacuudiya
Muddo markuu joogey ayuu xamaan arimahiisa u bogi waayey wuxuuna ku yiri
Xamaan I dhageyso aniga waxwalbo waan fahmi karaa howshaan aad kujirtid anaga ayaa horey usoogalney waxaan ku weyney wax barashadeenii hadda waa inoo jedaa inaan xamaaleyno wax aan u ordeyno waa adiga oo kaliyah marka walaalo ha marin wadeenii hore wax baro marka aad wax baratid adiga ayey kuu imaaneysaa aduunyada yeysan ku qaadin caruurnimo gabadhaan aad isla socotaan iska ilow u soo jeeso wax barashada wax sidaas uweyn ma ahan ee waa 4sano hadey ku sugu karto haku sugtee kuna dheh marka aan dhameysto jaamacadda ayaan aqalgaleynaa hadii aad dhameysatid waxaan kuu direynaa yurub adiga iyo ayadaba
Xamaan hadalkaasi waa uu ka dhageystey laakiin wuxuu kaga tagey meeshii loogu sheegey
Wuxuuna ku yiri dhib malahan taasi aniga ayey ii talaa wax walbana wey hagaagayaan
Xamaan wuxuu raxmo ka codsadey iney kulamaan sida ugu dhaqsiyaha badan raxmo kama eysan diidin waxaa lagu balamey meeshoodii
Marka la isu imaadey xamaan wuxuu u sheegey ineysan cidiisa aysanba la ogoleyn wax la yiraahdo guur marka talo ayaa ina hortaalo sideen wax yeelnaa haddana waxaa la igu xirey ilaa aan ka dhameynaayo jaamacad inaan wax gabadh aan keenin marka aniga iyo adigana waan isjeclanahay ma kala maarmi karno sidee wax yeelnaa
Waxey ugu jawaabtey adiga ayaa rag ah oo lagaa rabaa talo aniga wax walbo adiga aad tiraahdid diyaar ayaan u ahay
Intaasi kadib waxaa la iska galey sheekadii jaceylka ilee waa dad hamuun isu qabee labo qalbi oo is doortey
Waxaa uyimid c/casiis oo joogey guri dariskiisa ah
Salaan kadib meel ayaa la wada fadhiistey raxmo oo c/casiis la kaftameyso waxey ku tiri dumaashi adiga gabadh maad la socotaa ? adigoo gabadh la hadleysid mise afarahaas ku jiro kuma arkinee
Kkkkkkkkk haa waa runtaa aniga jaceylka oo dhan ayaan ka soo horjeedaa malinta aan wax u baahdana tii aan arko ayaan raadsanaa jaceyl xamaan ayaan ku arkey dhibkiisa marabo sidaan ayaa ii roon
Maya dumaashi sida aad u maleysid ma ahan jaceylka wax ka fiican majirto waa hadii lagula wado hadiiba uu yahay mid dhab ah wax halaawaayo majiraan ee ilaahey mid kula fahanto jaceylka hakuu sahlo

Meesha ayaa lagu sharaabey oo lagu kaftamey
Raxmo wey baxdey sagootin kadib
c/casiis iyo xamaan ayaa tashey sidii laga yeeli lahaa arintaani
xamaan wuxuu yiri saaxib I dhageyso aniga gabadhaan waan jeclahay waalidkeygana afarahaan ma ii ogola aniga iyo raxmo markaste ma isu imaaneynaa makala tageynaa waxaan rabaa jaceylkeyga mirihiisa koleyba hadalkaasi waad fahmi kartaan

waxaa idin diyaariyey mr qalbijaceyl
qalbijaceyl11@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

fikirkaaga waa muhiim pls leave comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: